Tareenka nolasha

Description
waxad ka helaysaa xikmado, qisoyin, gabayo, iyo barnamijyo diini ah oo ku anfaca nolashada.
Advertising
We recommend to visit

Waa mareeg lagu aruuriyo duruusta culimada soomaaliyeed.

Waxa ka masuul ah:
https://t.me/IshraqCenter

Kala xidhiidh maamulka halkan:
@Turaasculimobot

Waxaad ka heleysaa buugaag ku qoran Luqadaada Hooyo ee Af-Soomaaliga oo ka liyah

Fadlan wixii Su'alaha la xariir

@liibaanwaasuge
@Mfaratoon

Hoyga Aflaanta Hindiga & Musalsalda Afsomali ah Gaar ahaan Kuwii Hore ee 70aad Kii ilaa 2024 Jaceyl Waali @ALFAGHISTUDIO Halkan Ka Daawo

1 month, 2 weeks ago

#xikmada: 115aad

Badanaa waqti yar oo aad hawadaada raacday kidibna aad ka dheeftay dulli iyo faqri dheer.

1 month, 2 weeks ago

Sharxida kalimaadka:

والضّحى:
Waa malinka galinkiisa hore inta u dhaxaysa soo bixida qoraxda illaa ay ka gaarto bartamaha.

إذا سجى:
Marka uu mugdigiisa ku daboolo aduunka, hebeenkana dago, dadkana ay xasilaan.

ما ودّعك:
Kaama tagin mana kaa faariqin.

وماقلى:
Kuuma caroonin mana ku nacin.

فئَـاوی:
Miyaan kuu tala saarain adeerkaa abuu daalib.

ضـالّا:
Adigoo aanan garanaynin diin iyo hanuun midna.

عـائلا:
Adigoo sabool ah oo aan waxba haysan.

فأغنی:
Qanaaca ku siiyay iyo wixi uu kuu yasiray oo ah maalka khadiijo iyo abuu bakar alle haka wada raali noqdee.

فلا تقهر:
Ha dullaynin maalkiisana ha qaadan.

فلا تنهر:
Ha canaanan hana ku dhihi hadal laabta ka guba ama hadal dhiba.

فحدّث:
Sheeg sheeg waxa alle kugu galladaystay adigoo kaga mahad celinayo arinkaas.

TAFSIIRKA SUURADAHA GAGAABAN.

1 month, 2 weeks ago

Waxyaabaha laga faaidayo aayadaha:

1: aduunyada kama marno dhib iyo ciriiri.

2: cadaynta saraynta nabiga ﷺ iyo sharaftiisa halka ay garsiisantahay.

3: banaanaashaha ay banantahay in adoonka la xasuusiyo nicmoyinka iyo dhibatoyinka iyadoo adoonka lagu xambarayo in uu sabro shukriyana.

4: wajibnimada ay waajibka tahay ka mahadnaqa nicmoyinka alle, arinnkasna wuxu ku ahanaya in loo adeegsado wax alle cazza wajalla raali ka yahay.

TAFSIIRKA SUURADAHA GAGAABAN.

1 month, 3 weeks ago

#Qisada: 17aad.

MACALIN IYO ARDAYGIISA.

Macalin jaamacad dhigo ayaa waayay aradaygisa tafta ahaa ee dhiganayay marxalada digtoorada, wuxu go'ansaday in uu aado gurigiisa si uu u soo booqdo wuxuna is dhahay wuu xanunsanyahay oo wax aan xanuun ahayn ugama maqno jaamacada.

Marku soo garay gurigii ardayga wuxu arkay guriga ardayga in uu yahay hal qol oo dulduleela, ardaygana uu yahay mid aad faqiir u ah qaab uusan suuradaysan jirin.

Ardaygi marku macalinkisa koob shaah ah u keenay kadib, maclinkii wuxu ku dhahay maxad jaamacad u iman wayday?

Ardayga: waxbarashada kuuma goonayso xirmo dabocase ah!

DABOCASE: waa nooc kamid ah qudaarta waxana laga helaa dhulka carabta.

Macalinki wuxu la wareeray hadalka ardaygiisa, inta uusan waydiinin hadalkiisan sababtiisa, ardaygii ayaa hadalka la dagdagay oo yiri:

Maclinkaygiyo sharafta leh mudo asbuuc laga jooga ayaan daremay gaajo mana haysan waxan ka ahayn $ 1.5, $1 waxan ku iibsaday muufo waxana aaday qudaarlaha waxana rabay in aan iibsado dabocase kuna iibsado $0.5 kii ii soo haray, wuxuse igu dhahay xirmo dabocase ah waa $1!

Waxan ku dhahay waxan ku bari karaa hal mas'alo oo naxwa ah ama waxan kuu sheegi karaa hal qiso oo adaabta ku saabsan badalkeedana xirmada dabocasada ah waxa iiga iibinaysaa $0.5.

Wuxuna igu yiri isagoo ugu jeesjeesaya: waxbarashada kuuma goonayso dabocase!

Waxan ogaaday in ay runtisa tahay waxana go'aansaday in aan waxbarashada ka tago, oo aan raadsado shaqo ii suura galinayso in aan iibsado rooti iyo dabocase!

Macalinkii hadalka ardaygisa waxba kama uusan dhihin, wuxuse siiyay faranti dahab ah wuxuna ku dhahay farantigan ii soo iibi barina iigu imaaw jaamacada waan sheekeesan doonnayee, kadibna wuu istagay wuuna iska baxay!

