Infinite Entertainment, Zero Cost: Get Your Free Books, Music, and Videos Today!

Maymuun thoughts โค๏ธ๐Ÿ˜Š

Description
Soo dhowoow is ku day inaad cid nagusoo biiriso hal qofna ha ahaatee adiga oo linkiga zhere gareynaya halkaan waxaad ka helaysaa fikrado ku cajabiyaโ™ฅ๏ธ

Wixii talo ah halkan igalasoo xidhiidh๐Ÿ’š๐Ÿ‘‡ @Maymuuncali

https://t.me/Audiobook2s

2021-5-24
We recommend to visit

แ…Ÿแ…Ÿแ…Ÿ ๐—”๐—œ๐—ก'๐—ง ๐—ก๐—ข๐—•๐—ข๐——๐—ฌ ๐—š๐—œ๐—ฉ๐—˜ ๐—” ๐—™๐—จ๐—–๐—ž ๐—”๐—•๐—ข๐—จ๐—ง ๐—” ๐—ฅ๐—จ๐—Ÿ๐—˜ห– with the tazos in my side.

OFC CHANNEL :
@OFCTAZOS

SHITPOST :
@HRSSHITPOST

CONTACT US : @ofctazosbot

Last updated 1ย year, 10ย months ago

Chaanaalli Kun Chaanala walaloo gaggabaaboo Fi ergaalee garagaraa of keessaa qabdudha!

Siyaasa โŒ
AmantaaโŒ
JibbinsaโŒ
SanyummaaโŒ

Yaadaaf๐Ÿ‘‡๐Ÿ‘‡
๐Ÿ‘‰ @Michuu_Fayisaa
---------------//---------------

Chaanaalaaf๐Ÿ‘‡
โœ๏ธ @Michuu_ko

Last updated 2ย days, 12ย hours ago

Soo dhowoow is ku day inaad cid nagusoo biiriso hal qofna ha ahaatee adiga oo linkiga zhere gareynaya halkaan waxaad ka helaysaa fikrado ku cajabiyaโ™ฅ๏ธ

Wixii talo ah halkan igalasoo xidhiidh๐Ÿ’š๐Ÿ‘‡ @Maymuuncali

https://t.me/Audiobook2s

2021-5-24

Last updated 1ย month ago

1ย month ago

Magacyada ilaahay 7 ( ุงู„ูˆู„ูŠ & ุงู„ู†ุตูŠุฑ ) โค๏ธ

Al-waliyi = macnaayaasha asalka ee af carabi ahaan magacanย  leeyahay waxa ka mida in loo isticmaalo waxyaabaha aadka isugu dhow sida quraankaba ilaahay uu ku sheegey marka uu tilmaamayey awliyadiisa isaga u dhow ( ุงู„ุง ุงู† ุงูˆู„ูŠุงุกุงู„ู„ู‡ ู„ุง ุฎูˆู ุนู„ูŠู‡ู… ูˆู„ุง ู‡ู… ูŠุญุฒู†ูˆู† ) waxa kale oo loo isticmaalaa qofkaย  qof ka masuul ah sida waalidka marka ay gabadhooda bixinayaan(u guurinayaan) loo shardiyo.
ilaahay waaka ilaaliya kuwa u dhow ee rumeeyey ,iyo kuwa cibaadada badan , waaka markasta tusa dariiq ay ku badbaadaan kana soo saara mugdi kasta oo ay galaan ( ุงู„ู„ู‡ ูˆู„ูŠ ุงู„ุฐูŠู† ุขู…ู†ูˆุง ูŠุฎุฑุฌู‡ู… ู…ู† ุงู„ู†ูˆุฑ ุงู„ู‰ ุงู„ุธู„ู…ุงุช) hadii aad dooneyso inuu ilahaay kuย ilaaliyo u dhowoow oo cibaadadaadu ha badnaato.โค๏ธ

