Unlock a World of Free Content: Books, Music, Videos & More Await!

📚Mucjisooyinka Quraanka🌹

Description
📚Ma ogtahay in kanaalkan yahay kanaalka kaliya ee ka hadla mawduuca faca wayn oo ah mucjisooyinka ku dhex jiro Quraanka kariimka ah. 🌍Hadda Kuso biir kanaalkan hadii aad rabtid inaad 🥼khabiir (Aqoonyahan) ka noqotid dhanka diinta iyo maadigaba🤳🙏.
Advertising
We recommend to visit

بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad 3000 Buug-Somali
Free Ah
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
https://telegra.ph/HA-DEG-DEGIN-AKHRI-11-15
© Somalibooks Pro Inc
- All Rights Reserved-⤵️
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 5 months, 1 week ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 1 month ago

Kala soco Xikmad iyo Qormooyin Markasta Io Meelkasta.

Last updated 1 month, 3 weeks ago

1 month, 3 weeks ago

المصادر والمراجع:
البداية والنهاية، ابن كثير، أبو الفداء إسماعيل بن عمر بن كثير القرشي البصري الدمشقي، طبعة بيت الأفكار.
تاريخ الإسلام ووفيات المشاهير والأعلام، الذهبي، شمس الدين أبو عبد الله محمد بن أحمد بن عثمان بن قَايْماز الذهبي، طبعة دار الغرب الإسلامي.
تاريخ بغداد، الخطيب البغدادي، أبو بكر أحمد بن علي بن ثابت بن أحمد بن مهدي، طبعة دار الغرب الإسلامي.
تاريخ دمشق، ابن عساكر، أبو القاسم علي بن الحسن بن هبة الله المعروف بابن عساكر، طبعة دار الفكر.
تغليق التعليق على صحيح البخاري، ابن حجر العسقلاني، أبو الفضل أحمد بن علي بن محمد بن أحمد بن حجر العسقلاني، طبعة المكتب الإسلامي.
تهذيب الأسماء واللغات، النووي، أبو زكريا محيي الدين يحيى بن شرف النووي، طبعة دار الكتب العلمية، تحميل الكتاب.
تهذيب التهذيب، ابن حجر العسقلاني، أبو الفضل أحمد بن علي بن محمد بن أحمد بن حجر العسقلاني، طبعة دار إحياء التراث العربي، تحميل الكتاب.

1 month, 3 weeks ago

Bukhaari isaga oo ka codsacanaya in uu gurigiisa ugu yimaado si uu ugu dhigo labadiisa kitab ee kala ah: الجامع الصحيح” iyo "التاريخ الكبير”
kadibna waxa uu ugu warceliayay: “ Anigu cilmiga ma dulaynayo o dadka guryahooda lama aadaye ee hadad cilmi dontahay iigu kaalay Masaajidka ama gurigayga”
Badhasaabki magaladu intaanu xukun soo saarin waxa u timi farriin uu soo qoray Maxamed Ibnu Yaxyaa Al Duhali,oo u dhignayd sidan: “ Suldaan Bukhaari waxa uu garab maray sunadii Rasuulka” kadibna amiirkii ayaa soo saaray amar ah in uu ka baxo magalada Bukhara.
Amarkaa markii lagu soo rogay waxa uu u socdaalay dhankaas iyo tuulo yar oo lagu magaacabo Khartank,oo kamid ah tuulooyinkii hoos tagi jiray Bukhaara,halkaas ayaanu ku ducaystay waxaanu Eebbe ka duraantay in ay noloshi ku cuslaatay e uu nafta dhaafiyo, isla bishii uu ducaystay ayaanu go'ay Imaamu Bukhaari
Waxaanu geeriyoday habeen sabti ah oo ku beegan Ciidul fidri bisha Shawalna ay tahay kaw,sanadkii 256-kii salad cishe kadib,waxaana lagu tukaday saladii duhur kadib maalinkii ciidda,isaga oo jira 62-sanno.
Eebbe waxa aan u waydiinaynna abalkii uu inoo galay Bukhaari in uu ku abaaliyo.

