☘️ HADAFKA NOLOSHA 🌺

Description
"Kusoo dhawoow Chanalka ʜᴀᴅᴀғᴋᴀ Nᴏʟᴏsʜᴀ waxaad ka helli dontaa:Xikmado,Qisooyin,Jacaylo,dhiirigallin.

Nagu soo biir walaal,


@ABU_CAAMIR

صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍
Advertising
We recommend to visit

بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad 3000 Buug-Somali
Free Ah
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
https://telegra.ph/HA-DEG-DEGIN-AKHRI-11-15
© Somalibooks Pro Inc
- All Rights Reserved-⤵️
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 5 months, 1 week ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 1 month ago

Kala soco Xikmad iyo Qormooyin Markasta Io Meelkasta.

Last updated 1 month, 3 weeks ago

3 days, 8 hours ago

xaaskaaga, waxa ay ku odhanayaan waa laxay!Haddii aad u samo fasho waalidkaa, waxa ay ku odhanayaan waa doqon!Haddii aad ka tanaasusho oo aad iska deyso wax aad xaq u leedahay, waxa ay ku odhanayaan waa fulay!Haddii aad ku dooddo wax aad xaq u leedahay oo aad dhacso istidhaahdo, waxa ay ku odhanayaan waa macangag hor-iyo-dabo-diid ah!Haddii aad ku dhegganaato diintaada, waxa ay ku odhanayaan waa dibusocod!Haddii aad ku adkaysato xijaabkaaga, waxa ay ku odhanayaan waa jaahilad aan ilbaxnimada xarragada la jaan qaadayn!Haddii aad samaha ku addeecdo ninkaaga, waxa ay ku odhanayaan shakhsiyaddeeda ayaa taag daran!Haddii aad booqato saaxiibkaa, waxa ay ku odhanayaan dan ayuu leeyahay!

Haddii aad sabool wax ugu deeqdo, waxa ay ku odhanayaan waa istus!Haddii aad qof difaacdo, waxa ay ku odhanayaan wuu iska dhaadhicinayaa!Haddii aad laaluushka ka diiddo, waxa ay ku odhanayaan koobna lama joogo oo irsaaqaddaas ay dadkuba boobayaan ayuu iska af qabtay!Waxyaabaha wanaagsani qarsoonidooda ayay ku toolmoon yihiin.In aad dad dhexdood qof kula talisaa fadeexayn. Waa In aad dad dhexdood qof ku waanisaa waa durid.In aad meel mahwi ah qof deeq ku siisaa waa karaamadil.Balse sadaqadda qarsoodiga ahi qofkana way baahi tiraysaa, qiimigiisana liidi mayso.Waligaa wanaag aad si qarsoodi ah u samayn karayso, si muuqata ha u fulin!Ha u baqin nasiibkaaga marka aad sida qarsoon samaha u samaynayso.Ubaxa uduggiisa waa la carafsadaa, xataa haddii aan loo qasdiyin. Cadceedda kaaheeda wax ayaa lagu arkaa, iyada oo haddana ay daruuro dabooleen oo maalinwaa ay tahay.Roobka raadkiisa waa la arkaa, xataa haddii aanu qof kasta sidiisa ugu di'in.Webiga waa la mahadiyaa, haddana aamusnaan ayuu daadkiisu u mulacyeeyaa.Geedka waa la jeclaystaa, haddana aamusnaan ayaa midhihiisa lagaga halabsadaa!

Casariye.

