SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!
@Abdii_Sabaa
?NU QUNNAMUUF?
@AbdiiSabaaDm
?BARNOOTAAF
@Abdiisabaa
?MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa
Last updated 2 months ago
https://t.me/joinchat/AAAAAFgrZgMjBcvdBf7YWg
Last updated 1 month, 4 weeks ago
asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook
Last updated 1 month ago
Dadkii ku ku dhowaa baa yiri: Waa riyo isku dhexjirta oo aan la garanayn waxay tahay.
Kolkaas baa labadii nin ee xabsiga kula jiray nabi Yuusuf kii badbaaday soo xusuustay muddo dheer kaddib nabi Yuusuf, wuxuuna ninkaa codsaday in loo diro Yuusuf oo ah nin yaqaana fasiraadda riyooyinka.
Markii loo yimid nabi Yuusuf waxa uu si cajiib ah u sharraxay riyadii iyo waxa loo la jeedo.
Ninkii talinayay baa aad u la dhacay fasiraadda nabi Yuusuf ee riyada, wuxuuna amray in
xabsiga laga soo daayo, qof baa loo diray in uu xabsiga kasoo daayo nabi Yuusuf, nabi Yuusuf markii loo tegay waxa uu diiday in uu soo baxo ilaa laga cadeeyo in uu bari ka yahay dhammaan eedihii lagu been abuurtay.
Waxaa lasoo shiriyay haweenkii kolkaas baa la weydiiyay arrinta Yuusuf, waxayna ku jawaabeen in aysan wax xun ku ogayn Yuusuf, iyo in uu yahay nin dhowrsoon.
Markaas waxaa hadashay xaaskii hoggaamiyaha Masar oo daaha ka qaaday in ay iyadu xumaha
wadday, Yuusufna uu ahaa nin runta ka hadla.
Xaakimkii Masar waxa uu yiri: Yuusufow maanta laga bilaabo waxaad kamid tahay dadka qasriga warkooda laga dhegaysto, xil ilaale xilka aad doontana waa laguu dhiibi.
Nabi Yuusuf Calayhi salaam waxa uu sheegay in laga dhigo mas'uulka khasnadaha masar, si uu ugu diyaargaroobo kaydna loogu helo abaaraha markasta dhaca.
Nabi Yuusuf oo gartay walaalladiisa
Waxaa la sheegay in gaajo iyo abaari ay ka dhacday Masar, Shaam, iyo meelaha ku wareegsan, nabi Yuusuf walaaladiisa ayaa kamid ahaa dadkii ay saamaynta ku yeelatay gaajadii jirtay.
Waxaa laga yimid meelo badan si wax uun looga qaato cuntadii ay kaydsatay Masar.
Waxaa yimid walaaladii nabi Yuusuf oo wada badeecad ay ku bedeshaan cunto, waxayna u soo galeen nabi Yuusuf oo xilligaasi noqday xaakimka ugu sarreeya Masar, iyagu ma aysan garan, balse isaga wuu gartay, waxa uu wax ka weydiiyay reerkooda, walaalkooda la waayey, iyo Binyaamiin oo Yuusuf isku bah ahaayeen Nabi Yuusuf wuxuu shardi uga dhigay in ay keenaan walaalkooda Binyaamiin haddii ay
doonayaan raashiin.
Markii ku laabteen aabbahooda oo ay u sheegeen in walaalkooda loo soo diray ayuu ka
labalabeeyay in uu ku daro, isaga oo maanka ku haya wixii ku dhacay Yuusuf.
Kolkii dambe waa uu la diray, waxayna soo galeen Masar.
Nabi Yuusuf oo ah xaakimka ka taliya Masar waxa uu degay xeelad uu kaga reebto walaalkiisa
yar, wuuna ku guuleystay.
Walaaladii nabi Yuusuf markii ay waayeen walaalkooda Binyaamiin aad ayay ugu murgoodeen, aabbahooda Yacquub aad ayuu u dhibsaday arrinkaa, araggiisa ayuu ku waayey sidii uu u la murugsanaa nabi Yuusuf, wiilashiisa ayuu ku yiri: Ha ka quusanina naxriista Alle, ha la baadigoobo Yuusuf iyo walaalkiisa, waa ay noolyihiine.
