HORMARKA BULSHADDA 🥰

Description
Kanaalka Hormarka bulshadda waa kanaal aad ka heli karto Arimaha bulshadda si maalinle ah xikmado iyo dhiiragalin.❣️
Advertising
We recommend to visit

Waliin kufnee
Waliin kaana
Osoo jirruu
Waliif taana
Yaadaaf👇👇
👉 @Michuu_Fayisaa
---------------//---------------

Chaanaalaaf👇
✍️ @Michuu_ko

Last updated 2 days, 14 hours ago

Soo dhowoow is ku day inaad cid nagusoo biiriso hal qofna ha ahaatee adiga oo linkiga zhere gareynaya halkaan waxaad ka helaysaa fikrado ku cajabiya♥️

Wixii talo ah halkan igalasoo xidhiidh💚👇 @Maymuuncali

https://t.me/Audiobook2s

2021-5-24

Last updated 2 months, 3 weeks ago

ᅟᅟᅟ 𝗔𝗜𝗡'𝗧 𝗡𝗢𝗕𝗢𝗗𝗬 𝗚𝗜𝗩𝗘 𝗔 𝗙𝗨𝗖𝗞 𝗔𝗕𝗢𝗨𝗧 𝗔 𝗥𝗨𝗟𝗘˖ with the tazos in my side.

OFC CHANNEL :
@OFCTAZOS

SHITPOST :
@HRSSHITPOST

CONTACT US : @ofctazosbot

Last updated 2 years, 3 months ago

1 month ago

Afar Qof ma Gaari kartid!!
1. Nin maalin ma gaartid- Ninkaa faras wanaagsan.
2. Ninna sanad ma gaartid- Nin kaa Fasal- beer wanaagsan
3. Ninna adduunkaa ma gaartid- Nin kaa Xaas wanaagsan
4. Ninna weligaa ma gaartid- Nin kaa camal wanaagsan.

@Barqo wanaagsan ❤️

1 month, 1 week ago

Sida Ay U Samaysmaan Caadooyinku/Hab-dhaqannadu?

1: Fikir: Waxa aad bilaabaysaa in ay niyaddaada ku soo dhacaan oo aad ka fikirto, xiisaysana in aad samayso wax, waxaas oo aad ku dooranayso in uu yahay mid naftaada u wanaagsan ama aad kaga gabbanayso masuuliyad nololeed. Tusaale ahaan waxa aad ka fikirtay oo niyaddaada ku soo dhacay in aad jidhkaaga dhisto oo aad tagto goobaha jimicsiga

2: Fikrad: Fikirkii waxa uu isku beddelayaa Fikrad oo ah in aad hesho qaabab kala duwan oo khuseeya fikirki kugu soo dhacay ee ahaa in aad jidhkaaga dhisto, tusaale ahaan markii aad marar badan ka fikirtay in aad jidhkaaga dhisto, waxa kugu soo dhacay laba fikradood oo ah in aad tagto goob lagu jimicsado ama aad soo iibsato qalabkii jimicsiga oo aad guriga ku jimicsato

3: Qorshe: Fikraddu haddii aan la qorshayn lagama gun gaadhi karo lagumana dhiirran karo qabashadeeda, tusaale ahaan labadii fikradood ee kugu soo dhacay si aad uu doorato ta kugu habboon waxa aad samaynaysaa qorshe aad kaga go’aan qaadanayso ta aad samayn karto ee baahidaada ka jawaabi karta, tusaale ahaan waxa aad dooratay in aad soo iibsato qalabkii jimicsiga si aad guriga ugu jimicsato, waxaanad qorshaysay sidii aad u jimicsan lahayd adiga oo samaystay jadwal jimicsi

4: Ficil: Waxa aad qaadday ficilkii, waxaanad soo iibsatay qalabkii, xaaladdani waa ta la gudo galayo in fikirkii, fikraddii iyo qorshihiiba loo beddelo ficil. Tusaale ahaan qalabkii markii aad soo iibsatay jadwalkii jimicsigana aad dejisatay isla subaxdiiba waxa aad bilowday in aad jimicsato markii aad salaaddii subax soo tukatay

5: Caado: Waxa aad bilowday in aad ficilkii joogtayso, taas oo isku bedeshay caado oo ah wax aad si maalinle ah u qabato oo ay kuu fududaatay qabashadeedu, tusaale ahaan waxa aad subax kasta marka aad salaadda subax soo tukato ku jimicsataa guriga muddo saacad ah

