SABAย GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!
@Abdii_Sabaa
๐ฌNU QUNNAMUUF๐ฌ
@AbdiiSabaaDm
๐ฏBARNOOTAAF
@abdii_sabaa_university
๐ฏMARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa
Last updated 6ย days, 5ย hours ago
asc ุจุณููููููููููููู
ุงููู ุงูุฑุญู
ู ุงูุฑุญูููููููููููููู
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook
Last updated 2ย months ago
Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.
Headquartered in Mogadishu.
Last updated 2ย weeks, 5ย days ago
โ"ูุง ุงููู :
ูุณุฃูููู ุงูุจูุดูุงุฑูุงุชู ุงูุชู ููุญูุจ
ูุงูุฃูุงู
ู ุงูุชู ุชูุณูุฑูู
ูุงูุฑูุญู
ูุงุชู ุงูุชู ุชุชูุงูู
ูุงูุนูุงููุฉู ุงูุชู ุชูุฏููู
ูุงูุฎูุฑู ุงูุฐู ูุง ูููุทุน
ูุฑูุถุงูู ูุจู ูู ุดู ูุง ุงูููุ ุฑุถุงู!"
Mar walba waa jiraan dad u hadlo si aan xikmadaysneen oo ducaadda ka mid ah oo aan eegin waqtiga la joogo iyo murugada geerida qofka dhintay, waana sifiihnimo (caqli yaraan) iyo aqoontii oo ku qaloocatay.
Waxaan xasuustaa markii uu dhintay caalimkii waynaa Allah ha u naxariisto Sheekh Cali Warsame Xasan in qolo soo qortay in Allah ummadda balaaya ka qabtay, sidaa oo kale Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo sheekh wayn ahaa oo lagu qarxiyay Kismaaya waxaan arkay mid sheekha oo aan wali la aasin ku diganaaya geeridiisa kuna farxasan in la qarxiyay, waxaan kaloo xasuustaa dhawaan markuu dhintay Sheekii waynee ee Sheekh Maxamed Xaaji Yuusuf kuwo xikmaddaro iyo safiihnimo daraadeed geeridiisa ku faraxsan, inta badan raggaa aan sheegaaya waxay ahaayeen ugu yaraan ducaad, kuwa waawayn oo culimo loo yaqaana ayaa ayagana culimada geeridooda iyo dilkooda isugu hanbalyeeya ama ayagaaba dila.
Marka wadaadka weeraray Sheekh Cusmaan Xidig caalimkii waynaa ee naga baxay waxaa uu ka mid yahay dadkaa ximad laโaanta iyo akhlaaq laโaanta ku sifaysan ee Allah ummaddiisa nolol iyo geeri aysan uga baxsanaynin si gaar ah culimadii waawayneed ee diintaan u soo khidmaysay.
Hadii uu Sheekha masaaโil uu ku haysto waxay ahayd in uu horay uga hadlo intii uu Sheekha noolaa Sheekha ama ardaydiisa ayaa iska difaaci lahaa, ama hadii uu ka maarmi waayo oo uu u arko wax uu dhaliilsanyahay in ay ku jiraan kutubta Sheekha marka Sheekha ay dhamaato tacsidiisa oo la hilmaamo murugada ayuu ka qori lahaa maqaal ama qoraal sida uu doono asagoo ku laraaya ixtiraamka uu u haayo culimada, culimada macsuumiin (kuwa aan gefin) ma ahan ee waa baniiโaadam la dhaliili karo lana naqdin karo laakiin waa goorma??
Ayadoo Sheekhii hadda un uu geeriyooday, ummaddii Soomaaliyeed oo dhan la tiiraanyeesan tahay ardaydiisii, qaraabadii, asxaabtii in aad weerartid Sheekhii waa mid muujinaysa qaangaar laโaanta wadaadkaa yar iyo sida uusan waaqica u qiimaynin, xataa qoraalkiisa waxaa uu Sheekha u quuri waayay Allah ha u naxariisto in uu yiraahdo waa mid muujinaysa sida yarkaa uga aradanyahay akhlaaqda ducaadda iyo ahlu cilimga.