Nabi Yuusuf walaaladiisa ayaa ku soo laabtay Masar iyaga oo sita badeecad yar, waxay ka codsadeen xaakimka (Nabi Yuusuf) in uu siiyo raashiin oo uu ku saddaqaysto.
Nabi Yuusuf waxa uu ku yiri: Ma ogtihiin wixii aad ku samayseen Yuusuf iyo walaalkii markii aad jahliga idinku jiray? Waxay ku dhaheen oo adigu ma Yuusuf baad ahayd? Wuxuu ku yiri: Waxaan ahay Yuusuf, kanina waa walaalkey, Alle ayaa nagu mannaystay wanaag, ninkii sabra oo dhowrsada Alle ayaa ka abaalmarinaya.
Waxay yiraahdeen: Eebbe wuu naga kaa fadilay Yuusufow, khalad baan kaa galnay annaguna.
Waxa uu nabi Yuusuf ku yiri: Waxba idinma haysto walaalayaal, Sheydaan baa dhexdeena galay, Alle debigeenna ha dhaafo dhammaantayada.
Waxa uu nabi Yuusuf u sheegay walaaladiisa in ay qaadaan khamiiskiisa, kuna tuuraan wejiga aabbe arragiisa ayaa u soo laabanaya, reerka oo idilna Masar ha la iigu keeno.
Markii ay u dhaqaaqeen reer Yacquub dhanka Masar, waxa uu Yacquub: Waxaan helayaa carafta Yuusuf, markii arragiisa uu helay ayay ku yiraahdeen: Aabbe dembidhaaf noo weydii waynu khaladannaye.
Nabi Yuusuf iyo wasiiradii ugu sarreeyay ee Masar ayaa soo dhaweeyey qoyska, waxa uu nabi Yuusuf yiri: Aabbe tani waa fasiraadda riyadayda markii aan yaraa ku riyooday, Eebbe ayaa mahad u sugnaatay idinka keenay miyiga, anigana jeelka iga soo saaray.
Haweenkii la martisooray waxay aad u la yaabeen quruxda Yuusuf, waxay yiraahdeen: Kani bashar ma aha ee waa malag kariim ah. Islaantii boqorku qabay ayaa tiri haddii uu san amarkayga fulin xabsi ayaan dhigayaa.
Nabi Yuusuf baa yiri: Rabbiyoow xabsiga ayaa la ii qaatay intaan xumaan ku dhici lahaa, adduun iyo aakhirana aan halaagsami lahaa.
Nabi Yuusuf ayaa xabsiga la dhigay isaga oo aan waxba galabsan, waxa uu ahaa qof aad u cibaado badan.
Waxaa xabsiga kula jiray laba nin oo lagu soo eedeeyay in ay sumeyn rabeen boqorka, habeenka markii la seexday ayaa labadii nin mid kasta waxa uu arkay riyo uu la tacajubay, waxayna u sheegeen riyooyinkii nabi Yuusuf oo u fasiray labadii nin, mid kamid ah labada nin ayuu u tilmaamay in uu xabsiga ka bixi doono oo la saamixi doono, wuxuu ku yiri: Marka baxdo waxaad boqorka u sheegaa in uu jiro nin la dulmiyay oo Yuusuf la yiraahdo xabsigana dulmi ugu jira. Ninkii markii la sii daayay ayuu ilaaway Yuusuf, muddo sannado ah ayuuna xabsiga ku sii jiray nabi Yuusuf.
Muddo kaddib ninkii masar ka talinayay baa wuxuu yiri: Waxaan riyo ku arkayaa toddobo neef oo lo' ah oo shilshilis oo ay cunayaan toddobo wayd ah, toddobo sabuul oo cagaaran iyo toddobo sabuul oo qallalan, madaxyaweyntan i agfadhidow iiga warrama riyadan haddaad wax ka garanaysaan fasiraadda riyooyink
[ ] Nabi Yuusuf
Nabi Ibraahim wiilashiisa waxaa kamid ahaa Ismaaciil oo ay ku abtirsadaan reer Qureysh, sidoo kale nabi Isxaaq waxa uu dhalay nabi Yacquub Calayhi salaam.
Nabi Yacquub waxa uu dhalay 12 caruur ah oo ay ugu yaryihiin Yuusuf iyo Binyaamiin oo nabi Yacquub aad u jeclaa, waxa uuna nabi Yacquub dareemi jiray in Yuusuf uu leeyahay Arrimo la yaab leh.