Indha_caad

3 days, 8 hours ago

Ha noqonin qof nolol korkaxaadis ah ku dhaqan oo hadba wixii ay ishiisu qabato ku arrin qaata, arrimaha adduunkan muuqaalkooda guud ayuun baad ka aragtaa. ee nuxurkooda hoose uma aadan dhaadhicin'e.Dadka qaar ayaa haldoorro u ah si hoose oo aanay cidina ogeyn.Haldoornimadoodaasina waa ta u horseedda in ay nacaan in ay dadku ogaadaan kaalinta ay ugu jiraan.Cumar Ibnu Khaddaab ayaa u fiirsaday in uu Abu Bakar arooryo kastaba marka salaadka subax la tukado uu u kallaho (jarmaado) koonaha magaalada, ka dibna wuu daba galay si uu u soo ogaado bal in ay wax heleen oo uu xallinteeda meeshaas u aado iyo in kale. Waxa uu arkay Abu Bakar oo guri galay, cabbaarna ku jiray.Markii uu arrinkaasi dhawr jeer soo noqnoqday ayuu Cumar isweydiiyay, kollayba Abu Bakar meeshaas waxa uu isagaga daba laabanayaa waa arrin wanaagsan uun'e, waxa uu yahay wanaaggaasi.Inta uu dhiirraday ayuu aqalkii aaday, waxana uu kula soo kulmay islaan cad (duq) ah oo indho la'!Waxa uu weydiiyay waxa uu ninkan u yimaaddaa ka soo doono? Waa Waxa ay ugu war celisay: "Ilaahay ayaan ku dhaartay'e, ninkaas garan maayo, se maalin kasta inta uu ii yimaaddo ayuu gurigeyga ii nadiifiyaa, cuntadaydana uu ii kariyaa, hugaygana uu ii dhaqaa, isaga oo aan ila hadalna wuu iga tagaa!"Markaasuu yidhi Cumar odhaahdiisii caanka ahayd: "adiga dabadaa cid ku gaadhaysaa ma jirto Abu Bakarow!"

Maxaa adiga iyo dadka idin kala galay?!

Keliya adigu isgaro oo shakhsiyaddaada fahan. Goorma ayaad aragtay iyada oo wali dadku sida ay wax u arkayaan ama ay u qiimaynayaan ay tahay mid caddaalad ku salaysan?War dadku haddii ay qof jeclaadaan, ceebihiisa wanaag ayay ku sheegaan. Haddii ay qof nacaanna, wanaagyadiisa way duudsiyaan oo way aasaan.Xataa markii ay damceen in ay qoyskii nebi Luud nkh'e ka caydhiyaan tuuladooda ee ay u waayeen ceeb kale oo ay ku dhalliilaan, waxa ay ku caayeen in ay yihiin qoys ceeb-ka-saliim ah oo xumaha ka daahir ah!

‎ فَمَا كَانَ جَوَاب قَوْمِهِ إِلَّا أَن قَالُوا أَخْرِجُوا أَخْرِجُوا 56. ‎

"Jawaabtii tolkii waxa ay noqotay in ay yidhaahdaan, ka saara qoyska Luud magaaladiinna, waa dad isdaahirinaya'e. (Qoyskan Luud waaba kuwo dhibsanaya khaniisnimadan aynnu samaynaynno, ficilkeenanna aan ku uur samayn oo aan ku qanacsanayn, in ay inala dersaanna uma qalmaan ee aynnu ka saarno dhulkeenna. Sidaas ayay ku tashadeen Luud tolkii.)"Oo daahirnimadu ma denbi qofka lagaga caydhiyo tolkii iyo degaankiisaa?!

Dadku dhawrsoonihii Yuusuf ayay gaabsi (sino) ku tuhmeen!Muuminkii Ibraahin ayay gaalnimo ku eedeeyeen!Runlowgii dhabsheegga ahaa ee Maxamed ayay beenaale iyo sixiroole ku dhalliileen!Haba ahaadaan canbaaraynahaasi kuwo ay sameeyaan dadka been'abuurtayaasha ceeb-la-luudyada ahiye, haddana guud ahaan xaalka dadku waa jaadkaas.Dhanka wanaagga marka ay noqoto, iyagana tusaalayaashoodu waa ciiddaa iyo camaarkaa.Waxa uu Bukhaari ku soo arooriyay xadiiska Sahal Ibnu Sacad Assaacidiyi, in uu nin ka mid ah danyartii Muslimiintu soo maray nebiga.Markaasuu nebigu ku yidhi asxaabtiisii: "ka warrama bal ninkaas?"Waxa ay ugu war celiyeen, in uu yahay nin ka mid ah saboollada Muslimiinta. Haddii uu gabadh u geed fadhiisto loo ma guurinayo, haddii uu cid gargaarsadana gacan loo ma fidinayo. Haddana waxa soo maray mid ka mid ah maamuusleydii bulshada, markaasuu nebigu warsaday: "ninkanna ka warrama?!"Kolkaasay ugu war celiyeen: "waa nin laangooyada (haldoorka) tolka ah. Haddii uu gabadh doono degdeg ayaa loogu dhisayaa, haddii uu garab maagana gacan hagar la'aaneed ayaa loo fidinayaa."Nebigu inta uu farta ku fiiqay ninkii hore ayuu yidhi: "Ilaahay ayaan ku dhaartaye, ninkaas (saboolka ahil waxa uu ka mudan yahay ninkan kale, in le'eg dhulka muggii!"

