(🆎) 𝑵𝑶𝑶𝑳𝑬 𝑸𝑨𝑳𝑩𝑰 𝑾𝑵𝑮𝑺𝑵❤️

Description
Waxa nahay Labada iskugu dhow EE hadane midba midka kale ka Fog yahay 🥺oo Hadane mar walba isla joogno 🥺❤️<<
2:(Wxad ka heleysaa wx walipa NAGU SOO BIIR WLL 😐
❤️︎Dhiiri❥︎ gelin ❥︎
❤️︎Maahmaahyo❥︎
❤️︎Oraahyo❥︎
❤️︎Qisooyin❥︎
6/1/2023
@nooleqalbiwngsn
Advertising
We recommend to visit

بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad 3000 Buug-Somali
Free Ah
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
https://telegra.ph/HA-DEG-DEGIN-AKHRI-11-15
© Somalibooks Pro Inc
- All Rights Reserved-⤵️
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 5 months, 3 weeks ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 1 month, 2 weeks ago

Kala soco Xikmad iyo Qormooyin Markasta Io Meelkasta.

Last updated 6 days, 7 hours ago

10 months, 1 week ago

عن أبي طلحة رضي الله عنه
.أنَّ رسُولَ اللهِ ﷺ قال : (لاَ تَدْخُلُ المَلاَئِكَةُ بَيْتاً فيهِ كَلْبٌ وَلاَ صُورَةٌ) . متفق عليه .
🍁🍁🍁🍁🍁🍁🍁🍁🍁🍁🍁🍁

Waxaa laga weriyey Abuu Talxa, Ilaahay haka raalli noqdee
Rasuulku (scw) wuxuu yidhi: ( Malaa’igtu ma gasho guri Ey iyo sawir ku jiro). Waa lagu heshiiyey.

10 months, 1 week ago

Mararka qaar ma is waydisa🥲

Dadka aad qimeyso🤦‍♀️ sababta

EE isku badalan sida cimiladi oo kale….😮‍💨💔

#noole qalbi wngsn❤️

10 months, 1 week ago

Jaceylka qalbigu ku raaxeysto
Waa erayad runta ah '
Sida qofka ooman biyaha ugu
Raaxeysto 🍃🩵🫂 ~¡¡~

11 months ago
Xalad ***😣***kasta***☝️*** oo iso marta ***😟***waxaan …

Xalad 😣kasta☝️ oo iso marta 😟waxaan jacelahay☹️ inan kaligay ☝️iska ahado mar📴 waliba 🥺

yaa ila mida ? ☹️

#noole qalbi wngsn ❤️‍🔥

11 months ago
Beenta ugu weyn ee leesku sheego …

Beenta ugu weyn ee leesku sheego xiliga shukansiga

la, aantada manolan karo 😄😄😄

#noole qalbi wngsn ❤️‍🔥🥺

11 months ago
Waxaan ahay qofka kaliyah***☝️*** ee 24saac***⏰*** …

Waxaan ahay qofka kaliyah☝️ ee 24saac online📴 eh hada nah an qof la hadlin🤷‍♀️ oo sidaa ku faraxsan ☺️

yaa ila mida?🥺🤔

#Supx wngsn ❤️‍🔥

11 months ago

Xikmadaha Jaceylka: Qalbigeyga Jebi, Nolosheyda Burburi, Iga Tag Anigoo Ilmeynayo..!

Waan ogahay noloshaadu la’aantayda iney sii soconeyso, waan ogahay inaad la’aanteyda farxad ku noolaaneysid, balse si kasto oo ii fogeysid waxaan doorbidayaa oo aan doonayaa inaan agtaada ku noolaado kuuna wehliyo sida hooskaada.

Weligaa ha U ilmeynin wiil, ha ahaado mid asiga kuu ilmeeyo, maxaa yeelay dumarka waa siismo iyo cafis buuxo, laakiin raga waa ka helid cusub iyo iloobid tii hore.

Fadlan Horteyda mar danbe ha imaanin hadii kale waxaan ahaanayaaa qof mar kale ku aamino. Waayo xusuustaada igama guurto waxaa ii roon inaad iga fogaato intaad mar kale I qayaani laheyd.

Dadka qaar waxey qalbiga ku dhaawacaan Hadal, halka dadka qaar aay ku dhaawacaan ficil, balse dhaawaca ugu weyn ee qalbi soogaaraa waxaan aamisanahay inuu yahay qof aad daneyneysid six ad dhaaf ah weliba wax kuula dhigmo aaysan jirin, haddana qofkaas oo iska kaa indho tirayo, kuna dareensiinayo inuu kuu baahneyn.

