Dhambaalka Xikmadaha?

Description
"Xikmadu Waa Baadida Qofka Mu,uminka"
Advertising
We recommend to visit

SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!

@Abdii_Sabaa

💬NU QUNNAMUUF💬
@AbdiiSabaaDm

🎯BARNOOTAAF
@abdii_sabaa_university

🎯MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa

Last updated 6 days, 5 hours ago

asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 2 months ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 2 weeks, 5 days ago

9 months, 1 week ago

Marnaba ha dareemin murugo

Marxaladaha adag waa weji kamid ah wejiyada nolosha mana sii waari doonaan, waayo noloshu waa wareegto.
Xusuusnow waxaad ku dhex sugan tahay bartamaha bad, hirarka baddu wey ku qaadi karaan, haddii aadan laheyn xirfad aad kaga gabbato. Ogow waad ka karti badan tahay kana geesi san tahay sida aad isku maleynayso.

Horumarku had iyo jeer ma aha in aad dhawr jiho u booddo si aad hore ugu socoto, balse mararka qaarkood waa tallaabooyin yaryar. Tallaabo kasta, haba yaraato e, waxay kuu soo dhawaynaysaa yoolkaaga.

Guuldarradu waa Tallaabo. Waa caadi inaad kufto laakiin waa muhiim inaad mar kale kacdo. Dib u dhac kasta oo kugu yimaada waxa uu ku siiyaa kansho aad wax kaga waxbarato.

Goorta aad keligaaga tahay ha dareemin murugo, xusuusnow dayaxuba inuu keligii yahay, hadana waa midka ugu iftiinka badan inta samada ka muuqata.

Degnaashuhu keliya ma aha in aad ku adkaysato aamusnaanta. Sidoo kale waa ogaanshaha goorta aad caawinaad waydiisanayso.

Waxaan ku leeyahay saaxiib, naftaada u halgan, si kastoo ay u adkaato, weligaa ha ogolaan in aad isdhiibto.

9 months, 1 week ago

Odey indheer-garad ahaa ayaa wax laga weydiiyey farqiqa u dhexeeya canaanta iyo cayda.

Waxaa uuna yiri.

Canaantu waa toosin, lakiinse caydu waa qaloocin.

Canaantu waa danayn, laakiinse caydu waa duleyn.

Canaantu waa sidan wax ka bedel, laakiinse caydu waa isbedel ma awoodid.

Canaantu waa waxaan kula jacelahay wannaag, laakiinse caydu waa waxaan kula necebahay wannag.

Canaantu waa horey u soco, laakiinse caydu waa dib u soco.

Canaantu waxay ka timaada dadka ku jecel sida: waalidkaaga, walaalada, ehelkaaga, qoyskaaga, saaxiibada iyo qof kasta oo kula jacel horumar.

Caydu waxay ka timaada qof kasta oo ku neceb, oo aan kula jecelayn horumar iyo hore u socod.

Marka ha moodin ruuxa ku canaanta in uu ku neceb yahay hubaal waa uu ku jecel yahay.!

9 months, 1 week ago

Maalin ka mid ah kuwii Cilmi ugu dhibaatada badnaa waxaa loo sheegay in Hodan iyo ninkii soo doo ney ay is aroosayaan. Wakaas Cilmi dhayal iyo dheel-dheel buu u qaatay. Waxaa ku sii batay wel w elkii iyo walaahowgii uu awalba la murugsanaa, waxaana weerar ku soo qaaday tiiraanyo xanuun keedu si daran qalbigiisa u lulay. Wuxuu wareerkii ku sii batay markii ay hugunkii iyo mashxaraddii arooska loogu dabbaaldegey iyo heesihii cayaaraha hiddaha iyo dhaqanku ay dhegihiisa si toos ah ugu soo dheceen.

