Infinite Entertainment, Zero Cost: Get Your Free Books, Music, and Videos Today!

Xaqiiqada Nolosha💜🌝

Description
Soo dhawoow✌, Nagu soo biir🤗
Mahadsanid .

Asalaamu calaykum !
Saaxiibayaal Waxan Idinka Codsanayaa In Aad Kannaalkaan Join Dhahdaan, Oo aad Inoo Soo Cammirtaan 15k waxyar baa Nooga Dhimman Fadlan Nagusoo Biir !!

@xaqiiqadanolosha❤
Advertising
We recommend to visit

بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad 3000 Buug-Somali
Free Ah
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
https://telegra.ph/HA-DEG-DEGIN-AKHRI-11-15
© Somalibooks Pro Inc
- All Rights Reserved-⤵️
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 4 months, 3 weeks ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 2 weeks, 3 days ago

Kala soco Xikmad iyo Qormooyin Markasta Io Meelkasta.

Last updated 1 month, 1 week ago

1 month, 4 weeks ago
Waxa tahay qofka Markasta

Waxa tahay qofka Markasta
Xalaadkastoo aankujiro
I dareemo. Farxad iyo murugo
Igarab taagan.💛❤️‍🩹

NAXDIN JACEYL 💔 PART 2 👈

2 months ago
**Dheymantii jeclaayee***♥️*****

Dheymantii jeclaayee♥️*
*Dooqeygu midiu raacayee
💝*
*Daawadii nafteydaay
💛*
*Xubigii aan jeclaaye
❤️‍🩹****

NAXDIN JACEYL 💔  PART 1.

2 months, 1 week ago

17k. Alxamdulilaah ugu dambeyn.

We Wait 20k. If Allah say After Ramadaan.

Waad mahadsantihiin Dhamaantiin Halkaas idinka soo gaadhsiiyay Ramadan Kadibna idinka isgaadhsiin kara 17k. ❤️😍

4 months ago
**"Illahey Raali Gali Anigana Iraali Gali …

"Illahey Raali Gali Anigana Iraali Gali Adna Aan Ku Raali Galiyee Si aan Ugu Kulanno Goob Nawadaraali Gelisa😊**

Subscribe 👈**

4 months ago

t.me/maanhage

Telegram

MaanHage

Waa channel ad ka heli karto resources waxbarashada sida ***✅***Free Courses ***📖*** ***✅***Somaliland Exams ***✅***Hema Books ***📚*** ***✅***Form Four Books ***✅***Scholarship Links ***👉*** www.maanhage.com https://telegra.ph/Welcome-to-Maanhage-12-29 Our target is to hit 10k

[t.me/maanhage](http://t.me/maanhage)
4 months ago

Jacaylkii bilan qaybta 7aad🥂♥️

Ayaan "haaye dee ,maxaad sheegteen?inoo bilaaba sheekada haaye waa maxay aamusnaantu?illayn fasal kuma jirnee ,saw idinkan nasoo xasuusiyay fasaladii".

Bilan oo fahansan darrenka saaxiibadaheed ayaa hadalka fur furatay sheekadana sii waday.
Bilan "waxaaban garran la'ahay hadalka mid aan kubilaabo.
Ayaan"sidee?iyadoo dhagta taagasa ayay waydisay.
Bilan"farxada iyo obsiga awgeed"
Ayaan "saaxiib ma kaliga mise dhammantayo"
Bilan "toddobo sano ka hor ayuu ahaa kulankeenii ugu danbeeyay ma toddobo sano ka hor xusuusohoodii ayaan caawa falanqaynaa mise toddobo sano kadib?

Naciima oo goorahanba aan hadal ayaa intay gacanta dhabanka saartay,suxulkana salka ugu adkaysay miiska cad ee dushiisa ay hadalada isu dul marinayaan ayay bilan su'aashii ugu horraysay waydiisay .
Naciima "saaxiib bilan ka warran waxbarashadii dugsiga sarr iyo jaamacadii madhamaysay?