1 month, 3 weeks ago

“التاريخ الكبير”
Xiligaasi oo da'diisu ahayd 18-sanno jir.
Kitaabkas ayaana laxusaa in uu aha ktitaabki ugu horreeyay ee uu qoro,inta wixii ka danbeeyay qoraalkiisa iyo safaradiisi way is garab socdeen,marna kama uu maqnayn saxadda qoraalka,kutubtiisuna waxa ay u badnaayeen Xadiiska iyo culuumtiisa.kutubti uu qoray qaarkod war iyo wacaal toona lagama hayo oo ilaa haddana waa lala'yahay.

Qorida kitaabka Saxiixul Bukhariga

Marka laga waramayo sababihii uu u qoray kitaabkan waxa la xusa laba sababood se aan hal mid oo uu oo Bukhari laftiisa laga wariyay aan ku gaabsanno.
Waxa uu yidhi: “ Waxa aan lajoogay oo cashar ka marsanaynay Sheekhaygii Isxaaq Ibnu Raahawayhi,kadibna waxa uu yidhi: “ haddii aad kitaab ku ururin lahaydeen sunada Nabiga(SCW) inta saxiixa ah wa ay wacnaan lahay,isla markiiba waxa laabtayda kuso dhacay kitaabka maad qortid,sidii ayaanan ku qoray”!

Bukhaari kitaabkan waxa uu qorodiisa iyo quraaridiisa uu gacanta ku hayay mudo 16-sanno ah,waxa uu ku qoray 7593-xadiis,markasta oo uu xadiis qorayana waa uu soo maydhanayay kadibna isaga oo wayso qadanayay,laba rakcadoodna waa uu tukanayay,markaas ayuu qoroyay.
Axaadiistan waxa uu kasoo xushay lix boqol oo kun oo Xadiis,xadiis kasta oo uu kitaabkiisn ku qorayna waxa uu u dajiyay laba xer oo uu kaga Sara maray kutubta kale,kitaabkisana u kordhiyau sharaf iyo qiime aanay lahayn kutubtii kale ee laga qoray Sunada Nabiga(SCW):
1-In ay kulmeen labada nin ee wax kala warinaya lana hubo;
2- In uu wax ka maqlay.

Kitaabkan kolkii uu kasoo jeestay qoridisa waxa uu u bandhigay culimadii Islaamka kuwoodi ugu waawayna,sida Axmed Ibnu Xanbal,Cali Al Madiini,iyo kumannan kale,dhammantoodna waa ay soo dhaweyeen,waxaanay qireen qiimaha uu kitaabkani leeyahaya,Muslimiintuna waxa uu ka helay soo dhawayn balaadhan.
Kitaabka Bukhaari ma aha uun wax soo saar uu gaar u leeyahay Bukhari,se waa waxsoosaar ay isla akhriyeen dhamman Culimadi Muslimiintu dhammaantoodna waa ay wada qireen in uu yahay kitaab qiima Sara leh.
Intaa wixii ka danbeeyay Culimada Islaamku kitaabkan waa ay u adeegayeen,qaarkod waxa ay furfureen cinwaanada uu Bukhaari u guntay Axaadiista,qaarkoodna waxa ay sharxeen xadiiska laftigiisa,halka kuwayaw kalana ay xoogga saareen in ay daba galaan ragga kujira iyo nin waliba inta Xadiis ee uu ku leeyahay kitaabka,qaarkalena waxa ay xooga saareen Naxwe ahaan,ilaa maalinkii la qoray ilaa mantana Mar la dhigo iyo Mar lasharxayo ayu u dhexeeya.
☆☆☆

Imaamu Bukhaari iyo imtaxaankii la mariyay

Caalim kasta oo dhab ah oo dunida soo maray waxa u lakulmay imtixaan adag,Imaamu bukhaari iyo rag kale oo badan waxa lagu tuhmay in ay aaminsanyihiin Qur'aanku in uu yahay Makhluuq,mas'aladaa awgeed ayaana dhibaatooyin badan looso gaadhsiiyay,noloshiisa qaybihii danbe oo uu ku laabtay Bukhaara oo uu damcay in uu wax ka dhigana waxa magalada loo galiyay in uu mas'aladaa aminsanyahay,taasi oo sababtay in xalqadiisi laga dareero,ugu danbayntiina murugadii iyo goyntii uu halka ka qaaday ayuu u geeriyooday inta uu Eebbe baryay.
☆☆☆
Samayntii uu igu yeeshay