Dhanka kale waxaan arkaayay kuwa hurinaaya dab oo raba in yarka khaladka uu gaystay mid ka xun in la gaysto si balaayada u balaarato kuwaana waa sharwadyaal kale oo aan caqli iyo xikmad midna ku hadlin, dhanka kale culimada iyo ardaydii Sheekha waa in ay is dajiyaan si taxadar lehna uga jawaabaan yarkaa iska hadlay iyo kuwa la midka ah ee xikmad laโaanta u tahay asalka, marnaba gacan ka hadal iyo cunfi (rabshad) aysan adeegsan.
Sheekh Cusmaan Xidig waxaa uu ahaa caalim wayn oo dadka Soomaaliyeed ka baxay oo ummadda oo dhan u ahaa Sheekh ixtiraam iyo qadarinna ummadda oo dhan u haysay, Sheekh Cusmaan culimada dariiqada kaliya Sheekh uma ahayn sidaa waa in loola socdaa.
Waxaa ka tacsiyadeeyay Sheekh culimada Soomaaliyeed oo kala duduwan oo sheekha wanaag iyo kheyr ka shaqayn ku taqaanay.
Waxaan ka xusi karaa Sheekh Maxamed Idriis Axmed oo ka mid ah culimada Salafiyiinta kuwooda ugu waawayn ayaa Sheekha ka qoray maqaal yar oo ugu tacsiyadeenaayay mowaaqif uu u soo joogayna xusay, maqaalkaa yar bogaygaan ayaad ka fiirin kartaan oo qoraalkan ayuu ka horeeyay.
Allah ha u naxariisto dhamaan culimadeenii si gaar ah Sheekeenii habeen hore xijaabtay Sheekh Cusmaan Xidig, Allah janaatkiisa ha ka waraabiyo, dambigiisa Allah ha dhaafo, ehelkii, asxaabtii, ardaydii iyo dhamaan ummadda Soomaaliyeedna Allah sabar ka ka siiyo annagana gadaashiisa Allah nama fitneeyo.
Aamiin
Aamiin
AGOONTA AAD KA FARXISID WAA ALLE AAD KA FARXISID
Nin saaxiibbada ka mid ah oo sheekaynayaa waxa uu yiri:
โWalaalkay baa gurigiisa in aan la cashayno aniga iyo asxaab kale inagu casuumay. Waqtiga cashadu waxa uu ahaa salaadda cishaha ka dib, markii aan salaaddii Maqrib tukaday, mar haddaanan wax hawl ah hayn, baan anigu waxan goโaansaday in aan walaalkay u sii tago, si haddii uu kaalmo u baahan yahay u sii kaalmeeyo.
Markaan u imid, waa uu i soo dhoweeyay. Waxan arkay in uu mashquul yahay. Waxan damcay in aan hawsha la qabto, waase uu iga diiday, waxana uu igu yiri: โIska fariisoโ, inta uu cabitaan ii dalbay.
Markii aan xoogaa joogay, mar haddii aan shaqo la iiga baahnayn, waxa igu soo dhacday in aan masjidka iska aado, Qurโaanna iska aqristo, inta salaadda cishaha laga gaarayo.
Masjidka inta aan galay, laba rakaco tukaday, baan kitaab soo qaatay, aqrisna ku billaabay. Mar uu cishihii rubcu saac ka dhiman yahay, baa waxa soo galay wiil 9-10 jir ah. Meel agtayda ah buu sunno ku xirtay. Sujuudda ayuu aad ugu dheeraaday isagoo Alle baryaya oo ooyaya. Dhegta ayaan u raariciyay ducadiisii.