6: Qabatin/Laqabsi: Waxa aad wadday muddo 6 bilood ah, waxaanay noqotay qayb ka mid ah noloshaada oo aanad ka maarmayn. Tusaale ahaan, Jimicsigii aad soo wadday waxa joogtaysay muddo 6 bilood ah, waxaanu noqday qayb ka mid ah nolol maalmeedkaaga oo aanad joojin karin; ay kuu fududahayna in aad samayso adiga oo ku dareemaya farxad iyo isbeddel wanaagsan

Haddaba haddii aad rabto in aad samaysato caado wanaagsan, waxa aad ku baraarugsanaata in lagaaga baahan yahay tallaabooyinkan oo lagu ladhay samir iyo joogtayn.

Waxaynu awood u leenahay in aynu nolosheenna ku samayno nooca isbeddel ee dantu ay inoogu jirto, Maskaxdeena iyo Tamarteenuna waa qalabka ugu muhiimsan isbeddelkaas.

#Maalin  wanaagsan

1 month, 1 week ago

Jaamacad ayuu ka qalinjebiyay waliba darajo aad u sareysa balse waxuu dhib kala kulmay siduu shaqo ku heli lahaa, dadaal dheer kadib maalin ayuu joornaalka ku arkay shaqo banaan loona baahanyahay qof ka shaqeya beerta xayawaanka.

Codsi dirasho iyo isdiyaarin kadib waxaa loogu yeeray waresyi shaqo (interview), waxaana loo sheegay sida tan " beerteena waxaa horey u joogi jiray danyeerka nooca gorillaha loo yaqaano balse waa naga dhintay dalxiisayaashana aad bey u jeclaayeen waxaan rabnaa inaad booskiisa gasho"

La yaab ayay la noqotay balse mishaarka ayaa ahaa mid soo jiidasho leh waana aqbalay, maalinti kowaad dhar u eg maqaarka gorilaha ayaa loo geliyay waana u boodbooday dadkii, maalinkii xigtay asagoo boodboodaya ayuu si kedis ah ku galay qeybta libaaxyada nasiib xumase Aw- libaax ayuu la kulmay!  Inta is hilmaamay ayuu qeylo ku dhuftay " war I caawiya, war I caawiya" balse libaaxii ayaa inta soo orday ku yiri " war heedhe  naga aamus waa saxiibkaa cali ee aad isku fasalka aheydeen, wadankaan shaqo kama jirto xitaa yaxaaska halkaas biyaha ku jira waa xasan oo shaqeysanaya hana fashilin??

Maxey kula tahay adiga?

#chimca Mubarak ❤️

1 month, 1 week ago

وَإِن تَجْهَرُ بِالْقَوْلِ فَإِنَّهُ يَعْلَمُ السِّرَّ وَأَخْفَى
Hadii aad kor uqaado hadalka(ducada) isagu (ilaahey) waa mid og waxa qarsoon iyo waxa kasii qarsoon (waxa aad maanka ku hayso ee aadan ku hadlin iyo waxa aanan dhicinba)
Uma baahnid inaad qaylisid si aad u hesho deegda ugu weyn deeqahaaga iyo rabigaa ugu deeqsoon, waxaadna dareemeysaa kalanimo iyo faaruqnimo.
Waxaadan garan awooda ducada?❤️
Ha joojinin Ducadda Si kasta Oo Ay Xaaladu U Xun tahay Ku Kalsonow Eebe, Alle Waxaa Uu Yidhi:

وَإِذَا سَأَلَكَ عِبَادِى عَنِّى فَإِنِّى قَرِيبٌ ۖ أُجِيبُ دَعْوَةَ ٱلدَّاعِ إِذَا دَعَانِ ۖ فَلْيَسْتَجِيبُوا۟ لِى وَلْيُؤْمِنُوا۟ بِى لَعَلَّهُمْ يَرْشُدُونَ,
Hadday ku warsadaan Nabiyow addoomadu xagayga anigu waan dhawahay waana ajiibaa (aqbalaa) baryada markay i baryaan, ee ha i maqleen iyaguna hana i rumeeyeen si ay u hanuunaan.?❤️

GALAB WANAAGSAN ?❤️

1 month, 2 weeks ago

Ardayga baranaya maadada cilmiga bulshada (sociology) waxaa looga baahan yahay xirfado iyo aqoono gaar ah oo ka caawiya fahamka iyo falanqaynta hab-dhaqanka bulshada. Qodobbada muhiimka ah ee looga baahan yahay ardayga waxaa ka mid ah:

  1. Xirfadaha Falanqaynta iyo Fikirka Baaxadda Leh:
       - Ardaygu waa inuu lahaadaa awood uu ku falanqeyn karo dabeecadaha bulsho, isbedellada, iyo nidaamyada kala duwan. Fikirka baaxadda leh iyo awoodda lagu arko xiriirada ka dhexeeya arrimaha kala duwan waa kuwo muhiim ah.

