Why Pay for Entertainment? Access Thousands of Free Downloads Now!

IFI NOLOSHADA๐Ÿซถ๐Ÿ’ฅโšก๏ธ

Description
Waxad ka heli kartaa channelka dhiiri galin hadalo ku qanciya iyo odhaahyo ku anfaci doona


Adaa naga dhiman naga mid noqo midnimadaadu waa muunaasibโœจ๏ธโ™ฅ๏ธ

Kuso dhawawโค๏ธโ€๐Ÿฉน๐Ÿ‘
Advertising
We recommend to visit

ุจุณู€ู€ู€ู€ู€ู€ู€ู€ู€ู€ู€ู€ู… ุงู„ู„ู‡ ุงู„ุฑุญู…ู† ุงู„ุฑุญูŠู€ู€ู€ู€ู€ู€ู€ู€ู€ู€ู€ู€ู…
Ku Dhawaad 3000 Buug-Somali
Free Ah
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
https://telegra.ph/HA-DEG-DEGIN-AKHRI-11-15
ยฉ Somalibooks Pro Inc
- All Rights Reserved-โคต๏ธ
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 6ย months, 1ย week ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 2ย months ago

Kala soco Xikmad iyo Qormooyin Markasta Io Meelkasta.

Last updated 6ย days, 12ย hours ago

1ย month, 2ย weeks ago

Carrabku marku dikriga iyo quranka badsado,
Qalbiguna kuxasillo kucelcelitaanka dikrigaas,
Xubnuhu ay dhaqdhaqaq alle ka raali yahay ku daalan,
Maskaxduna ku fikirto siday intaso dhan udardar galin lahayd ,
Waa markay noloshu isku toosantahay.

๐Ÿค

1ย month, 2ย weeks ago

๐—ค๐—ผ๐—ฟ๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ 16 ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—•๐—ฎ๐—ฟ๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ท๐—ธ๐—ฎ ๐—ค๐—ผ๐—ฟ๐—บ๐—ผ

๐—ซ๐—ถ๐—ฑ๐—ต๐—ถ๐—ถ๐—ฑ๐—ต๐—ธ๐—ฎ ๐˜‚ ๐—ฑ๐—ต๐—ฒ๐˜…๐—ฒ๐—ฒ๐˜†๐—ฎ ๐—บ๐—ฎ๐˜€๐—ธ๐—ฎ๐˜…๐—ฑ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ท๐—ถ๐—ฑ๐—ต๐—ธ๐—ฎ

Waligaa maka fikirtay sida maskaxdaada iyo jidhkaagu iskugu xidhanyihiin?
Waxa soo baxday in caafimaadka maskaxda iyo fayoobida jidhkeena ay si dhow isugu xidhanyihiin. Sida daryeelka jidhka ay muhiim utahay ilaalinta caafimaadka dhimirkeena ayaa sidoo kale muhiim u ah

๐—ซ๐—ถ๐—ฑ๐—ต๐—ถ๐—ถ๐—ฑ๐—ต๐—ธ๐—ฎ ๐—บ๐—ฎ๐˜€๐—ธ๐—ฎ๐˜…๐—ฑ๐—ฎ--๐—ท๐—ถ๐—ฑ๐—ต๐—ธ๐—ฎ

Maskaxdeenu waxay la mid tahay xarumaha taliska oo calaamado usoo dira qaybaha kala duwan ee jidhkeena lakin ma ogtahay in fikiradeena iyo dareenkeena ay sidoo kale fariimaha dib ugusoo celin karaan maskaxdeena? Marka aynu faraxsanahay jidhkeenu wuxu soo daayaa kiimikooyin ina dareensiiya wanaag. dhanka kale walbahaarka, walaaca, iyo murugadu waxay horseedi karaan astaamo jidheed sida muruqyo kacsan ama madax xanuun.