Al-nasiir = ilaahay waaka ina caawiya ee inoo gargaara marka cidkale oo ina caawineysa aanay jirin xaaladaha ugu adag ee aynu marno isaga ayaa inagasoo saara , ilaahay hadii uu doono inuu kuu gargaaro cid kale uma baahaneysid isaga hadii uu ku hoojiyana cid kale oo kuu gargaareysa ma jirto ( ุงู† ูŠู†ุตุฑูƒู… ุงู„ู„ู‡ ูู„ุง ุบุงู„ุจ ู„ูƒู… ูˆ ุฅู† ูŠุฎุฏู„ูƒู… ูู…ู† ุฐุงู„ุฐูŠ ูŠู†ุตุฑูƒู… ).
Nabiga iyo abuu bakar markii ay godka ku jireen labadooda kaliyana ay ahaayeen gaalada oo dhanna ay baadheysey cidda kaliya ee u gargaartay ilaahay ayay ahayd ilaahay ayaa quraanka ku sheegay (ูู‚ุฏ ู†ุตุฑู‡ ุงู„ู„ู‡ย  ุงุฐ ุฃุฎุฑุฌู‡ย  ุงู„ุฐูŠู† ูƒูุฑูˆุง ุซุงู†ูŠ ุฅุซู†ูŠู† .) Marar badan ayuu quraanka kusoo aroorey magacan dhamaantoodna waa xaalado ilaahay uu ugargaariyo adoomadiisa marka aanay cid kale oo u gargarta aanay haysan ama ay ku suganyihiinย  niyad jab iyo quus waxa ka mida dagaalkiii xuneyn markii ay muslimiinta is mahadiyeen oo ay is dhaheen waad badantihiin kadibna ay ku sigteen in la jabiyo ilaahay wuxuu leeyahay ( ู„ู‚ุฏ ู†ุตุฑูƒู… ุงู„ู„ู‡ ููŠ ู…ูˆุงุทู† ูƒุซูŠุฑุฉ ูˆูŠูˆู… ุญู†ูŠู† ุงุฐ ุงุนุฌุจุชูƒู… ูƒุซุฑุชูƒู…. ) โค๏ธ

โ€ขmagacyada ilaahay macnahooda aad ayay uga gudo baalaandhanyihiin inta aan idinla wadaago idinka ayay tahay inaad baadhaan oo aad wax badan kasii ogaataan.

#maymuun

1ย month, 1ย week ago

Magacyada ilaahay 6 ( ุงู„ุฑู‚ูŠุจ & ุงู„ู‚ุฏูŠุฑ ).โค๏ธ

Al- raqiib= marka la eego macnaha aslaka ah ee magacan ( ุฑู‚ุจ ama ู…ุฑุงู‚ุจ ) waa in wax laga eego ama lagala socdo meel fog. waxa loo isticmaala af carabi ahaan qofka imtixaanka dadka ilaaliyaย  ( ู…ุฑุงู‚ุจ ) lakiin ujeedada ama sababta loo ilaalinayo ayaa kala duwan dadka marka ay ku eegayaan ama imtixaan lagu ilaalinayo waxa ay sugayaan inta aad khalad sameyneyso kadibna ay kusoo qabanayaan lakiin ilaahay wuu ina ilaalinayaa isaga oo inaga ilaalinaya wax kasta oo khatar inagu ah imasa jeer ayuu ilaahay kaa badbaadiyay xaalad khatara oo aad islahayd kama badbaadeysid , imisa jeer ayaad sigatey kadibana markaad dib u eegtey xaalada aad ogaatey in ilaahay ku ilaalinayey ( ุงู† ุงู„ู„ู‡ ูƒุงู† ุนู„ูŠูƒู… ุฑู‚ูŠุจุง ).โค๏ธ

Al- qadiir =waa ka awooda badan ee aanay awoodiisu xadidneyn ilaahay waxa uu doono isla daqiiqadaas uu doono ayuu sameyn karaa ( ูƒู† ููŠูƒูˆู† ) marka uu quraanka kusoo aroorey magacan ilaahay wuxuu kusoo dhameeya ayaadaha uu kaga hadlayo abuurkiisa, iyo awoodiisa ( ุฃู† ุงู„ู„ู‡ ุนู„ู‰ ูƒู„ ุดูŠุก ู‚ุฏูŠุฑ ) hadii aad dooneyso inaad ogaato awooda ilaahay waxa aad eegtaa abuurtiisa, cirarka , dhulalka , buuraha iyo badaha baaxadooda intaas le'egtahay ee aan inagu soo fatahayn ilaahay ka barya waxa aad doontaan awoodiisa aan xadiga lahayn ayuu idinku siinayaaye.โค๏ธ

