Infinite Entertainment, Zero Cost: Get Your Free Books, Music, and Videos Today!

cilmi nafsiga|&Science Facts💡😱🌓️🌏▪️

Description
Halkaan Waxaad Ka Heleysaa cilmi nafsiga , Cilmi-nafsiga iyo horumarinta nafta.

Sido Kale Waxeynu Bixina Laba course oo Free Ah Hadii Aad Rabtid igala soo Xariir :

@Mrxoosh
╭─═┅🌷┅┅🌷┅┅═─╮
https://t.me/cilminafsi
╰─═┅🌷┅┅🌷┅┅═─
Advertising
We recommend to visit

بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad 3000 Buug-Somali
Free Ah
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
https://telegra.ph/HA-DEG-DEGIN-AKHRI-11-15
© Somalibooks Pro Inc
- All Rights Reserved-⤵️
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 5 months, 3 weeks ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 1 month, 2 weeks ago

Kala soco Xikmad iyo Qormooyin Markasta Io Meelkasta.

Last updated 6 days, 7 hours ago

3 days, 15 hours ago

Waxaan jeclaan lahaa inaan dhinto sababtoo ah waxaan maqlay inay jannada cunto taalo ooy dhaanto halkan.

Waxaa idhi inan yar oo falastiini ah .

Nin wariye ah ayaa isaguna waraystay wiil yar oo falastiini ah wuxuuna waydiiyay goorma kugu danbaysay inaad cunto hilib? Wuxuu ugu jawaabay waa maxay hilib ma garanayo hilib wuxuu yahay.

Ax ax heerkaas ayay marayaan Ree falastiin wadamada kale ee carabta ahna waad u jeedaan inay cunaan neef isku dhan , waa arrin aad ii damqisay runtiina qofkastoo iimaan leh xanuujinaysa.
Aan u ducayno walaalaheena oo aan ku caawino waxaan awoodno Yaynaan ku fiirsan carbahan kale een jiidh damqada lahayn walaalayaal😢👌.

1 week, 2 days ago

Waxaa la sheegaa, Al-amiiru Sancaani markii uu catar marsado inuu nebiga ﷺ ku sallin jiray! Waxaa la weyddiiyay: ma xaddiis ayaa ku soo arooray in markii catar la marsado nebiga ﷺ lagu salliyo? Wuxuu ku jawaabay gabay macnihiisa oo koobani uu ahaa: waxba sow wax kuma xusuusiyaan? Caraftu nebi Muxammad ﷺ ayay i xusuusidaa. 🌹
اللهم صل وسلم على نبينا محمد وعلى آله وصحبه.

Habeen wanaagsan gacalleyaal. 🌹

1 week, 3 days ago

Sheekada Doonida Weyn iyo Ninka Khabiirka ah .

Waxaa jiray nin khabiir ah oo aad ugu fiican farsamada iyo dayactirka doonyaha waaweyn. Maalin maalmaha ka mid ah, dooni weyn oo qaali ah ayaa joojisay shaqadeeda sabab la yaab leh. Milkiilaha doonida wuxuu wacay farsamayaqaan badan oo ku xeeldheer dayactirka doonyaha, laakiin midkoodna ma awoodo inuu hagaajiyo.

Ugu dambayntii, milkiilaha wuxuu wacay ninka khabiirka ah oo caan ku ah xirfaddiisa. Ninkii khabiirka ahaa wuxuu yimid, wuuna baaray  doonida muddo gaaban. Ka dibna, wuxuu kala soo baxay jeebkiisa Qalab uu u adeegsado hagaajinta Dooonta, Qalabkiina wuxuun ku  garaacay meel gaar ah oo doonida ka mid ah. Isla markiiba, doonidii way shaqaysay!

Milkiilaha doonida wuxuu ahaa mid faraxsan oo la yaab leh. Wuxuu weydiiyay ninkii khabiirka ahaa inta lacag ah ee uu ku dalbanayo shaqadiisa. Ninkii khabiirka ahaa wuxuu yiri, "Waa $10,000."

Milkiilaha ayaa yiri, "Waa maxay $10,000? Waxaad kaliya sameysay hal garaac!"

Ninkii khabiirka ahaa ayaa ugu jawaabay, "Garaacida hal mar: $2. Inaad garato meesha saxda ah ee lagu garaaco: $9,998."

Cashar ka laga baran karo sheekada .

Sheekadani waxay ina baraysaa muhiimadda aqoonta iyo khibradda. Mararka qaar shaqada waxaa laga yaabaa inay u muuqato mid fudud, laakiin aqoonta iyo khibradda ka dambeysa ayaa ah tan ka dhigaysa mid qiimo leh. Waxaa muhiim ah in la fahmo in qiimaha shaqada aysan kaliya ku xiranayn dadaalka muuqda, laakiin sidoo kale ku xiran yahay aqoonta iyo khibradda loo isticmaalay si loo gaaro natiijada saxda ah.

@mrxoosh

1 week, 3 days ago

Sheeko Xigmad Leh: Ninkii iyo Sadexdiisa Wiil
Waxaa jirtay waqti fog nin oday ah oo lahaa saddex wiil oo xoog iyo xoolo haystay, laakiin kala duduwan caqliga iyo dabeecadaha. Odaygu wuxuu doonayay inuu wiilashiisa siiyo talo xigmad leh oo ay ku qaataan nolosha si ay ugu noolaadaan si wanaagsan.