Hore ayay Carabi u yidhaahdeen: raalli gelinta dadku waa higsi aan la gaadhayn.Waa mid ka mid ah murtiyaha ugu maangalsan ee ay Carabi ku maahmaahday.Si kasta oo aad u tahay qof san oo la jecel yahay, waayi maysid cid ku neceb.Si kasta oo aad u tahay qof waxtar leh, waayi maysid qof ku yasa oo ku quudhsada.Si kasta oo aad u tahay qof Alle-ka-cabsi badan, waayi maysid qof far ku goda iimaankaaga oo ku tuhma.Haddii aad u samo fasho

3 days, 11 hours ago
2 months ago

{{وَقَاسَمَهُمَآ إِنِّى لَكُمَا لَمِنَ ٱلنَّٰصِحِينَ } الأعراف:  21

"Ibliis  waxa  uu   ugu  dhaartay  labadooda  (Aadan  iyo  xaawo)
Waxa  aan  idiin  ahay  mid  idiin  khayer  miiraya"

Aadan  iyo  xaawa,  kuma  soo  dhicin  maankooda   qof   ayaa   magaca  illahay   ugu  dhaaranaya  been,  balse  ibliis  ayaa   falkaa  falay   oo  uu  wax-sheegiisii  noqday   in  uu   walxaha   ugu  bixiyo  magacyo  qurxoon;  si  uu  u lumiyo  .  Geedkii  xumaanta  ,  ayuu  ugu  sheegay  kii   waaritaanka  ,  isla  shaqadanna  maanta  waxa  haysa  xerta  ibliis.  Khamrigu   waa   cabbitaan   ruuxi  ah  ,  Qaawanaantu   waa  qurux,  xumaantu  waa   xarrago,  gogoldhaafkuna  waa  furfurnaan  iyo   fayoqab. Haku  dagmin  magacyada  qurxoon,  si  kasta  oo  ay  isku  dooriyaan.

#Dhambaallada_Quraanka"
W/Q: Ad'ham Sharqaawi.
W/T: Cabdulxakiim Muxammad Obsiiye.

Page  8

2 months ago

cilmi aan ceebahaaga ku tusayn waxaa ka kheyr badan jahli aan ceebtaada ku illowsiinayn.

Halgan oo mar walba naftada iska ilaali, ogowna in uu Ilaahay yiri ‘waxa uu ku duway faajirnimadeeda iyo Alle ka cabsigeeda’ ‘waxaa liibaanay qofka isdaahiriya’. Waxay naftu leedahay oo ay ku uuman tahay dhagar badan, haddii ay dambiyada samayntooda kugu kari weydana, waxay dambiga kaa soo gelinaysaa cibaadada oo waxay kuu beeraysaa: istustus, isubogid, isla qummanaan iyo waxyaalo kale. Mar walba u toog hay, ha isu dhiibin, ha na aamminin in ay qummanaatay oo inta la nool yahay cidina fidnada dammaanad badbaado ka ma ay hasato. Mar walba baraarugsanow, baraarugga iyo dhawrsashada ayaa ay badbaadadu jirtaa, ‘kuwa moogganna ha ka mid noqon’.