Wiilku waxa uu lahaa: โIlaahayoow, ballan waxad inooga qaadday in aad ina quudinaysid. Ilaahayoow, walaalahay ilaa shalay waxba ma cunin. Ilaahayoow, aabbahay waxa uu igu yiri haddii aad wax u baahatid, masjidka tage, Ilaahay bariโ, iyo erayo la mid ah oo uur taabad ah. ?
Ducada wiilku aad bay ii saamaysay, isagiina sujuudda ayuu ku ooyayay, aniguna agtiisa ayaan oohintiisa iyo erayadiisa la ooynayay, mase aanan is tusayn in aan ooyayo.
Markii dambe, muโaddinkii ayaa soo galay oo salaaddii addimay. Wiilku sidii oo kale ayuu addinka keddib sunno u tukaday uu ku ducaysanayay, laakiin markii ay dadku masjidka ku soo urureen, codkiisii hoos buu u dhigtay, si aan loo dareemin.
Salaaddii markii laga baxay, walaalkay baa gacanta i qabtay oo i yiri: โIna keenโ. Waxan ku iri: โWiilkaas ma taqaan?โ Waxa uu yiri: โHaa. Aabbihiis baa waxa uu ahaa imaamka masjidka, dhawr bilood ka hor buuse dhintay, Alle haโu naxariistoโ. Waxan ku iri: โGurigooda ma taqaan?โ Waxa uu yiri: โWaa gurigaas ganjeelka cagaarka ah leh. Maxaad ka rabtay?โ Waxan ku iri: โIska daaye, waan idinka daba imaanayaaye, iga sii horreeyaโ.
Inta aan baxay oo supermarket meel dhow ku yiillay tegay, baan wax kasta oo adeeg loo baahan yahay, hilib, bariis, baasto, khudaar, cabitaan, caano gasac, saliid, sokor, iwm, soo jumleeyay. Bil wax reerka ku filan, inta aan gaari u yeertay, kuna soo raray, baan ganjeelkii guriga wiilka ku hor dejiyay. Inta aan lacag kaash ah bac geliyayna, alaabta dusheeda meel laga arki karo ka geliyay.
Markii aan wax walba diyaar ka dhigay, inta aan ganjeelkii xoog u garaacay, oon cararay, baan luuq ku gambaday. Waxan rabay in aan arko fal-celinta reerka.
Nasiib wanaag, wiilkii ayaa ganjeelka furay. Wiilkii markii uu arkay alaabta gurigiisa hor taal iyo lacagta bacda ku jirta, sida uu u farxay, gacmaha inta uu kor u taagay, isagoo ooyaya ayuu Alle ku mahadiyay .. Alxamdu lillaah .. Alxamdu lillaah .. Allaahuma lakal xamdu wa shukru.. yaa Allaaah!!
Anigaa ka farxad badnaa wiilka. Waxan saacaddaas dareemay cid adduunka iga farxad badani in aanay jirin.?
Inta aan halkaygii fariistay, baan billaabay in aan ka fekero sida Ilaah uu qorshahaan u dejiyay. Waxa uu ii sakhiray in aan casuumaddii walaalkay asxaabtii kale ka soo hor maro, in aan masjidka tago, in aan agoonkaas kula kulmo iyo in aan kurbada reerkaas haysay feydisteeda qayb ka noqdo. Waxaas oo dhami waxay ku dheceen tawfiiqda Alle iyo ka jawaabis ducada ilmahaas yar ee daacadda ahโ.
โโโโโโโโโโโ
Duco waxa ugu run badan ducada carruurta, gaar ahaan ilmuhu marka uu agoon yahay. Sidaas darteed, walaalayaal, agoonta ha laga ducaysto, ka farxintoodana Alle ha looga farxiyo.
Sabriye Musse
[email protected]
Waa yaqyaqsi,ilhaamo,foolxumo iyo nasiibdaro,waxa Koonfurta Dalka ka dhacaya.
Gabar sinjiga Somaliyed sheeganaysa in Askari Burundi ah ku khasbo in ay la seexato,iyadoo baadigoobaysa...
1.Biyo ay cabto.