Muddo yar kaddib Cilmi Boodhari guurtidii waxay u dooneen gabadh carab ahayd oo la ohan jirey Fa akhir. Arooskii Cilmi waa la qalqalay, guri baa la dadbay oo la qurxiyey, xoolaa loo gawracay, dhallin yaraa u cayaartay. Carab oo cadceedda u ekayd oo qiimaheeda iyo qaayaheeda la yaabay baa aqal loogu dalaq siiyey. Hase yeeshee Cilmi kama uu reysan cudurkii hayay. Hodan mooyee hadal kale w aa laga waayay. Damaciisu gabadhii oorida u noqotay waa uu dhaafay. Taasina waxay keentay in Faakhir laga furay. Wixii intaa ka dambeeyey Cilmi jirradii ayaa kuu sii batay. Hurdadii ayuu gebi’ah aanba ka haajirey, cuntadiina way ka degi weydey, hadalkiiba wuu yaraaday. Maalinba maalinta ka dambeysa wuu ka sii dareyey ilaa uu socodkii gabay.

Maalin ka mid ah maalmihii uu Cilmi sariirta saarnaa ayaa wuxuu ka maqlay saaxiibbadii in Hodan iyo ninkeedii ay u guureen magaalo kale. Isagoo ay tiiraanyo xoog lihi ka muuqaato ayuu soo kuududsaday oo tiriyey gabay uu ku yihi:

…Walaalooyinoow, waxaan ka biqi inaan ku waashaaye

Hadda inan wareegaan damcoo webiga jiidhaaye

Wiirsiga ragga iyo waxaan ka tegi wadhida naagaaye

Waddankeeda Soomaali waan sii wadacayaaye

Wuxuu Eebbahay ii wiciyo waa’ san bal aan dhowro!

Nin wedkii galay looma taag helo, baa la yidhi. Cilmi ehelladiisii wax kasta oo da awo u noqon kara way isku deyeen. Meel kasta way u cid direen. Fal kasta oo daawo laga raadiyo way tijaabiyeen. Nasiibdarrase, Cilmi xaaladdiisii waxay ga adhay meel aan ka soo noqosho lahayn. Xataa in la geddi yo mooyee wuu is ro gi kari waayay. Miyirkiisaa ka tegey. Naftii baa qaarka dambe ka soo xawaa raysay. Goor waagu uusan si fiican u beryin buu ka guurey adduunyadii uu tod doba iyo soddon sano ku noolaa e iyadoo u macaan uu jacaylku khadhaadiyey.

Alle ayaa Mahadle

9 months, 1 week ago

Markiiba uu soo gabaggabeeyey fahamka nuxurka warkaas xun intuu fardhexada qaniinay buu cirka iyo dhulka meesha ay iska galaaan ku dhaygagay. Naxdin daraaddeed bay madaxa Saani ka kacday. Dhulkii baa la dheeliyey. Wadnahaa gariiray.Cilmi habaynkaas hurdo ma ledin. Wuxuuna ahaa habee nkaasi kii ugu dhibaatada badnaa intii uu Ilaahay uumay. Subixii danbe ayuu gaadhi Berbera u jeeda gundhada jaray. Saaxiibbadii ayaa Cilmi oo aan saddex beri hurdo arag la kulmay, waxayna korkiisa ka dheehdeen dhibaatada uu warkii ay u direen u geystay.

Kolkay in door ah Berbera iyo fagaarihii waaya-waayo dhex meeraysanayeen ayuu nin u sheegay in Hodan iyo ninkii soo dooney laysu meheriyey, isaguna uu falkaas goobjoog ka ahaa. Warkaas Cilmi naxdin buu beerkii la qadhqadhay. Meel uu joogo buu garan waayay. Wareer wareer kale ayuu u dhiibay. Wuxuu sameeyo ayuu garan kari waayay. Muddo kaddib buu Cilmi wuxuu tiriyey gabay uu ku yidhi:

…Haddaan madal ka sheegayo oo midho ka mansoodo

Martuba waa ka dhici lahayd hablaha muxibo awgeede

Murugada calooshayda iyo muhanka laabtayda

Miyi waxaan la tegi waayey iyo madaxdii Daa’uudka

Meereysigeedii waxaan ula madoobaaday

Nin kalaa la tegay geenyadii maanku ku xidhnaaye

Dadkii baa masoobo ninkii magac lahaa eedye

Muruq kuma kaxaysane rag buu magansanaayaaye…

Dabadeedna Cilmi wuxuu noqday qof murugo iyo tiiraanyo weheshada, welwel iyo walbahaarna ade egsada. Fekerka iyo maahsanaantuna waxay ahaayeen kuwo uu ku caweeyo. Wareerka iyo xanuu nka waxaa u dheeraa hurdola’aan iyo cuntola’aan. Wxuu noqday qof xanuunsan. Si kasta oo loo do oney in la daweeyo ama lagu qanciyo inuu ka haro Hodan iyo jacaylkeeda waa lagu guuldarraystay.

