Why Pay for Entertainment? Access Thousands of Free Downloads Now!

Fataawada Dr Khadar

Description
Waa mareeg lagu aruuriyo fataawada Sh Dr Khadar Xassan Axmed.

Halkan su'aashaada ku soo dir:
T.me/AskFiqibot

Waxa ka masuul ah:
T.me/Ishraqcenter
Advertising
We recommend to visit

Official Telegram channel✔️

🔛Nutti dhihaatta 🚶
🔛Jaalalaan nurraa qabamta💓
🔛Garmalee Koflaan Fincaan ofirrati buusta😀
🔛asuman waliin taane Afaan fi artii keenya gudifanna.
Any comments or messages:- @Orosarca_commentobot

Last updated 2 years, 9 months ago

😍🥰Jaalalaafii ergaalee jaalalaan wal qabatan gaggabaaboo as jalaa argattu❣😘🤩🥰😍😜❣️❤️‍🔥
😁😅🤣😂Dabalataan Qoosaa Bohaarsoo😇😋

Last updated 1 month, 2 weeks ago

Supporters of the greatest President of our lifetimes, @real_DonaldJTrump!

Last updated 1 month, 2 weeks ago

1 Monat, 2 Wochen her
1 Monat, 2 Wochen her
  1. Qofka maalinka oo dhan soomanaa haddii uu suuxo maalinka aakhirkiisa, miyuu soo qalleyn maalinkaas?

Jawaab:
Maya, kol haddii qeyb kamid ah maalinka miyirkiisu joogay, soonkiisuna waa u ansax.

  1. Qofku isaga oo sooman dhiig ma shubi karaa? Sidoo kale dhiiga baadhitaanka ma iska qaadi karaa?

Jawaab:
Haa, labada dhiig midna majabiyo soonka, laakiin waxa fiican in qofku habeenkii iska shubo; si aanuu udaciifin.

  1. Aniga oo sooman haddii aan is idhaahdo iska afur, haddana aan iska daayo, soonku miyuu iga jabay?

Jawaab:
Maya, kol haddii aanaad waxba cunin, soonku niyadda kuma jabo.

  1. Aniga oo soon la igu leeyahay haddii ramadaantii kale soo gasho, maxaa la igu leeyahay?

Jawaab:
Haddii aad wakhti helaysay aad ku qalleysid se aad dayacday, waxa lagaa rabaa in aad qalleysid , fidyana bixisid, laakiin haddii aanay kuu suurtagalin oo aad xanuusanaysay ama safar aad ku jirtay qalle kaliya ayaa lagaa raabaa.

  1. Haddii la adimo ma la suxuuran karaa?

Jawaab:
Maya, haddii uu yahay eedaankii salaadda subax, wixii aad afka ku haysana waad tufaysaa.

  1. Haddii anoo sooman oo salaad ku jira ay xaako isoo qabato maxaan sameeyaa? mana tufi karo mana liqi karo'e!

Jawaab:
Haddii maro ama wax lamida aad helaysid waad ku tufi, haddii kalena salaaddaad kabixi oo waad soo tufi, kadibna waad ku noqon salaadda.

  1. Kaanoole ayaan ku qaataa daawooyin ee soonka wax ma yeelayaan?

Jawaab:
Haddii aanay ahayn daawooyinka udhigma cuntada iyo cabitaanka waa caadi, laakiin haddii ay yihiin daawooyinka qofka awoodda siinaya ee tamarta usoo celinaya maya, waad xanuusanaysaa ee iska afur, oo dib kasoo qallee.

#Soonka
#Salaadda

1 Monat, 2 Wochen her
  1. Gabar aniga oo la hadlaya ayay biyihii taranku iga imaadeen, soonku miyuu iga burayaa?

Jawaab:
Haddii uu hadal kaliya yahay oo fal aad qabatay aanu jirin, sidoo kale aanaad is dareemin in hadalkaas biyuhu kaaga imanayaan soonku uu kuu jiraa, laakiin haddii fal la socday ama adigoo og in biyuhu kaga imanayaan hadalka sii waday waa ka buray soonku, qallena waa lagugu leeyahay.

  1. Qofku haddii uu witriga taraawiixda raaciyo oo haddana habeenkii xaga danbe rabo in uu ka tukado muxuu samayanayaa?

Jawaab:
Waxa uu tukanayaa salaatul-layl labo labo rakcadood ah, witrina raacin maayo oo hore buu usoo tukaday.

  1. Taraawiixda witriga ma banaan tahay in la israaciyo saddexda rakcadood?

Jawaab:
Haa, laakiin waa in aad sii niyooto.

  1. Qofku salaadda cishaa'iga maku dabo xidhan karaa taraawiixda?

Jawaab:
Haa, mad'habkeena way u ansaxaysaa, laakiin waa arrin laga fiican yahay, oo waxa ka fiican in aad gaar iskaga tukatid ama dad kale oo cishaa'i tukanaya la tukatid; si aad iskaga ilaaliso culimada madaahibta kale oo aan arrinkan ogalayn.