๐—–๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐˜€๐—ธ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ฎ๐˜†๐—ป๐˜๐—ถ๐—ถ๐˜€๐—ฎ

Waligaa ma dareentay walaac ka hor imtaxaan wayn ama dhacdo muhiima? Cadaadisku waa falcelinta dareen ee jidhkeena ee xaaladaha baahida badan. Sikastaba ha noqotee walbahaarka xad dhaafka ahi wuxuu noqon karaa dhaawac marka aynu la kulano diiqad, jidhkeenu wuxuu soo daayaa hormoono awood leh inay kor uqadaan garaaca wadnaha iyo kordhinta cadaadiska dhigga hadii ay tani marar badan dhacdo waxay culaysin kartaa wadnaha iyo habka difaaca jidhka taas oo inaga dhigaysa mid aad ugu nugul cudurada .

bal qiyaas inaad wax ka walwalsabtahay wadnahaagu waxa laga yaabaa inuu bilaabo tartan, calaacashaadu way dhididi karaan oo xitaa laga yaabaa inaad xoogaa gariira dareento.

๐—ก๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—ท๐—ถ๐—ฑ๐—ต๐—ธ๐—ฎ

Waligaa ma u fiirsatay sida niyadaadu u saamaynkarto rabitaanka cuntadaada?
Marka aan murugoono ama xanaaqno waxa laga yaabaa inaan lumino xiisaha cunista taas oo saamayn karta heerarka tamarta iyo caafimaafka guud. Niyadjabka, dareenka murugada ee dheer, waxa kaloo keeni karaa calaamado jidheed sida daal iyo xanuun

๐——๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ๐—ฒ๐—ป ๐˜๐—ผ๐—ด๐—ฎ๐—ป ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ณ๐—ฎ๐˜†๐—ผ๐—ผ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป

Sida dareenka xuni u saameeyo karo jidhkeena , dareenka togan wuxuu yeelan karaa faa'idooyin caafimaad oo cajiib ah

Marka aynu faraxsanahay jidhkeenu wuxuu soo daayaa Endorphins kiimikooyin ushaqeeya sida xanuun baabiiyaha dabiiciga ah. Endorphins yadani kaliya ma wanaajiyaan niyadda sidoo kale waxay yarayn karaan xanuunka waxayna kor uqaadi karaan habka difaaca jidhka

Ubah

1ย month, 2ย weeks ago

Ninkii iska adag samankan wa ninkii telka isticmala 2hr iyo wax ka yar,
Geesi ayaynaybu unaqaan.
๐Ÿค****

1ย month, 3ย weeks ago

- Money is not Everything but Everything need money!

1ย month, 3ย weeks ago

Qormada 15aad ee barnamijka {QORMO}
๐Ÿ“Œ๐—ค๐—จ๐—จ๐—ฆ๐—”๐—ฆ๐—›๐—”๐——๐—” /๐—œ๐—ฆ ๐——๐—›๐—œ๐—œ๐—•๐—ž๐—”

Quustu waa adigoo rabigaaga kamaleeynayo Malo xun waana dhaqan gaar u ah gaalada oo qofku marba haduu Muslim yahay kama quusanayo naxariista rabigiisa .
Qofka muslimka ahi waa rajo socoto hduu dhib heysto iyo haduu barwaaqo kudhex jiraba rajadiisu waa isku mid oo waxa uu ku kalsoonahay naxariista rabigiisa .

Qofku inuu quus ka istaago nolasha oo uu rabigiisa mala xun kamaleeyo waa lagu halaagsamaa
Badanaa inta nolasha ka eegto dhanka xun aaminsan inaan faqriga laga baxeynin aaminsan inaaanu wadankeenu hagaa geynin aaminsan wax waliba inay adagyihiin
Saaxib wax waliba oo kuula muuqda wax adag rabi aktiiisa waa ay kafudud yihiin kaliya haquusan naxariista rabi ma aysan dhamaan.

Markaat dibka dareento waxaa larabaa inuu kugu riixo dhibkaasi guusha ma ahan inuu dhibkii aa dareentay dib kuu celiyo oo aat quusato oo aat dhahdo waxaan macquul maahan majiraan waxaan macquul aheen saaxiib
Guushu waxa ay inta ugu badan kutimaadaa is-dhiibit la'aanta

Nolasha macquul maahan inay kuu hibeyso waxyaabaha aat jaceshahay adigoonan udhibaatoonin adigoonan wax badan ukufin wax badan uhurin
Wax badan oo dhibkaaga ah neh aanan kusabrin .