Bilan "haaa waliba si fiican kaalmaha sarana waan galay .idinku iiga warrama waxbarashadiina?magaalo kale kol hadii tago laysma yaqaano sawmaha lamasoo wada xidhiidhayo ,xitaa laysma soo wardoonayo miya.

Naciima"saaxiib bilan waxbarashadii ayaan walal kumashquulnay.kolkii aan caasimadii cagadhiganay .nasiib umaanu yeelan in aanu sii wada joogna ama dugsi kusii wada dhigano magalada waan wada joognay ,balse meel maanu wada joogin .dugsigii sare kadibna jaammacado kalla duwan ayaanu codsanay illa hada waxaan raadina fursad buuxda oo aanu ku kulano.
Bilan"oo illa jaamacad ayaad sii wadeen miya hada.?
Naciima"haa"
Bilan "runtii waad dadaasheen ana wan idin darsaday"
Naciima"oo adigu jaammacadii ma dhamaysan miyaa?
Bilan"may saaxiib iskumaba dayin "

Ayaan ,khadra iyo naciimaba jawaabtani waxay kunoqoty uqaadan waa .sababta oo ah dhammantood iyadda aqoonta kaga horraysay si kolka loo eegana macallimadoodii ayay ba ahayd marar qaar. Khadra oo garabka kuhaysa saaxiibadeed ayaa su'aal kooban hoosta uga dhiiibtay bilan.
Khadra "maxaa dhacay walal oo aad udhamaystiran wayday waxbarashadaadii?.
Bilan "waan guursaday?! Ayay iska soo jartay.
Khadra"yaa ?ma runtaaba hada oo waad guursatay?waliba anagoon ku ogayn,qof xun bad tahay saxiib.

Bilan"muddo saddex sanno laga joogo ayaan guursaday ,balse guurkaasi wuu noqon waayay mid sii jirra.hada laba bilood ka hor ayaan guursaday wiil kale"laba baas oo khatar ah bay ku furtay.
Hablihii saaxiibadeed ahaa dhaqaaqii way joojiyeen.kaliya u qaadan waa iyo yaab ayaa isu raacay .dhacdooyinkan tiradda badan ee saaxiibadood isu raacay ayay dhinac ay u qaadan garanwaayeen.waxay kuyaqaaneen inay tahay qof go'aan adag oo guurkana aan xiisayn ,haddana si dhakhso ah ayay uguursatay .waxaa arrin layaable ah muddo laba sanno guddohood ah ayay laba jeer guursatay laba nin oo kala duwan.habeenimadan lajoogana wajigeeda raaxo kama muuqato qalbigeedase mooji.

Lasoco qaybta xigta fadlan share.like.commentis waa xagina

Emoji-ka ku dhooba hee gyz🥰

4 months ago
4 months, 1 week ago

Jacaylkii bilan qaybta 6aad🥂♥️

"Waa xidigtii iskuulkeena bilan!waa saaxiibadeenii qaaliga ahayd ee mudada sideeda sanno ah aan fikirka kaliya wada lahayn " dhamman hablihii kolkey xaqiiqsadeen qofkani inuu yahay saaxiibtood bilan ,aad ayay u murugoodeen.khadra se way ku adkaatay inay kacdo erayaday tidhi iyo hadalkay ku hadashay in yar ka hor ayaa wadna istaag ku noqday iyadii dhididka baabacooyinkeeda buux dhaafiyay waxa udheer culayska jidhkeeda oo sii laba laabmay naxdinta iyo filanwaaga daraadeed. Naciima yar oo qajilaada iska bi'naysa si reer magaalnimo ahna sheekadii hore utahbaabinasa ayaa tiri:soo dhawoow soo dhawoow ,arag aan uxiiso qabney iyo saaxiib aanu uboholyownay naciima intay kor u istaagtay si ay kalmadaha naxariista leh iyadoo erayadaa naxariista leh ku dhawaaqaysa ayay laabta galisay waxayna usoo dhaqaajisay dhinaca kursigii banaanaa.

