Ogaal Center

Description
We recommend to visit

https://t.me/+RSRVlLKGs5J_-PJg

Last updated 2 weeks, 5 days ago

Ni qoosna Ni taphanna Nama hin tuqnu siyaasa hin laaqnu amantiitti hin buunu! Maaltu nu dhiphise silaa 1000 hin jiraannu🥰

Yaadaaf👇👇
@michuu_fayisaa
Chaanaalaaf👇
✍️ @Michuu_ko

Last updated 4 days, 5 hours ago

Soo dhowoow is ku day inaad cid nagusoo biiriso hal qofna ha ahaatee adiga oo linkiga zhere gareynaya halkaan waxaad ka helaysaa fikrado ku cajabiya♥️

Wixii talo ah halkan igalasoo xidhiidh💚👇 @Maymuuncali

https://t.me/Audiobook2s

2021-5-24

Last updated 1 month, 3 weeks ago

1 month, 3 weeks ago

*Heerka joogtaynta,isbedel kuma yimaaddo afartan jaran-jarro,waxaan ahayn,heerkee ayaynu ku noolanahay inagu maanta?.
9.Markaynu isbedel doonayno,waa inaynu ka feejigannahay,mala'awaallada afarta ah,dhammadka taariikhda,igab-xidhka afkaarta,gaba-gabadka tijaabooyinka iyo qufulidda baabka curinta.
Taariikhdu,waa webi rogmda,oo aan gudhin,afkaartun
a waa Bad-weyn biyo ah,oo meel kuwada shubma,
mana jiro ruux gaadha guntooda,tijaabooyinkuna waa nolol joogto ah,meelo ay ku dhamaadaan ma jiraan,
cid joojin kartaana ma jirto.
10.Isbeddel hir-gali maayo,iyada oo aan la aqoonsanayn,xeerka loollanka iyo lagdanka.
xeerkani wuxuu u baahan yahay,in la garto,habka loo maareeyo ismaan-dhaafka,ismaan-dhaafka siyaasad
eed waa shay assal ah,laakiinse halyaynimada kuma jirto,in ismaan-dhaafka siyaasadda,laysku dayo in awood lagu soo af-jaro,muu awoodin maraykanka
(Awoodda wayni),inay ka guulaysto Daalibaan(jabhad yar),kuma guulaysan Bashaar Al-asad,wixii awood gacanta uugu jirtay,inuu kaga gacan sarreeyo kacdoon huriyayaashii,waxaad arkaysaa,dagaalka culus ee lagu hayo walaaladeen Gazha,oo u dhabar adaygaya awoodda culus ee Milatariga yuhuudda;
sidaa awgeed,xeerkani wuxuu muhiim u yahay,qofkii raba inuu dhaliyo isbeddel,su'aashuna waxay tahay,
ma leenahay hab-dhaqanka wada-sheekaysiga?
ma leenahay hab-dhaqanka adkaysiga istiraatijiyadda ku dhisan?diyaar ma u nahay inaynu aqbali karno cidda inaga aragti duwan;si aynu uula xaajoonno,gaar ahaan marka gudaheenna loollan ka jiro?
Waa inaynu murankeenna siyaasadeed,ku maaraynaa,
miisaska siyaasadda,maaha sanqadha gumaca iyo gantaalaha.