Quusashadu waa dilaaga nolasha dhibwaliba oo jira maanta aamin in barito allaha fudeed kugu badalayo
[ ุณูŽูŠูŽุฌู’ุนูŽู„ู ุงู„ู„ู‘ูŽู‡ู ุจูŽุนู’ุฏูŽ ุนูุณู’ุฑู ูŠูุณู’ุฑู‹ุง ]

Nolasha wax waliba waat qaban kartaa nolasha is-dhiibka ayaa ugu xun
Markaan kudhahaayo haquusan macneheeda ma ahan in quus la aantu fadhiga ku imaaneyso quus la aantu macneheedu waa inaat wax qabataa wa in wixii gaf kaa dhacay aat ka towbad keentaa waliba adigoo aaminsan in allah uu yahay danbi dhaafe naxariis badan.
Wixii xumaa badalkoodana aat wanaag latimaado

Haka quusan naftaada haka quusan raxmada ilaahey danbiyadaan maanta aan kudhacnay dad naga fadli badan ayaa horay ugu dhacay
โ–ช๏ธŽWey macsiyeesteen
โ–ช๏ธŽWax bey dileen
โ–ช๏ธŽWax bey xadeen
Danbi waliba ayey sameyeen Markey rabi si dhab ah ugu laabteena waxay noqdeen kuwa ugu fadliga badan ee koonkan soo maray intaaba waxaat kaheleysaa saxaabadii rasuulka naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee

Marka danbi kudhacdo yuusan sheydaanku kaa xirin raxmada ilaahey yuusan kudareensin quus iyo inaadan soo laaban karin
ู‚ุงู„ ุฌู„ ุฌู„ุงู„ู‡: ( ูŠุง ุนุจุงุฏูŠ ุงู„ุฐูŠู† ุฃุณุฑููˆุง ุนู„ู‰ ุฃู†ูุณู‡ู… ู„ุง ุชู‚ู†ุทูˆุง ู…ู† ุฑุญู…ุฉ ุงู„ู„ู‡ ุฅู† ุงู„ู„ู‡ ูŠุบูุฑ ุงู„ุฐู†ูˆุจ ุฌู…ูŠุนุง ุฅู†ู‡ ู‡ูˆ ุงู„ุบููˆุฑ ุงู„ุฑุญูŠู… ) .

Usheeg naftaada in rabigaagu yahay. "DANBI DHAAFE NAXARIIS BADAN "

Majiro sheydaanku wax uu kajeclyahay murugada qofka muuminka ah
Majiro wax uu kajeclyahy inaat is-dhiibto

Inaat quusato aduun iyo aakhiro midna uma fiicno

Haquusan haquusan haquusan haquuusan

Quusashadu ma ahan dhaqan Muslim

Ismaildheere โœ๏ธ

1ย month, 3ย weeks ago

Qofna haku qiimeyn xumihii hore uuso fallay taaganta aya ka turjunta xaqiiqda qofka'e.

...

3ย months, 3ย weeks ago

Ilaahow habeenkan barakaysan naga yeel kuwa danbigooda la dhaafo annaga , kuwaan jecelnahay , kuwa najecel iyo dhaman muslinko dhanba camalkeenana kayeel mid la aqbalo yaa rabbi.

๐Ÿคฒ

3ย months, 3ย weeks ago

Wax walba waqtiga ayaa inoo cadayn.doona kaliya aan u sugno oon u samirno ilaa inta natiijadiisu soo baxaysoโ˜๏ธโฐ

#Waqtisan

@Dream_ girl

3ย months, 3ย weeks ago

BARNAAMIJKA QORMO

QORMADA 6AAD {CAADOOYINKA XUN XUN }

Dhamaanteenba waxaynu leenahay caadooyin xun xun oo saamayn ku yeelan kara nolosheena,
marka ay noqoto hibooyinka uu ilaahay ku siiyay caadooyinka qaar waxay keeni karaan inay baabiiyaan awoodahaaga iyo hibooyinka uu illaahay ku siiyay oo aad noqoto qof aan garanayn awooda uu leeyahay iyo wax yaabaha uu qaban karo

WAXA KAMIDA DHIBAATOOYINKA AY KUGU KEENI KARAAN

1) inay hoos u dhigaan kalsoonidaada
2) inay kaa dhigaan qof aan lahayn hal abuur
3)inay kaa jeediyaan hadafyadaada
4)inay tamartaada kaa qaadaan oo ad daal badan dareento