Bilan oo dareenkii iyo riyaaqii hore wax iska badaleen ,haddana u goomoon la kulanka asxaabteeda daal maskaxeedna ka muuqdo ayaa iyadoo luguhu gariirayaan ayay si dhanka kursigeedii banaanaa intay labada garab ka buuxsatay salka la beegsatay.

Dhammaan sadexdii hablood midiba gaarkeeda ayay dareen gaara maskaxdeeda lawadaagtay mudo gaban.
Ayaan oo la dhibtoonasa qiimaynta dhacdadan ayaa niyada ka tidhi"dunida ayaab ah mid wadda filan waaya" intay fikirkeedii kusoo koobtay inta ayay xagga iyo saaxiibadaheed dub ugu soo laabatay .ayaan intay si fudud kor ugu hinqatay ayay laabta galisay bilan.ilmo aan joogsi lahayn kolkii dhabanada ayaan buux dhaafiyeen ayay mar labaad ayaan dhabanada waayuhu godeen ee bilan dhunkasho afar jeer ugu celisay.

Khadra iyo niciima ma yaraysan soo dhawaynta saaxiibtood .sadex waxay noqotay inay midiba mar kacdo oo laabta galiso layskuna ooyo.bailan markan qalbigeedu nagaadii ayuu dareemaya,waxayse ogtahay in farqi udhexeeyo iyada iyo gabdhaha ay utimid.iyada oo ay dhamaantood indhaha ka qarsanayaan xaqiiqada ay sida muuq baahiyaha uga daawanayaan wajiga saaxiibtood ayaa haddana qosal gaagaaban layska bilowday.ilbidhiqsiyo aamusnaan ah kaddib,ayay ayaan isku dayday inay jawiga dhinaca farxada leh urogto si uu cawaysku mid billan unoqdo.

Losoco qaybta xigta fadlan share.like.comment.waa xagina

Emoji-ka ku dhooba kala Duwan 😒

4 months, 1 week ago

Jacaylkii bilan qaybta 5aad🥂♥️

Naciima oo eeg naxariis darro ah eegtay baa tidhi"naa mindhaa waa islaan qaadley ah oo midey lacag kulahayd baadhaysa"kadibna labadoodiiba qosal bay jabsadeen.
Bilan weedhaha afkooda ka burqanaya wey maqlaysaa dhug iyo dareense uma laha oo waxay kumaqantahay afdhababaandhab hadalkii ayay kumargatay meel ay wax kabilowdo ayay na la'dahay indheheda ilmo ayaa kutaagan.bilan wakhtigan la joogo uma ilmaynaso sida ay saaxibadaheed u aqoonsan waayeen ,balse hadda ayay si fiican udareentay is badelka kuyimi wajigeedii inuu sabab uyahay aqoonsi daraddan.foolkeedii bilnaa ee bilacda iyo labeenta lahaa,midabkeedii dhalalka ahaa ee ilqabashada iyo soo jiidashada lahaa,ayaa caawa jiingad ladubeeyay u eeg.jidhkeedii dhisnaa ayaa buufimo naqaskii laga saaray isu badelay.

Indhehedii quruxda iftiinka ah bixin jiray ayaa maanta god kasoo jeeda.dunidu dhamaanteed hadday iyada u istaagi jirtay ayna ahayd xidigta la bidhaansado,maanta wajigeeda ayaa la dhibsanayaa go'aankeedii ayay ku hoogtay.gacanteeda ayay isku xabbashay muddo laba sanoka hor ah .jidhkeedii ayaa hadlaya,sheegayana inaanu dhimasho waxba dhaamin balse qalbiga ayay ilaa hada ka nooshahay.

Khadra kolkii horreba dadka qalbiga kama fahmi jirin gaar ahaan bilan.haddana wakhtigu waaba kasii duwan yahay,oo darxumo iyo diif mugdiga ka madow,qofkii la saaxibana aan la aqaansan karin ayaa wajigeeda dul hawaara.