Qalbigeyga Jebi, nolosheyda burburi, iga daldoorso, iga tag anigoo ilmeynayo, balse xusuusnoow weligey waan ku jeclaanayaa kaamana harayo, cid aan adiga aheyna dhadhan jaceyl mawada qaadan doono.

Qalbi jabay mudo kadib waa laga yaabaa inuu soo kabsado uu qofkii iloobo, xusuus kugu taagan mudo kadib inaad ilowdo waa laga yaabaaa, ilin kaasooo daadatay iney qalasho oo aad iska masaxdo waa laga yaabaa, laakiin jaceylka aan kuu qabo weligiis maahan mid dhimanayo, illaa inta aan nooolahay.

Farqiga ugu weyn ee dunida kajiraa wuxuu u dhaxeeyaaa, BALAN & XUSUUS, BALANTA anagaa jebino oo oofin weeyno, balse XUSUUSTU ayadaa najebiso, oo anaga maahan waxaan sameyn karno.

Dharka aan gashanahay waan iska badalaaa, firaashka aan kuseexdo markuu wasaqoobo waan iska badalaaa, lakin wadnaheyga ayaad ku dhex jirtaa lagamana yaabo intaan noolahay inaan lamaane kale kugu badesho.

Hadii aad qof qalbigiisa jebiso, maalin adigana qof kale ayaa qalbigaaga jebinayo, dabadeed waxaad ogaan doontaa xanuunka qof qalbiga laga jebiyay uu dareemo, weliba adigoo shalaay iyo qoomameyn kaa muuqato.

Xikmada udanbeyso ayaa uu fasiran karaa qof caaqil ah keliya waxeyna tahay.

Inaad keligaa socoto madhib badno, laakiin markaad qof meel fog u raacdo oo aad keligaa kazoo noqoto ayaa aad u dhib badan

#Fadlan lasoco shekoyin cusub....😮‍💨🙏

#noole qalbi wngsn ❤️‍🔥🥺

11 months ago

ADAA DIB KUU DOORAN LAHAA.

Jaceylku dadka waxay ku qiyaasan inuu yahay wax dadka waali ku rida dadka qaar halka ay yiraahdan waa quruxda iyo dhaldhalaalka nolosha, laakin tan aniga maanta iheysataa ah anigoo ku dhaw ayaa hadana gacanteydi kusoo gaareynin, anigoo mar waliba kula soo xiriira ayaa hada isu heystaa inan ahay qof aan kula soo xiriirin.

Mar waliba markaan indhaha isu qabto ama jaanis yar aan helo oo aan ku fikiro waxyaabo badan ayaa igu soo dhaca ay ka mid yihiin sida noloshada aan ugu shaqeyn lahaa, riyada quruxda badan ee mar waliba aan arkayo waxaan jeclahay inaan adiga kula wadaago sidaa ay tahayna afki ayaaba garaneyn qaab uu hadalka kugu soo gudbiyo.

Hadii maanta jaanis aan uheli lahaa inaan dunida ka doorto waxyaabaha aan u jeclahay adiga ayaa noqon lahaa nambarka kowad, sida qalbigeyga kuu taagersan yahay ayey dhamaan inta ka hadhay xubnaheygana kuu taagersan yihiin.

Mar waliba waxaan isu dayaa inan sawiro ama qoraal ku muujiyo dareenka aan adiga kuu qabo sidaa ay tahayna ma garanayo qaab aan u qoro ama aan u sawiro waayo maba jiraan ereyo u dhigma dareenka muga leh ee qalbigeyga dhex yaala.

Waa hubaal adiga inaadan si sahal ah ku dareemeynin lakin mar waliba waxaan isku dayayaa inan wax kugu fahamsiiyo qaab DAREEN ah waayo dareenku waa sida ugu quruxda badan ee jaceyl la isku fahamsiiyo, mana ka daalo adiga inan waqti kula qaato oo marwaliba kaa qosolsiiyo sababtana maaha saaxibtinime ee waa wixi i gubaayey oo qalbigeyga fadhiyay.

Hadii uun labaad uu jiri lahaa dunidan dusheeda waxaan jeclaan lahaa adiga inan mar labaad iyo mar sedexaadba ku jeclaado.

#Dareenku waa wax cajiiba.🥰😩😮‍💨

#noole qalbi wngsn ❤️‍🔥

11 months ago

QODOBO KUGU SAACIDI KARA OGAANSHAHA JACEYLKA DHABTA AH!