Maalin maalmaha kamid ah Yuusuf oo da'yar ahaa ayaa ku riyooday riyo weyn oo cajiib ah, waxa uu arkay in 11 meere, qorraxda iyo dayaxa ay isaga u suujadayaan.
Waxa uu riyadii u sheegay aabbihii Yacquub.
Yacquub oo gartay in riyadu ay tahay mid weyn ayaa wiilkiisa kula taliyey in uusan la wadaagin walaalihiisa, sababtuna waxay ahayd in Yacquub uu dareemaya in wiilasha kale ay xiqdi u qabeen.
Maalin waxaa dhacday in wiilashii ay shiraan, waxaa shirka joogay 10 wiil, waxaa maqnaa Yuusuf iyo walaalkiisa Binyaamiin oo iyaga loo tashanayay.
Shirka waxaa looga arrinsanayay sidii laga yeeli lahaa Yuusuf iyo Binyaamiin oo aad looga jecelyahay guriga.
Qaar baa soo jeediyay in la dilo Yuusuf ama lagu tuuro dhul fog oo aan laga yaabin in dib dambe loo arko.
Wiilka weyn ayaa soo jeediyay in aan la dilin Yuusuf oo lagu rido ceel si ay u qaataan dadka safraya ee ganacsatada ah, ra'yigaas ayaana la isla qaatay.
Wiilashiisa baa Yacquub ku yiri: Aabbe Yuusuf na raaci oo ha nala ciyaaro innaga ayaa ilaalinayna, waana ka oggolaaday nabi Yacquub isaga oo kula dardaarantay in ay daryeelaan walaalkooda oo ay ilaaliyaan.
Markii la soo baxay ayaa lagu riday Yuusuf ceelkii, waxaana halkii soo maray niman socoto ah oo ganacsi wata, kolkii ay wadaantii ku soo rideen ceelkii waxaa qabsaday nabi Yuusuf oobannaanka loo soo saaray markiiba, nimankii waxay ku iibiyeen nabi Yuusuf lacag yar oo aan
badnayn.
Walaalihii nabi Yuusuf waxay qaleen ri' yar, waxayna dhiiggeeda marmariyeen khamiiskii nabi
Yuusuf, waxay ku laabteen aabbahooda iyaga oo barooranaya, waxay u sheegeen in dhurwaa uu
cunay wiilkiisa Yuusuf.
Nabi Yacquub baa isweydiiyay sababta uu waraabuhu u jeexi waayey Khamiiska nabi Yuusuf
isagoona u caddaatay in wiilasha ay arrin kale ku dhaqaaqeen, waxa uu sheegay in uu sabrayo oo
uu Alle talosaartay.
[ ] Nabi Yuusuf iyo Imtixaankii weynaa
Nabi Yuusuf waxa uu noqday addoon la iibsaday kolkii laga soo saaray ceelka, waxaa iibsaday wasiirka ugu weyn wasiiradda Masar.
Waxa uu wasiirkii la dardaarmay xaaskiisa oo uu u sheegay in ay xanaanayso wiilka yar laga yaabee in uu ubad u noqdo.
Nabi Yuusuf gurigaas ayuu ku weynaadey isaga oo ku jiray nolol iska roon, waxaase imtixaan noqotay xaaskii wasiirka oo caashaqday Yuusuf, waxayna isku dayday in ay naftiisa ka doonato, waxay qurxiday guriga iyo furaashyadii yaallay, waxayna xirtay albaabyadii guriga, waxayna ku amartay Yuusuf in uu dhankeeda u soo dhaqaaqo!
Nabi Yuusuf ayaa ku jawaabay: Ilaahey baan ka magan-galay in aan xumaan ku kaco, ilaahey baa xumaan ka nasahan.
Waxay isku dayday in ay xoog ku soo qabato Yuusuf ilaa ay jeexday Khamiiska isaguna uu ka cararayo oo leh: odaygaagu wuu i sharfay, oo wuu i karaameeyay, wuxuu igu aaminay reerkiisa, sidee baan u khiyaameeyaa.
Waxaa markiiba iridda soo istaagay wasiirkii oo uu la socday ina adeerka gabadha uu qabay, kolkaas ayay akhriday wixii been ahaa, waxay sheegtay in Yuusuf uu isku dayay in uu wax u dhimo sharafkeeda, Yuusuf ayaa isaguna isku difaacay in iyadu ay isku dayday in ay xumo samayso.