  2. Aqoonta Cilmi-baarista:
       - Ardayga waa inuu bartaa sida loo sameeyo cilmi-baaris bulsho oo adag, sida loo ururiyo xogta, loo farsameeyo, loona falanqeeyo. Tusaale ahaan, barashada farsamooyinka sida wareysiyada, sahanka, iyo falanqaynta tirakoobyada waa kuwo muhiim ah.

  3. Aqoonta Taariikhiga iyo Dhaqameed:
       - Inuu fahmo taariikhda bulshada iyo dhaqamada kala duwan si uu u fahmo sababaha ka dambeeya isbeddelada bulshada iyo caadooyinka kala duwan.

  4. Awooda Isgaarsiinta:
       - Inuu lahaado xirfado isgaarsiin oo wanaagsan, si uu fikradihiisa ugu gudbiyo si wax ku ool ah, loona qoro daraasado iyo warbixino cilmiyeed oo cad.

  5. Is Dhexgalka iyo Fahamka Dhacdooyinka Caalamka:
       - Ardayga waa inuu fahmaa dhacdooyinka caalamiga ah iyo sida ay u saameeyaan bulshada kala duwan. Tusaale ahaan, inuu la socda xaaladaha siyaasadeed, dhaqaale, iyo bulsho ee hadda jira.

  6. Kartida Xalinta Dhibaatooyinka:
       - Sociologist-yadu inta badan waxay la shaqeeyaan bulshada si ay u aqoonsadaan dhibaatooyinka una soo bandhigaan xalal. Ardayga waa inuu yeesho xirfado xalinta dhibaatooyinka bulsho.

  7. Xushmadda Kala-duwanaanshaha:
       - Fahamka iyo ixtiraamka kala-duwanaanshaha bulshada (sida dhaqanka, diinta, jinsiga, iyo heerarka dhaqaale) waa muhiim. Tani waxay ka caawisaa ardayga inuu si qoto dheer u fahmo hab-dhaqanka bulshada kala duwan.

  8. Ku Dhiirashada Weydiinta Su'aalaha:
       - Ardaygu waa inuu ku dhiiradaa weydiinta su'aalo adag oo ku saabsan bulshadiisa iyo waxyaabaha saameynaya, isagoo isku dayaya inuu fahmo sababaha iyo natiijooyinka isbeddelada bulshada.

Guud ahaan, ardayga baranaya cilmiga bulshada wuxuu u baahan yahay inuu yeesho maskax furan, doonis uu ku fahmo bulshadiisa, iyo karti uu ku hirgeliyo cilmi-baarisyo macno leh oo wax ka tari kara horumarinta bulshada.

#Subax wanaagsan

1 month, 2 weeks ago

Sociologist-ka waa qof ku takhasusay barashada bulshada iyo sida ay u shaqeeyaan kooxaha bulsho iyo ururradu. Shaqada uu bulshada u qabto waxaa ka mid ah:

  1. Daraasadda iyo Falanqaynta Dhaqamada Bulshada: Sociologist-ku wuxuu daraaseeyaa dhaqamada kala duwan ee bulshada, sida ay u dhisan yihiin, iyo sida ay u dhaqmaan. Tani waxay ka caawisaa bulshada fahamka dabeecadaha iyo caadooyinka.

  2. Ka Hortagga Dhibaatada Bulshada: Waxay aqoonsadaan dhibaatooyinka bulshada, sida faqriga, xadgudubka, takoorka, iyo rabshadaha, kadibna waxay soo jeediyaan xalal loo heli karo.

  3. Baridda iyo Wacyigelinta Bulshada: Waxay bulshada ka caawiyaan inay fahmaan xaaladaha bulsho iyo isbeddelada ku imaan kara. Tusaale ahaan, waxay bulshada ka caawiyaan inay fahmaan muhiimadda sinaanta iyo xuquuqda aadanaha.