CAADOOYINKA SIDAA KUGU KEENI KARA WAXA KAMID AH

1) Balwadda sida sigaarka, qaadka, ama daawashada aflaanta xun xun
2) caajiska badan iyo dib udhigga
3)la socodka saaxiibada xun xun
4)cabsi badan ee u qofku ka cabsado guul darrada
5)focus la'aanta

HADDABA SIDEED U JOOJIN KARTAA

โ— Marka ugu horraysa waa inuu qofku xaddidaa
โ— Waa inuu qofku ogaado sababta ka dambaysa dhaqamadaas taasina waxay kaa caawinaysaa inaad si dhaqso ah umaarayso dhaqamadaas
โ— Ogaanshaha dhibaatooyinka kaaga iman kara samaynta caado xun ayaa kaa dhigi kara qof dhaqso u bogsada
โ— Ku baddal caado wanaagsan booska caado xun si aad uga dheeraato dhaqamadaas xun waayo caadooyinka wanaagsani qofka ayay horumariyaan waxayna wanaajiyaan noloshiisa , sidoo kalena waxay buuxisaa waqtiyada firaaqada ee qofka taas oo dabcan kaa fogaynaysa caado kasta oo xun , maadaama oo qofkas u arko noloshu inay ka wayn tahay qancinta nafta iyo dareemida dhow daqiiqo wax mustaqbalkiisa ku ciyaari kara

Ubah โœ

4ย months ago

Qormada 5aad ee barnamijka {QORMO}
๐Ÿ“Œ๐— ๐˜‚๐—ฟ๐˜‚๐—ด๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐˜„๐—ฎ๐—น๐˜„๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ .

Murugada iyo walwalka waa dabeecad kula socoto oo kula nool .
Inaat murugooneysid oo aat wal-waleysid waa hubaal maxaa yeelay allah swt waxa uu yiri
โ€ ู„ู‚ุฏ ุฎู„ู‚ู†ุง ุงู„ุงู†ุณุงู† ููŠ ูƒุจุฏ "
" Insaanka waan abuurnay asigoo. mashaqo kudhex jiro "

Qofku waxa uu lakulmaa waxyaabo uu kamurugoonayo
Waxyaabo walwal galinaayo
Waxyaabo xanuujinayo
Waliba dhan walbo ayey kaga imaanayan
Nolashaan ayaana sidaan ah

Arinkaanu qalbiyadu waa ukala nugulyihiin

Cudurkaan waxaa ladhahaa waa cudurka casrigaan
baaritaanaduna waxay sheegaan in 9kii qofba qof kamida uu qabo cudarkan murugada iyo walwalka

Mฬฒaฬฒxฬฒaฬฒaฬฒ ฬฒkฬฒeฬฒeฬฒnฬฒaฬฒ ฬฒcฬฒuฬฒdฬฒuฬฒrฬฒkฬฒaฬฒnฬฒ ฬฒ?ฬฒ

๐Ÿญ__๐—”๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐—ป๐—ธ๐˜‚ ๐—ถ๐—ป๐˜‚๐˜‚๐˜€๐—ฎ๐—ป ๐—ด๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ป๐—ฒ๐˜†๐—ป๐—ถ๐—ป ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฏ๐—ถ๐—ด๐—ถ๐—ถ๐˜€๐—ฎ :
Saaxiib hadaad garan laheyd rabigaaga ma aadan walwasheen ma aadan kacabsateen mustaqbalka iyo sida ay wax kuu noqon doonan
Haduu adoonku rabigiisa barto walwal kuma dhaco haduu kudhacana markiiba wuu kabaxaa

๐Ÿ__๐€๐๐จ๐จ๐ง๐ค๐ฎ ๐ข๐—ป๐˜‚๐˜‚๐˜€๐—ฎ๐—ป ๐—ธ๐˜‚๐—พ๐—ฎ๐—ป๐—ฐ๐—ถ๐—ป ๐—พ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ :
Markaat ogtahay waxyaabaha kugu dhacayo in danbiga lagaaga meyraayo , daraajaadkana lagugu siyaadinayo
Waxaat kuheleysaa daganaan iyo dulqaad