Ninkii ina adeerka gabadha ahaa baa soo jeediyay in la eego Khamiiska Yuusuf, haddii uu hore
ka jeexmay ay gabadhu run sheegayso, haddii uu gadaal ka jeexmayna Yuusuf uu yahay ninka
runta sheegaya.
Markii la arkay in Khamiiska uu gadaal ka jeexmay baa la ogaaday in gabadhu ay khaldantahay.
[ ] Nabi Yuusuf oo xabsi galay
Waxaa magaalada si xawli ah ugu faafay wark sheegaya in xaaska wasiirka ay damacday addoon yar oo gurigeeda jooga, haweeneydii wasiirka qabay oo la oran jiray Suleykha ayaa arrinkii ka warheshay waxayna go'aansatay in ay Haweenka kale martisoorto si ay u tusto quruxda Yuusuf.
Nabi Isxaaq iyo Yacquub
Nabi Ibraahim Calayhi salaam markii uu da' gaaray, xaaskiisa saarana ay da'da ka dabatimid, welina aanay caruur u dhalin nabi Ibraahim, ayaa Allaah ugu bishaareeyay in Saara ay dhali doonto wiil la yiraahdo Isxaaq.
Nabi Isxaaq cariurtii uu dhalay waxaa kamid ahaa Yacquub.
Nabi Yacquub waxa uu aabbe u ahaa 12 caruur ah, waxaa loo yaqaanaa magaca Israa'iil, iyo in uu yahay aabbaha reer bani israa'iil, Yuusuf iyo Binyaamiin ayaa isku hooyo ahaa, aabbahooda
aad ayuu u jeclaa labadooda gaar ahaan Yuusuf oo la sheego in uu wiilasha kale ka jeclaa, maalin baa waxaa dhacday in Sheydaan uu xasad ku rido qalbiyada wiilashii la dhashay Yuusuf, waxayna go'aansadeen in ay ku ridaan ceel.
Nabi Yacquub aad ayuu uga murgooday in uu waayo wiilkiisa, muddo kaddib waxaa dib u midoobay Yacquub iyo Yuusuf oo boqor noqday waqtigaasi, waxayna ku noolaayeen nolol iska wanaagsan.
Geeridii Nabi Yacquub
Nabi Yacquub kolkii uu dareemay in uu macsalaamaynayo dunida ayuu isugu yeeray wiilashiisa oo uu ku yiri: Markaan geeriyoodo maxaad caabudi doontaan?
Waxay ku jawaabeen: Allahaaga iyo Allihii ay caabudi jiraan aabbayaashada oo ah Alle weyne Subxaanah watacaalaa ayaan caabudaynaa, isaga ayaana u hoggaansamaynaa.
Maxaynu ka baran karnaa Qisadani?
1. Waalidka in la adeeco amarkoodana la fuliyo waa waajib.
2. In Alle la talosaarto oo aan la quusan ayaan ka baran Karnaa qisadani.
3. In loo sabro imtixaanka adduun waxaa lagu helayaa darajo aakhiro.
4. Dardaaran habboon waa in la siiyaa ubadka markas
Nabi Luud
Markii ay mushrikiintii dabka ku tuureen nabi Ibraahim, ilaaheyna dabkii ka dhigay qabow iyo ammaan, waxaa nabi Ibraahim rumeeyay Luud calayhi salaam, oo ahaa wiil uu dhalay nabi Ibraahim walaalkiisa, wuxuuna ugu beegnaa wiilkiisa oo kale.
Nabi Ibraahim wuxuu la hijrooday Luud, waxayna qabteen dhulka shaam, kaddib Alle ayaa u waxyooday in uu tago tuulo u falastiin ka tirsan, waxaa ku noolaa dad la sheego inay ahaayeen kuwii ugu faajirsanaa bulshada, waxay ahaayeen gaalo, isbaaradana way dhigan jireen, waxay samayn jireen faaxisho tii ugu xumayd ee insaan sameeyo, waxay u tagi jireen ragga oo ay hunguri ka raadin jiray, falalkaas xun oo aan hortood ka dhicin dunida, waxaa u dheeraa hawlo foolxun, munkar iyo dhaqan liita oo ay shaqo ka dhigteen.
