SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!
@Abdii_Sabaa
💬NU QUNNAMUUF💬
@AbdiiSabaaDm
🎯BARNOOTAAF
@abdii_sabaa_university
🎯MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa
Last updated hace 5 días, 5 horas
asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook
Last updated hace 2 meses
Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.
Headquartered in Mogadishu.
Last updated hace 2 semanas, 4 días
Labadan tusaale ee aayadahan ku xusani waxa ay ka warramayaan nimankii Munaafiqiinta ahaa. Waa tusaale DAB iyo tusaale BIYOOD.
TUSAALAHA DABKA:
Waxa lagu tusaaleeyey sidii qof dab shitay, kaddibna aaggii uu joogay oo dhan iftiinki isqabsaday, dabadeed hal mar uun uu ka damay oo mugdi ka gacan haadiyey, qofkaasi waa uu ka daran yahay oo ka duruuf adag yahay qofkii markii horeba mugdiga dhex taagnaa. Bal suuradayso adoo qol ku jira oo uuu iftiin kuu baxayo in hal mar uu nalki kaa damo! Indhaha haddii faraa lagaa gelinayo arki maysid. Haddaba nimanka munaafiqiinta ahi iftiinkii Islaamka iyo Iimaanka ayaa qalbigooda galay, kaddibna si kedis ah ayaa uu uga siibtay oo waxa ay la noolyihiin nabarradii iyo dhibtii kasoo gaadhay ilays la’aan.
TUSAALAHA BIYAHA:
Kan labaadina waa sidii qof uu roob helay, kaas oo onkod, hillaac iyo danab (biriq) ba wata, afarta bayna jiho hillaacu isaga jiibinayo, waa xilli habeen ah oo dhan loo socdo iyo dhan laga socdo la kala garanmaayo, xiddigihii jihada lagu garan jirayna daruuro ayaa ku daahan. Ninkaasi marka uu hillaacu bilig dhehoba waa uu dhaqaaqayaa, kolka uu gamaarona waa uu istaagayaa, waxa uu ku noolyahay bigwacdaa yar ee mar uun u bidhqaysa. Hillaacaasi waxaad moodi in uu labada indhoodba ka tuurayo; sida uu u indhodaraandarinayo. Intaa waxa u dheer dhawaqa onkodka iyo cabsida uu ka qabo in uu mar uun danab ku habsado oo uu dhusinka xuliyo.
Aayaddani waxa ay ka mid tahay aayadaha akhlaaqda iyo dhaqanka qofla Muslimka ah sida tooska ah u hagaya. Alle SWT waxa uu Muslimiinta u diidey in ay baadhbaadhaan waxyaabo ka qarsoon oo haddii ay ogaadaan xumaan iyo murugo gelinaysa oo aanay farxad gelinayn jawaabta kaga soo baxdaa.
Qofka Muslimka ahi waa in aanu baadhbaadhin ceebaha iyo god-daloolooyinka walaalkiisa kale ee Muslimka ah, gefefkiisa iyo khaladaadkiisana waa in aanu raacraacin; qof aad saaxiib tihiin oo aad isku wanaagsan tihiin baa laga yaabaa in aad baadhbaadho ceebihiisa, dabadeedna ay kaaga soo baxaan waxyaabo aan ku farxad gelin. Haddii aanad baadhbaadheen taasi kuguma aanay dhacdeen marnaba.
Aadamigu waa aalad laba dhinac leh, dacal waxaa kaga qoran xumaano iyo nusqaamo badan oo haddii aad akhrido aad dhibsanayso, dacalna waxaa kaga qoran wanaagyo iyo astaamo qurxoon oo aad jeclaysanayso, haddii aad xagga xumaantu kaga qoran tahay ka istaagto waxaa kuu soo baxaya qof xun oo xun, haddii aad dhinaca wanaaggu kaga daabacan yahay iska taagtana waxaa kuu soo baxaaya qof wanaagsan oo wanaagsan.
Marka ay sidaas tahay, qof walba waa dhinaca aad adigu iska taagto. Dhanka wanaagga in aad qof walba iska taagto ku dadaal, dhanka xumaanta in aanad uga wareegin na sidoo kale ku dadaal. Qof Alle dhankiisa wanaagsan ku tusay oo ku soo xejiyeyna ogoow in aanay jirin sabab aad u raadiso dacalkiisii kale ee xumaantu ku daabacnayd.