2 Monate, 4 Wochen her
**Axkaamta hagbadda (ayuutada):**[**#Ganacsiga\_iyo\_iibka**](?q=%23Ganacsiga_iyo_iibka)

Axkaamta hagbadda (ayuutada):#Ganacsiga_iyo_iibka

2 Monate, 4 Wochen her
2 Monate, 4 Wochen her
  1. Malabka haddii ay ku dhex dhimato shinnidu ma nijaasoobayaa?

Jawaab:
Maya, waa waxyaabihii aan dhiigga lahayn.

  1. Wiilka yar ee toddobada bilood jira kaadidiisa iyo matagiisaba ma is ku si baa loo daahiranayaa?

Jawaab:
Maya, kaadidiisu waa tii khafiifka ahayd oo rusheyn baa ku filan, laakiin matagiisu waa nijaas oo caadi baa loo maydhayaa.

  1. Waddanka gaalada dumarka soo islaama ee waalidkood gaalka yahay imaamka masjidku ma guurin karaa kol haddii xaakim islaam ahi aanuu joogin?

Jawaab:
Ciddii aqoon uleh axkaamta diinta ee ay arrinkooda udhiibataan ayaa guurinaysa.

  1. Gabadhu marka ay sujuudayso haddii timaha hore ee fooddu muuqdaan salaaddi may ka jabaysa?

Jawaab:
Haa, ma ansaxayso.

  1. Qofku marka uu fadhiga ku tukanayo; in uu kursi ku fadhiisto iyo in uu dhulka fadhiisto keebaa wanaagsan?

Jawaab:
Kolba kii isaga ufudud.

  1. Dhawaan ayaan bartay in gabadha haddii dhiiggu ka go'o salaadda cishaa'i, lagu leeyahay salaaddaas iyo salaaddii Maqrib, haddaba danbi maku leeyahay wakhtigii hore ee aanaan soo qallayn jirin?

Jawaab:
Intii aad ka xasuusato soo qallee, wixii kalena danbi ku yeelan maysid Ilaahay idankii.

  1. Ma banaan tahay in aan barto qanuunka wadciga ah haddii aanaan ku shaqeysanayn?

Jawaab:
Haddii aanaad udhiganayn in aad isaga ku xukunto shareecada baddalkeeda dhib malaha.

  1. Ma usoomi karaa niyadda ah in Ilaahay dhibka ka dulqaado falastiin?

Jawaab:
Soonku sidiisa duco maaha, laakiin waad soomaysaa, kadibna waad uducaynaysaa adoo sooman.

  1. Haddii aan uweysaysto in aan kitaabka Qur'aanka akhriyo, weysadaa maku tukan karaa?

Jawaab:
Haa, kol haddii aad ugu talo gashay in aad kitaabka ku taabato.

  1. Salaadda marka aan xidhanayo haddii aan labo jeer ku celiyo (Allaahu Akbar), ma dhibaa ku jirta?

Jawaab:
Haddii aad labada jeerba xidhasho uga jeedo way is burinayaan, oo markaa ta danbe qof aan salaad ku jirin baad noqoneysaa.

  1. Salaadda in lagu dhex hadlo meelo la ogol yahay may jirtaa?

Jawaab:
Maya.

  1. Haddii aan ka shakiyo in aanaan weyso qaadan, ma tukan karaa mise waa in aan dib uweysaysto?

Jawaab:
Waxa ay ku xidhan tahay xaaladdaada; haddii aad weyso qab isku ogayd ood ka shakiday maad wayso jabtay waad weyso qabtaa, haddii aad weyso jab isku ogayd ood ka shakidana ma wayso qabtid.

#Dahaarada
#Salaadda
#Soonka
#Guurka

4 Monate, 2 Wochen her
4 Monate, 2 Wochen her
  1. Digada xoolaha ee qalalan haddii aan ku dul tukado salaaddu ma iga jabaysaa?

Jawaab:
Kaa ansixi mayso salaaddu haddii aanay waxba kaa xigin, laakiin haddii wax kaa xigaan waa caadi.

  1. Gabadhu ninka ma eegi kartaa haddii uu asturan yahay?

Jawaab:
Haddii ay xaajo keensato wixii aan cawro ahayn waa loo ogol yahay, laakiin xaajo la'aan culimadu ma ogala.

  1. Waxa jira dadka qaar marka ay indho kuulanayaan candhuuf ku qooya qoriga indho kuulka si uu uqabto indhaha, markaa qofkaasi ma qof nijaas marsadaybaa?

Jawaab:
May, candhuuftu waa daahir.

  1. Dadka qaarbaa la galiyaa katiitar si uu kaadida uga soo qaado, qofkaasi haddii uu miirqabo ma ku tukan karaa haddii aan laga saari karayn?

Jawaab:
Qofkaas salaaddu way ku waajibaysaa, katiitarkana imika waxa jira kuwo qofka laga furi karo, markaa kuwaa ha isticmaalo, oo marka ay salaadda gaadho halaga furo.