Tarjume: Nuuradiin Xarbeyn

@Ogaal Center

1 month, 3 weeks ago

Isbedelku waa lama-huraan Sh. Abdirahman Bashir

1.Isbedelku,waa laba qeybood:isbedelka shacabka,iyo isbedelka hogaanka,midka hore waa halis,waan istiraatiji,midka labaadna waa muhiim,waana hab-farsameed,istiraatiijigaana ka muhiimsan hab-farsameedka,laakiinse hab-farsameedku had iyo jeer,wuxuu u adeegaa isbedelka istiraatijiyadda.
2.Isbedelka marka laga fiiriyo dhanka saamayntiisa,waxa uu u qeybsamaa laba qaybood,
isbedel heer fikir ah,iyo isbedel heer qofeed ah,midka hore wuxuu u Baahan yahay hurid fikir,maan fur,cilmi-baadhisyo,wax isweydiin,dib u akhrinta,afkaarta,taariikhada iyo ilbaxnimada"Arlada korkeeda dalxiisa oo wax diraaseeya",midka labaadna waxa uu rabaa,shacab kaca fikir ka'aan,ruux xilkiisa laga xayuubiyo,oo mid kale la saaro,dhab ahaan,waxaa isbedelay waa qofkii,laakiinse isma-doorin qofnimadii,qeybtan dambe way fududahay isbedelkeedu,laakiinse waxba lagama dheefo.
3.Muhiim maaha,inaynu u xadhko xidhanno,isbedelka dadyowga xilka u haya Bulshooyinka aan qabatimi karin isbeddllada fikir,iyaduna muhiim maaha,inaynu ku fikirno dhisitaanka xisbiyo siyaasadeed oo aragtiyo sida,kuwaas oo aynu ka dhex hindisno Bulshooyinka sida aragtiyaha Beelaysan ee ka duula'INANKAYGA".
Taasi maaha mudnaan,hawsha siyaasadeed ee aynu u hawl-galaynaa,waa inay shiishka saaraysaa,shaqo fikir oo ah midka gunta laga soo dhisayo.
Bilawga horeba,umaddeennu waxay la daalaa dhacaysaa,dib u-dhac fikir,kaas oo ragaadiyey muddooyin dheer,xalkuna noqon maayo ereyo xambaarsan wacdi iyo waano oo keliya,arintu way ka gun dheer tahay wacdi,waxa lama-huraan ah,in la saxo jiheeyaha garaadka;si loogu sameeyo kaabis iyo wax ka beddel-sidii uu hore u sheegay-Maan-shiilkii reer ciraaq"Dr.Camaadadiin Khaliil".
4.Hogaamintu,waa hibo,waana kasbasho,balse suurto-gal maaha,ruuxu inuu hogaaminta hiboole ku noqdo,isaga oo aan isku hawlin Barashada afkaarta hogaamineed,mana aha mid dhacaysa,inuu kasbado xirfadda hogaaminta,isagoo ka madhan hibo hogaamineed oo uu rabbi ku gallado"Wuxuu dheeraad u siiyey awood jidheed iyo mid aqooneedba...".
Hogaamiyaha laguma sameeyo qarsoodi,iyo daaha dabadiisa,balse waxaa soo saarta,nolosha,geesinima
da,dhiiranaanta iyo dhaq-dhaqaaqa,waxaana saaran,
inuu Baac dheer u leeyahay akhrinta Baabka hogaaminta.
Waxa uu yidhi,Dr.jasem suldan"Hogaamintu waxay u Baahan tahay:Caqliyadda maan-shiilka wax lafa-gura,
saafidda dhakhtarka wax daweeya iyo ruuxda ganacsadaha halista u Badheedhaya".
5.Dhaq-dhaqaaqa shacabku wuxuu muhiim u yahay dhaadhicinta dulmiga,iyo in dhoobo-qaad lagu sameeyo maamulkii leexsanaa,laakiinse dhammaantood waxaa ka muhiimsan,sidee ayay xaaladuhu u eekaanayaan isbedelka gadaashiisa?.
6.Dhaq-dhaqaaq shacab oo kasta,waxa ka dambaysa doonis,doonis kastana waxa ka dambaysa darawallo rag iyo dumar ah,rag iyo dumar kastana waxa ka dambaysa fikrad,fikrad kastana waxa ka dambaysa mashruuc,mashruuc kastana waxa ka dambeeya aragti,maxay tahay Aragtideennu?.
7.Ma cusla inaad shaqayso,laakiinse waxa culus inaad shaqayso,adiga oo eryanaaya yool,iyada oo ay taasi adagtahayna,waxaa ka sii adag,samaynta aragtida;waayo waxay kaaga Baahan tahay akhris Badan oo dhab ah.
Maanta,waxaynu markhaati ka nahay,shaqo Badan iyo waxsoo saar fikireed oo yar,waxaynu goob-joog u nahay,mashaariic siyaasi ah oo sal ballaadhan,iyo hawlo fikir oo marin habaabsan,waxaan ina looga warramahayn,talo-bixinta fikir iyo dhaqan ee buux dhaafay,iyo koobnaanta maanshiilka iyo waayo-aragga inagu dhex jira;sidaa awgeed shaqadu waxay noqotay midho-dhal la'aan.
8.Isbedelku,wuxuu maraa jaran-jarrooyin affar ah;si uu uga dhabeeyo yoolkiisa:-
Heerka diidmada;waayo dadku waxay jecelyihiin inay la noolaadaan,waxay qabatimeen,ee agtooda ka noqday shay qiimo leh.
Waxay nacaan Baaqyada isbeddelka,waxaanay ku Baaqaan inaan lays Beddelin.
Heerka dirirta,taas oo ay xukuumaduhu u adeegsadaan caruuggooda,diimeed,siyaasadeed iyo warbaahineed inay kaga hortagaan dhawaaqyada isbedelka ee gudaheeda ka kacay.
*Heerka hindisidda,heerkani waa muhiim;maxaa yeelay,ruuxa aan ku qancin qiimo-bixinta isbedelku,
wuxuu noloshiisu u huri doonaa qiimaha addoonsiga.