*Ⓜ️*➕Somali Promotion ➕*?️
━━━━━━━?*━━━━━━
?Somali Free Books ?
⌘⌘ JØł₦ ₦Ø₩ ⌘⌘ *?Somali Librarians ?⌘⌘ JØł₦ ₦Ø₩ ⌘⌘ ✨Xikmado iyo murti?⌘⌘ JØł₦ ₦Ø₩ ⌘⌘ ?Kobciye Books?⌘⌘ JØł₦ ₦Ø₩ ⌘⌘ ? Mucaashaq Jacayl?⌘⌘ JØł₦ ₦Ø₩ ⌘⌘ ?Dhiirigaliye nolol?⌘⌘ JØł₦ ₦Ø₩ ⌘⌘ ⚙️Hoyga Farsamda?⌘⌘ JØł₦ ₦Ø₩ ⌘⌘ ? Aqoon Kobciye ?⌘⌘ JØł₦ ₦Ø₩ ⌘⌘ ?? Hidaayatu Rabbi ?⌘⌘ JØł₦ ₦Ø₩ ⌘⌘ ?Quruxda islaamka?⌘⌘ JØł₦ ₦Ø₩ ⌘⌘ ➰xaqiiqada Nolosha?⌘⌘ JØł₦ ₦Ø₩ ⌘⌘ ? alxakiim channel ?⌘⌘ JØł₦ ₦Ø₩ ⌘⌘ ?Dareen Side channel?⌘⌘ JØł₦ ₦Ø₩ ⌘⌘ ? Aisha bin Ahmed?⌘⌘ JØł₦ ₦Ø₩ ⌘⌘ ? Hassan Caashaq ❇️⌘⌘ JØł₦ ₦Ø₩ ⌘⌘ ? Hogaan Dumar**?⌘⌘ JØł₦ ₦Ø₩ ⌘⌘ ?♂️ Dinteena suuban?⌘⌘ JØł₦ ₦Ø₩ ⌘⌘ ? Dhaqan Wanaag ⚖️⌘⌘ JØł₦ ₦Ø₩ ⌘⌘
✉️ Tamarsinta ruuxda ✨️
⌘⌘ JØł₦ ₦Ø₩ ⌘⌘ ? Guulaayso bet ?⌘⌘ JØł₦ ₦Ø₩ ⌘⌘ ♒️ Kalimat Kariim ♉️⌘⌘ JØł₦ ₦Ø₩ ⌘⌘ ? albaani channel**?⌘⌘ JØł₦ ₦Ø₩ ⌘⌘ ? Qoraalo kooban ?⌘⌘ JØł₦ ₦Ø₩ ⌘⌘ ? MaanHage School ?⌘⌘ JØł₦ ₦Ø₩ ⌘⌘ ? Ruuxda channel ?⌘⌘ JØł₦ ₦Ø₩ ⌘⌘
? Qalbi Dhaye ?
⌘⌘ JØł₦ ₦Ø₩ ⌘⌘
✨️Qalbiyadeena ❣️*?
⌘⌘ JØł₦ ₦Ø₩ ⌘⌘ ━━━━━━━━━━
⭐️JOIN ALL CHANNELS ━━━━━━━━━━
ku Sali nebiga SCW**
Dad badan ayaa marka ay ubad hore u dhali waayaan sameeya waxyaabo Allihii ubadka hayey ay kaga sii fogaanayaan, sida in ay u tagaan sixiroolayaal iyo fooxisooyin oo wayddiiyaan sababta ay u dhali waayeen! Arrimaha noocaas ah aadamuhu waxa uu ku cadho gelinayaa Alle-wayne oo ubadkuna uu gacantiisa ku jiro. Qisada waxa aynnu ka qaadanaynnaa oo kale in Alle ubad wanaagsan la wayddiisto ee aan ubad oo dhan la wayddiisan. Casharro iyo cibaarooyin badan ayaa ku duugan qisadan halkanna aynnaan kaga wada hoorin karin.
Taxanaha Dhibbane
Qormada 11aad
Nebi Sakariye CSW.