#MURTIDII_INA_CADAAILLAAHI

Sh. MAXAMMED GAANNI

2 months ago

Ramadaan Wanaagsan. Allah Hanagu Arzaaqo Alle Cabsidiisa, Iyo Udhimrinta Adoomadiisa Duruufaysan Allena Hanaga Aqbalo Soonka io Salaada, ❤️

Ka Faideyso Kanaladaan Hoose 🫵

2 months, 1 week ago

Ilaahay  wuxuu  kaa  qaadayaa  waxaad  jeceshahay  oo  aanad  ogayen  xumaanteeda, xitaa haba  ku  xanuujisee  qaditaanka  lagaa  qaaday, maalin baa se' imaan  doonta  aad  ilaahay  ugu  mahadcelin doontid  inuu  kaa  fogeeyay  oo  aysan  kugu xidhnayen

Allaah ugu Mahad celi xaalad walboo kusoo marto , wax walboo aad jeclayd uu kaa qadayna kuuma wanaagsanyen ,ilaahay wax khayer noo ah aduun iyo aakhiro marnaba nagama qaadayo

"الحمدلله دائماً وابداً،

2 months, 1 week ago

♤U NOQO  XAGGIISA!♤

Alle,  kaama  doonayo  waxaan  ahayen  noqosho  iyo  in  aad  raadsato  jidka  kuu  geynaya. Alle , ugu laabo: qanaaco, sujuud, towbad, istiqfaar, waxbixin  iyo  qirasho 
Garaac  irriddiisa, kadibna  dhowr  caafimaad . Ma  jiro  dhakhtar dunidan  jooga  oo  ku  bogsiin kara  haddii  aan  alle  ku bogsiin . Lama  soo  helayo  dhakhtar  helaya  cudurkaaga, hadii  aan  alle  doonin.

Nin  hantiile  ah  ayay  keliyi  fadhiisatay  ubadkiisii  ayaa  u  qaaday  dalka  masar, si  loogu  geliyo  kelli  kale  wiilashii  odayga  ayaa  kula  heshiiyey  qoys  danyar  ah  oo  reer  masar  ah  in  ay  kellida  inantooda  yar  kaga  iibsadaan  boqol kun  oo  riyaal.  Subixii  dambe  ayaana  la  iskugu  yimid  dhakhtarkii. Haddaba, ka  hor  intii  anay  bilaabmin  hawshii  kelli  gelintu,  ayuu  odaygii  codsaday  in  uu  la  kulmo  inanta  yar  ee  u  saaraysa  kellideeda. Si  xishood  iyo  xushmad  leh  ayay ugu  soo  gashay  odaygii,  waxaanu  weydiiyay: adeer  maxaa  kugu  riixaya  in aad  ka  iibiso  kellidaada  duq  siday  oo  kale  ah? Waxa  ay  ugu  warcelisay: baahi! Qoyskaygu  waa  sabool,  walalaahay   jaamacada  ayay dhigtaana,  anigana  xil  baa  iga  saaran!  Hadalkani  odaygii  waxa  uu  ku  noqday  musiibo  illowsiisay  dhiiggii  sunta  ahaa  ee  ku  socday  jidhkiisa,  waxaanu  isweydiiyey: suuragal  ma  tahay  in  qof  ka  maarmo  qayb  ka  mid  ah  jidhkiisa, si  uu  u  noolaado?!
Si  degdeg  ah ayuu  u  codsaday  in  loogu  yeedho  wiilashiisii.  Markii  ay  u  soo  galeen,  odaygii  waxa  uu  faray  in  ay  ku  celiyaan  sucuudiga,  sababta  oo  ah  waxa  uu  hakiyey  hawshii  uu u  yimid  . Sidoo  kale,  waxa  uu  faray  in  gabdhan  yar  la  siiyo  boqolkii  kun  oo  riyaal!  Kadib  loollan  adag  oo  ay  badh  ka  mid  ah  ubadkiisu  ka  cadhoodeen,  doonistiisii ayay  u  fuliyeen   ammintii  uu  ku  Noqday  sucuudiga,  sidii  dhaqanka  u  ahyed  ayuu  ugu  tegijiray  dhakhtarkii  u  sifayen  jiray  kellida . Baadhis  kadib,  waxa  soo  baxday  in  ay  shaqaynayso  kellidiisii! 