Khadra ayaa kucelisay "naa heedhe maxaad naga fiirinaysaa markaasay naciimana ugu jawaabtay mala waa islaan masayrtay oo odaygeedii raadinasa ama waa islaan gabadheedii yarayd kasoo dhuumatay tilmaan qaldana lasoo siiyay ,eedo ama nala hadal ama naga dul dhaqaaq.

Inta waxan oo doodi dhacayso weli waa laalanyahy maanka bilan,waa daqiiqad wax ka yar inta arrinku halkaa gaadhay.ayaan oo ah qof naxariis badan dadka masaakiinta ahna nafteeda uhurta ayuu gubay hadalkaasi.waxayna isku dayday ka hor inta aanay jawaab ka bixin hadalka foosha xun ee khadra tidhi,inay jaleecdo qofkan dabadeeda qotoma .jaleecadii ay kor ujaleecday iyo ilmo sida daadka qulqulasa oo indhaha bilan hoostooda biyo dhigtay aya hal mar kulmay.ilmada buuxdhaafisay labada god  ee indhaha bilan ayay ayaan ka dhex akhrisatay magaca bilan.kor iyo hoos intay jidhidhicootay ayay labada dibnood aad ukala fogaysay .lugeheedii ayaa kacaawin kari waayay inay kor u ruqaansato si ay ugu istaagto bilan.dib ayay ayay ufariisatay ayadoo adeegsanasa kaliya madaxeeda ay u isticmaalayso qoorteeda dheer ee qurxoon.
"Miyaadan bilan ahayn ?ayay cod daciif ah ruuxii dumarka ahaa kuwaydiisay.iyada oo wajigeda naxdini kamuuqato.
Bilan oo aad moodo inay hurdo dheer kaso toostay ayaa ugu warcelisay "haa waan ahay ayaan "ayay ugu jawaabtay iyada oo codka iyo madaxaba israacinaysa.
Ilmo aad moodo inay kal horeba heegan kujirtay ayaa sida daadka dhabanada ayaan dul roortay.uqaadan waa iyo filan waa ayay kunoqtay labadii kale.dareen farxadi kamuuqato dhinacna qoomamo iyo qalbi jab laga dareemayo iyo indho ilmo shubmayso ayay dhinicii asxaabteda kula soo jeesatay.

Magaranaysaan qofkan ?ayay waydiisay labadii kale siina raacisay markey aragtay inayna garanayn "ooh shiiiit"iyadoo si cadho leh afqalaad ugu leh "waxaad aqoonsanwaydeen qof noloshena kuqaaliya waa xidigtii bilan.
Af kala qaad iyo dhaygag ayaa kasoo hadhay hablaha intii kale.

Lasoco qaybta xigta fadlan share.like.comment.waa xagina

Emoji-ka ku dhooba he gyz🥰

7 months, 1 week ago

Alxamdulilaah calaa kuli xaal 3k OO kaliya ka hadhay 10k. We wait 10k. 

Hanpalyada xalay ayay ku beegnayd Balse hada isoo hampalyeeya 😂❤️

Mahadsanid dhamaantiin Waad igu caawiseen inaan gaadho Halkaas 7k OO dada Alxamdulilaah ❤️😍💋

Su'aal ? 
Maxad igu soo kordhinaysaan ama igu dhiirigelinaysaan ?❤️👍

Jawaabta 👇🥰

We recommend to visit

بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad 3000 Buug-Somali
Free Ah
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
https://telegra.ph/HA-DEG-DEGIN-AKHRI-11-15
© Somalibooks Pro Inc
- All Rights Reserved-⤵️
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 4 months, 3 weeks ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 2 weeks, 3 days ago

Kala soco Xikmad iyo Qormooyin Markasta Io Meelkasta.

Last updated 1 month, 1 week ago