Qur’aanka waxa uu Alle inoogu sheegay Nebi Sakariye oo waayeelay, ubad iyo carruurna Alle aanu siinnin, dabadeedna u werweray mustaqbalka danbe iyo diinta cidda isaga ka danbaysaa in ay daryeeli waayaan, wuu halaanhalay oo cabasho ayaa uu u diray Alle-wayne, isaga oo cod hoose ku dhawaaqay sida uu All Qur’aanka inoogu sheegay:
{إِذْ نَادَىٰ رَبَّهُۥ نِدَآءً خَفِيًّا}
Dabadeedna waxa uu Rabbigii la wadaagay duruufo adag oo isu barkaday iyo cabsi mustaqbal oo soo waajahday, waxa uu ka cawday gabow, taagdarro, ubad la’aan, ooridiisii oo gaboowday oo dhalmo-days ah, iyo baahida daran ee uu haddana u qabo wiil wanaagsan oo uu Alle u hibeeyo:
{قَالَ رَبِّ إِنِّى وَهَنَ ٱلْعَظْمُ مِنِّى وَٱشْتَعَلَ ٱلرَّأْسُ شَيْبًا وَلَمْ أَكُنۢ بِدُعَآئِكَ رَبِّ شَقِيًّا}
“Waxa uu yidhi: Rabbiyoow, lafihii iyo laxaadkii waa ay taagdarreeyeen, madaxiina cirro ayaa uu la boosoobey, baryadaadana Rabbiyoow ma aanan ahaan jirin mid ku hungooba”
{وَإِنِّى خِفْتُ ٱلْمَوَٰلِىَ مِن وَرَآءِى وَكَانَتِ ٱمْرَأَتِى عَاقِرًا فَهَبْ لِى مِن لَّدُنكَ وَلِيًّا}
“Rabbiyoow waxa aan uga baqay xigtadayda iyo kuwa iga danbeeyaa in ay isu taagi waayaan diintaada, xaaskaygiina waxa ay noqotay dhalmo-days, Allahoow agtaada iiga hibee weled wanaagsan”.
{يَرِثُنِى وَيَرِثُ مِنْ ءَالِ يَعْقُوبَ ۖ وَٱجْعَلْهُ رَبِّ رَضِيًّا}
“Rabbiyoow ka yeel mid i dhaxla reer Yacquubna dhaxla, Rabbiyoow ka yeel mid raalli laga yahay”.
Markii uu Nebi Sakariye CSW rabbigii baaqaa ballaadhan u diray, duruufaha ku xeeranna uga hawaala-warramay, si degdeg ah ayaa looga soo jawaabay baaqiisii, wixii uu codsadayna Alle waa uu u fuliyey.
{يَٰزَكَرِيَّآ إِنَّا نُبَشِّرُكَ بِغُلَٰمٍ ٱسْمُهُۥ يَحْيَىٰ لَمْ نَجْعَل لَّهُۥ مِن قَبْلُ سَمِيًّا}
“Sakariyoow, waxa aannu kuugu bushaaraynaynnaa wiil magiciisu yahay Yaxye, wax la magac ah oo horena aanay jirin”.
???
Duruuf kasta iyo wax kasta oo filashadaada ka dhigaaya mid u dhow wax aan suuragal ahayn, Alle agtiisa waa mid ka fudud in uu sida ugu degdegga badan kuugu fuliyo isaga oo aan kuu eegayn filashada aad ka qabto arrinkaasi in uu dhici karo.
Bal u fiirso Nebi Sakariye duruufaha ku gadaaman codsigiisa marka aynnu ku eegno indho aadame, da’da uu ku codsanaayo ubad waa da’ abdo beel u dhow, waa nin gaboobey oo lud iyo lafba u tax dhigay, cirraduna tuurkiisa caddaysay, xaaska uu qabaana waa dhalmo-days oo waa islaan waynaatey, waxa uu codsadayna ubad qudha ma aha ee marka hore waa wiil, mar labaadka waa wiil weli ah oo wanaagsan ee wiil oo dhan ma aanu codsan, mar saddexaadka waxa uu rabaa weli dhaxla Sakariye, Yacquub, iyo ehelkoodii, waxa uu ka dhaxlayaa Nebinimada iyo cilmiga, waxana uu isu taagayaa ilaalinta xaqa iyo tawxiidka, mar afaraadka waxa uu codsaday wiilka uu codsanaayo in uu Alle ka dhigo mid raalli laga yahay.
