Infinite Entertainment, Zero Cost: Get Your Free Books, Music, and Videos Today!

ᵀᴬᴬᴿᴵᴵᴷᴴᴰᴬ ˢᴼᴼᴹᴬᴬᴸᴵᴰᴬ__🇸🇴

Description
sᴏᴏᴍᴀᴀʟɪ
sᴏᴍᴀʟɪᴅᴀ ᴛᴀᴀʀɪɪᴋʜᴅᴇᴇᴅᴀ
ɪɴ ʙᴀᴅᴀɴ ᴏᴏ ɪɴᴀɢᴀ ᴛɪʀsᴀɴ
ᴍᴀᴛᴀǫᴀᴀɴ sɪᴅᴀᴀ ᴅᴀʀᴀᴅᴇᴇᴅ
ᴀʏᴀᴀɴ ᴜsᴀᴍᴇᴇʏᴀ ᴄʜᴇɴɴᴀʟᴋᴀɴ

𝑻𝒂𝒂𝒓𝒊𝒊𝒌𝒉𝒅𝒂𝒂𝒅𝒂 𝒃𝒂𝒓𝒐 𝒘𝒍𝒍🇸🇴

𝒂𝒘𝒏𝒆𝒓::: @Wasiir_cabaase
Advertising
We recommend to visit

Last updated 4 weeks, 1 day ago

Информационное агентство Vesti.Az 
Website: https://vesti.az
Contact: @BOTAPAGroup

E-mail: news@vesti.az

Last updated 1 month, 2 weeks ago

Kanal Zyrtarë!

Last updated 2 days, 13 hours ago

7 months, 2 weeks ago
7 months, 3 weeks ago

https://t.me/taariikh52

Telegram

ᵀᴬᴬᴿᴵᴵᴷᴴᴰᴬ ˢᴼᴼᴹᴬᴬᴸᴵᴰᴬ__🇸🇴

sᴏᴏᴍᴀᴀʟɪ sᴏᴍᴀʟɪᴅᴀ ᴛᴀᴀʀɪɪᴋʜᴅᴇᴇᴅᴀ ɪɴ ʙᴀᴅᴀɴ ᴏᴏ ɪɴᴀɢᴀ ᴛɪʀsᴀɴ ᴍᴀᴛᴀǫᴀᴀɴ sɪᴅᴀᴀ ᴅᴀʀᴀᴅᴇᴇᴅ ᴀʏᴀᴀɴ ᴜsᴀᴍᴇᴇʏᴀ ᴄʜᴇɴɴᴀʟᴋᴀɴ 𝑻𝒂𝒂𝒓𝒊𝒊𝒌𝒉𝒅𝒂𝒂𝒅𝒂 𝒃𝒂𝒓𝒐 𝒘𝒍𝒍***🇸🇴*** 𝒂𝒘𝒏𝒆𝒓::: @Wasiir\_cabaase

ᵀᴬᴬᴿᴵᴵᴷᴴᴰᴬ ˢᴼᴼᴹᴬᴬᴸᴵᴰᴬ__🇸🇴
7 months, 3 weeks ago
7 months, 3 weeks ago

ee Soomaaliya iyo in dawlada la dhisayo ay cod-bixin dalka Soomaaliya ku gaarsiin doonto muddo shan sanadood ah, taas oo ku xigtay markii uu dhammaaday waqtigii saddexda sano ee dawladii hore ee kumeel gaarka ahayd. Dawladan cusub waxaa loo bixiyey DFKMG (Dawlada Federaalka Kumeel gaarka ah). Aug 2004 – Waftiyadii ka qayb galayey
shirka Soomaalida uga socdey Kenya ayaa doortay 275-xildhibaan, kuwaas oo lagu soo xulay hab qabiil oo loo bixiyey 4.5

https://t.me/taariikh52

♡ ㅤ   ❍ㅤ     ⎙      ⌲
ˡᶦᵏᵉ  ᶜᵒᵐᵐᵉⁿᵗ  ˢᵃᵛᵉ   ˢʰᵃʳᵉ

Telegram

ᵀᴬᴬᴿᴵᴵᴷᴴᴰᴬ ˢᴼᴼᴹᴬᴬᴸᴵᴰᴬ__🇸🇴

sᴏᴏᴍᴀᴀʟɪ sᴏᴍᴀʟɪᴅᴀ ᴛᴀᴀʀɪɪᴋʜᴅᴇᴇᴅᴀ ɪɴ ʙᴀᴅᴀɴ ᴏᴏ ɪɴᴀɢᴀ ᴛɪʀsᴀɴ ᴍᴀᴛᴀǫᴀᴀɴ sɪᴅᴀᴀ ᴅᴀʀᴀᴅᴇᴇᴅ ᴀʏᴀᴀɴ ᴜsᴀᴍᴇᴇʏᴀ ᴄʜᴇɴɴᴀʟᴋᴀɴ 𝑻𝒂𝒂𝒓𝒊𝒊𝒌𝒉𝒅𝒂𝒂𝒅𝒂 𝒃𝒂𝒓𝒐 𝒘𝒍𝒍***🇸🇴*** 𝒂𝒘𝒏𝒆𝒓::: @Wasiir\_cabaase

