SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!
@Abdii_Sabaa
?NU QUNNAMUUF?
@AbdiiSabaaDm
?BARNOOTAAF
@Abdiisabaa
?MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa
Last updated 2 months ago
https://t.me/joinchat/AAAAAFgrZgMjBcvdBf7YWg
Last updated 1 month, 4 weeks ago
asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook
Last updated 1 month ago
إنا لله و إنا إليه راجعون
Wuxuu shihiiday isagoo furinta dagaalka ku jira, iska Xamaas iyo mujaahidiinta e reer Qasa oo dhami waa wada Yaxye Sinwaar oo kale.
Jenaraalka guutada Qudus ee ciidanka ilaalada kacaanka Iiraan oo la ogaaday inuu ahaa basaas u sheqeeeya Yuhuudda!!
Guutada uu taliyaha u ahaa weligood Qudus iyo Falasdiin maalinna umay dagaalamin xoreyntooda se taa bedelkeeda waxay qayb laxaad leh ka qaateen xasuuuqa shacabka reer Suuriya loo geystay 2013 ilaa 2024.
Laba mujaahid oo wata qoryo fudud: dhimashada 10 sahyooni iyo dhaawaca 20 kale.
400 Gantaal oo balaastik ah : 0 dhimasho !
Gantaalo madaxtadii laga reebay bay soo tuureen Iiraan oo aan qarxaynba 😂😄
Maxaa keenay in muddo 10 bilood ah ay Yuhuudda Sahyooniyaddu awoodi waydo inay disho Maxamed Al-Dayf, Abu Cubayda iyo Yaxye Sinwaar oo ku sugan gudaha qassa oo ay k dagaalamayaan kumanaan ciidamada Israa'iil ah?
Maxaa keenay in sidaa yar ee fudud loogu dhex dilo caasimada Dahraan ee Iiraan hogaamiye mujaahid oo madaxiisa dahab ay cadowgu ku raadiyaan?
Maxaa sababay in gantaal lagu dilo hogaamiyahii mujaahidiinta Xamaas ee Ismaaciil haniya isagoo jooga Caasimada dal awoodaha gobolka ka mid ah ?
Maxaa loo dili waayey Xasan Nasrulaat oo juquraafi ahaan aad ugu dhow Yuhuudda joogana dal -lubnaan- aan sida Iiraan u horumarsanayn hub ahaan??
Siday ku dhacday in aan xataa xagtin la gaadhsiin gudoomiye ku-xigeenka Xisbulaat iyo afhayeenka Xuutiyiinta oo ka joogay Dahraan markii la dilayey Ismaaciil haniya?
Maxaa isku beegay dilka Haniya iyo la kulankii xalay uu la kulmay hogaamiyaha sare ee Iiraan Khaaman'e ?
Sidee loo ogaan waayey gantaalka dal kale laga soo ganay ee Caasimadda Dahraan ee Iiraan ugu yimid halkii uu deganaa Ismaaciil haniya?
Ma odhan kartaa waxa ay Iiraan ku doorsatay Ismaaciil Haniya Xasan Nasrulaat badbaadadiisa, siduu uu Taraam (Trump) hore u sheegay in Iiraan horay ka codsatay in aan la dilin Qaasim Sulaymaani ee doorkiisa la dilo Muhandisi oo ahaa hogaamiye-kooxeed shiici Ciraaqi ah oo maleeyshiyo argagixiso shiici ah maamula.
War jiraaba cakaaruu yimi.
"NIN ABEESO KORIYOW ADIGAA U AAYI"
Bartamaha Hargeisa.
“Tan anaa katalin doona, qaadkaaga iska cun adigu”
Waa odhaah uu si mayal adag ah ugu dhawaaqay nin ethiopian ah.
Cultural assimilation ama is-dhex galka Dhaqanku waa nidaam ah la dagaalanka ama xaalufinta isirka umadeed iyada oo u dhigan hab “non violent” ah. Habkan ayaa ah mid ay dad ama koox kasoo jeeda hal dhaqan ay qaatan caadooyinka, qiyamka, iyo habdhaqanka umad kale, saamayna ku leh isbedel luuqadeed, diimeed, labis iyo dhamaan qaybaha kale ee dhaqanka.