Bukhaari waxa aan aad ula yaabay samirkiisa iyo sida uu 7-kun oo Xadiis xadiiskasta oo uu qorayay ugu soo maydhan jiray isla markaana uu u tukan jiray laba rakcadood!
Waxa aan la yaabay oo samayn igu yeeshay socdaalkiisi iyo mudadii uu qaatay,marka laysku daro safarkiisii dhanka kiilo mitirka waxa lagu qiyaasa in uu ahaa 14-kun oo kiilo mitir,dhulka baaxadaas leegna uu ku gooyay badankiisa lug.
Waxa aan aad ugula yaabay sugitaanka iyo hawshii uu u tafaxaytay sidii uu uga soo baxay,qodobkaas oo si gaar ah aan isleeyahay dadka qoraalkaygan akhriyaya way ka baran doonan Bukhaari,hadaba isku day hawl kasta oo aad qabato in ad barta ugu mudan gaadhsiiso.
☆☆☆

Geeridii Imaamu Al Bukhaari

Waynagii kor kuso xusnay in Bukhaari intii ugu danbaysay ee noloshiisa uu kuso laabtay magaladii uu ku dhashay kuna barbaaray ee Bukhaara,halkaasi oo uu kabilabay in uu kabixiyo casharo,kadibna waxa lasheega in uu kala kulmay imtixaan adag,waxa lasheega in badhasaabkii magalada Bukhara ee Khaalid Ibnu Axmed Al Duhali,in uu fariin uso diray

3 months, 3 weeks ago

Ugu Dambeeyn Ninkaa Caalimka ah Waxaa Uu soo saaray Kitaab Uu Ugu magac daray
"Gabadha Musimadda ah Waa tan Ugu Nadiifsan Aduunka"
Allah Waa Uu run sheegay Kolkii Uu Kitaabkii Munazalka ah Ku sheegay Oo Uu yiri"
قال تعالي: [ سنريهم آياتنا في الآفاق وفي أنفسهم حتي يتبين لهم أنه
الحق اولم يكف  بربك   أنه على كل شيء شهيدا]:

QORE:  Dr Hussein arab

3 months, 3 weeks ago

*Maxaa Haweenka La furo ay  Cidada U tirsadaan [ 3 Biood] Kuwa laga dhintayne U ciddo tirsadaan [ 4 Bilood iyo 10 Casho]??

Wax badan Ka Ogow Diinteena Sida ay Uga Warantay Cilmigan Wax badan ayaad U baahneed inaad Ogaato.

Caalimka Lagu Magacaabo;  Roberto Gylium"
Oo Wax Ka dhigo " Aynishtan Bublic"
Kuna takhasusay Cilmiga lagu daraaseeyo Uur jiifka " علم الأجنة"

Si Shuruud la'aan ah Ayuu Ugu dhawaaqay islaamnimadiisa Ka dib Markii ay is Waafaqeen  Cilmigii Uu intaas Oo sano Soo Waday iyo Aayadaha quraanka Kariimka Ee  Ka Warama
Arrimahan Ku tacaluqa cilmiga Uur Ku jirta.

Waxaa si gaar ah U soo jiitay Ninkan Caalimka ah Sababta Uu Quraanka Kariimka Ugu Xadiday  Waqtiga Ciddo baxa Dumarka Sadax bilood.

