Why Pay for Entertainment? Access Thousands of Free Downloads Now!

QALBI DHAYE

Description
𝗞𝗮𝗻𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮𝗻 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗱 𝗸𝗮 𝗵𝗲𝗹𝗶 𝗱𝗼𝗼𝗻𝘁𝗮
𝗫𝗶𝗴𝗺𝗮𝗱𝗼
𝗗𝗵𝗶𝗿𝗶𝗴𝗮𝗹𝗶𝗻
𝗡𝗶𝘆𝗮𝗱 𝗱𝗵𝗶𝘀
𝗝𝗮𝗰𝗮𝘆𝗹 𝗺𝗮𝗿 𝗺𝗮𝗿
𝗦𝘂'𝗮𝗹𝗼 𝗱𝗶𝗶𝗻𝗶 𝗮𝗵
𝗡𝗮𝗴𝘂 𝘀𝗼 𝗯𝗶𝗶𝗿 👇👇❤️❣️

https://t.me/qalbi_dhaye1
Advertising
We recommend to visit

🆔CheshtiMjewriKurdistan
t.me/joinchat/AAAAAEFe4_k6Lu_fEpqJIg

Last updated 5 months, 1 week ago

Last updated 2 months, 3 weeks ago

𝗞𝗮𝗻𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮𝗻 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗱 𝗸𝗮 𝗵𝗲𝗹𝗶 𝗱𝗼𝗼𝗻𝘁𝗮
𝗫𝗶𝗴𝗺𝗮𝗱𝗼
𝗗𝗵𝗶𝗿𝗶𝗴𝗮𝗹𝗶𝗻
𝗡𝗶𝘆𝗮𝗱 𝗱𝗵𝗶𝘀
𝗝𝗮𝗰𝗮𝘆𝗹 𝗺𝗮𝗿 𝗺𝗮𝗿
𝗦𝘂'𝗮𝗹𝗼 𝗱𝗶𝗶𝗻𝗶 𝗮𝗵
𝗡𝗮𝗴𝘂 𝘀𝗼 𝗯𝗶𝗶𝗿 👇👇❤️❣️

https://t.me/qalbi_dhaye1

Last updated 1 week, 1 day ago

1 week, 1 day ago

Qormada 15aad ee barnamijka {QORMO}
📌𝗤𝗨𝗨𝗦𝗔𝗦𝗛𝗔𝗗𝗔 /𝗜𝗦 𝗗𝗛𝗜𝗜𝗕𝗞𝗔

Quustu waa adigoo rabigaaga kamaleeynayo Malo xun waana dhaqan gaar u ah gaalada oo qofku marba haduu Muslim yahay kama quusanayo naxariista rabigiisa .
Qofka muslimka ahi waa rajo socoto hduu dhib heysto iyo haduu barwaaqo kudhex jiraba rajadiisu waa isku mid oo waxa uu ku kalsoonahay naxariista rabigiisa .

Qofku inuu quus ka istaago nolasha oo uu rabigiisa mala xun kamaleeyo waa lagu halaagsamaa
Badanaa inta nolasha ka eegto dhanka xun aaminsan inaan faqriga laga baxeynin aaminsan inaaanu wadankeenu hagaa geynin aaminsan wax waliba inay adagyihiin
Saaxib wax waliba oo kuula muuqda wax adag rabi aktiiisa waa ay kafudud yihiin kaliya haquusan naxariista rabi ma aysan dhamaan.

Markaat dibka dareento waxaa larabaa inuu kugu riixo dhibkaasi guusha ma ahan inuu dhibkii aa dareentay dib kuu celiyo oo aat quusato oo aat dhahdo waxaan macquul maahan majiraan waxaan macquul aheen saaxiib
Guushu waxa ay inta ugu badan kutimaadaa is-dhiibit la'aanta

Nolasha macquul maahan inay kuu hibeyso waxyaabaha aat jaceshahay adigoonan udhibaatoonin adigoonan wax badan ukufin wax badan uhurin
Wax badan oo dhibkaaga ah neh aanan kusabrin .