2.Raashin ay Cunto.
3.Dawo.
Raga Madaxda ka ah Koonfurta ee ugu yaraan ku filnaan waayay in ay Gabdhahaas asturan baahiyahooda asaasiga ah in Somalinimo lala sheegto ma mudna.
Anagoo dhan ayay hadalkii naga xireen,waxayna Magacii Somaliyed ka dhigeen wax laga cararo.
JQ.
Shalay subax ayaa la nikaaxay gabadha, xalayna waa la furay,inta aambo la gelbin!
Shalay subax oo Jimco aheyd ayaa nikaaxa ama meherka wiil iyo gabar dhallinyaro ah waxa uu ka dhacay xaafad katirsan degmada Garasbaaley, maherka ayaana u dhacay si qurux badan oo ay raali ka ahaayeen labada waalidka iyo ehelka labada dhinac.
Wiilka xilliga maherka waxa uu kusoo labistay qamiis iyo cimaamad, muuqaalkiisana waxa uu u ekaa nin dhallinyaro oo akhyaar ah, waxa uuna guriga maherka ka tagay markii gabadhii lagu xiray isaga oo faraxsan oo sugi laโ inta gabalka ka dhacayo, waxaana loo ballamiyay in bacdal maqrib gabadha soo doonto si uu gurigiisa oo ku yaallay xaafada Raadeelka ee degmada Dayniile u geeyo.
Xilligii ballanta markii la gaaray , wiilkii ayaa iskeenay guriga gabadha uu guursanayay, wiilka waxa uu kusoo labistay suud isku joog qurux badan, madaxa ayuuna jeego usoo jartay , sida ayba inta badan sameeyaan dhallinyarada arooseysa waayahan.
Wiilkii ayaa isaga oo faraxsan markii uu tagay guriga reerka uu la xididay la kulmay arrin layaab leh, waxaana aabbaha gabadha marka uu arkay wiilka gabadhiisa guursanaya oo jeego soo jartay soona xirtay suud u sheegay wiilka in gabadhiisa uusan albaabka kala baxeyn, waxa uuna u sheegay in uusan ninkan aheyn kii uu gabadhiisa saakay siiyay .
Dood iyo buuq ayaa ka dhacay gurigii maherka ka dhacayay , waxa uuna odayga ku adkeestay wiilkan jeegada xiirtay uusan gabadhiis u guurineyn, waxa uuna dalbaday isla goobta gabadhiisa ku furo, si walbo odayga looga codsaday in gabadha wiilka siiyo wuu diiday, xitaa waxaa loo sheegay in wiilka goobta tinta looga xiirayo waa uu diiday, waxaana isla goobtaasi wiilka uu ku furay gabadhii uu usoo labistay in uu guri geesto.
Qoyska wiilka oo ka carooday sida uu u dhaqmay ninka gabadha siiyay ayaa ka dalbaday in lacagta kaga baxday guurka gabadhiisa dib ugu soo celiyo, waxaana loo ballamay in lacagtii horey loogu geeyay ee la cunay dib usoo celiyo.
Guurkan ayaana kusoo dhammaaday saacado kooban, waxaa lagu kala tagay iyaga oon hal habeen xitaa aysan wada seexan lamaanihii nolosha in ay qeybsadaan u ballamay.
Yaa sabab u ah bur burka qoyskan saacadaha kaliya isku mahersanaa ?
W/Q Gacal Ayman
SABAย GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!
@Abdii_Sabaa
๐ฌNU QUNNAMUUF๐ฌ
@AbdiiSabaaDm
๐ฏBARNOOTAAF
@abdii_sabaa_university
๐ฏMARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa
Last updated 6ย days, 5ย hours ago
asc ุจุณููููููููููููู
ุงููู ุงูุฑุญู
ู ุงูุฑุญูููููููููููููู
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook
Last updated 2ย months ago
Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.
Headquartered in Mogadishu.
Last updated 2ย weeks, 5ย days ago