Culimada Casrigan Nool Waxaa Kadis Ku Noqotay Arrin fajaciso ah  Kaas Oo ay Ugu Magac dareen [ Biyaha Ninka Ee Aamusan]:
Shahwada Ninka Waxaa Ku jiro =62protein

Taas Oo Ka duwan Ninka Kale,  Sida Faraha gacmahooda  U Kala duwan yihiin,  Ninkasta Waxaa Uu Allah U yeelay Nooc Xawo Oo U gaar ah ....
Jirka Dumarka Waxaa Uu leeyahay Wax sida Computer Camal ah Kaas Oo lagu keeydiyo Shahwda Ninka ay la macaamishay Ama Qabo.

Haddii ay Guursato Ninkale Si Toos ah Ka dib Markii Uu furo  Ninkii  hore  Ayada Oo Aan Ciddo tirsan , Ka dib Sidaa Kula aqal galo..

Computerkii Hore ayadoo ayado ay  Wax hore Ku keydsanaayeen ayaa Waxaa soo galaya Xawo Kale Oo Cusub,  Halkaa Waxaa Ka dhalan Kartio Cudduro Ay Keeni Karaan  feyruusyo Khatar badan Kaaso  Haweeneyda Ku sababi Karo Xanuuno Halis ah.😪

Cilmi ahan  Waxaa Lagu Xaqiijiyay in . Caadada Kowaad Ee hesho Ee ay  gabadha mar dhaw la soo furay , Ka soo Xaaqmayaan 32% ilaa 35%  Oo Ka mid ah Xawadii Ninkii hore Ee ay Kala tageen .
.Caadada labaad Kolkii ay hesho Waxaa soo Ka soo dhamaanaya 67% Xawadii Ku harsaneed
. Caadada Sadaxaad Markii ay gabadha hesho
Waxaa gabi ahaanba meesha ka soo dhamaanaya Wixii meesha Ku harsanaa 99.9%

Ilmo galeenka Gabadha Sidaa ayuu Nadiif ku noqonayaa  Wuxuu Markaa ka dib U diyaar garoobayaa in Uu qaabilo Xawo Cusub
Ayadoo aysan Kala Kulmeeynin Wax dhib ah.

Dhaqamada ay Sameeyaan Dumarka qaarkood Ee  Ragga Jirkooda ka iibsad Ayaga Oo Aan Ka fikiri Caafimaadkooda Kaliya lacagta fiirsada Hadane La Kulma Xanuuno Halis ah Sida Aids Oo Uu Keeno Virus,   Waa Natiijo Ka dhalata isu daba marka  raggaa kala Xawada  duwan  Xawadaas oo Hal meel isu tageeyso.