#Maymun

1ย month, 1ย week ago

Magacyada ilaahay 5 ( ุงู„ู…ู„ูƒ & ุงู„ุนู„ูŠู… ).โค๏ธ

Macnaha al-malik = ilaahay waa boqorka aduunkan , waaka awooda uleh inuu u gedgediyo arladaย  sida uu doono , qofka uu doona wuu siiya ka uu doonana wuuka qaada (ู‚ูู„ู ุงู„ู„ู‘ูŽู‡ูู…ู‘ูŽ ู…ูŽุงู„ููƒูŽ ุงู„ู’ู…ูู„ู’ูƒู ุชูุคู’ุชููŠ ุงู„ู’ู…ูู„ู’ูƒูŽ ู…ูŽู†ู’ ุชูŽุดูŽุงุกู ูˆูŽุชูŽู†ู’ุฒูุนู ุงู„ู’ู…ูู„ู’ูƒูŽ ู…ูู…ู‘ูŽู†ู’ ุชูŽุดูŽุงุกู..) waxa kasta oo dhacayana isaga oo kaliya ayaa xukumaya magacan ilaahay wuxuu inoo sheegeyaa ineynaan inagu si dhaba waxba u lahayn wax kasta oo aynu haysanana uu isagu ina siiyey marka uu doonana uu ceshen karo.
markale culimadu waxay dhahaan wuxuu ina tusinayaa ilaahay boqornimadiisa iyoย  in ay tahay ineynu weydiisanno wax kasta oo aynu doono , dhamaan baahiyaheenana aynu u bandhigno waayo isaga waxba ka nusqaaminmeyso ama hoos ugu dhimi meyso awoodna wuxuu u leeyahay wax kasta oo aynu doono inuu ina siiyo.๐Ÿค

Al- caliim : waaka cilmigiisu koobey waxyaabaha muuqda iyo kuwa qarsoon, waxyaabaha sirata ah iyo ku la muujiyay, waxyaabaha sare iyo kuwa hoose , waxyaabihii dhacay kuwa dhici doona iyo kuwa aan dhacayn hadii ay dhici lahaayeen qaabka ay udhici lahaayeen, ( ูŠุนู„ู… ุงู„ุณุฑ ูˆ ุฃุฎูู‰ ) ilaahay ogaalkiisa iyo cilmigiisa maahan mid aynu sawiran karno ma oga oo kaliya waxaย  aynu sameyno ee waxa uu ogyahay waxa qalbiyadeena ku qarsoon iyo fikradaha aynu maskaxdeena ku hayno ( ูŠุนู„ู… ุฎุงุฆู†ุฉ ุงู„ุฃุนูŠู† ูˆู…ุง ุชุฎูู‰ ุงู„ุตุฏูˆุฑ ).

Magacyada ilaahay ee ay xidhiidhka leeyihiin magacan waxa ka mida ( ุงู„ุณู…ูŠุนย  & ุงู„ุจุตูŠุฑ & ุงู„ุฎุจูŠุฑ ) oo ina tusinaya in ilaahay wax kasta ogayahay wanaag kasta oo aad sameyso ilaahay wuu ogayahay dhooladeynata aad qof u dhoolacadeysana ha ahaatee abaalmarintiisana waad heleysaa sidoo kale xumaan yar oo aad qof laabta ugu qabatey ama aad la jeclaatey wuu daalacanaya wuuna ogayahay.โค๏ธ

#Maymun

3ย months, 1ย week ago

Chanalkan ayaan soo galiyay soo kabidiisa iyo pdf kiisaba kala dag hadaa u baahantahay โค๏ธ

3ย months, 3ย weeks ago

Chanalkan inzhaalh waxaan soo dhigi doonaa buugaagta top ka ah iyo soo koobi dooda kusoo dhowaada โค๏ธ

3ย months, 4ย weeks ago

New beginning 2024 ๐Ÿค๐Ÿ‚

Mahad oo dhan ilaahay ayay u sugnaatay sanadkale caafimaad inagu gaadhsiiyay halmid aan idinla wadaago waxa laga yaabaa sanad kasta marka uu bilaabmo inaad is leedahay aad isbadal semeysid lakiin sidaadii aad sii ahaato sirta meesha ku jirta ayaa ah inaad ogaato adigu inaad tahay isla qofkii aad ahayd lakiin lagaa rabo inaad caadooyinkaaga wax ka badal ku sameyso taasina ma ahan wax fudud ee waxay kaaga baahantahay dedaal iyo inaad usamirto markastana maskaxdaadaa ku hay In naftaada ay ixtiraam kaaga baahantahayย  adigoo iyada ixtiraamyana lagaaga baahanyahay inaad isbadal la timaado sidooย  kale hadii aad jeceshahayna aad geeneyso meeshey u qalantey Any wey sanad wacan farxad iyo badhaadhe ku dhameysta idamka alle.!๐Ÿซถโค๏ธโœจ

#Maymun

5ย months, 1ย week ago
5ย months, 1ย week ago

โ–‘โ–ˆโ–บโ•ย  ๐šƒ๐šŽ๐š•๐šŽ๐š๐š›๐šŠ๐š–-โ—๏ธ(๐Ÿธ๐Ÿถ๐Ÿธ๐Ÿบ) ๐š‚๐š˜๐š–๐šŠ๐š•๐š’ โ€ข โญ๏ธ ๐™ฒ๐š˜๐š–๐š–๐šž๐š—๐š’๐š๐šข โ•โ—„โ–ˆโ–‘

