Chaanaalli Kun walaloo Fi artii ittiin dagaagsuuf kan banamedha
Yaadaaf??
@michuu_fayisaa
Chaanaalaaf?
✍️ @Michuu_ko
Last updated 2 months ago
Soo dhowoow is ku day inaad cid nagusoo biiriso hal qofna ha ahaatee adiga oo linkiga zhere gareynaya halkaan waxaad ka helaysaa fikrado ku cajabiya♥️
Wixii talo ah halkan igalasoo xidhiidh💚👇 @Maymuuncali
https://t.me/Audiobook2s
2021-5-24
Last updated 1 month, 2 weeks ago
Wanaagsanoow.!❤️
Wanaagsanoow bilaa shuruud, noqo qof waxa wanaagsan ee uu sameynayo aan ka sugin abaal marin, wanaagsanoow xitaa hadii adiga lagu xumeeyo, qof iyo xaalad midna ha ogalaan inay badasho shakhsiyaadaada wanaagsan lakiin iska ilaali in wanaagaagu uu dhaafo xadkii loogu talo galay taas oo kaa dhigi karta qof liita ama hoos loo dhigo.❤️
BAAQ NABADEED
1 Team somali Telegramers waxa ay baaq nabadeed usoo jeedinayan umada soomaliyeed gaar ahaan deeganada maalmihii ugu dambeyay ay kaa socdeen dagaalo beeledyo macno la'aan oo la isku dilayo wax aan macno lahayn, dagaaladan sidan ah islaam ahaan uu alle naga xarantimeyay isagoo kitaabkiisa Qur aanka ku yiri :
وَمَن يَقْتُلْ مُؤْمِنًا مُّتَعَمِّدًا فَجَزَآؤُهُۥ جَهَنَّمُ خَٰلِدًا فِيهَا وَغَضِبَ ٱللَّهُ عَلَيْهِ وَلَعَنَهُۥ وَأَعَدَّ لَهُۥ عَذَابًا عَظِيمًا
"Qofkii qof mumin ah dila si ula kac ahne u dila abaalkisa waa jahanamo wuu ku waaraya oo ilaah baa u caroonaya ilaahey baa lacnadaya waxana loo diyaarinaya cadaab weyn"
Iyadoo aynu rumeesanahay ayaadas oo aynu sheeganeeno dad muslimiin ah hadane aynu isku dilno rer hibil waa wax ayaan daro ah
"Dagaal wiil kuma dhasho ee waa uu ku dhinta"
Dhalinyarada somaliyeed waxaan ugu baaqeyna in ay ka baqsadan hurinta iyo ka qeeb qadasha dagaladas socda taas badalkeeda ay ka qeeb noqdan sidey nabad ugu soo dabaali lahaayen dagalas socda
"Nabad ayaa naas la nuuga leh"
Ugu danbeyn waxaan alle ka baryeyna in uu walalahas somaliyeed qalbiyadooda isu dubo dagaladas socdane ay halkaas ku joogsadan insha'allah
TALO WALAALNIMO.
Hadii aad tahay wiil ama gabar ka yar 25 sano noloshana hadaf iyo hididiilo wanaagsan kaleh qoraalkan waa kaagi.
{Nolosha dhalinyaranimada}
Waxaan dareensanahay adiga qoraalkan akhrisanaya inaa tahay qof da’yar oo nolosha hami sare ka leh doonayana inuu wax uun guul ah xaqiijiyo oo hadafkiisa ka miro dhaliyo lehna riyo qurux badan inuu rumeeyana dadaal ugu jira.
Walaalkay/Walaashayda Curdanka ah ee noloshu u jilcaysoow dhalinyaranimadu waa wakhti aad dib usoo jaleeci doontid adigoo jeclaysanaya waa wakhti aan xasuustaada Ka go’i doonin waa xiliga aad noloshaada qaabayn kartid si taban iyo si togonba
Waa wakhti hadii ciyaar ciyaar kaaga lumo aadan dib dambe ooga soo kaban karin aadna Ka shalayn doontid intaad dunida guudkeeda saarantahay.
Hadaba akhristahan sharafta lahoow iga qaado talooyinkaan aan u arkay inay ku anfacayaan idam alle.
• Gudo waajibaadka ale sida salaada soonka iyo dhamaan acmaasha khayrka ah waad ku liibaanaysan aduun iyo aakhiraba arimahaagana ilaahay ayaa kuu fududayn doona.
• waxba ha shukaansan adiga oo aanay noloshaaduba guur diyaar u ahayn Ka faaidi maysid wax aan Ka ahayn wakhti dhumis khasaare iyo dib udhac.