Qeybtan Xigta Xigta Waxaan Kaga haleynaa
Dumarka ayaga Laga dhintay.
````````````````````````````````````````````````
Dumarka carmalka ah ayaga Waxaa muddada dheer  Loo siiyay iyaga Waxaa la sheegay in Xawada Ninkii  Ka dhintay baaqi Meesha Ku sii ahaan doonta Muddo dheer
Maadama Haweeneydii Uu Ka dhintay Waqti Kasta Soo Xasuusaneyso taaso Keeneyso Murugta Xoogan
Waxeey U baahan tahay Haweentas  Waqtiga Uu Allah U qadaray Afar bilood iyo toban Casho ineey sugto  Si gabiahaanba meesha Uga soo Wada dhamaadan Xawadii Hore.

Xaqiiqdan,  ayaa Ku dhalisay Caalimkan  in Uu Ku dhawaaqo Kalmada towxiidka islamkane Sidaa Ku soo galay
Baaritaanii Uu Sameeyay Caalimkan Waxaa Ka mid aha in Uu La Kulmay Haween Muslimiin ah Oo dagan Maraykanaka Kuwaas Oo Xaasas ah
Waxaa Uu Ku Ogaaday Baaritaanka in Mid Kasta Oo Haweenka ah ay sido Hal Nooc Oo Xawo ah Kuna Keydsan tahay Computerkeeda

Halka Uu ayagane Baaritaan Ku soo Ogaaday dumar kale Aan muslimiin aheeyn Waxaa lagu Ogaaday in Middiiba ay Computerkeeda Ku Sido Labo ilaa Sadax Nooc Oo Xawo Kala duwan Ugu Keydsan tahay Computerkeeda

Xitaa Caalimkan Waxaa Uu Baaritaan Ku Sameeyay Xaaskiisa Oo Uu Kaadida Ka qaaday
Si Uu U Ogaado in ay Wado labo ilaa sadax Xawo Oo Kala Nooc ah Taas Oo Haddii ay Run noqoto Ka dhigan tahay in ay Khiyaantay

Baaritaanka heer Waxa Uu la gaaray in labada Cunug ay Sido in Uu Mid kaliya yahay Ubadkiisa Kan Kale Ninkale Lee yahay

Markii Uu Ku qancay Diinta islamka iyo Sida ay U daryeeleyso Caafimaadka Haweenka iyo in aysan Bulshada ku dhax khaldamin

4 months, 3 weeks ago

بسم الله الرحمن الرحيم
MAWDUUCA : Dhirta iyo biyaha

Sida uu saynisku ogaaday waxa uu sheegay in marka uu dhacayo cunto samaysanka Dhirtu loo baahanyahay biyo sidaa darteed biyo la 'aan aanu dhici karin habkan cunto samaysanku hayeshe alle waxa uu quraankiisa ku leeyahayوَجَعَلْنَا مِنَ الْمَاءِ كُلَّ  شَيْءٍ حَيٍّ

Alle waxa uu ayada sare ku xusay in shaykasta biyuhu nooleeyaan dabcan geedihiina way ku jiraan.
Sidoo kale rabi waxa uu yidhiوَاضْرِبْ لَهُمْ مَثَلَ الْحَيَاةِ الدُّنْيَا كَمَاءٍ أَنْزَلْنَاهُ مِنَ السَّمَاءِ فَاخْتَلَطَ بِهِ نَبَاتُ الأَرْضِ فَأَصْبَحَ هَشِيمًا تَذْرُوهُ الرِّيَاحُ وَكَانَ اللَّهُ عَلَى
كُلِّ شَيْءٍ مُقْتَدِرًا
Alle waxa uu quraanka ku cadeeyay mar kale in Alle tusaale usoo qaatay  biyo  uu kasoo shubay samada inta ka dibna uu ku daray dhirta kuwaas oo iyaguna is dhexgal sameeyay muddo ka dibna abaar iyo biyo la'aan ay ku dhacday dhirtii dabeetana ay noqdeen kuwo dabayshu marba Dhinac u wado oo qaadhay .
Hadaba ayada sare waxa aynu ka fahmayna muhiimada ay biyuhu uleeday dhirta la'aan toodna aanay dhiri jirayn waayo cunto may sameysateen ( no photosynthesis).
