Hoyga Aflaanta Hindiga Afsomali ah Gaar ahaan Kuwii Hore ee 70aad Kii ilaa 90aadkii Jaceyl Waali @ALFAGHISTUDIO Halkan Ka Daawo
Buugaagta Somali ah? @Somalibooks
Waa mareeg lagu aruuriyo duruusta culimada soomaaliyeed.
Waxa ka masuul ah:
https://t.me/IshraqCenter
Kala xidhiidh maamulka halkan:
@Turaasculimobot
Waxaad ka heleysaa buugaag ku qoran Luqadaada Hooyo ee Af-Soomaaliga oo ka liyah
Fadlan wixii Su'alaha la xariir
@liibaanwaasuge
@Mfaratoon
Cudurkii farey dilay
Caashana caqliga tiray
Cumareey ka dhigay shiid
Farxiyana cataab baday
Intuud cududda kaa galo
Kaama dhigo camoolee
Ka duceysa caawaba
Caashaq waa balaayee
???
Subax wnagsan
Runtii waa nimco weyn inaad subaxdii soo kacdo oo ay maalintaaduna kugu bilaabato Farxad iyo Caafimaad iyo jawi degen marka u mahad celi eebe SWT oo wax Waliba Ku suurta galiyey...
tegaysaa”. “Naa maxaad leedahay?”. “Dhegeyso, Sahraa ku qaadaysa
haddeer”.
Sidii waa la yeelay, Facebook-na waa laga mamnuucay. Hoodo iyo Sahra ayaa shaqadooda bilaabay. Caweyskii markii ay ahayd ayay soo
geliyeen sawirradii ay ku wada jireen. “Safar khayr qaba Najax,
guuleyso weligaa. Shaqo khayr qabta insha Allah, we will miss you “
Subaxii dambena iyaday la hadleen. “Naa sawirradaa aan kuu soo
diray, qaybtooda koowaad soo geli, waxaanad raacisaa ‘mansha Allah
si wacan ayuu noogu socdaa shirku’, intaa kaddibna ka bax Facebookga”.
Najax oo dawakhsan, balse aad u ogsoon, in asxaabteedii wacnaa,
wanaag uun la rabaan, ayaa yeeshay sidaa. Maalintii xigtayna sawirrada
qaybtoodii labaad, oo ay dhar kaleeto xidhnayd, wajahaddeeda
wadhay. Dadku “Mansha Allah, hambalyo huuno Najax” ayuun bay
ku khafiifeen. Sahra iyo Hoodo, macluumaad wixii ay Najax kari
weydo, ayay soo qubayaan. Dadkii way u sheegeen in guddoomiye
loo doortay. In Afrikaan badan oo u tartamaayey jagadaas, keligeed ay
ka qaadday. Mashxaraddaa is qabsatay. Dadkii way u riyaaqeen, balse
waxaanay ogeyn, in magaaladan, dhinac uun ay ka joogto.
– Caawa waa habeenkii, berri ay iman lahayd. Qorshihii sidiisii ayay
Hoodo samaysay, fiidkii way soo wacday. Iyaduna way ka jawaabtay.
– Haddaad og tahay Facebook-gii waxa ka socda, ayeeydaa maad ag
jiifteen.
– Naa walaal Ilaahaaga ka yaab! Maxaad dee samayseen?
– Naa xiddig baan kaa dhignee adigu sideeda iftiin.
– Kkkkkkkkkk alla naa walaal, weligaaba ma sidanaad dhakooyinka u
degi jirtay? Wallaahi waan kaa yaabay. Lug iyo gacan ayaan kuu
taagay, shan lugood haddaan lahaan lahaa, waan kuu taagi lahaa
Bal dhegeyso horto, berri dee waad soo degeysaa. Diyaaradda
Kiiniya ka imanaysaa waxay soo degeysaa tobanka subaxnimo.
– Haye?
– Sagaalka iyo badhka diyaar ahow.
– Oo dabeedna?
– Dee eeriboodhkaannu ku geyneynaa, wuxu badowsanaa!
– Bisinkee ha igu qayline, miyaan dhoofayaa haddana?
– Naa mayee waad soo degeysaa.
– Sideen u soo degayaa markaa?
– lmahani hadal badanaa, naa hooyaa ii yeedhaysee, cashadii ayaan
diyaarinayaaye, berri wakhtigaa aan kuu sheegay diyaar ahow.
Gaadhigu waa Indho-cadde, afkoodu dhoolla-cadde, lebbiskuna
kaalay arag, markii ay ku soo qulquleen gurigii ay Najax joogtay.
Okiyaalaha wejiga intiisa badan qariyey ayay iska rogeen markii ay
albaabka soo dhaafeen. Daarad dhuuban ayay cagta saareen, laba
gidaar oo madhan ayaa hareeraha ka buquujinaya marka ay tallaabada
badhka ah u wadaan dhanka hore ee guriga. Salli yar ayay ku fadhidaa
markii ay ku soo baxeen, waa Najax ayeeydeed. Sahra oo waayeelka
ka hesha ayaa si kalgacal ku jiro u soo tuurtay “ayeeyo macaan ii
warran?” Jawaab ayay weydey. Hoodo ayaa hoos ugu celisay “naa dee
islaantu waa xagga dhegahee kor ugu qaad codka”.
Asxaabta lasoctay shekooyinka taxanaha ah Waxaan idin leeyahay Maanta waa jimce taxanahana wuu socon Insha'Allah marka laga reebo maalinta jimcaha
Ee aan badino Saliga Nabigeena Mohamed Scw
Lacagtu wax ma tarto ?
“Hantida kuma koro Jacayku
Lacagi dookh kuuma keento
Xidhiidh jiray bay Kabtaaye
Hadiyad kalgacayl ma beerto
Ruux ay Kallifayso baahi
Naf ay dani soo Kadeeday
Kaalmayntiyo caawintaada
Qalbiga lagagama Kiraysto,
Kal iyo laab aan ku dooran
Dhaqaale Masoo kaxeeyo
Inaad Kasbataa haboone
Kalsoonida shilin ma gooyo."
Malaga yaawa inay jiraan dad aan aqoon halkaan inay joogaan??
rabin. Balse wax kasta oo isaga u soo dhoweynaya, diyaar ayay u tahay
Hoyga Aflaanta Hindiga Afsomali ah Gaar ahaan Kuwii Hore ee 70aad Kii ilaa 90aadkii Jaceyl Waali @ALFAGHISTUDIO Halkan Ka Daawo
Buugaagta Somali ah? @Somalibooks
Waa mareeg lagu aruuriyo duruusta culimada soomaaliyeed.
Waxa ka masuul ah:
https://t.me/IshraqCenter
Kala xidhiidh maamulka halkan:
@Turaasculimobot
Waxaad ka heleysaa buugaag ku qoran Luqadaada Hooyo ee Af-Soomaaliga oo ka liyah
Fadlan wixii Su'alaha la xariir
@liibaanwaasuge
@Mfaratoon