Alle ma aanu odhannin Sakiriyoow waa ad gaboowdey, ma aanu odhannin Sakariyow xaaskaagu waa dhalmo-days, ma aanu odhannin Sakariyoow gabadh yar guurso, ma aanu odhannin Sakariyoow wax suuragal ah i wayddiiso, waayo Alle agtiisa wax waliba waa ka suuragal, warna waxaa loogu bilaabay Sakariye, bushaarayso Sakariyoow, waxa aannu kuugu bushaaraynaynnaa marka koowaad wiil, mar labaadka magacana annaga ayaa u bixinnay oo waa Yaxye, mar saddexaadka wax la magac ah oo hore adduunka u soo maray ma jiraan.
Wax Alle ku culus ma jiraan, wax aanu awoodinna ma jirto, wax kasta oo aad baahan tahay Alle wayddiiso si kasta oo ay u adag tahay filashada aad ka qabtaa.
Ubadka Alle wayddiiso, maalka Alle wayddiiso, oorida Alle wayddiiso, jannada Alle wayddiiso, aftahamada wanaagsan ee xaqa loogu hiilinaayo Alle wayddiiso, xikmadda Alle wayddiiso… wax walba Alle wayddiiso, laakiin shardigu waxa uu yahay, xidhiidhka adiga iyo Alle idinka dhexeeyaa ha wanaagsanaado.
Abaalgudkii Nebiga SCW.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa uu Nebigu SCW la gorgortamay nin reer baadiye ahaa oo uu kula heshiisay in uu ka iibsado faras sheegganaa oo loo yaqaannay Al-murtajiz, Faraskii markii iibka lagu heshiiyey ayaa uu Nebigu SCW kexeeyey ninkii reer baadiyaha ahaa; si uu lacagtiisa u soo siiyo. Intii jidka lasii hayey ayaa uu helay ninki dad raba faraska, waa ay la gorgortameen, qiima fiicanna way u gaadheen, markaasuu intuu Nebiga SCW la hadlay ku yidhi: faraska iibso ama waan iibinayaa, dabadeed waxa uu ku yidhi suubbanuhu: faraska miyaanan kaa iibsan? Ninkii odayga ahaa si aan habboonayn ayuu ugu jawaabay Nebiga SCW isaga oo leh: wallaahi baanan midh kaa iibin! waxana uu ka dalbaday Nebiga SCW in uu marag la yimaaddo, nin saxaabada ka mid ahaa ayaa si aan gabbasho iyo cabsi lahayn ugu jawaabay: anaa markhaati ka ah in uu Nebigu SCW faraska iibsaday. Markii halkaa ay maraysa ayaa uu Nebigu SCW soo jalleecay saxaabigii maragga furay oo uu waydiiyey: maxaad ogayd oo aad maragga u furtay? Waxa uu yidhi Khuzaymah ibnu Thaabid RC: Rasuulkii Alloow waxaan maragga u furay inaan ku rumeeyey oo aan waxyiga samada aad nooga keento aamminay. Maalinkas ninkaa saxaabiga ahi teetal wayn iyo darajo culus ayuu goobtaas kala hulleelay oo ahayd “Cidda uu marag u furo Khuzaymah isagaa ku filan” Yacnii maraggiisu waxa uu u dhigmaa laba markhaati. Bal eeg abaalgudka Nebiga SCW, iyo sida uu saxaabigaas qiimaha goonnida ah u siiyey.
Allaahumma salli wasallim wabaarik calaa nebiyinaa Muxammad.
Qormooyinka taxanaha Dhibbane haddii ay wax ku dhaafeen halkan ayaa aad ka soo jeedaalin kartaa idamka Alle.
https://www.facebook.com/profile.php?id=100093163912051&mibextid=LQQJ4d
Log in or sign up to view
See posts, photos and more on Facebook.
SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!
@Abdii_Sabaa
💬NU QUNNAMUUF💬
@AbdiiSabaaDm
🎯BARNOOTAAF
@abdii_sabaa_university
🎯MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa
Last updated hace 5 días, 5 horas
asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook
Last updated hace 2 meses
Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.
Headquartered in Mogadishu.
Last updated hace 2 semanas, 4 días