Hadab xalqadeni hore waxa aynu kusoo qadanay aayadii uu Rabi ku cadeeyay in uu midho uu  u soo saaray shay kasta oo nool oo dabeetana ay quutan dabacan midhahana waxa Soo saara geed uun sidaa l aa jigeed Dhirtu uunkoo dhan iyaday ku tiirsanyihiin sayniskuna taa wuu yaqiinsanyay imika oo waxa uu dhirtii u bixiyay producer  ama autotrophic oo ah  noolaha samysta cuntadiisa.

2: biyaha geedku xagee ayuu ka hela ma ciida mise marku roobku da,o ayuu hela .

Waa su aal muhiim ah jawaabtuna dab
can waxay noqonaysa in Dhirtu ay carrada kasoo nuugto biyaha hab loo yaqaano siimoow ama (osmosis) alle quranka sharafta leh waxa uu ku leeyay
وَأَرْسَلْنَا الرِّيَاحَ لَوَاقِحَ فَأَنْزَلْنَا مِنَ السَّمَاءِ مَاءً فَأَسْقَيْنَاكُمُوهُ وَمَا أَنْتُمْ لَهُ بِخَازِنِينَ)
  aayada rabi waxu ku xusay in uu roobka (biyaha) ka keeno samada intaa ka dibna bani aadamkii uu waraabiyo .Rabi wax uu aayada dabayaaqadeeda inagu leeyahy bani aadamoow ma tihidiin kuwa kaydiya biyaha lkn Allah ayaa kaydiya waxana aad ka fahmaysaa ayada halka lagu kaydinaya inay tahay Dhulka hoostiisa ama carada sidaa laa jigeed waxaynu fahmaynaa in dhirtii kasoo nuugaan biyaha xaga hoose ama carrada.

3:Dhirta iyo carrada

Dabcan waxaynu ognahay maanta ama saynisku sheegay in carrada ay Dhirtu kasoo baxdo laba loogu qaybsho carro nafoqo leh iyo midaan lahayn ( fertile soil and non fertile soil)
Hadaba carada nafaqada leh waxay ku fiicantahay soo bixida dhirta halka carrada aan nafaqada lahyn aanay ku fiicnayn beerida dhirta .Hadaba rabi waxa uu leeyahay
وفي الأرض قطع متجاورات......
Alle ayadan sare waxa uu ku xusay Dhulka inay ku yaalaan gobolo kuwaas oo isku dhaw dhaw hayeeshee ku kala duwan nooca ciida oo qaari ku fiicanyihiin dhirta beeridooda halka qaar kalana aanay kuba fiicanayn.
Dabacan aayada waxad ka fahamysa sida rabi inoogu sheegayo labadii ciidood ee aynu kor kusoo xusnay oo ah mid beerida ufiican iyo mid aan u fiicnayn beerida.

4:Dhirta nolosheeda ma lagu xusay Quranka

Haa dabcan waa lagu xusay ayadii xaga sare aynu kusoo xusnay waxa uu Rabi ku sheegay inuu biyaha nolol uga dhigay shay kasta dabcan geedihiina way ku jiraan oo nolol ayay biyihii uyihiin sidoo kale rabi waxa uu leeyahay
النجم والشجر يسجدان
Erayga النجم   culimadu laba macnaba wa siiyaan mida koowad waxay ku sheegan xidiga socda marka labaadna geedaha fida waana kaynu ujeedno imika iyo الشجر oo ah kuwa taagan rabi waxa uu leeyay labaduba ILAHAY ayay adeecan oo waxay ku adeecan inay qabtaan shaqadii uu u igmaday ee ah makhluuqa inay haqab tiraan oo hoy ,cuno iyo alaabo kalaba ay ka samaystaan. Dabcan rag badan ayaa ku dooda in ay aayadani ka waramayso photosynthesis ka ama shaqada ah inu cunto sameeyo taas oo hadhaw ay sii quudanayaan bani aadmkii iyo noolihii kale ( food web)