Cilmi qaraabadiisii waxay arkeen inuu ka sii darayay. Si ay u badbaadiyaan ayaa waxay ku tashade en in Cilmi loo guuriyo. Cilmi wuu aqbalay guddoonkii laysku wada raacay. Laakiin intii aan golihii laga kicin ayaa wuxuu tiriyey gabay uu ku yidhi:

Intaan adiga kugu gooni ahaa geed haddaan la hadlo

Ama aan gawaan qodayo may gama’sanaateene

Gaalladu ha joogtee sidaa gacal ma yeeleene

Gardarriyaa, maxaan Hodan Cabdaay kaaga go’i waayey?

9 months, 1 week ago

Maalintii dambe ayuu Cilmi ka carraabay Burco, isagoo u soo hayaamay. Markiiba uu yimid ayaa wu xuu ku degdegay inuu arko Hodan. Hadalkiisii wuxuu ku bilaabay salaan iyo wareysi guud, kuna xeji yey bal inay la socoto dhibaatada uu darteed u qabo iyo weliba sida ay aragto haddii ay si wadajir ah u furtaan haasaawe ay ku gaadhaan wada-noolaansho dhab ah oo labadooda dhex mara. Laakiin warkii Cilmi Hodan way la yaabtay. Intay indhaheedii waaweynaa Cilmi kor ugu fiirisey bay tidhi: “Weligay kan oo kale ma arag. Waar maxaad sheegayso waxba ka garan maynee ninyohow maxaad u jeeddaa?“

Waqtigaas Soomaalidu waxay caashaqaa u arkayeen wax laga fiican tyahay oo mudan in laga dho wrsado. Hase yeeshee markii Cilmi la weyddiin jirey Hodan iyo halkii ay kala mareyeen waxna ma uu qasan jirin. Gabay uu tiriyey kaddib markii uu la sheekeystay gabadhii uu jeclaa wuxuu ku yidhi:

Kolkaad Hodan tidhaahdaanba waan soo hinqanayaye

Hadday hawl yaraan idinla tahay aniga way hooge

Iyadoon xabaal laygu hamsiin waanan ka hadhayne

Hamada been ah mar baan is idhi: “Haabo gacanteeda!“…

Dhinaca Hodan iyadu way ka dheregsanayd Cilmi inuu dhowr goor isagoo saaxiibbadii wata sheeko iyo haasaawe ugu yimid. Xigtada Hodanna ninka gabadhooda marba gabay meel uga tirineya way ka cadhaysnaayeen oo dhaar xagaf ka siiyeen inay dilaan.

Xaaladdu markay meel xun gaadhay baa odayaal soo jeediyey, reerkiisuna isku raacay in Cilmi loo tukubiyo xagga iyo Saylac. Markii gaadhigii la saary uu dhaqaaqay Cilmi wuxuu ku heesey:

Abuteeristi waa gooni maree, cishqi keenaya
Badoow waaridkii naaree serigii doo mareenaya!