Odaygii ayaa maalin maalmaha ka mid ah wuxuu u yeeray saddexdiisii wiil, wuxuuna mid walba siiyay hal xabbad oo qori ah. Wuxuu ku yiri, "Wiilashayoow, jabsha xabbadan qoryaha ah." Wiilashii waxay ku fiirsadeen xabbadihii oo mid walba si sahlan ayuu u jabiyay.

Kadib, odaygii wuxuu ka soo saaray dambiil weyn oo uu ku shubay xabbado badan oo qoryo ah oo isku laaban. Wuxuu ku yiri, "Hadda isku daya inaad jabtaan qoryahan oo dhan iyagoo wada jira." Wiilashii waxay isku dayeen inay jabaan qoryaha laakiin kama aysan maarmin inay mid ka mid ah jabaan marka ay isku laabanyihiin.

Odaygii wuxuu yiri, "Wiilashayoow, waxaad ka barateen arintan laba cashar oo muhiim ah. Marka aad kaligiin tihiin, waxaad u nugushihiin inaad jabantaan oo aad daciif tihiin. Laakiin marka aad midowdaan oo aad wada shaqaysaan, cidina idiin jabin karto. Wuxuu idiin noqonayaa mid adag in laga adkaado."

Wiilashii waxay ka barteen muhiimadda wada shaqeynta iyo isku duubnida. Waxay ogaadeen in haddii ay midba midka kale taageeraan oo ay wada shaqeeyaan, ay noqon karaan kuwo awood badan oo adag.

Xigmadda Sheekada
Sheekadani waxay xambaarsan tahay xigmad qoto dheer oo ah in midnimada iyo wada shaqeynta ay yihiin furaha guusha iyo xoogga. Marka dadka ay mideeyaan dadaalkooda oo ay is taageeraan, way adkaaneysaa in laga adkaado. Tani waa cashar muhiim ah oo qof kasta ku anfici kara nolosha maalmeedka, shaqada, iyo xiriirka bulshada.

@mrxoosh

1 week, 4 days ago

Intee in leg baad raadinaysaa qof kula dareena kula fahan ah si aad isku dhamaystirtaan mise wali waxaad ku jirtaa jidkii raadinta😒

Jidku qodax idiinma yeesho safar dheer Baan ku jirnaaye😂😢🏃‍♂

1 week, 5 days ago

#Qiso

Waxaa jirtay inan (Gabar) muslimad ah laakiin salaada ayaa aad ugu cuslayd oo may tukan jirin , habeen habeenada kamid ah ayay ku riyootay In ay dhimanayso dhawaan oo Ajasheedii soo dhawdahay kadib waalidkeed iyo asxaabteedii ayay la wadaagtay waxay ku idhaahdeen Waa riyo uun ee waxba hadaba galin .
Maalmo kadib ayay sidii si lamid ah ku riyootay isla riyadii Qoyskeedii markay la wadaagtay jawaabtii jawaab lamid ah ayay siiyeen
Waxay saa Ahaataba habeen kale ayay ku riyootay in Hal todobaad(week) u hadhay oo ay dhimanayso warwar iyo walaac mid toona kumay haynba nolosheeda ayay iska wadatay , markii la gaadhay maalintii ay ku riyootay Iyadoo joogta goobteedii waxbarasho ayuu madaxu yar xanuunay gurigii ayay toos u tagtay oo ay yar jiifsatay wakhti yar kadib waa mayd Way ka baxday ooy dhimatay .
Qoyskii iyo asxaabtii aad bay uga xumaadeen sida ay ugu dhiiri galin jireen inay riyo malaawaal ah tahay uun, markii la geeyay godkii xabaasha waxaa laga saari kar waayay masas Badan oo diyaar u ah inay cunaan.

Alaah bal Ila eega imisa fursadood ayaa la siiyay si ay u tawbad keento ,imisa jeer baa riyo wax loogu sheegay si ay isku garato ooy u fahanto halka laga haysto .

Allow Geeridayada iyo gafkayaga ha kulmin .

2 weeks, 3 days ago
2 weeks, 5 days ago

Maalgashi aad ku sameysid naftaada ,waa maalgashiga ugu waxtarka badan ee uu abid qof sameeyo .
Kaliya ma hormarin doono naftaada ,sidoo kale wuxuu hormarin doonaa waxa yaabaha kugu hareereysan oo Dhan 😚

@mrxoosh

3 weeks ago

Dowlada ma caawin karto Qof kasa oo inaga mid ah ,lakiin dhalinyaro qof kasta oo naga mid ah wuxuu caawin karaaa hal Qof .

@mrxoosh

2 months, 2 weeks ago

soomaalida hadda weey macaanaadeen , allow qof inoo bixi oo meel noo haga ayeey taagan yihiin .

We recommend to visit

بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad 3000 Buug-Somali
Free Ah
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
https://telegra.ph/HA-DEG-DEGIN-AKHRI-11-15
© Somalibooks Pro Inc
- All Rights Reserved-⤵️
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 5 months, 3 weeks ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 1 month, 2 weeks ago

Kala soco Xikmad iyo Qormooyin Markasta Io Meelkasta.

Last updated 6 days, 7 hours ago