U fiirso bulshadeena ma jirto meel ay salka ku hayaan maanta, haday tahay Maal iyo Magactoona,
Wakhtigan waxaynu nahay umad jinsigeedu aasmay, dheehiina laga rogay, “lefti nagaa iyo dhuux carbeed ku gadooman” gabi ahaanba la marin habaabiyey haday tahay ilo dhaqaalana qarniyaal badan la biday jaad dheeftiisuna gacan ethiopian u sugnaatay.
In badan oo inaga mid ah dhayal dhayal bay moodayaan,
Ethiopianku maanta waxay dhidibkeeda dhisayaan ummad ay dhigaalka u aayaan, nasiibdaro innagu aynu mooganahay. Dib u milicso cawaaqibta ay leedahay in umad bulsho kale lagu dul abuuro,
Intii u dhaxaysay 1922 ilaa 1947 ayey dharaar cad reer Palestine ku dhiiradeen iney aqbalaan soo dhaweynta yuhuuda, iyagoon waxna ka hagran. Dhereg dhaaf ka dib, ileen yuhuudi abaal malee ragii u dhibtooday waakuwaa rasaasta u dhigaaya, dhafoorkiyo laabtana kawada toogtay.
“ وَلَنْ تَرْضَى عَنْكَ الْيَهُودُ وَلا النَّصَارَى"
Dhimbiil iyo dhamac la shiday ayey ugu abaal gudeen umadii kalfurnaanta ku qaabishay, inkabadan kumanaan reer Palestine ahna waa kuwaa dhintee hada mootan.
فَإِنَّهَا لَا تَعْمَى ٱلْأَبْصَـٰرُ وَلَـٰكِن تَعْمَى ٱلْقُلُوبُ ٱلَّتِى فِى ٱلصُّدُورِ”’ xaqiiqdii maaha indhahooda kuwa indho laantu tahay laakinse waa qalbiyadooda.
“Cadawgaa dhirfaaya
Khayraadka dhulkayga
Ee soo dhabacaaya
Hadaanan ka dhiijin
Dhankaa dhan dheh gaaban
Intaan dhag ka siiyey
Ma dhiiraday caawa”
Illahy ka sakow dhalinyaro umadan iyo dhulkeenaba xaqbaa inaga saaranee aynu u feejignaano.❤️?
█▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀█
? @somalibooks ?
█▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄█
Join ? @somali_admins
▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬
▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬
? ?Muslim Channels??
▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬
➦? @Diinteenna_Macaan
➦? @Al_xakiim
➦? @Quruxdaislaamka
➦? @Hidaayatu_Rabi
➦? @hogaan_Dumar
➦? @Dhaqan_wanaag
▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬
??JOKES AND FUN??
▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬
➦? @XikmadoSom
➦? @Dhiiragaliye
➦? @Mucaashaq_Jacayl
➦? @AishaAhmed99
➦? @QalbiDhaye143
➦? @kalimakariim
➦? @xaqiiqadanolosha
➦? @Albaanichannel252
➦? @Ruuxda
▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬
??ENTERTAINMENT??
▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬
➦✍️ @Dareen_side
➦✍️ @Hasancaashaq)
➦✍️ @daren_jaceyl
➦✍️ @Mohametahmed
➦✍️ @Noqoxiddig
➦✍️ @FAAIDOCHANEEL
➦✍️ @guuleyso11
▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬
? ? Educations ??
▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬
➦? @maanhage
➦? @farsamada
➦? @KobciAqoontaada2
▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬
?? Pdf Books??
▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬
➦? @somalibooks
➦? @Somalilibrary
➦? @kobciyebooks
█▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀█
?Presented by @zomalibot
█▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄█
Sunniyiintu: waxa ay rumeysan yihiin in Illaahay Subxaanahu watacaalaa, yahay Keli, aan lammaane ama qof talada la wadaago laheyn, Illaahay isaga mooyee mid kale oo xaq lagu caabudo ma jiro, mana lahan Allaah ubad uu dhalay isna lama dhalin.