Intii uu Cilmi Saylac joogay dadyow ay qaraabo ahaayeen wxay kula taliyeen inuu ka hadho jacaylkii u socon waayay, waxayna u ballan qaadeen in ay u guuriyaan gabadh allaale gabadhii kale ee uu ka doorto hablaha sokeeye iyo shisheeyaba, meeshay doonto ha joogte. Laakiin Cilmi wuxuu sheegey inuusan Hodan ka maarmi karin, gabadh kalena uusan doonayn

Maalin ayuu ku lugeeyey xeebta ilaa uu ka helay taag yar oo dhulka xoogaa kor uga go‘an. Intii uu soo tafay buu wuxuu arkay dabaylo hayaan ah oo u socda dhinaca Berbera. Markay mid mooyee in tii kale dhaaftay buu tii ugu dambeysey guddoonsaday inuu farriin gabay ah Hodan ugu soo dhi ibo:

Dabaylyahay adaa duulayoon orodka daynayne

Adigaa dul mari meel haday dogobo yaalliine

Adigaan darqii xun iyo daah ku celinayne

Adigaan darboobayn naf waa lala dalumaaye…

Maalin kale Cilmi waxaa lagu martiqaaday aroos si heer sare ah loo soo agaasimay. Goobtii aroosku uu ka dhacayay waxaa laga mariyey laba gabay oo mid uu tiriyey Cabdi Gahaydh, middii kalana Cige Baraar. Dabadeedna ninkii la odhan jirey Ducaale wuxuu Cilmi ka codsaday inuu soo daayo gabay uu Hodantii uu jeclaaday ku ammaanayo.Cilmi wuxuu yidhi:

Maryama Xaashii iyo tuu Gahaydh madal ka sheegaayo

Iyo mudantiduu Cige Baraar meel fog kaaga booday

Muran ma leh Ducaalow inay muunad dheer tahaye

Maankaba ka jaray naago kale muhindis-koodiiye

Hadduu Qaaddi ii meheriyoo midigta ii saaro

Ku maqsuuday oo dunidu way maalintaa qudhahe!…

Maalintii danbe ayay Cilmi soo booqdeen dhowr dhallinyaro ah oo gabdho iyo wiilal ka kooban. Markii cabbaar la sheekeysaneyey bay gabadh intii hore aammusnayd waxay Cilmi weyddiisey bal inuu jac aylkii xanuunka badnaa ka raystay iyo in kale. Isagoo su‘aashaas ka jawaabaya wuxuu yidhi:

Kolba aniga oo sahashaday oo sooriyaha aaday

Ayuun baa Siraad midab-wanaag lay sawirayaaye

Sadrigay ka daabacan tahee uma sarkhameene

Sidii saacadii bay qalbiga iigu socotaaye

Habaynkii markaan seexdo way ila safaadaaye

Salaaddaa hore iga tagtaa Siigo noqotaaye!

Markii uu Cilmi in door ah ku dhex sugnaa Saylac waxaa u yimid nin ka soo socdaalay Berbera oo gu ddoonsiiyey warqad uu ka siday saaxiibbadii Tabbaase iyo Muuse “Carab”. Waxay la socodsiiyeen Cilmi in gabadhii uu jeclaa uu nin soo dooney, waalidkeedna ay siiyeen, waxayna u soo jeediyeen in uu Hodan laabtiisa ka xorreeyo, uuna gabadh kale helo.

9 months, 2 weeks ago
Qofkaanan u dul qaadan dhibka cilmiga

Qofkaanan u dul qaadan dhibka cilmiga
? saacad,dhibka jahliga ayuu weligii ku jiraa.???????

Gureey_Xikmadle_

9 months, 2 weeks ago
Saddex shay ha u ogolaan inay …

Saddex shay ha u ogolaan inay naftaada kontroolaan
-Lacag
-Dad
-Dhacdooyinkii horee ku soomaray

9 months, 2 weeks ago

https://www.facebook.com/share/v/ZDC7w78yPUqmhLvH/?mibextid=CDWPTG

Waxaad Ka Heli doontaa, Xikmadahii Feylasuufyada, Halkudhigyadii Haldoorka , iyo Suugaantii Shaqsiyaadka Taariikhda.

Facebook

Log in or sign up to view

See posts, photos and more on Facebook.

9 months, 3 weeks ago
Dhambaalka Xikmadaha?
We recommend to visit

SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!

@Abdii_Sabaa

💬NU QUNNAMUUF💬
@AbdiiSabaaDm

🎯BARNOOTAAF
@abdii_sabaa_university

🎯MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa

Last updated 6 days, 5 hours ago

asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 2 months ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 2 weeks, 5 days ago