Nabi Luud calayhi salaam ayaa wacdiyay oo ku yiri: Ma faaxisho aan hortiin la samayn baad falaysaan, ma waxaad hunguri ka raadinaysaan ragga, iyadoo ilaahey idinku talogalay dumar, waxaad yihiin dad xadgudbay, oo caqliga saliimka ah ee basharka ka baxay.
Waxay yiraahdeen: Luud iyo ehelkiisa tuulada ha laga saaro, waa dad daahir ahe, kuma noolaan karaan meeshan.
Nabi Luud calayhi salaam kama quusan in uu xagga Alle ugu yeero, iyo in markasta tawbadu ay furantahay, wuxuu ku waanin jiray inay macsida ka tagaan, balse waxaan jeesjees iyo qosol ahayn kalama kulmin, wayna ka jeesteen in ay Allaah u soo laabtaan, cadaabka iyo Halaagga Alle ayaa u yimid.
Malaa'igtii samada kasoo degatay
Malaa'igtu intii aysan nabi Luud u tegin waxay sii mareen nabi Ibraahim, wuxuuna u qalay dibi aad u weyn, balse malaa'igtii baa u sheegtay in loo diray xagga iyo Luud, waxay u yimaadeen nabi Luud iyaga oo quruxdooda bannaanka taallo, markii uu arkay nabi Luud wuxuu dareemay murugo, sababtoo ah dadkan sidan u qurxoon ee u soo martiyay waxaa soo damci kara dadkii falalka xun wadwaday, sidii ayaana dhacday dadkii oo farxadi ka muuqato waxay soo buuxdhaafiyeen gurigii nabiga dhiniciisa, waxay bilaabeen inay iridda soo riixaan, nabi luudna dhinaca ka sii riixo si aysan u soo galin, balse waxay soo jebiyeen albaabka, nabi Luud baa ku yiri: Dadkani waa martiday, ha igu fadeexaynina, mid maan leh miyuusan idinku jirin, malaa'ikta waxay u sheegeen nabi Luud in Allaah uu soo diray, dadkaana dhawaan la halaagi doono, oo aysan waxba u geysan karin iyaga, dadkii sidii iridda u buuxay halmar baa malakul jibriil garabkiisa ku dhuftay, indhaha ayay wada beeleen gebigood.
kaddib Allaah ayaa faray nabi Luud in isaga iyo ehelkiisa ay isaga rawaxaan tuulada inta aannu waagu baryin, marka laga reebo xaaskiisa oo ahayd kaafirad la dhacsanayd dhaqankii magaalada, waxaana loo sheegay in islaantaasina cadaabka uu haleeli doono.
Nabi Luud ayaa soo guureeyay inta aan la gaarin fajarka, tuuladiina wuu ka fogaaday.
Halaaggii oo soo degay
Allaah Subxaanah watacaalaa, wuxuu u diray tuuladaasi malakul jibriil, wuxuuna sare u qaaday tuulada oo idil, kaddib kor ayuu la tegay, wuxuu la gediyay dadkii ku noolaa, meeshii koraysay waxay martay hoos, meeshii hoosena sare ayay martay,Kaddib waxaa lagu soo daadiyay dhagaxaan ka samaysan dhoobo adag..
Taasina waxay abaalgud u ahayd gaalnimadooda, iyo macaasidii ay fali jireen.
Maxaynu ka baran karnaa Qisadani?
▪Macsida iyo dunuubtu waxay sabab u yihiin cadaabka Alle, iyo ciqaabtiisa.
▪Alle Subxaanah watacaalaa waxa uu ilaaliyaa addoomadiisa wanaagsan.
▪Insaanka marka uu ka tago xishoodka, waxa uu ka hoos maraa darajada xayawaannimo.
Nabi Ibraahim oo la yaaban caqliga yarida ninkan, waxa uu ku yiri : Ilaahey cadceedda ayuu barikasoo bixiyaa, ee adigu galbeed ma ka keeni kartaa? Kolkaas ayuu wareeray Namruud, wax uu ku hadlo ayuu garan waayay.
Nabi Ibraahim oo ay la socoto xaaskiisa Saara waxay u soo ambabaxeen Masar si ay dadka ugu yeeraan xagga Alle. Masar waxaa xilligaa ka talinayay boqor damac badan oo xoog ku qabsada hablaha qurxoon, waxa uu isku dayay in uu ku soo dhowaado Saara oo ahayd xaaskii nabi
Ibraahim, balse wuu ku dhici waayey aad ayuuna u baqay, waxa uu soo siiyay haddiyado farabadan iyo gabar Jaariyad ah oo la yiraahdo Haajar.