Awoodda  uu  wax  ku  bogsiiyo  boqorka  boqorradu ,  uma  baahna  qallin,  waayo  waa  boqor  oo  xagga  sare ayuu  ka  soo  fiiriyaa  addoomihiisa  . Ilaahay  , qof buka  ayuu  bogsiiyaa,  mid  dhibban  ayuu  ka  farxiyaa,  mid  socdaalay  ayuu  soo  celiyaa,  mid   dhaawacanna  waa  uu  dhayaa!

#kitaabka_10_magac

2 months, 1 week ago

Arrimaha ugu mudan ee ay habboon tahay in uu Muslinku ka dhigto mashaariicdiisa ugu horraysa waxa ka mid ah mashruuca xifdinta Qur’aanka kariimka ah, iyo in aanu marna ka dhammaan qalbigiisa iyo carrabkiisa. Ma qummana in uu addoonku kaga warwareego qaybidda Qur’aanka kariimka ah; ma ihi arday, carrabkaa iga weynaaday iyo gaabis ka imanaya xaggiisa. Xifdinta Qur’aanku waa mashruuca Muslinka inta uu xusulkii xabaal ka sareeyo. Waana isku mid in uu wada qaybo Qur’aanka, ama ugu yaraan in uu xifdiyo badhkii. Waayo, Qur’aanku waa iftiinka qalbiga iyo foolka. Waana astaan tusaysa in Alle agtaada ku weyn yahay. Qur’aanku waa wehelka qabriga iyo sharafta adduunka. Qaybidda Qur’aanku ku ma xidhna da’ iyo takhasus gaar ah. Takhasuska qudha ee Muslinkuna, waa Islaamka. Maadaama oo aad Muslin tahay, laabtaada meel uga samee hadalka Ilaahay. Dhab ahaantii, waa aad badhaadhi doontaa! Ha dhaafin qoraalka adiga oo aan go’aansan laga bilaabo maanta in aad la noolaato Qur’aanka kariimka ah. Kuna bishaarayso guusha iyo gargaarka Rabbi SWT, adiga oo dhawraya maamuus, hanuun iyo iftiin cad

#منقول

4 months, 1 week ago

Dhallinyarnimadaada saddex ku dedaal :

  1. In aad garaadkaaga kobciso : aroor kasta oo waaberi kuu baryo ha sugin gabbal dhaca, ee saacaddahaa kooban wax yarna ha ahaatee kobci garashadaada oo ka qayb qaado korrinta maanka— adigu haddii aadan is dhisin cidna ku dhiso mayso.

  2. Ku dedaal salaaddaha iyo sunnayaasha : keliya waajibka ha iska ridin ee si waajibku kuu gu adkaado sunnayaasha ka dabo gee, ogowna sunnuhu in uu faralka ku jeclaysiinayo.

  3. Samafalka waalidka iyo saddaqada : inta aad yar tahay isbar baarinnimada iyo bixinta saddaqada. Haddii aad yaraan ku barato wax bixita weynaanta waxa ay noqon caado aad mar kasta samayso. Ha moodin saddaqadu in ay tahay ta miskiinka la siiya uun, ee xitaa midda aad siiso walaalkaa oo u baahan waa saddaqo, kana bilaw saddaqada ehelkaaga, marka aad ehelka soo dhaafaysana ha noqoto mar aad baahiyihii ehelkaaga dabooshay. Baarinnimadu ma aha wax afka la ga sheegto, ee waalidka si fal ahaaneed u gu noqo baari, oo u noqo lafdhabar ay ku dhutiyaan.

W|Q : M.khaliif
dhaqan_wanag…

We recommend to visit

بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad 3000 Buug-Somali
Free Ah
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
https://telegra.ph/HA-DEG-DEGIN-AKHRI-11-15
© Somalibooks Pro Inc
- All Rights Reserved-⤵️
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 5 months, 1 week ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 1 month ago

Kala soco Xikmad iyo Qormooyin Markasta Io Meelkasta.

Last updated 1 month, 3 weeks ago