Last updated 2 weeks, 5 days ago
Channel kun dhimma barattoota oromoo irratt odeeffannoo garagaraa dhiyeessa
Yaada fi qeeqaa karaa @Barattootaorobot jedhun nuuf kenna
⚡️⚡️Karaa YouTube dhan nu hordofuuf https://www.youtube.com/@OroAcademy⚡️⚡️
https://telega.io/c/Barattootaoromo
Last updated 1 month, 2 weeks ago
♥️♥️🕋Inshaa Allah Yoo Rabbiin fadhe
👉 Seenaalee
❤ Hadiisa rasuulaa ﷺ
👉 Gaaffii fi deebi'i
👉Gorsa sheekkota keenya bifa barreefamaatin Fi Kkf
CEO: @Iklaaas
Yaadaa fi qeeqaaf @Hawwiislaamic_bot
Last updated 1 week ago
Ibnu Cuthaymiin wuxuu yiri:
"Wanaaga dumarka: waa in gabadhu ay nafsad ahaanteedu wanaag santahay; si ay tusaale wanaagsan iyo ku dayasho wanaagsan ugu noqoto gabdhaha la midka ah, laakiin sidee gabadhu wanagaas u heli kartaa?
In ay gabadh kastaahi ogaato in aanay wanaaga ku gaari garin cilmi mooyaane, waxa aan ula jeedana waa cilmiga sharciga ah oo ay barato, ha ka aqrisato kutubta - haday awooddo arinkas- ama ha ka qaadato culimada afkooda, waxa isku mid ah ha ahaaden culimadas rag ama dumar.
Waqtigenan aynu joogno waxa aad u fudud in dumarku ay aqoonta ka helaan culimada afkooda, iyada oo loo marayo cajaladaha la duubay –alle ayaa ku mahadsan– cajalladahasi waxay door weyn ku leeyihiin in bulshada loo jiheeyo wanaagga iyo xaqqa, waa haddii sidaas loo adeegsado.
Haddaba wanaagaa gabadha waxa laga maarmaan u ah cilmi; waayo wanaag ma jirayo cilmi la'aan".
Ma jiro xiriir diinteenna ogashahay oo ka dhexeeya ragga iyo dumarka:...
Marka laga reebo guurka, wixi intaas ka soo hara gabi ahaanba waa baadil.
Xiriir jacayl, saaxibtinimo baraha bulshada, saaxibtinimo shaqo, saaxibtinimo ixtiraam ku dheehan, waa walashey ama walalkay oo kale iwm...
Dhammaan magacyadaas ma ahan illaa munkarkoo la baneesto ama suuraddiisa la wanaajiyo si aan loo cambaareyn, illaa arinku ka noqdo mid caadi ah.
Gabadha saaxiibkeedu waa: ninkeeda, aabeheeda, wllkeeda, iyo wiilkeda oo kaliya.
Wiilka saaxibidiisna waa: xaaskisa, hooyadisa, walashiisa, ama gabadhisa.
Wax intaas ka soo haray ma garanayo.
QALBIGAAGA DAAHIRKA AH HA WASAQEENIN.
◆ Meeshaad doonto aad laakin ha hilmaamin:
◇ {Noqoshadu waxay ahaan doontaa xaga rabbigaa}
◆ Waxad doontana samee, waxa jiro:
◇ {Kitaab aanan ka tagaynin wax yar iyo wax ween illaa wuu koobaa}
◆ Waxad doontana ku hadaaq laakiin:
◇ {Wax kastoo lagu dhawaaqo oo hadal ah waxaa la joogo raqiib iyo catiid oo qori}
◆ Meshaad doontana u carar lkn bari ayaa la dhihi doonaa:
◇ {Soo joojiya waala su'aalayaaye}.
#Xikmada: 191aad
Qofkii noolaada isagoo akhlaaqda ebar ka ah, wuxu noolaadaa isagoo sabool ah, walow dahabba ha ku dulsocdee.
#Xikmada: 190aad
Kheyr niyeeso; maxayelay kheyr ka suuli
maysid inta aad kheyr niyesanayso.
#Xikmada: 189aad
Aadanaha haddii uu raaco dabeesha isagoo
ka cararaya risqigiisa, risqigana wuxu soo
raacaa hilaaca si uu u soo haleelo.
#Xikmada: 180aad
Waxa jiro hal jid waliba la hubo oo lagu gaaro liibaanta labada daarod, waana in alle xiriir lala yeesho; waayoo
alle ma dayaco kuwa ku kalsoonada.
#Xikmada: 179aad
Hddii aad awoodo in aad garab qabato dadka kale garab qabo, haddii aadan awoodinna ugu yaraan ha dhibin.