Nabi Ibraahim iyo sowjadiisa waxay kusoo laabteen Shaam, waqtigaasina Saara waxba umay dhalin nabi Ibraahim, waxay u hadyaysay Haajara si uu u guursado oo ayu dhasho durriyad, waqti badan kama soo wareegan Haajar waxay dhashay nabi ismaaciil Calayhi salaam.
Nabi Ibraahim oo loo bishaareeyay
Maalin maalmaha kamid ah waxaa nabi Ibraahim u yimid rag aad u labisan oo qurux loo dhammaystiray.
Nabi Ibraahim kolkii uu arkay martida u timid ayuu u keenay dibi buuran oo hilibkiisa la solay si ay u cunaan, waxaase layaab noqtay in raggii mid iyaga kamid ah uusan gacantiisa u soo dhiibin
cuntada.
Nabi Ibraahim markii uu arkay arrinkaasi waxaa gashay cabsi, waxay raggii u sheegeen in ay yihiin Malaa'ig loo soo diray in ay soo halaagaan qowmkii Nabi Luud, Saara oo hadalkii dhagaysanaysa waxaa lagu yiri: Waxaan kuugu bishaaraynaynaa Wiil inaad dhasho, kolkaasay tiri: Aniga oo da'dan ah oo aan dhalin, odayguna duqoobay miyaan ilmo dhalaynaa?
Waxay malaa'igtii u sheegeen in ay bishaaradaasi xaq tahay oo xagga Allena ay ka socoto.
Saara waxay dhashay Isxaaq, nabi Ibraahim aad ayuu ugu farxay arrinkaasi.
Nabi Ibraahim waxa uu soo raray Haajar iyo wiilkeeda ismaaciil, isaga oo keenay meel aan biyo iyo baad toona lahayn, wuxuuna u sheegay in Allaah uu amray arrinkaasi, Haajar waxay tiri:
Haddii uu Alle ku amray nama hoojinayo Alle weyne, nabi Ibraahim waa uu dhaqaajiyay.
Biyihii baa ka dhammaaday reerkii, xaaladdii way kasii dartay, Ismaaciil oo gaajo iyo harraad la
ooynaya ayay garan weyday meel ay u la kacdo.
Alle weyne mucjisadiisu badanaa! Waxaa goobtii ka dilaacay meel biyo ka socdaan, Haajar ayaa tiri: Zam, Zam iyada oo ka baqaysa in biyaha ay ka dhammaadaan.
Muddo kaddib waxaa goobtii soo maray reer Geeddi ah oo biyo doon ahaa, waxay Haajar ka codsadeen in ay la soo degaan goobta wayna u oggolaatay.
Maalin maalmaha kamid ah nabi Ibraahim waxa uu soo booqday reerkii oo muddo ugu dambaysay, waxa uu arkay Ismaaciil oo weynaadey, si weyn ayuu ugu farxay arrinkaasi.
Nabi Ibraahim ayaa mar ku riyooday isaga oo qalaya wiilkiisa ismaaciil oo uu dhalay isaga oo da' ah, riyada ambiyada waa xaq iyo waxyi xagga Alle ka yimid, nabi Ibraahim waxa uu u hoggaansamay amarkii Rabbi, wuxuuna u sheegay wiilkiisa in la faray in uu qalo! Nabi ismaaciil ayaa aqbalay amarkii waalidkii, inta uusan birta la fuulin nabi Ibraahim waxaa laga la hadlay xagga Alle oo loo sheegay in uu ka dhabeeyay riyada, arrinkuna uu ahaa imtixaan uu Alle imtixaanay nabigiisa.
Nabi Ibraahim waxa uu arkay wan weyn oo loogu beddelay ismaaciil, aad bay u farxeen qoyskii nabi Ibraahim.
Dhisidda kacbada
Allaah Subxaanah watacaalaa Wuxuu u waxyooday nabi Ibraahim iyo wiilkiisa in ay dhisaan beytka Alle, waxay bilaabeen dhismaha iyaga oo ku ducaysanaya Rabbiyoow naga aqbal acmaasha wanaagsan, oo naga yeel kuwo adiga kuu hoggaansama oo ikhlaas la yimaada.