Sidii la rabayba ardaygii malinkii xigatayba wuu imaday isgoo wada lacagtii farantiga.

Macalinkii wuxu ku dhahay qiimo fiican ayaad ku soo iibisay ee xagee ka soo iibisay?

Waxan kasoo iibiyay suuqa dahabka.

Macalinka: Maxad uuga iibin waysay qudaarlaha?!

Ardayga: qudaarlaha ma garanayo qiimaha dahabka.

Macalinka: sidaasoo kale isaga ma garanayo qiimaha cilmiga, mushkilada ma ahan in cilmigaga qiimo lahayn ee qof aan qiimaha cilmiga garanaynin ayaad wax kaga badalatay!.
━━━━━━━━━━━
#Xikmada:

Mararka qaar wanaga aan samenayno dadka aan u samenayno waxan kala kulannaa xumaan, taasina kama dhigno in wanaaga aan samenayno uusan qiimo lahayn ee waxay ka dhigantahay in dadka qaar aysan ehel u ahayn wanaga qiimihisana aysan garanaynin.

1 month, 3 weeks ago

﴿فَدَعَا رَبَّهُۥٓ أَنِّي مَغۡلُوۡبٌ فٱنتَصِرۡ﴾
{Rabbigiisa ayuu baryay wuxuna yiri aniga
waxan ahay mid laga adkaday ee ii hiili}.

Ka digtonow ducada kuwa aan haysan alle cid aan ahayn:
Shaqalaha miskinka ah ee aad musharkisa ka cuntay,
Iyo xaaska tabarta yar ee aad dullaysatay,
Iyo walalka aad dhaxalkiisa boobtay,
Iyo dariska aad dhulkiisa ku xad gudubtay,

Waxa laga yabaa in adiga aad habenkaga iska seexatay, isgana in uu istagay soona weesa qatay kuna ducaystay ducadii nabi nuux (CS) ee ahayd: ﴾أَنِّي مَغۡلُوۡبٌ فَٱنتَصِرۡ﴿ allana uu aqbalo ducada midka la dulmiyay malaigtisana uu amaro in ay u hiiliyan adoonkisa.

Jacfar albarmaki ayaa aabihiisa waydiyay iyago xabsi kuwada jira: aabow madaxtinimadenii iyo xoolaheni kadib ma waxan ku jirnaa halkan? Aabihiisa wuxu ku dhahay wiilkaygiyow tani waxay inoogu dhacday mid aan dulmiyay ducadiisa annagana aan iska hilmamnay balse alle uusan hilmamin.

📚 رسائل من القرآن، أدهم شرقاوي.

1 month, 3 weeks ago

Waxa xumaaday adoon ka quustay naxarista alle rajadiisa iyo damiciisana ay go'een, arinkasna ku sababay xumaan, calmalkisa iyo dabcigisana xumaaden, una malenayo in xagga alle naxariis kaga imanaynin, naftisana ka hor istagtay rajo iyo wanagoo dhan.

2 months ago

#gabayga: 15aad

**Eed ma leh qabiil {1}

●In qabiil la sheegtaba dad baa, qoonsadoo naca e
●Qaab darriyo waxay moodayaan, qool cadaawa ahe
●Bulshadoo la kala qaybiyiyo, qaran wadkiisii e
●Oo aan qiil dhigaayiyo daliil, qiraya loo hayne

●Jahli aan qalbiga laga inkirin, baa ka qaaliba e
●Qur'aankiyo ma eegaan sunnadu, tay qarrirayaane
●Qiyaastuna waxay kaa ridaa, qar iyo buurdheere
●Haddii ay cilmiga qabanayaan, qalad ma keeneene

●Haddii ay qallooc tahay nabigu, qolo ma sheegteene
●Qoyska haashim iyo lama maqleen, cido qureysheede
●Qur'aan kama qiseeyeen wixii, qooman soo jireye
●Qabiilada thamuud amase caad, qorraadeene**

2 months ago

Islaamka waa diinta cizzada iyo karaamada qofkii u istaaga u adeegideeda iyo xoojinteeda, alle ayaa xoojiyo karaameyana aduunyo iyo aakhiraba.

2 months ago
2 months, 1 week ago

Barnamijyada ka baxa chanalka.

1: BARNAMIJKA QORMO:
Wuxu baxa subaxa sabtida sacadu markay tahay 8:00am.

2: TAFSIIRKA SUURADAHA GAGAABAN:
Wuxu baxa subaxa axada sacadu markay tahay lixda aroornimo 6:00am.

3: MAGACYADA ALLE MICNAHOODA:
Wuxu baxa subaxa talaadada & subaxa jumcaha sacadu markay tahay lixda aroornimo 6:00am.

Iyo barnamijyo kaloo noo diyarsan oo aynu bilaabi doonno ramadanka kadib hadduu rabbigay idmo.

We recommend to visit

Waa mareeg lagu aruuriyo duruusta culimada soomaaliyeed.

Waxa ka masuul ah:
https://t.me/IshraqCenter

Kala xidhiidh maamulka halkan:
@Turaasculimobot

Waxaad ka heleysaa buugaag ku qoran Luqadaada Hooyo ee Af-Soomaaliga oo ka liyah

Fadlan wixii Su'alaha la xariir

@liibaanwaasuge
@Mfaratoon

Hoyga Aflaanta Hindiga & Musalsalda Afsomali ah Gaar ahaan Kuwii Hore ee 70aad Kii ilaa 2024 Jaceyl Waali @ALFAGHISTUDIO Halkan Ka Daawo