ee Soomaaliya iyo in dawlada la dhisayo ay cod-bixin dalka Soomaaliya ku gaarsiin doonto muddo shan sanadood ah, taas oo …
7 months, 3 weeks ago

Caydiid oo ku laabtay Muqdisho, isla mar ahaantaasna diidey in la keeno ciidamada nabad ilaalinta. Dec 3, 1992 – Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa go’aamiyey in Soomaaliya loo diro ciidamo hubaysan oo nabad ilaalin ah oo uu hogaaminayo Maraykanku. Dec 9, 1992 – Ciidamada Badda ee Maraykanka oo caga dhigtay xeebta Muqdisho,
ayagoo watay magacii ahaa “Hawlgalkii Rajo soo celinta“. Jan 15, 1993 – Wadahadal ay soo qaban qaabisay Qaraamada Midoobey oo lagu qabtay Addis Ababa, ayaa maleeshiyooyinkii iskaga soo hor jeedey Soomaaliya ay ku kala saxiixdeen heshiis ay ku joojinayaan dagaalka, heshiiskaas oo kamid ahaa heshiisyo badan oo ay kala saxiixdeen. May 4, 1993 – Maraykanka ayaa hoggaaminta ciidamadii hawl galka ka wadey Soomaaliya ku wareejiyey Qaramada Midoobey. Oct 3, 1993 – Sideed iyo toban ka tirsan ciidamada Maraykanka iyo hal askari oo Malaysian ah ayaa la diley, waxaana la dhaawacay 74 Maraykan ah kaddib markii Muqdisho lagu soo ridey labo helicompter oo Maraykanku leeyahay, meydkii askarta la dileyna lagu jiidey wadooyinka Muqodisho. Waagii dambe arrintas waxaa laga sameeyey filim la baxay “Black Hawk Down“. March 28, 1994 – Hawlgalkii Maraykanku ka wadey Soomaaliya ayaa si rasmi ah loo soo afjaray. Jan 2, 1995 – Maxamed Siyaad barre ayaa ku geeriyoodey magaalada Lagos, Nigeria.
[Siyaad Barre wuxuu noola aintii u dhexaysey 1919 ilaa January 2, 1995] Feb 28, 1995 – Ciidamada badda ee Maraykanka iyo ciidamada Talyaaniga ayaa ka qayb qaatay daad gurayntii ciidamadii Qaramada Midoobey lagga daad gureeyey Soomaaliya.
Aug 1, 1996 – Maxamed Faarax Caydiid ayaa u dhintay dhaawac soo gaarey. [Caydiid waxa uu noola intii u dhexeysey December 15, 1934 ilaa August 1, 1996] Haamaha Sunta: Waa kuwaa… 1997 / 1998 – Jariidad kasoo baxda dalka Talyaaniga oo lagu magcaabo Famiglia Cristiana ayaa daabacday qoraalo xiriir ah oo si waadax ah u faahfaahinaya eedaymo la xiriira sunta lagu duugay Soomaaliya oo ay jariidadu magcawday labada shirkadood ee kala ahAchair Partners
(Swiss), iyo Progresso (Italian). Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green Party ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin matalayey “madaxweynihii maamulkii Muqdisho markaas” Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan yahay 10 million tonnes, taas oo looga bedeshey $80 million oo doolar. Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas ka hadlo, in kasta oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku cadeeyey in heshiiskaasi
dhacay. Heshiiskaasi wuxuu dhacay December 1991, waxaana Cali Mahdi Maxamed“maamulkisii” u saxiixay “Wasiirkiisii Caafimaadka” Nuur Cilmi CUsmaan ( Nur Elmy Osman ). Waxaana qorshuhu ahaa in sannadkiiba Soomaaliya lagu duugo sun miisan keedu dhan yahay 500,000 tons. May 2, 2000 – Shir Soomaalida lagu heshiisiinayey ayaa ka bilowday Tuulada Carta ee Dalka jabuuti, shirkaas oo ay ka qayb galeen in kabadan 2,000 oo Soomaalida hoggaamiyayaasheeda ah. Dr. C/Qaasim Prof. Galayr Aug 13, 2000 – Waxaa dhidibada loo taagey dawladii kumeel gaarka ahayd, dawladaas oo la siiyey muddo saddex sano ah in ay heshiis ka dhex dhaliso dadka Soomaaliyeed.
Waxaa dawladaas madaxweyne u noqday C/Qaasim Salaad Xasan, ra’iisul wasaarena Cali Khaliif Galayr. June 5, 2001 – Maxamed Cawaale Liiban oo ahaa ninkii sameeyeey calanka Soomaaliya ayaa ku geeriyoodey magaalada Toronto ee dalka Canada. May 3, 2002: Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal aya ku geeriyoodey magaalada Pretoria ee dalka South Africa. Cigaal waxa uu noqday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya intii u dhexeysey 26kii June 1960 ilaa 12kii July 1960. [Cigaal waxa uu noolaa intii u dhexeysey August 15, 1928 ilaa May 3, 2002]. Oct 15, 2002 – Shirkii 14aad ee nabadaynta Soomaaliya ayaa ka furmay magaalada Eldoret ee dalka Kenya. Sept 15, 2003 – Waxaa lagu heshiisey axdiga kumeel gaarka ah