  1. Gabadha uurka leh dhiigga caadadu maka yimaadaan?

Jawaab:
Haa, mad'habka shaaficiga haddii dhiig lagu arko shuruuddii dhiigga caadada laga helay.

  1. Kafaarada dhaarta haddii qofku buriyo lagu leeyahay waxa kamid ahayd in uu miskiin quudiyo, haddaba haddii aan lacag udhigmaysa raashinkii hal miskiin siiyo ma iga dhacaysaa?

Jawaab:
Kafaarada dhaarta toban miskiin baa la quudiyaa ama dhar laa siiyaa ee hal miskiin maaha, lacag in la siiyana kaaga gudimayso.

  1. Haddii waalidku marka uu sii dhimanayo caruurtiisa qaar kamid ah xoolihii wada siiyo, qaybintaasi sax ma noqonaysaa mise markuu dhinto dib baa loo qaybsanayaa xoolihiisii?

Jawaab:
Haddii aanay xaaladdiisa caafimaad fiicnayn ama wakhti halis ah isaga oo ku jira xoolihiisa uu bixiyo ma fulayaan, haddii aanay ogalaan dhaxlayaashiisu dhimashadiisa kadib.

  1. Gabdhu haddii ay umusho oo dhiigna aanuu ka iman salaaddii ma tukan kartaa?

Jawaab:
Haa, laakiin dhalmada waa in ay ka maydhato marka hore.

  1. Haddii marada aan ku tukanayo ay wayn tahay oo darafkeeda nijaaso ku dhacdo salaaddu may iga buraysaa haddii aanay ii dhawayn nijaasadu?

Jawaab:
Haa, kol haddii ay tahay maradii aad huwanayd.

  1. Gabadh bukaan ah oo dhakhtar usoo qoray dawooyin maskaxda dajiya ayaa isku aragtay uur bilaw ah, markaa ma iska soo xaaqi kartaa ilmahaas xaaladda ay ku jirto awgeed?

Jawaab:
Haddii ay halis nolasheedu galayso oo labo dhakhtar oo muslim ah ay sheegaan arrinkaas dhib malaha.

  1. Gabadha caadada leh kitaabki Qur'aanka ma taaban kartaa oo ma akhrin kartaa haddii ay imtixaan ku galayso?

Jawaab:
May, looma ogala.

#Dahaarada
#Salaadda
#Dhaxalka
#Dhaaraha_iyo_Nadarka

5 Monate, 2 Wochen her
5 Monate, 2 Wochen her
  1. Gabadhu haddii ay bisha Ramadaan isku muddo irbad dhiigga caadada ka joojinaysa; si ay uwada soonto, ma banaan tahay?

Jawaab:
Haa, dhib malaha.

  1. Madoobaysada timaha la mariyo ma xalaal baa?

Jawaab:
May.

  1. Salaadaha marka la israacinayo adkaartii salaadda ka danbaysay miyaa la akhrinayaa mise toos baa la iskugu xigsiinayaa?

Jawaab:
Toos baa la iskugu xigsiinayaa, adkaartana marka ay dhammaadaan labada salaadood baa lala imanayaa.

  1. Shirkadaha gaaladu waxa ay leeyihiin khiyaaru-shardi ka badan saddex maalmood, markaa ma anasaxaysaa in aad shardigooda kula dhaqanto?

Jawaab:
Mad'habka shaaficiga ma banaana, laakiin qofka haddii shaqadiisa dhib ka soo gaadhayso madaahibta kale uu raaci karaa ee banaynaysa.

  1. Qof baanu isku dagaalnay Masjid, kadib dhiig aan sacab buuxinayn ayaa igaga daatay roogii masjidka, markaa ma nijaasbaa oo dadka waan usheegaa mise dhib malaha?

Jawaab:
Waa nijaas. Waa in la daahiriyo Masjidka, oo laga maydhoo dhiiggaas.

  1. Dhiigga dadka ma la iibin karaa?

Jawaab:
Maya, lama iibin karo.

#Dahaarada
#Salaadda
#Soonka
#Ganacsiga_iyo_iibka

We recommend to visit

Official Telegram channel✔️

🔛Nutti dhihaatta 🚶
🔛Jaalalaan nurraa qabamta💓
🔛Garmalee Koflaan Fincaan ofirrati buusta😀
🔛asuman waliin taane Afaan fi artii keenya gudifanna.
Any comments or messages:- @Orosarca_commentobot

Last updated 2 years, 9 months ago

😍🥰Jaalalaafii ergaalee jaalalaan wal qabatan gaggabaaboo as jalaa argattu❣😘🤩🥰😍😜❣️❤️‍🔥
😁😅🤣😂Dabalataan Qoosaa Bohaarsoo😇😋

Last updated 1 month, 2 weeks ago

Supporters of the greatest President of our lifetimes, @real_DonaldJTrump!

Last updated 1 month, 2 weeks ago