Dabcan waxad halkan aad ka fahmaysaa oo kale in Dhirtu ay nooshay maadaamooy ay qabanayso shaqooyin rabi u igmaday.

وصدق الله في قوله: ما فرطنا في الكتاب من شيء.

5 months, 2 weeks ago

‼️KHATARA 3
DHIIGA HADDII WEEL LAGU SHUBO OO LA KARIYO WAXAA LA OGAADAY IN WALXAHA KU JIRA BOROTIINKA (PROTEINS) UU KU DHACO ISBEDEL KIIMIKAAD KAAS OO KA DHIGI GEBI AHAANBA SUN JIDHKU HADDUU QAATO AANU DHEEFSHIIDI KARIN.

‼️KHATARTA 4.
DHIIGA XOOLAHA IYO DADKABA WAXAA KU JIRA NOOLAYAAL AH BACTERIA AAN JIDHKA CADAW U AHAYN EE INOO QABTA SHAQOOYIN JIDHKEENU U BAAHAN YAHAY.
QAARKOOD WAXAY DEDIJIYAAN DHEEFSHIIDKA, QAARKOOD WAXAY URTA U YEELAAN SAXARADA AAN DHIGNO SI AAN UGA FOGAANO XANUUNADA AY SIDO. QAARKOOD WAXAY CUNTADA KA SAARAAN VITAMINS OO SAMAYSANKOODA AY QAYB KA NOQDAAN.
MARKA DHIIGA AY KU JIRAAN NOOLAYAASHAASI LA CUNO WAXAY ISU BEDELAAN NOOLAYAAL AMA BACTERIA CADOW AH OO KEENTA XANUUNO KHATARA.

‼️KHATARTA 5
DHIIGGA WAXAA KU JIRA MARKASTA NEEFTA NOOLUHU TUFO EE LOO YAQAAN CO2.
WAA NEEF CULUS OO DHIIGGA AY KU JIRTO HADDII LA CABO LAGU SUMMOOBO.

✏️GEBOGEBO
RUNTII LAMA SOO KOOBI KARO.

🟢WAXAA SHAREECADDU INA AMARTAY IN XOOLAHA LA GAWRACO SI DHIIGA SUNTA AH LOOGA SAARO OO HILIBKII NADIIFTA AHA U SOO HADHO.
DADYOWGA GAALADA AHI WAXAY WAQTIYADAN DAMBE ISTICMAALAAN HILIBKA DHIIGA LAGA SAARAY EE MUSLIMIINTU QASHO OO NOQDAY SHAQOOYINKA SIDA GAARKA AH MUSLIMIINTU ADDUUNKA UGA HAYAAN.
W/Q: Sh Ibrahim Xirsi Galow

🌴@Mucjisoyinka_Quraanka

5 months, 2 weeks ago

💎Maxaa dhiiga Allah inooga xaaraantimeeyey⁉️

☑️ILAAHAY WUXUU AAYADO BADAN INOOGU SHEEGAY IN LA INAGA XARIMAY BAKHTIGA, DHIIGA DAREERAHA AH, HILIBKA DOOFAARKA IYO WIXII LOO GAWRACO CIDAAN ILAAHAY AHAYN.

WAXAYNU SI KOOBAN U QAADAA DHIGAYNAA WIXII ILAA HADDA LAGA OGYAHAY SABABTA ALLAH DHIIGA U XARIMAY.
🌺إِنَّمَا حَرَّمَ عَلَيْكُمُ الْمَيْتَةَ وَالدَّمَ وَلَحْمَ الْخِنزِيرِ وَمَا أُهِلَّ بِهِ لِغَيْرِ اللَّهِ ۖ فَمَنِ اضْطُرَّ غَيْرَ بَاغٍ وَلَا عَادٍ فَلَا إِثْمَ عَلَيْهِ ۚ إِنَّ اللَّهَ غَفُورٌ رَّحِيمٌ (173) سورة البقرة

MAYDKA LABA SHAY AYAA XALAAL KA AH KALUUNKA (MALAY) IYO AYAXA OO GAWRAC AAN U BAAHNAYN.
DHIIGA WAXAA XALAAL KA AH BEERKA IYO BEERYARADA.
🌺عن ابن عمر -رضي الله تعالى عنهما- عن النبي -صلى الله عليه وسلم- قال: ((أحلت لنا ميتتان ودمان، الحوت والجراد والكبد والطحال[1] – رواه ابن ماجه، كتاب الأطعمة، باب الكبد والطحال (2/110 برقم: والحديث قال العلامة الألباني في المشكاة”جيد”

🌸WAXAYNU OGYAHAY IN DHIIGGU YAHAY GAADIIDKA IYO ISGAADHSIINTA GUDAHA JIDHKEENA. WUXUU QAADAA OGSAJIINTA, CUNTADA (SONKOR, MACDAN, VITAMINS, DUX, PROTEINS IWM), BIYAHA, ENZYMES-KA, HORMONES-KA.
WAXAA UU JIDHKA KA SOO QAADAA QASHINKA SIDA CO2, IYO WIXII SUNA EE JIDHKA DIBBADA LOOGA SAARO SIDA KAADIDA, DHIDIDKA, AYSIIDHA KAADIDA, KERATIN IWM.