Sunniyiintu ma baryaan cid aan aheyn Allaah Subxaanah, mana rajeeyaan cid aan isaga aheyn, mana u baahna cid Allaah uga suka marta.
Waxa ay rumeysan yihiin in dhammaan Rusushu ahaayeen ergo Illaahay oo waday fariin uu Alle u soo dhiibay oo ah in isaga uun la caabudo oo aan loo yeelin shariik ama cid kale oo talada la wadaagta.
Shiicadu: waxa ay qabaan in uu Allaah kali yahay laakiin hab-dhaqankooda kuma dabaqaan oo waxa ay la yimaadaan shirki, waxay Tawasulaan ama ilaahay ka suka marsadaan A’imadooda iyo Awliyadooda markay dhibaato jirto, taasina waxay xad gudub ku tahay xaqa uu ilaahay ku leeyahay Adoomadiisa.
Waxay shirki ku sameeyaan Aalu Beytka Sayid Cali wajigiisa Allaah ha karaameeyee, iyaga oo ku xad-gudbay xaqii Allaah, waxa ayna u nadraan oo wax u gowracaan Illaahay cid aan aheyn. Waxa ay qabaan in Imaamadoodu yihiin macsuumiin garanaya waxa dhici doona "cilmul qeybka"
Gunaanad
Ilaahay ha inaga badbaadiyo halista Shiicadu leedahay iyo caqiidadeeda faasidka ah ee ay ku beeninayaan awoodda Alle SWT iyo sunnada Rasuulka SCW, oo qof kasta oo Muslim ah sal u ah.
Xigasho.
Maxay tahay Shiico?
Culimada badankood waxa ay isku raaceen in Shiicadu ay soo if-baxday kadib geerida Rasuulka SCW, waxayna rumeysnaayeen xilligaas in Maamulka khilaafada ay Aalu Beytka Rasuulka ka mudan yihiin Qureysh inteeda kale, oo waxa ay saxaabada waa weyn sida Abuu-bakar iyo Cumar RC, ku eedeeyeen in ay talada ka boobeen Cali Binu Abii Dhaalib RC, waxaana fikirkan aas aasay rag uu hor boodayay C/llahi Ibnu Sabaa oo ahaa Yahuudi Islaamnimo muujistay markii uu Muslimiinta iska celin waayay.
Fikirkaasi gurracan wuu tadawuray ilaa Shiicadu ay muslimiinta ku khilaaftay dhowr arrin oo aas aas u ah Caqiidadda Islaamka, sida in wax laga bedelay Qur'aanka Kariimka, in saxaabadu badankood ridoobeen markii uu Nabiga SCW, geeriyooday iyo in ay shirki caadeystaan.
Gundhigga Qormada
5- Qodob oo ah kuwa ugu muhiimsan ee ay “Shiicadu ku khilaaftay sunnada” ayaan qormadan xoogga ku saari doonnaa insha Allah, waxaana ay kala noqon doonaan, Tiirarka Islaamka, Qur’aanka Kariimka, Axaadiista Nabiga SCW, Saxaabada RC, iyo Caqiidada.
1- Tiirarka Islaamka
Sunniyiinta raacay jidka Alle SWT waxay shanta Arkaanul Islaam u yaqaanaan;
B) Shahaadateenka: In la qiro kalinimada Allaah iyo Farriinta Rasuulka SCW.
T) Salaadda: Shanta waqti ee nalaku farad yeelay iyo sunnooyinka.
J) Sakada: Fidriga iyo tan maalka.
X) Soonka: In la soomo bisha Ramadaan.
Kh) Xajka: In la guto waajibka Xajka haddii uu qofku awoodo in uu tago.