7 months, 3 weeks ago

ᵀᴬᴬᴿᴵᴵᴷᴴᴰᴬ ˢᴼᴼᴹᴬᴬᴸᴵᴰᴬ__🇸🇴:
July 1, 1960 – Xorriyadii iyo midowgii dadka Soomaaliyeed qaybtii laga soo bilaabo dabayaaqadii qarnigii 19aad ay gumaysan jireen Ingiriiska iyo Talyaanigu. July 1, 1960: Madaxweynihii u horeeyey ee Soomaaliya waxaa noqday Aaden Cabdulle Cismaan Daar (Aaden Cadde), waxana uu madaxweyne ahaa ilaa June 10, 1967, markaas oo doorasho uu madaxweynanimada kula wareegey C/rashiid Cali Sharmarke. [Aaden Cadde waxa uu noolaa intii u dhexeysey 1908 ilaa June 8, 2007]. Jan 1962 – Nelson Rolihlahla MANDELA ayaa u mahad celiyeey afar wadan oo ay ka mid tahay Soomaaliya. Mandela waxa uu ka khudbaynayey shirkii Pan-African ee lagu qabtay Addis-Ababa, asagoo u mahad celiyey
afar dal ee Afrika xilligaas ka mid ah dalalka xorta ah, kuwaas oo kulankaas joogey, kuwaas oo ahaa Somalia, Ethiopia, Sudan iyo Tanganyika. Waxana uu Mandela dalalkaas uga mahad celiyey sida ay cunaqabataynta siyaadadeed iyo mid dhaqaale u saareen dawladii markaas midab takoorka ku haysatey Koonfur Africa iyo sida ay dalalkaasi magangelyo u siiyeen qaxootiga reer Koonfur Afrika. June 10, 1967: Waxaa Soomaaliya madaxweyne ka noqday C/Rashiid Cali Sharmarke. October 15, 1969 ayaa la diley C/rashiid isagoo booqasho ku maraya Laascaanood. [C/rashiid Cali Sharmarke waxa uu noolaa intii u dhexeysey 1919 ilaa October 15, 1969].
Siyaad Barre Oct 21, 1969 – Inqilaabkii loo
bixiyey ‘inqilaabkii aan dhiigu ku daadan” ayaa ka dhacay Soomaaliya, waxaana sidaas xukunka ku qabsaday Jenaraal Maxamed Siyaad Barre. Oct 21, 1972: Waxaa si rasmi ah loo qoray Afka Soomaaliga oo wixii xilligaas ka horeeyey aan qornayn, balse Soomaalidu weligood ku hadli jireen. Jan 23, 1975 – Culimo Soomaaliyeed ayaa ka dhiidhiyeen
sharci ay soo rogtey xukuumadii Siyaad Barre ; sharcigaas oo ka hor imaneyey Qur’aanka (Xukunka Allah). Maadaama ay dadka Soomaaliyeed oo 100% muslim sunni ah u cuntami weydey xukunkaas ayey culimadu gadoodeen; waxaana loogu jawaabey in toban culimadii ka mid ah lagu xukumay dil; waxaana culimadaas Muqdisho lagu toogtey
23/1/1975. April 9, 1978 – Waxaa dhicisoobey Inqilaab lala maaganaa in lagu rido xukuumadii Siyaad Barre. Waxaana la toogtey 17 kamid ahaa ragii inqilaabka lagu tuhmay oo uu kujirey Col. Maxamed Sheekh Cismaan oo ahaa hogaaminayey Inqilaabka. Xilligaas ayuu C/Laahi Yuusuf ka baxay Soomaaliya maadaama uu kamid ah raggii ku jirey fulinta
Inqilaabkaas. [Inqilaabku wuxuu ku qorshaysnaa inuu dhaco April 12, 1978, laakiin wuu ka soo hormaray oo wuxuu dhacay taariikhdu markay ahayd April 9, 1978 waana uu dhicisoobay.*] Xasuuqii Boorama 30 Jan 1984 Sept 1978 – Col. Cabdullaahi Yuusuf ayaa asaasay mucaaradkii ugu horeeyay ee taariikhda dalka soomaaliya, waa jabhadii (SSF)
taas oo bishii October 1981 isu bedeshey (SSDF). Janaayo 30, 1984: Weerar diyaaradeed ee ay la beegsatay Boorama waxay ku xasuuqday 37 arday oo da’doodu udhaxaysay (6-14)sano iyo 4 macallin, halka dhaawucuna kor u dhaafay 39 arday iyo 5 macalin , waxaa kaloo dadka ku nafwaayay weerarkaas kamid ahaa 4 hooyo oo xaamilooyin ahaa
kuwaasi uu sugnaa MCH-ka…. Aug 7, 1990 – Jabhadihii SNM (oo la saasay April 1981), USC (oo la asaasay 1989) iyo SPM (oo la asaasay March 1989) ayaa u midoobey sidii ay u tuuri lahaayeen xukuumadii Siyaad Barre. Jan 27, 1991 – Siyaad Barre ayaa ka baxay Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, jabhaduna ay halkaas qabsatay. Caydiid Cali Mahdi
Nov 17, 1991 – Awood ku dagaalankii u dhexeeyey qabqablayaasha dagaalka ee Maxamed Faarax Caydiid iyo Cali Mahdi Maxamed ayaa isu rogey dagaal. Kumanaal shacab ah ayaa ku dhintay dagaalkaas. March 3, 1992 – Qabqablayaashii iska soo hor jeedey ayaa wada saxiixday heshiis xabbad joojin ah oo ay soo abaabushey Qaramada Midoobey,
laakiin waxay qabqablayaashu ku heshiin waayeen sida loo maaraynayo xabbad joojinta. April 24, 1992 – Golaha ammaanka ee Qaraamada Midoobey ayaa ogolaaday in Soomaaliya loo diro 50 qof oo korka ka ilaaliya xabbad joojintii la kala saxiixday iyo Siyaad Barre oo dalka isga baxay. Sept 19, 1992 – Qabqablaha dagaalka ee Maxamed Faarax