• ugaara gabdhaha:gabareey raga u jirso intii uu alle amray inaad u jirsato,
_hadii aad nin saaxib moodo dareenkaaga,qalbi furnaantaada iyo quruxdaaduba waxay noqonayaan mindi lagu isticmaalo si laguu gawraco,ilaa Kuwa ale u naxariistay mooyane.
• Ka dheerow daawashada aflaanta xun xun mukhaadaraadka iyo wax walbe oo La halmaala,waxay dilayaan awoodaada jireed iyo midaada maskaxeedba.
• Jooji iska daba socodka shahwaadka nafta ama waxa naftu jeceshahay oo mar walbe Ka hormari waxa Muhiimka ah.
• dhiso oo ku dhaqan caadooyin wanaagsan haba yaraadeen eh waxay qaabaynayan hab dhaqankaaga dhanka wanaagsan ayayna kuu jiidayaan.
• Ka dheerow waxa loo yaqaan amraadul qalbi ama cudurada qalbiga sida kibirka,istustuska,faanka bilaa micnaha ah iyo isla waynida,Noloshaada ayay dabar aadan Ka baxsan karin ku noqonayaane.
• ugu yaraan ku bixi 30 daqiiqo maalinkii Akhrinta,qorida iyo baarida waxa aad jeceshahay waxaa kobcaya Aqoontaada si tartiib tartiib ah.
• baro xirfado aad Ka heli karto dakhli aad noloshaada ku maarayso.
• baro sida dadka looga hor hadlo sida xogaha loo baaro loona gudbiyo waxay Kaa saacidaysa gaarida hadafkaaga kuuna sahlaysaa.
• wakhtigaaga ilaali kana dheerow danaystayaasha iyo saaxibada xun waa waxa dhalinyaro badan marin habaabiyaye.
• ugu yaraan samee 30 daqiiqo oo jimicsi ah maalinkii si aad Kor ugu qaado caafimaadkaga jireed iyo maskaxeedba.
Ugu danbayn waxaan filayaa inaad wax uun ka Faa,iday waxaan kuu rajaynayah hadaf iyo yool walbe oo wanaagsan oo aad leedahay inaad sida ugu quruxda badan u gaadhid.
Chanalka buugta Waan idiin soo dhigay soo koobistiisa iyo pdfkiisaba akhris iyo dhagaysi wacan ❤️
Self talk ( naf lahadal ).❤️
Dadkeena soomali ahaan waxyaabaha aynaan wali aad u baran waxa ka mida qofku inuu gudihiisa ogaado ama uu dareemadiisa ka warqabo dhakhatiirta psychologistka ah marka ay dadka counseling ama a talooyin siinayaan waxyaabaha ay firstka u horeeyaba kula taliyaan waxa ka mida waxa loo yaqaano naf-lahadalka waxaana loo yaqaanaa waxa ugu muhiimsan ee qofka healing kiisa ama bogsashadiisa gudeed ka qayb qaata.
Naf-lahadalka waxuu u qaybsamaa labo qaybood mid positive ah iyo mid negative ( mid togan iyo mid taban ) qaabka aad naftaada ula hadashana waa waxa ugu muhiimsan ee jaangooyanaya cidda aad tahay , waxay kaa caawineysaa inaad noqoto qof kala miiran oo wax kasta ukala soocanyihiin, qof garanaya waxa uu doonayo iyo waxa kale , dareemada uu gudaha ka heleyo garanaya oo turjumi kara waxa ay farayaan.
Qaababka naf lahadalka loo sameeyo wey badanyihiin waxaa ka mida inaad meel fadhiisato oo aad naftaada la kaliyeysato is weydiiso waxa aad rabto , xaalkaaga , xidhiidhka aad ilaahay la leedahay , inaad si toos ah muraayadda u hortagto ood muqaalkagaa jeclaato wanaagyadiisa iyo iintiisaba , qaabka kale een aadka u jeclehay waxa weeye qorida waliba xilga danbe ama habeenkii inta aadan seexan qaabab badan oo kele ayaa jira waad baadhi kartaan inaad barato oo aad ogaato ka kugu fiicana waa muhiim.❤️
Chaanaalli Kun walaloo Fi artii ittiin dagaagsuuf kan banamedha
Yaadaaf??
@michuu_fayisaa
Chaanaalaaf?
✍️ @Michuu_ko
Last updated 2 months ago
Soo dhowoow is ku day inaad cid nagusoo biiriso hal qofna ha ahaatee adiga oo linkiga zhere gareynaya halkaan waxaad ka helaysaa fikrado ku cajabiya♥️
Wixii talo ah halkan igalasoo xidhiidh💚👇 @Maymuuncali
https://t.me/Audiobook2s
2021-5-24
Last updated 1 month, 2 weeks ago