Markii ay dhiseen waxa nabi Ibraahim la faray in uu dadka ugu yeero xajka, wixii dad ah ee maqlay yeermadiisa waxay u yimaadeen xajka, ilaa maanta waa lq xajiyaa oo baytka Alle waa la yimaadaa.
Maxaynu ka baran karnaa Qisadani?
1. Waa waajib in la adeeco Allaah oo amarkiisana la fuliyo, wax kastana loo huro.
2. In caruurta lagu rabbeeyo in ay maqlaan hadalka waalidkooda.
Waxay yiraahdaan: Ha la gubo, oo ilaahyadiina u gargaara.
Waxay soo uruuriyeen xaabo tiro badan, wayna huriyeen ilaa ay karkarto, kaddib waxay keeneen nabi Ibraahim oo xarig ku xirxiran, waxayna ku tuureen dabkii holcayay, isaguna wuxuu yiri: Xasbiyallaahu wa nicmal wakiil.
Allaah Subxaanah watacaalaa ayaa u waxyooday dabkii oo ku yiri: Dabkoow u noqo Ibraahim qabow iyo nabadgalyo, nabi Ibraahim wax dhib ah ma uusan arag, wuxuuna ahaa mid iska tasbiixsada ilaa dabkii uu damay, wuxuuna kasoo baxay isagoo badqaba, waxaa gubtay oo kaliya xargihii isaga lagu xiray.
Nabi Ibraahim waxaa rumeeyay uun xaaskiisa Saara, iyo wiilka walaalkii dhalay ee Luud.
Nabi Ibraahim cs iyo Namruud
Namruud waxa uu ahaa boqor daalim ah oo gaal ah, waxa uu sheegan jiray ilaahnimo, waxaa u tegay oo dacwaddii u la tegay Nabi Ibraahim oo u sheegay in uu jiro hal ilaah, waana Allihii abuuray kownkan, samadaha iyo dhulalka.
Namruud baa wuxuu yiri: Waa kuma Rabbigaaga ibraahimoow?
Wuxuu nabi Ibraahim ku jawaabay: Rabbigay waa kan wax nooleeya, waxna dila.
Namruud waxa uu yiri: Aniguba waxbaan dilaa oo nooleeyaa. Kolkaas ayuu Namruud u wacay
laba nin oo xabsiga ugu jiray, wuxuuna ku yiri: Mid ha la dilo, kan kale ha la iska fasaxo..
Nabi Ibraahim & Ismaaciil
Dadkii hore ee degganaa Baabil(ciraaq), jasiiradda carabta, iyo shaam waxay caabudi jireen sanamyada, meerayaasha I.W.M.
Nabi Ibraahim Calayhi salaam wuxuu kusoo barbaaray dhulkaasi, Allaah ayaa hanuuniyay, wuxuuna u doortay inuu noqdo rasuul iyo nabi.
Nabi Ibraahim wuxuu gudagalay inuu qowmkiisa ugu yeero inay caabudaan Allaah oo kaliya, oo
ay ka tagaan sanamyada, iyo meerayaasha ay caabudayaan.
Wuxuu nabi Ibrahim isku dayay inuu xujada ku oogo qolada meerayaasha caabuda iyo sida ay u fekeraan, si ay u gartaan in hal ilaah oo kaliya oo ka jiro kawnkan, nabi Ibraahim wuxuu eegay samada, wuxuu arkay mid kamid ah meerayaasha, kolkaas buu yiri kani waa rabbigay, inyar kaddib meerihii wuu qarsoomay, kolkaas buu yiri kani ilaah ma aha, Wuxuu markale arkay dayixii oo ifiyay mugdiga habeenka, kolkaasuu yiri waa kan rabbigay, haddana wuxuu yiri kani ilaah ma aha, waaberigii Waxaa soo baxday qorraxda, kolkaasuu nabi Ibraahim yiri: Waa kan rabbigay, qorraxda ayaa ka weyn kana iftiin badan dayaxa, iyo
meerayaasha, intaasi wuxuu uga jeeday in uu tuso xujada ay ku andacoonayaan, fiidkii markii la gaaray qorraxdii ay gabbalkeeda dhacay, wayna qarsoontay.