#Qisada: 22aad
Sheekh dumarka ugu yeerayay xijaabka iyo in ay ka tagaan is qaawinta ayaa haweeney ku tiri:
Raga indhahooda ha laabtaan!
Sheekhii wuxu ku yiri: bal ka waran haddii aad haysan lahayd malab ku jira weel af feedan, deedna daqsiyada
ay ku soo aruuran sideed uga erin lahayd?
Waxay tiri: weelka ayaan dabooli lahaa.
Wuxu ku yiri: dumarkana waa sidaas oo kale haddii ay daboolaan jirkooda ragga ku wooda daqsiyada ah indha ayey ka laabtaan.
━━━━━━━━━━━━━
#Xikmada:
Mararka qaar waxa laga yabaa in naftada ay diido qof kula rabo wanaag kuuna sheegayo qiimaha aad leedahay, naftaadana ay adeecdo mid rabo in uu ku maran habaabiyo isagoo kuugu soo gambanayo xorriyad ayaan kula doonayaa, nafyahay ka fiirso yaad diidi yaadse adeeci.
FARIIN MUHIIM AH:
Kuna socota gabar walboo fududaysata xijaabka ama dib dhigta xirashadiisa.
Hadaad ogaan lahayd inta ay la egyihiin dambiyada aad xambaarsantahay markaad guriga ka baxayso iyo markaad ku soo labanayso, ma ogtahayse inta ay la egyihiin dambiyada kuu socda intaad nooshahay iyo xattaa markaad dhimato.
Xijaabkoo aad ka tagto wuxu kugu xambaraya waxadan kari karin oo dunuub ah; maxayelay is qaawinta waxay kamid tahay dunuubta waa weyn.
Xijaabkuna waa waajib waxana lagu sheegay qur'aanka qowlka alle uu leeyahay:
﴿يَا أَيُّهَا النَّبِيُّ قُل لِّأَزْوَاجِكَ وَبَنَاتِكَ وَنِسَاءِ الْمُؤْمِنِينَ يُدْنِينَ عَلَيْهِنَّ مِن جَلَابِيبِهِنَّ ۚ ذَٰلِكَ أَدْنَىٰ أَن يُعْرَفْنَ فَلَا يُؤْذَيْنَ ۗ وَكَانَ اللَّهُ غَفُورًا رَّحِيمًا﴾ [سورة الأحزاب/ 59]
{Nabiyow ku dheh xaasaskaaga iyo gabdhahaada iyo haweenka mu'miniinta isku dada xijaababkiina taasaa idin kugu dhaw in laydan aqoonsan oon laydin dhibinee, allane wuxu ahaaday dambi dhaaf badane naxariis badane ah}.
Gabadadha is qaawisa jannada ma gasho carafteedana ma hesho waxana u daliila nabiga ﷺ qawlkiisa:
((وَنِسَاءٌ كَاسِيَاتٌ عَارِيَاتٌ مُمِيلَاتٌ مَائِلَاتٌ، رُؤُوسُهُنَّ كَأَسْنِمَةِ الْبُخْتِ الْمَائِلَةِ، لَا يَدْخُلْنَ الْجَنَّةَ وَلَا يَجِدْنَ رِيحَهَا، وَإِنَّ رِيحَهَا لَيُوجَدُ مِنْ مَسِيرَةِ كَذَا وَكَذَا)).
{Haween dhar hugan hadana qaawan, lunsan dadkana lumiya, madaxyadoodana aad moodo hasha kuruskeedu leexday, jannada ma galayan udgoonkeedana ma helayaan, udgoonkeedana waxa laga helaa in u jirto masaafo dhan intaa iyo intaa}.
Hadalkale ayaa inoogu laaban markale ayeynu idiin soo gudbin haduu alle idmo.
Last updated 2 weeks, 5 days ago
Channel kun dhimma barattoota oromoo irratt odeeffannoo garagaraa dhiyeessa
Yaada fi qeeqaa karaa @Barattootaorobot jedhun nuuf kenna
⚡️⚡️Karaa YouTube dhan nu hordofuuf https://www.youtube.com/@OroAcademy⚡️⚡️
https://telega.io/c/Barattootaoromo
Last updated 1 month, 2 weeks ago
♥️♥️🕋Inshaa Allah Yoo Rabbiin fadhe
👉 Seenaalee
❤ Hadiisa rasuulaa ﷺ
👉 Gaaffii fi deebi'i
👉Gorsa sheekkota keenya bifa barreefamaatin Fi Kkf
CEO: @Iklaaas
Yaadaa fi qeeqaaf @Hawwiislaamic_bot
Last updated 1 week ago