ูุงู„ ุฑุณูˆู„ุงู„ู„ู‡๏ทบ:  ู…ุง ูŠุตูŠุจ ุงู„ู…ุณู„ู… ู…ู† ู†ุตุจ ูˆู„ุง ูˆุตุจ ูˆู„ุง ู‡ู… ูˆู„ุง ุญุฒู† ูˆู„ุง ุฃุฐู‰ ูˆู„ุง ุบู…ุŒ ุญุชู‰ ุงู„ุดูˆูƒุฉ ูŠุดุงูƒู‡ุง ุฅู„ุง ูƒูุฑ ุงู„ู„ู‡ ุจู‡ุง ู…ู† ุฎุทุงูŠุงู‡"
Saaxiib kuxisaabtam wax alaala wixii kumurug galiyo kaa nixiyo ku xanuujiyo in allah swt danbigaaga kudhaafayo darajaadna kugu siyaadinaayo

3__ ๐˜ผ๐™™๐™ค๐™ค๐™ฃ๐™ ๐™ช ๐™ž๐™ฃ๐™ช๐™ช ๐™ ๐™– ๐™œ๐™–๐™–๐™—๐™ž๐™ฎ๐™ค ๐™ญ๐™ž๐™ง๐™ž๐™ž๐™ง๐™ ๐™– ๐™–๐™ก๐™ก๐™–๐™ :
Saaxiib nolasha mar walbo oo aat kadheeraato xuska allah waa ay adkaataa
Waana wax allah swt uu inoo sheegay
ูˆูŽู…ูŽู†ู’ ุฃูŽุนู’ุฑูŽุถูŽ ุนูŽู†ู’ ุฐููƒู’ุฑููŠ ููŽุฅูู†ู‘ูŽ ู„ูŽู‡ู ู…ูŽุนููŠุดูŽุฉู‹ ุถูŽู†ูƒุงู‹ ูˆูŽู†ูŽุญู’ุดูุฑูู‡ู
ูŠูŽูˆู’ู…ูŽ ุงู„ู’ู‚ููŠูŽุงู…ูŽุฉู ุฃูŽุนู’ู…ูŽู‰"
Rabiga aat karabto caafimaat ,daganaan,guul ,
Rabiga aadan la'aantiis jiri laheyn
Markaat xariirkiisa hagaajin weyso xageebey daganaantu kaaga imaan xageesa farxada kuheli !

Saaxibayaal waxyaabaha keeno cudurkaan waa waxyaabo aad ubadan, waxaansa kusiinayaa hal talo oo aat uga bad baadi kartid cudurka casriga ee badi bulshadu maanta ladaalaa dhacayso

*Badi xuska allaah *
Xuska allah quluubta ayaa kuxasisho
{ ุฃู„ุง ุจุฐูƒุฑ ุงู„ู„ูŽู‘ู‡ ุชุทู…ุฆู† ุงู„ู‚ู„ูˆุจ }
Xusku allah waa arin weyn waxaana kujiro sir cajiib ah .
Oo hadaad laasimto aat arki doonto

Saaxibyaal waxaan allah kabaryayaa in uu nagu sugo xaqa ๐Ÿคฒ
Nasiiyo daganaan๐Ÿคฒ
Nagana bad baadiyo fitanka nolasha ๐Ÿคฒ

Mahadsanidiin

Ismaildheereโœ๏ธ 

We recommend to visit

ุจุณู€ู€ู€ู€ู€ู€ู€ู€ู€ู€ู€ู€ู… ุงู„ู„ู‡ ุงู„ุฑุญู…ู† ุงู„ุฑุญูŠู€ู€ู€ู€ู€ู€ู€ู€ู€ู€ู€ู€ู…
Ku Dhawaad 3000 Buug-Somali
Free Ah
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
https://telegra.ph/HA-DEG-DEGIN-AKHRI-11-15
ยฉ Somalibooks Pro Inc
- All Rights Reserved-โคต๏ธ
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 6ย months, 1ย week ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 2ย months ago

Kala soco Xikmad iyo Qormooyin Markasta Io Meelkasta.

Last updated 6ย days, 12ย hours ago