Nabi Ibraahim Calayhi salaam wuxuu u sheegay kuwii caabudi jiray meerayaasha in Allaah uu yahay kan abuuray qorraxda, dayaxa, samadaha, iyo dhulka, sidoo kale Allaah subxaanah watacaalaa oo kaliya ayaa ah kan xaqa lagu caabudo, Alle ayaa ka weyn waxkasta, ma suulo, ma maqnaado, mana hurdo, sida ay ay u suusho dayaxa, u qarsoonto qorraxda, makhluuqaadkana u
seexdaan.
Qowmkiisa ayaa la dooday si kasta ayuu isugu dayay inuu diinta ugu yeero, balse way ka madax
adeegeen.
Burburintii sanamyada
Maalin maalmaha kamid ah ayaa nabi Ibraahim wuxuu u tegay qowmkiisa oo caabudaya
asnaamta kolkaasuu u naseexeeyay, oo uu ku yiri:
Waxa aad caabudaysaan waa maxay?
Waxay yiraahdeen: Waa ilaahyadeenna, iyo ilaahyada aabbayaasheen.
Oo ma waxbay arkaan, misana maqlaan?
Waxay ku warceliyeen: Waa ilaahyadeenna.
Nabi Ibraahim wuxuu yiri: Allaha rabbiga caalamiinta ayaa ah mid xaq lagu caabudo, Allihii i abuuray ayaa igu hanuuniya wixii wanaagayga ku jira if iyo aakhiro, isaga ayaa i quudiya, haddaan xanuunsado isaga ayaa caafimaad i siiya, isaga ayaa i oofsada markay ajashaydu timaado, isaga ayaa dib nolosha iigu soo celinaya markii la gaaro xisaabta, Alle ayaan ka rajaynayaa inuu dembigayga dhaafo maalinta qiyaame.
Dadkii sanamyada caabudi jiray waxay ku adkaysteen falka ay ku jiraan, nabi Ibraahim wuxuu ku talogalay in uu burburiyo asnaamtaasi.
Maalin ciid u ahayd dadkii reer Baabil waxay aadeen magaalada dhinacyadeeda, waxayna nabi Ibraahim ku yiraahdeen: na soo raac, nabi Ibraahim baa ka cudurdaartay oo yiri: Waan xanuunsanahay.
Dadkii baa firaaqeeyay magaalada waxayna noqotay meel aan cidina joogin, nabi Ibraahim baa u dhaadhacay halkii ay sanamyadu ku jireen, wuxuuna ku burburiyay faas, markii uu dhulka dhigay sanamyadii, wuxuu soo reebay midka ugu weyn, faaskii ayuuna qoorta u suray.
Dadkii ka maqana markii ay yimaadeen way la amakaageen wixii lagu sameeyay sanamyada, waxay la sii fajaceen markii ay arkeen sanamkii weynaa oo qura inuu joogo isaguna faaska qoorta loo suray.
Nin dadkii goobta yimid kamid ahaa baa si xanaaq leh ku qeyliyay: Yaa sidan ku sameeyay ilaahyadeenna, cidda sidan samaysay waa cid xadgudubtay, waxay soo xusuusteen nabi Ibraahim oo horay u ballanqaaday in uu burburin doono asnaamtooda, markii ay u yeereen waxay ku yiraahdeen: Ma adigaa ayaa sidan sameeyay ibraahiimow?
Wuxuu ku jawaabay: midkan weyn baa sameeyay, inta uu farta ugu fiiqay sanamka weyn, ee
weydiiya hadday hadlayaan.
Dib bay ugu laabteen sanamyadii ma hadlaan,ma cunaan, mana cabaan, sidaa ay tahayna ma
aysan rumayn.
Nabi Ibraahim oo dab lagu tuuray
Markii uu nabi Ibraahim burburiyay sanamyadii, una sheegay qowmkiisa in asnaamtu aysan wax tarin, waxna dhibin, waxay ku adkaysteen sanamyadooda, waxayna ku talogaleen in nabi Ibraahim lagu tuuro dab holcaya.
SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!
@Abdii_Sabaa
?NU QUNNAMUUF?
@AbdiiSabaaDm
?BARNOOTAAF
@Abdiisabaa
?MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa
Last updated 2 months ago
https://t.me/joinchat/AAAAAFgrZgMjBcvdBf7YWg
Last updated 1 month, 4 weeks ago
asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook
Last updated 1 month ago