Quusashadu waa dilaaga nolasha dhibwaliba oo jira maanta aamin in barito allaha fudeed kugu badalayo
[ سَيَجْعَلُ اللَّهُ بَعْدَ عُسْرٍ يُسْرًا ]

Nolasha wax waliba waat qaban kartaa nolasha is-dhiibka ayaa ugu xun
Markaan kudhahaayo haquusan macneheeda ma ahan in quus la aantu fadhiga ku imaaneyso quus la aantu macneheedu waa inaat wax qabataa wa in wixii gaf kaa dhacay aat ka towbad keentaa waliba adigoo aaminsan in allah uu yahay danbi dhaafe naxariis badan.
Wixii xumaa badalkoodana aat wanaag latimaado

Haka quusan naftaada haka quusan raxmada ilaahey danbiyadaan maanta aan kudhacnay dad naga fadli badan ayaa horay ugu dhacay
︎Wey macsiyeesteen
︎Wax bey dileen
︎Wax bey xadeen
Danbi waliba ayey sameyeen Markey rabi si dhab ah ugu laabteena waxay noqdeen kuwa ugu fadliga badan ee koonkan soo maray intaaba waxaat kaheleysaa saxaabadii rasuulka naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee

Marka danbi kudhacdo yuusan sheydaanku kaa xirin raxmada ilaahey yuusan kudareensin quus iyo inaadan soo laaban karin
قال جل جلاله: ( يا عبادي الذين أسرفوا على أنفسهم لا تقنطوا من رحمة الله إن الله يغفر الذنوب جميعا إنه هو الغفور الرحيم ) .

Usheeg naftaada in rabigaagu yahay. "DANBI DHAAFE NAXARIIS BADAN "

Majiro sheydaanku wax uu kajeclyahay murugada qofka muuminka ah
Majiro wax uu kajeclyahy inaat is-dhiibto

Inaat quusato aduun iyo aakhiro midna uma fiicno

Haquusan haquusan haquusan haquuusan

Quusashadu ma ahan dhaqan Muslim

Ismaildheere ✍️

1 week, 1 day ago
1 week, 2 days ago

Aduunyadu waxaad shaqaysaba way kaa hadhaysaa markaa dhimato

Lkn diintu aduunkana way kula joogtaa aakhirana way kuu raacaysaa

Markaa adi bal fikiroo
Wax dhamaanaya
Miyaad ku doorsan wax baaqi kuu ahaanaya💐

2 weeks, 1 day ago

BARNAAMIJKA QORMO:

QORMADA 14AAD"

((WAXAN KUSO QAADAN DOONAA QORMADAAN

XiRIIRKA KA DHAXEEYA ADOONKA IYO RABBIGIISA))

sidaa ognahey adoomada alle wuxu u abuurey iney caabudaan aysana la wadaajin  cidna (wax udhigma alle)
insaankuna waxa uu leeyahay wax la yiraahdo  (cadow) cadawgaas waxaa ka mid ah naftaada ,shaydaanka,aduunyada ,iyo hawada,

afartaan mid walba oo ka mid ah hadii aadan iska jirin dhibaatada ay leeyihiin kuuma hagaagi doonto aakhiradaadu waadku lumeysaa

waa muhiim walal inaad garaneyso waxa laguu abuurey iyo waxa kuu danta ah

run ahaantii hadii aan  garan lahayn waxa noo danta ah iyo waxa naloo abuurey qofna nagama  lumeen ee dadka dhan wado saxan bey wado qaadi lahaayeen

insaanku waa mid daciif ah  tabarna aan lahayn aadna uliita balse kibir badan  intaan aduunyada joogno waxaa nahay dad iska Bood booda moodana in aysan waxka danbeyn

balse waxaa nahay dad ku jira imtixaan ogowna aduunyada in aysan ahayn meel lagu nagaanaayo ee waa meel yar oo liidato imtixaana nagu socdo

waxaana naylooga bahan yahay walalayaal inaan wanaajino xiriirka rabigeen nagala dhaxeeya
oona noqono umad toosan rabigoodna u hogaansan

waa inaan la saaxiibnaa quraanka alle waxa uu ka mid yahay kuwa lagu cibaadeysto mana ahan mid lasoo koobi karo ajarka laga helo quraanka inaad la saxiibtid
dhageysigiisa
fahamkiisa
tadaburkiisa
barashadiisa
macaansigiisa
intaan dhan waxa kasii muhiimsan inaad ku dhaqanto billahi calayk sidey ku dhacdey adoo qof muslim ah inuusan quraanka waxna kaareebin waxna aadan ka qaadan

wuxuu xoojinaaya quraanku xiriirka adiga iyo rabigaa idinka dhaxeeya qalpigana waa kuu xasilaayaa .

sidoo kale waxaa xiriirka adkeyo ka dhaxeeyo adoonka io rabigii ((DIGRIGA alle INLABADIYO))