Haddaba Shiicada ayaa ka soo hor-jeeda arrintan ay diintu jidaysay waxa ayna tiirarka ugu waa weyn ee Islaamka kadib shahaadada u yaqaanaan “Imaamnimada Sayid Cali RC” iyo in ayna dhaafi karin Carruurtiisa. Imaamnimadan ay sheegayaan waa mid u dhiganta Nabinimo oo waxay leeyihiin waa macsuum oo dambi maleh, dhalasho illaa dhimasho.
2- Qur’aanka Kariimka
Sunniyiintu: waxa ay dhamaantood rumeysan yihiin in Qur’aanka Alle SWT uu dhowrsan yahay oo aysan cidna waxba ka badeli Karin iyaga oo daliil ka dhiganaya, kalaamka Eebbe;
ِ (إِنَّا نَحْنُ نَزَّلْنَا الذِّكْرَ وَإِنَّا لَهُ لَحَافِظُون)
Shiicadu: waxa ay qabaan in Qur’aanku uusan dhameystirneyn, waxayna leeyihiin waxaa jira Qur'aan aan la qorin iyo qaar aan soo aroorin oo qoran, waxayna Qur'aanka u dhigaan si’ ka duwan qaabkii uu u soo degay, taasina waa dambi weyn.
3- Axaadiista Rasuulka
Sunniyiintu: masdarkooda xiga Qur’aanka Kariimka ah waa, “Axaadiista Nabiga” SCW, raacitaanka Rasuulkana wuxuu agtooda ka yahay sunne adag oo aan laga baydhi karin, waxayna qabaan in axaadiistu fasirayaan Qur'aanka oo ah qawlka Eebbe.
Shiicadu: ma rumeysna Axaadiista Rasuulka SCW, illaa wixii laga soo wariyey “Aalu Beytka” nabiga oo ay ixtiraam ka fog xaqiisa ay siiyeen, waxayna beenaalayaal ku tilmaamaan Saxaabada waa weyn ee warisay Axaadiista Suubanaha SCW.
4- Saxaabada Rasuulka SCW
Sunniyiintu: waxa ay ixtiraam weyn u hayaan dhamaan saxaabadii Rasuulka, waxayna Illaahay uga baryaan naxariis iyo dambi dhaaf, iyaga oo qirsan fadliga uu Illaahay siiyay, marka la eego aragtida sunniyiinta ee Sayid Cali Binu Abii Daalib, waxa ay qabaan in uu yahay qofkii ugu horreeyey ee carruurta ka mid ah oo rumeeyey Nabiga SCW, waxa ay sidoo kale aaminsan yihiin in uu ahaa Khaliifkii 4aad ee Islaamka, waxaana jannada loogu bishaareeyey isaga oo nool Illaahayna wuxuu ku irsaaqay “Shahaado”.
Shiicadu: waxa ay gaaleysiiyeen saxaabadii waa weyneyd sida Abuu Bakar Al-Sidiiq RC, Cumar Ibnu Khidaab RW, iyo Cismaan Ibnul Cafaan 3-daasina waxaa jannada loogu bishaareeyey iyaga oo nool laakiin Shiicadu waa diidan tahay.
Taas beddelkeed waxa ay qabaan in Sayid Cali Ibnu Abii Daalib RC, yahay qof ka duwan dhamaan saxaabada oo waxa ay leeyihiin isagaa xaq u lahaa Khilaafada Islaamka maadaama uu Nabiga ugu dhawaa, qaar ka mid ah Shiicada waxa ay qabaan Sayid Cali waa Nabi! Qaar kale waxa ay leeyihiin wuxuu ahaa qofkii loo dardaarmay hogaanka Islaamka, qaarkoodna waxa ay ku doodayaan inuu ahaa Ilaah.
5- Caqiidadda kali yeelidda caabuditaanka Allaah.
SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!
@Abdii_Sabaa
?NU QUNNAMUUF?
@AbdiiSabaaDm
?BARNOOTAAF
@Abdiisabaa
?MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa
Last updated 2 months ago
https://t.me/joinchat/AAAAAFgrZgMjBcvdBf7YWg
Last updated 1 month, 4 weeks ago
asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook
Last updated 1 month ago