Wali jacayl dhab ah ma ku helay? Waa suaal jawaabteedu adagtahay balse waxa ka adag hadaa lagu waydiiyo “Qofkad xidhiidh la leedahay dareen jacayl ah ma u qabtaa?” Hadaad 12-kan qodob oo hoos ku xusan aad isku aragtid ama qaar ka mid ah, ogow jacaylkii dhabta ahaa ayaa ku haya:
1. Waa qof qaas ah: marku jacayl ku hayo qofkad jeceshahay dadka kale la barbar dhigi maysid. Adiga indhahaaga wuxu ku noqon doona qof special ah dadka kale ka duwan oo la mid ahayn.

  1. Waa qof dhamaystiran: waxa kaliya arki doonta sifaadkiisa ama sifaadkeeda wanwanaagsan, wax kaste u qofkan aad jeceshahay sameeyo dhinaca positive-ka ayaad ka arki doonta. Arki maysid sifaadkiisa ama sifaadkeeda xunxun.
  2. Waxaad noqon doonta qof isku dhex daadsan: marna appetite-ka kaa lumi, marna hurdada iska waayi doonta, walwalka kugu badan doona marku xidhiidhkeenu wax noqdo ama aad is qabsataan.
  3. Markaad dhibaato hor timaadaan oo xalidaan xidhiidhkeenu wu sii xooganaan doona: markaad carqalado la kulantaan oo si wanaagsan uga baxdaan waxa sii xooganaan doona xidhiidhka idin ka dhaxeeya.
  4. Maskaxdaadu ka guuxi doona: dadka jacaylku hayo wakhtigooda boqolkiiba shan iyo siddeetan (85%) waxa maskaxdooda ka dhex guuxa qofka ay jecelyihiin.
  5. Waxaad jeclaysan doonta markaste inaad ag joogtid: intaad ka fogtahayna karaahi ayu kugu noqon doona waanad dhibsan doonta.
  6. Inaad mustaqbal la yeelatid ayaad rajayn doonta: waxaad ka sii fakiri doonta sida mustaqbalka aad u wada noolaan lahaydeen iyo meeshad wada dagi lahaydeen.
  7. Wax kasta waad u huri doonta: qofka aad jeceshahay waxa idin ka dhexeen doona xidhiidh caadifi ah, dhibaatada haysa iyo xanuunku dareenmo waad la dareenmi doonta. Sidaa darted wax kaste waad u huri doonta adigo doonaya inaad ka farxisid.
  8. Dharkan mu jeclaan doona?: Waxaad is waydiin doonta markaad maryo cusub iibsanaysid ama aad dhar hore u lahayd labisanaysid inu jecleysan doono.
  9. Waxaad noqon doonta qof hinaasi badan.
  10. Caadifadaada ayaa ka awood badnaanaysa hamadaada: inkasto ay hamadu tahay wax bani aadmiga lagu abuuray laakin markaad qofka aad u jeceshahay caadifadaada ayaa ka awood badan doonta hamadaada.
  11. Isma kontrooli kartid (out of control): dareenkaagu wuxu noqon doonta wax awoodaada ka baxsan.
    Laakin nasiib daro jacaylku maaha mid waara haduusan aheyn mid daacada. Waa marxalad aad u xiiso badan oo nolosha ku jeclaysiin doona ama ku nacsiin doona laakin marnaba Jaceylku ma noqdo mid ku caajis geliya. Jaceylka waxa badali doona ama kordhin doona waxa loo yiqaano “Dareen” oo ah ku xidhnaasho aad ku xidhnaanaysid qofkaad jeclayd oo aanad ka maarmi doonin.

#Fadlan | like | dheh|

#noole qalbi wngsn ❤️‍🔥

11 months ago
Via [@team\_kordhis](https://t.me/team_kordhis)

Via @team_kordhis

Kusoo biir kooxdeenna si aad ugu soo biirtid aqriso shuruudaha hoos ku xusan

Linkiga hoos ku dhufo 👇👇👇

https://t.me/team_kordhis

We recommend to visit

بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad 3000 Buug-Somali
Free Ah
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
https://telegra.ph/HA-DEG-DEGIN-AKHRI-11-15
© Somalibooks Pro Inc
- All Rights Reserved-⤵️
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 5 months, 3 weeks ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 1 month, 2 weeks ago

Kala soco Xikmad iyo Qormooyin Markasta Io Meelkasta.

Last updated 6 days, 7 hours ago