Allah wuxuu aad u amaaney raga iyo dumarka badiyo xuskiisa wuxuuna udiyaariyy danbi dhaaf iyo ajar wayn
iyo inuu allah kaa raali ahaado aduun iyo aakhiraba
waxaa kale uu ugu dhawaadaa adoonku rabigiisa waa((SALAADA))

waa xiriirka ugu muhiimsan adoonka iyo alle ka dhaxeeyo  waxana wanagsan in lagu ilaaliyo waqtigeeda Lana barto axkaamteeda qashuucna lala imaado

wuxuu kale ugu dhawaan karaa adoonka  rabigiis inuu macaasida ka dheerado iyo dunuubta wixii laga reebana uuka haro Lana yimaado awaamirta la amrey

waxaa kale uu rabigii ugu dhawaan karaa adoonku inuu guto salaadaha sunada ah waxey unoqonayan dhufeys kuwa waajibkaana waaku ilaalin doonaa ajarna wuu helaayaa

iyo inuu iska ilaaliyo  fitnooyinka socda samanba samanka uuka danbeeyo sii badanaaya

waxaan ku jirnaa xili xumaanta lagu faano  wanaagana la dafiro
waxaa looga bahan yahay qofka muslimka ah inuu diintiisa ku samro uuna sii ogaado in hadii uu noqdo qof toosan iyo hadii uu noqdo mid dhunsanba uusan wayneyn wax ka hor imaado markasto mucaarad unbuu leeyahay

waxaan ugu danbeyn idinkula dardaarmaayaa i cabsida alle iyo inaan noqono umad hagaagsan markaan allah raali galino wax walba weynoo hagaagi doonaan.

سلام عليكم   إخواني في الله🥰💖
Walaashiin Suweyda

2 weeks, 2 days ago

‏اللَّهُــمَّ صـَلِّ وَسَـــلِّمْ علـى نَبِيِّنَـــا مُحمَّد ﷺ❤️

2 weeks, 2 days ago
3 weeks ago

𝗛𝗮 𝗲𝗲𝗴𝗶𝗻 𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗾𝗼𝗳 𝗲𝗲 𝗮𝗱𝗶𝗴𝗮 𝗸𝘂𝗴𝘂 𝘅𝗶𝗱𝗵𝗮𝗻 𝗯𝗮𝗹𝘀𝗲 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗮𝗱 𝗲𝗲𝗴𝘁𝗮𝗮 𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗮𝗮𝗱 𝗮𝗱𝗶𝗴𝘂 𝗸𝘂 𝘅𝗶𝗱𝗵𝗮𝗻 𝘁𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗶𝗹𝗮𝗮𝗵𝗮𝘆

3 weeks ago

Horta lamaane labada is jecel miyaa mise labada.....

3 weeks, 1 day ago

Barnaamijka Qormo✍️

Qormada 13aad
Gallaydhka doorada ah!

Waxa la soo tebiyaa in uu gallayr ku noolaa geed dheer, fiiqiisana uu buul-shinbireed ka dhistay.
Markii la gaadhay xilligii taranka ayay dheddiggiisii afar ukunood dhashay.
Ka dib waxa dhacay dhulgariir ba'an, mid ka mid ah beedadkiina(ukumihii) inta uu soo dhacay ayuu ku dhacay xero digaag.
Dooro duqawday ayaa beedkii heshay, markaasay dareentay boholyowga ay u qabtay waayihii dhallinyaranimada iyo dhasha ukumaha, waxana ay go'aansatay in ay ku fadhiisato beedkan oo ay dillaaciso, daryeel iyo diirrimaad waalidna ay siiso.
Maalmo ka dibba ukuntii way bislaatay, xabbad gallaydh ah ayaana ka dhalatay. Waxa uu u barbaaray sida digaagadaha oo iyaga
ayuu la mid noqday, sidooda ayuuna u qadhaabtay oo uu midhaha u cunay, sidoodana wuu u socday.
Marnaba duullimaad kuma uu riyoonin oo waxa uu ku barbaaray fahan ah in aanay digaaggu duulin.
Maalin isaga oo gallaydhkii kula dheelaya xeradii digaagga barxaddeeda walaalihiisii digaagga ahaa, ayuu isha ku qac siiyay koox gallaydh ah oo hawada sare duulaysa, markaasuu ku naallooday in ay roonaan lahayd haddii uu sidoodaas u duuli lahaa.
Balse waxa uu ku baraarugay qosolka walaalihiisii digaagga ahaa oo ku leh: "digaaggu ma duulaan!"
Markaasuu ka tanaasulay gallaydhkii riyadaas ahayd in uu hawada sare duulo oo uu laydha ku daanshoodo. Digaagnimadiisii ayuu ku noolaa, isaga oo digaag ahna wuu dhintay!