โญ•๏ธโ‡๏ธโญ•๏ธ๐Ÿ›‘โ‡๏ธ๐Ÿ›‘
๐Ÿ‘คโ™› ๐š‚๐™ธ ๐™ฐ๐™ฐ๐™ณ ๐š„ ๐™ท๐™ด๐š‚๐™ท๐™พ ๐™บ๐™ฐ๐™ฝ๐™ฐ๐™ฐ๐™ป๐™ฐ๐™ณ๐™ฐ ๐š„๐™ถ๐š„ ๐™ผ๐š„๐™ณ๐™ฐ๐™ฝ ๐™ด๐™ด ๐™ฐ๐™ฐ๐™ณ๐™บ๐™ฐ ๐™ป๐™พ๐™พ ๐š‡๐™ธ๐™ธ๐š‚๐™ด๐™ด๐šˆ๐™พ ๐™ผ๐™ฐ๐™ณ๐™ฐ๐š‚๐™ท๐™ฐ๐™ฝ ๐šƒ๐™ด๐™ป๐™ด๐™ถ๐š๐™ฐ๐™ผ-๐™บ๐™ฐ,๐™ต๐™ฐ๐™ณ๐™ป๐™ฐ๐™ฝ ๐šƒ๐™ฐ๐™ฐ๐™ฑ๐™พ ๐™ธ๐™ถ๐š„ ๐™ณ๐™ฐ๐š๐™ฐ ๐™ฐ๐™ผ๐™ฐ ๐™บ๐š„ ๐™ฑ๐™ธ๐™ธ๐š. โ™ข๐ŸŽƒ

โญ•๏ธโญ•๏ธโญ•๏ธย ย 
๐Ÿ‘‡๐Ÿฟ๐Ÿ‘‡๐Ÿฟ๐Ÿ‘‡๐Ÿฟ
โ‡๏ธKU BIIRโ‡๏ธ

Telegram

SOMALI CHANN

Asal Creative Design invites you to add the folder โ€œSOMALI CHANNโ€, which includes 33 chats.

5ย months, 2ย weeks ago
Maymuun thoughts โค๏ธ๐Ÿ˜Š
5ย months, 2ย weeks ago
Beyond physical.!

Beyond physical.!

Maanta buug aan akhrinaayey ayay odhaahdan iga soo jiidatay (you are beyond physical so trust the unseen.) Oo macno ahaan noqoneysa adigu waxaad ka danbeysaa jiritaankaaga ma garaneysid inaad bari noolaaneysid, qaabkaad u moolanaaysid iyo noloshaada sidey noqonayso markaa aamin waxa aanad areg ama aan wali dhicin.!

Fikirka aan soo dhaweeyee marka aad dooneyso inaad wax noloshaada muhiim u ah qabato aamin iney sida aad dooneyso u dhacayaa, marar badan waxa inoo diida ineynu wax qabno waxa ka mida shakiga iyo inaad is tiraahdo bilaa waxan oo dhan ay socon waayaan biley dadku kula yaaban iyo wax lamida lakiin ogoow waxa soo socda ma ogin ee adigu maskaxdaada u ogoloow iney aaminto waxa aan wali dhicin iney udhacayaan sida aynu rabno markaas shaki la'aan ayaad wax badan u qabaneysaa idamka alle.!๐Ÿค

#Maymun

We recommend to visit

แ…Ÿแ…Ÿแ…Ÿ ๐—”๐—œ๐—ก'๐—ง ๐—ก๐—ข๐—•๐—ข๐——๐—ฌ ๐—š๐—œ๐—ฉ๐—˜ ๐—” ๐—™๐—จ๐—–๐—ž ๐—”๐—•๐—ข๐—จ๐—ง ๐—” ๐—ฅ๐—จ๐—Ÿ๐—˜ห– with the tazos in my side.

OFC CHANNEL :
@OFCTAZOS

SHITPOST :
@HRSSHITPOST

CONTACT US : @ofctazosbot

Last updated 1ย year, 10ย months ago

Chaanaalli Kun Chaanala walaloo gaggabaaboo Fi ergaalee garagaraa of keessaa qabdudha!

Siyaasa โŒ
AmantaaโŒ
JibbinsaโŒ
SanyummaaโŒ

Yaadaaf๐Ÿ‘‡๐Ÿ‘‡
๐Ÿ‘‰ @Michuu_Fayisaa
---------------//---------------

Chaanaalaaf๐Ÿ‘‡
โœ๏ธ @Michuu_ko

Last updated 2ย days, 12ย hours ago

Soo dhowoow is ku day inaad cid nagusoo biiriso hal qofna ha ahaatee adiga oo linkiga zhere gareynaya halkaan waxaad ka helaysaa fikrado ku cajabiyaโ™ฅ๏ธ

Wixii talo ah halkan igalasoo xidhiidh๐Ÿ’š๐Ÿ‘‡ @Maymuuncali

https://t.me/Audiobook2s

2021-5-24

Last updated 1ย month ago