3 months, 1 week ago
Ogaal Center
3 months, 1 week ago
8 months, 3 weeks ago

https://www.facebook.com/share/v/368SNYdbhrxqMCVA/?mibextid=WC7FNe

muxaadaro: Adduunka iyo qaza kadib
Sh. Abdirahman Bashir

Facebook

Log in or sign up to view

See posts, photos and more on Facebook.

10 months, 1 week ago

Xeerka 4aad:Dhismaha guduhu isagaa ka muhiimsan kana mudnaan badan dhismaha dibedda,waa xeer wax ku ool ah,waxaanu haystaa mudnaan siidaysan marka la gorfaynayo qodobka ku saabsan dhismaha,maan-gal maaha in sharaf la abuuro,sidoo kelana suurto-gal maaha in xal la keeno iyada oo aan laga dhimbiil qaadanahayn caqiido fayow oo sax ah,alle wuxuu sheegay suuradda isra dhexdeeda"Alle la jirkii ha samaysan alle kale waxaad noqon mid ceebaysan oo la hoojiyey".
Waxa jira war layaab leh oo ku saabsan Bar-baarinta iyo dhismaha,kaas oo ah bulshadu inay xilli kasta leeyihiin ilaahyo ay caabudaan,waxa jira ilaahyo la caabudo waqtigan lagu nool yahay fikirka fudud(Sanamyo),waxa kale oo jirtay ilaahyo la caabudi jiray xilligii faraacinada(Keli-taliyeyaal),waxa jira ilaahyo la caabudo xilliga Casriyeynta iyo Casriyeynta gadaasheeda(Suuqa),sidoo kale waxa jira ilaahyo u gaar ah dunida habsaantay iyo ilaahyo kale oo lagu caabudo dunida hore u socotay.

Xeerka 5aad:Horimar ma jirayo haddii aan la helin si sax oo xoolaha loo maareeyo,waayo xooluhu(dhaqaaluhu)waa laf-dhabarka nolosha,ilaahay wuxuu yidhi"Dadka maan-gaabka ah gacanta how gelinina xoolihiinna aad ku tiirsan tihiin".
Waxa waajib ah xoolaha in laga fogeeyo gacmaha maan-gaabka,maan-gaabkuna waa midka aan suubinahayn maareynta xoolaha hab waafaqsan shareecada iyo dantiisa dhabta ah,sidaa awgeed ayaa ay culimada fiqigu ku soo rogeen in xoolihiisa la xayiro si aanay u bur-burin xoolaha umaddu,isaga oo loo xayirayo danta naftiisa iyo danta guud ee bulshada labadaba.
Waxay sheegaysaa aayadda tirsigeedu yahay 26 ee kamid ah suuradda Isra,iyo aayadda ka dambaysaaba inay xarimayso Maal-daadinta xattaa haddii loo daa daaniyo arrin cibaado ah,alle wuxuu yidhi"Midka xigtada ah,miskiinka iyo dhabbo-mareenka sii xaqqooda hana ku takri falin xoolaha".
Way kuu muuqataa in rabbi xarimay in xoolaha lagu takri falo haba loogu takri falo baabka wanaagga,muxuu xaalkeedu noqonayaa haddii loogu takri falo baababka xumaanta?
Aayaddu waxay isku xidhay ku takri falka xoolaha iyo shaydaanka,ku takri falku waa qadyad ay isku waxyoodaan shayaadiinta aadamaha iyo kuwo jinku.
Aayaddu waxay inoo tilmaamaysaa in xoolaha jiritaankiisa iyo jiritaan la'aantiisuba uu yahay midka jaan-gooya macnaha nolosha.
Xooluhu wuxuu kaalin bulsheed ku leeyahay nolosha dhexdeeda,xooluhu waa dhabbihii aynu qaadaynay,ee maaha meeshii aynu gaadhaynay.

We recommend to visit

https://t.me/+RSRVlLKGs5J_-PJg

Last updated 2 weeks, 5 days ago

Ni qoosna Ni taphanna Nama hin tuqnu siyaasa hin laaqnu amantiitti hin buunu! Maaltu nu dhiphise silaa 1000 hin jiraannu🥰

Yaadaaf👇👇
@michuu_fayisaa
Chaanaalaaf👇
✍️ @Michuu_ko

Last updated 4 days, 5 hours ago

Soo dhowoow is ku day inaad cid nagusoo biiriso hal qofna ha ahaatee adiga oo linkiga zhere gareynaya halkaan waxaad ka helaysaa fikrado ku cajabiya♥️

Wixii talo ah halkan igalasoo xidhiidh💚👇 @Maymuuncali

https://t.me/Audiobook2s

2021-5-24

Last updated 1 month, 3 weeks ago