7 months, 3 weeks ago

♡ ㅤ   ❍ㅤ     ⎙      ⌲
ˡᶦᵏᵉ  ᶜᵒᵐᵐᵉⁿᵗ  ˢᵃᵛᵉ   ˢʰᵃʳᵉ

7 months, 3 weeks ago
7 months, 3 weeks ago

https://t.me/taariikh52

Telegram

ᵀᴬᴬᴿᴵᴵᴷᴴᴰᴬ ˢᴼᴼᴹᴬᴬᴸᴵᴰᴬ__🇸🇴

sᴏᴏᴍᴀᴀʟɪ sᴏᴍᴀʟɪᴅᴀ ᴛᴀᴀʀɪɪᴋʜᴅᴇᴇᴅᴀ ɪɴ ʙᴀᴅᴀɴ ᴏᴏ ɪɴᴀɢᴀ ᴛɪʀsᴀɴ ᴍᴀᴛᴀǫᴀᴀɴ sɪᴅᴀᴀ ᴅᴀʀᴀᴅᴇᴇᴅ ᴀʏᴀᴀɴ ᴜsᴀᴍᴇᴇʏᴀ ᴄʜᴇɴɴᴀʟᴋᴀɴ 𝑻𝒂𝒂𝒓𝒊𝒊𝒌𝒉𝒅𝒂𝒂𝒅𝒂 𝒃𝒂𝒓𝒐 𝒘𝒍𝒍***🇸🇴*** 𝒂𝒘𝒏𝒆𝒓::: @Wasiir\_cabaase

ᵀᴬᴬᴿᴵᴵᴷᴴᴰᴬ ˢᴼᴼᴹᴬᴬᴸᴵᴰᴬ__🇸🇴
We recommend to visit

Last updated 4 weeks, 1 day ago

Информационное агентство Vesti.Az 
Website: https://vesti.az
Contact: @BOTAPAGroup

E-mail: news@vesti.az

Last updated 1 month, 2 weeks ago

Kanal Zyrtarë!

Last updated 2 days, 13 hours ago