Shimbirkaas iyo anaga

Waxa aynnu nahay ummad gallayro ah oo u nool sida digaagga!
Dhulgariir dhacay ayay ummaddeennan gallaydhada ahi kaga soo dhacday fiiqa geedkii ay saarnaayeen ee la wada bidhaansanayay, markii ay baraarugtayna waxa ay is'aragtay iyada oo noloshii digaagga ku nool oo cooshad digaag dhex joogta, markaasay ku qanacday in ay tahay digaag!
Kuma hammino in aynnu samada sare duulno, oo waxa aynnu ku ababnay in digaaggu aanay duulin, baalashii xoogganaa ee aynnu lahaynna ma aanay tababaran, higsiyadiina way habaabeen oo garbihii duullimaadka la i noogu sameeyayba in ay cad inagu dheeraad ah yihiin ayaynnu u aragnay.
Waxa aynnu dhulka ugu dheggan nahay ee aynnu kor u eegi la'nahay, ma aha baalka oo inaga qoyan, ee waa hankii oo inaga taag darreeyay.
Waxa aynnu u aragnaa in waaqica aynnu noollahay uu inagaba awood weyn yahay, markaasaynnu isu dhiibnay oo wax in aynnu ka beddelno aynnu iskuba dayi weynay.
Quudkeenna ayaynnu dhinacyo kale ka naawilnay, innaga oo illawsan in aynnu nahay ummaddii maalin buuraha fiiqooda midhaha ku shubaysay, si aan loo odhan shinbirihii ayaa ku gaajooday degaannada Islaamka!
Khaliifkeennu waxa uu la hadli jiray daruurta cirka joogta, isaga oo ku leh: "meesha aad doontaba ku da', kollayba maxsuulka kaa soo go'a cashuurtiisu qasnaddayada ayay ku danbaynaysaaye!"
Xataa roobku meesha uu ku da'aba nasiibkeenna ayaynnu ku lahayn, dalagyadu meeshii ay ka baxaanna badhkeenna ayaynnu ku lahayn!
Se maanta oo aynnu ku raalli noqonay nolosha digaagga, waxa la i noo soo daadiyaa hanbooyinka ay dadyawga kale i noo gartaan ee ay go'aansadaan in ay ina siiyaan uun!
Haddii maanta lagu xad gudbo sharafta gabadh muuminad ah, waxa aynnu odhanaynaa "innaa lillaahi waa innaa ileyhi raajicuun" markaasaynnu nolosheenna sii wadanaynaa, sidii in aanay isheennuba wax xun qaban!
Haddii aynnu damacno in aynnu xanaaqeenna muujinno, waxa aynnu beddelaynaa sawirradeenna baraha bulshada i noo saaran (profile), waxana aynnu furaynaa #hashtag oo internet-ku-xooglayaal ayaynnu noqonnay, markaasaynnu dib digaagnimadeenii iyo cooshaddeenii isagaga laabanaynaa sidii in aanay waxbaba dhicin, waynnuna hilmaamaynaa in aynnu nahay ummaddii maalin gulufka aanay hordhiciisa iyo sayntiisa danbe is'aqoonin u kaxaysannay, maadaama oo hal gabadh ah meel lagaga dhacay oo la duudsiyay!
Waynnu hilmaamaynaa in gabadhii ku barooratay: "tolla'ay Muctasimow! Tolla'ay Islaamkiiyow!" Uu ku yidhi Muctasim: "ku ajiibay, waxana aan kuu soo dirayaa ciidan marka ay horraantiisu ku soo gaadho, dabayaaqadiisu ay aniga ila joogto halkan!"

2 months, 2 weeks ago
Rajadu way adkaan kartaa, laakiin waligeed …

Rajadu way adkaan kartaa, laakiin waligeed ma dhimato...

We recommend to visit

🆔CheshtiMjewriKurdistan
t.me/joinchat/AAAAAEFe4_k6Lu_fEpqJIg

Last updated 5 months, 1 week ago

Last updated 2 months, 3 weeks ago

𝗞𝗮𝗻𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮𝗻 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗱 𝗸𝗮 𝗵𝗲𝗹𝗶 𝗱𝗼𝗼𝗻𝘁𝗮
𝗫𝗶𝗴𝗺𝗮𝗱𝗼
𝗗𝗵𝗶𝗿𝗶𝗴𝗮𝗹𝗶𝗻
𝗡𝗶𝘆𝗮𝗱 𝗱𝗵𝗶𝘀
𝗝𝗮𝗰𝗮𝘆𝗹 𝗺𝗮𝗿 𝗺𝗮𝗿
𝗦𝘂'𝗮𝗹𝗼 𝗱𝗶𝗶𝗻𝗶 𝗮𝗵
𝗡𝗮𝗴𝘂 𝘀𝗼 𝗯𝗶𝗶𝗿 👇👇❤️❣️

https://t.me/qalbi_dhaye1

Last updated 1 week, 1 day ago