  4. La-talinta Siyaasadda iyo Barnaamijyada Bulshada: Sociologist-ku wuxuu la taliyaa dawladda iyo ururrada kale ee samafalka, isagoo ku salaynaya daraasadihiisa si loo dejiyo siyaasad iyo barnaamijyo wax ku ool ah oo wax looga qabanayo arrimaha bulshada.

  5. Kobcinta Cilmi-baarista iyo Aqoonta Bulshada: Iyagoo sameynaya cilmi-baarisyo qoto dheer, waxay soo saaraan aqoon cusub oo ka caawisa bulshooyinka inay horumar gaaraan.

Waxaa intaas dheer, sociologist-yadu waxay gacan ka geystaan fahamka sida isbeddelada dhaqaalaha, tikniyoolajiyadda, iyo siyaasadda ay u saameeyaan nolosha bulshada.

#Habeen wanaagsan

1 month, 2 weeks ago

3 shaye oo ayey tahaye in noloshaad sir ku ahaado:

  1. In aadan qorshahaaga cidna la wadaagin.
    2.in aadan siragaaga qaaska ah cidna la wadaagin.
  2. In aadan nimcooyinkaaga gaar ah ee Allah (swt) kugu irsaaqay cidna la wadaagin.❤️

SUBAX WANAAGSAN ?❤️

1 month, 2 weeks ago

Adiga uun baa halkaa rabto is gaarsiin kara, qofna ha ka sugin inuu ku gacan qabto halka aad ku riyoonayso, dadaal, dulqaado, Alle tallo saaro, kadibna billow.?

WE CAN DO IT ✍️?️

2 months ago

Sidaad rabto hadaad weydo,sidaad  huri weydo yeel, Meelna haka  sugin guusha ee u dadaal una kaca oo kuf  si walbo oo ay kugu adagtahay maanta, barito ayey kuu sahlanaan doonta insha Allah.
Allah weydiiso kaalmo iyo gargaar, Waxaadna marwalbo kaalmeysataa salada iyo sabarka.✔️?❤️
(ياأيها الذين آمنوا استعينوا بالصبر والصلاة إن الله مع الصابرين)

#Barqo wanaags Dhalinyaro
??

4 months, 1 week ago

Dowladda waxaa loo qaybiyaa saddex lamood oo kala ah:

  1. Laanta Fulinta (Executive Branch): Tan waxaa ka mid ah madaxweynaha ama ra'iisul wasaaraha iyo wasaaradaha kala duwan ee dowladda. Waxay masuul ka yihiin fulinta iyo maamulidda shuruucda iyo siyaasadaha dowladda.

  2. Laanta Sharci Dejinta (Legislative Branch): Tan waxaa ka mid ah baarlamaanka ama golaha sharci dejinta.

Waxay masuul ka yihiin dejinta iyo ansixinta shuruucda iyo xeerarka dalka.

3.Laanta Garsoorka (Judicial Branch): Tan waxaa ka mid ah maxkamadaha iyo hay'adaha garsoorka. Waxay masuul ka yihiin tarjumaadda iyo hirgelinta shuruucda, iyo hubinta in shuruucda iyo xeerarka la raaco.

Qaybahaas saddexda ah waxay wada shaqeeyaan si ay u hubiyaan in dowladda ay si sax ah u shaqeyso oo ay jirto nidaam iyo kala dambeyn.

#Barqo wanaagsan

We recommend to visit

Waliin kufnee
Waliin kaana
Osoo jirruu
Waliif taana
Yaadaaf👇👇
👉 @Michuu_Fayisaa
---------------//---------------

Chaanaalaaf👇
✍️ @Michuu_ko

Last updated 2 days, 14 hours ago

Soo dhowoow is ku day inaad cid nagusoo biiriso hal qofna ha ahaatee adiga oo linkiga zhere gareynaya halkaan waxaad ka helaysaa fikrado ku cajabiya♥️

Wixii talo ah halkan igalasoo xidhiidh💚👇 @Maymuuncali

https://t.me/Audiobook2s

2021-5-24

Last updated 2 months, 3 weeks ago

ᅟᅟᅟ 𝗔𝗜𝗡'𝗧 𝗡𝗢𝗕𝗢𝗗𝗬 𝗚𝗜𝗩𝗘 𝗔 𝗙𝗨𝗖𝗞 𝗔𝗕𝗢𝗨𝗧 𝗔 𝗥𝗨𝗟𝗘˖ with the tazos in my side.

OFC CHANNEL :
@OFCTAZOS

SHITPOST :
@HRSSHITPOST

CONTACT US : @ofctazosbot

Last updated 2 years, 3 months ago