☑️HADDABA, HADDII DHIIGGA LA CABO AMA LA KARSADO SI NAFAQO LOOGA HELO MAXAA KU JABAN?

JAWAABTA ARINTAN AYAA AH SABABTA ILAAHAY U XARRIMAY DHIIGGA, ARINTAAS OO CILMIGA SAYNISKA EE CASRIGA LA SOCDA LAGA SOO BILAABO QARNIGII 20-AAD ILAA HADDA UU CADEEYEY.
SIDAAN LA SOCONO HADAYNU XANNUUNSANO WAXAA XANNUUNKAAS 95% LAGA BAADHAA DHIIGA.

‼️KHATARTA 1
TAASI WAXAY KUU CADAYNAYSAA MEESHA DULINKA SIDA BARASAYTKA, BAKTEERIYADDA, FAYRASKA, FANGASKA, YIISTA IWM EE DADKA IYO NOOLAHA LAAYAA AY GALAAN AY TAHAY DHIIGA. SIDAA DARAADEED QOFKA DHIIGA QAATAA WUXUU QAATAY SUN IYO BOOG. WAXYAABAHA MAANTA UGU KHATARTA BADAN EE XEEBAHA DHULKA SOOMAALIYEED LAGU DAADIYO WAXAA KA MID AH SUNTA (BIO-HAZARD ITEMS) KA SOO BAXDA SHAYBAADHADA ADDUUNKA EE AY KU DUUGAN TAHAY CUDURADDA LA ISUGU GUDBIYO DHIIGGA IYO DHEECAANADA KALE EE JIDHKEENA LAGA QAADO.

‼️KHATARTA 2
WAXAA LA OGAADAY IN DHIIGA OO 60% DAREERE AH (PLASMA) AY KU JIRAAN WALXO KA SAMAYSAN BOROTIINO (PROTEINS) KALA DUWAN OO LAGU QIYAASAY 500 NOOCYO KALA DUWAN AH KUWAAS OO QABTA SHAQOOYINKA DIFAACA JIDHKA. WAXAA KALE OO KU JIRA WALXO SUNEED KA DHASHA DHEEFSHIIDKA IYO SHAQADA JIDHKU HAYO. WAXAA KALE OO KU JIRA HEMOGLOBIN AMA BIRTA IRON OO OGSAJIINTA QAADA.
WAXAA LA OGAADAY HADDII DHIIGA LA CABO SIDA KA XOOLAHA AMA DADKA, WALXAHAAS KU JIRA LAMA SHIIDI KARO.
SIDAA DARAADEED AYAA MASKAXDA QOFKU WAXAY AMAR SIISAA BEERKA IYO KELYAHA IN DIBADDA LOO SAARO INTA AAN JIDHKU SUMOOBIN.
SIDAA DARAADEED WAXAA DHACDA IN SIDA AY NAADAFADDAS U WADAAN BEERKA KOMO GALO KELIYUHUNA SHAQADA JOOJIYAA. KAAGA DARANE 100 ML EE DHIIGGA AH WAXAA KU JIRA 8 GRAAM OO PROTEINS AH.
NEEFKA ADHIGA AH EE 3.5 LITIR OO DHIIGI KU JIRTO WAXAA LAGA HELI LAHAA 280 GRAAM OO PROTIEN, HABA YARAATEE MAXAY KUUGU TAALA WAA WALXO SUNEED AAN DHEECAANADA BEERKU SHIIDIN KARIN KELIYUHUNA SI SAHLAN KU SAARI KARIN.

5 months, 2 weeks ago
***✅*** Maxaa dhiiga Allah inooga xaaraantimeeyey***⁉️***

Maxaa dhiiga Allah inooga xaaraantimeeyey⁉️

8 months, 1 week ago

─╮📚Title: GEESIYAAL .......
│░┊Authors:│░┊Muxammad Cabdi Farax (Bin Faarax)
│░┊Country: Somali
│░┊Language: #Somali
│░┊Genre: #History
│░┊Place: @Somalibooks
│░┊level: Qof kasta
╰─╯

We recommend to visit

بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad 3000 Buug-Somali
Free Ah
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
https://telegra.ph/HA-DEG-DEGIN-AKHRI-11-15
© Somalibooks Pro Inc
- All Rights Reserved-⤵️
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 5 months, 1 week ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 1 month ago

Kala soco Xikmad iyo Qormooyin Markasta Io Meelkasta.

Last updated 1 month, 3 weeks ago