Hamda_ Nourツ‍

Description
اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.  🤍
Advertising
We recommend to visit

بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad 3000 Buug-Somali
Free Ah
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
https://telegra.ph/HA-DEG-DEGIN-AKHRI-11-15
© Somalibooks Pro Inc
- All Rights Reserved-⤵️
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 5 months, 1 week ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 1 month ago

Kala soco Xikmad iyo Qormooyin Markasta Io Meelkasta.

Last updated 1 month, 3 weeks ago

2 weeks, 3 days ago

**I dhegayso saxiibkayoow dadku way sheekaystaan, ee inta ugu yar u sheekee inta u badana dhageyso waana sida ugu fudud ee aad u bad baadi karto una faa’iidi karto.

Hayoon**

2 weeks, 4 days ago

**اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍**

2 weeks, 5 days ago

Haddii aad ballan qaadid oofi, ma garan kartid ciddaas aad ballanka u qaaday riyooyinka ay dhisayaan iyaga oo ballankaagaas ku salaynaya. Laga yaabaa ballan aan danayn sidaas ah kugu hayni, in uu galaafan karo qof dhan noloshiisa.

5 months ago

**اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍**

5 months ago

**Saaxiib

Badi xuska alle.**

5 months ago

Noloshu waa meerto si walba oo ay usoo wareegto in badana xoriyad kuu siiso ugu danbayn adiga ayay kugu soo noqonaysaa, iska ilaali inaad samayso khalad ay kugu ciqaabto kolka ay kusoo martido.!

8 months, 1 week ago

**اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍**

8 months, 1 week ago

Naagnimo.❤️**

Erayga naag iyo dayaxu sibay isku shabahaan labadaba waan jecelay, naag micnaheedu waa : karti, awood, naxariis, adayg, jacayl, gaarinimo, hawlkarnimo, geesinimo, udgoon, iftiin, dulqaad iyo wax kasta oo ku sifooba falsafad qurux badan.

Waan salaamayaa kuwa naagnimada wax khaldan ka aaminsan anigu kun jeer baan ilaahay ugu mahadnaqaa aadamahana' ugu faanaa in ilaahay ii doortay inaan naag noqdo.**

8 months, 1 week ago

**Waan is ahaaday...!!!

Haa waan is ahaaday muddo dheer kadib aniga ayaa aniga ahaaday, kolkii aan dhex muquurtay mawjadihii nolosha, aan qaatay ciqaabtii khaladaadkayga, oo aan la kulmay natiijada go'aamadaydii bilaa fekerka ahaa, kolkii aan galay maalmo aan naftayda difaaci kari waayay, markii aan la kulmay dhirbaaxada nolosha maalmihii aan hurdada ku raagay, maalmihii aan sidii qof bilaa dan ah iska fadhiistay anigoo isku maaweelinaya waad nasanaysaa, kolkii aan ku fakaray in aan wali yarahay naftayda masuuliyadeedana aanan qaadi karin balse si dhaba noloshu ii tustay in qaadista masuuliyada nafeed aanay ku xidhnayn tirada da'ada. Waan is ahaaday kolkii aan si qasaba u raadiyay in naftayda si dhaba loo jeclaado anigoon aniguba jacayl badan isku qabin, waan is ahaaday kadib markii aan dad kale indhahooda ka raadiyay kartidayday iyo inay igu amaanaan waxqabadkayga maalmeed anigoon aniguba naftayda kalsooni badan ku qabin,waan is ahaaday kolkii aan isku dayay inaan dad badan ku raali galiyo ficiladayda anigoo aniguba naftayda ku dhaawacaya ficiladaas waan is ahaaday kolkii aan dareemay xanuunka wakhtigii aan micno darada ku bixin jiray.

Ugu danbayn waan is ahaaday anigoo si dhaba u og inta khalad ee aan naftayda ka galay ka hor inta aanan helin waxa uu yahay aasaaska khaladkayga dhabta ahi. Ka raali noqo naftaydaay kolkii aan daryeelka badan siiyay qayrkaa adna aan ku hilmaamay wax kasta oo wanaagsan adigaa u qalma ka hor inta aanan cid kale siinin..!! Waan is ahaaday

Adna is ahow !**

8 months, 2 weeks ago

**NAF IS AHAATAY.

Marka aanay waxba kaa badelin erayada aan macnaha buuran lahayn. Marka amaantooda aanad la ashqaraarin dhaliishoodana aanad ka murugoon. marka aad barato in noloshu ka unkantay jacayl, sidoo kale ay jacaylna ku dhisan tahay. marka aad dareemayaashaada tixgaliso oo aanad si xagjir ah caqliyadaada ugu muquunin. Marka aad fahanto in noloshaada aanay cidna kula lahayn oo si is ah aad u xanbaarto mas'uuliyadaada.

Marka aad ku baraarugto ee aad si is ah u kaafiso ogaalkaaga iyo is baridda wax cusub adiga oo aan cidna ku farayn. Marka aad kala barato waxa aad ku wacan tahay, waxa aad ku liidato iyo waxa u baahan inaad saxdaba, marka aad aaminto oo liqdo in nolosha wax walba suurto gal yihiin oo macquulnimadooda aan adiga lagaaga idam qaadanayn, marka aad layaabka doqoniimada ah aad iska shaafiso ee aad arimaha kugu cusub caqligaaga iyo weydiimaha gudahaaga aad kaga kaaftoonto, marka xaqiiqada hadalkaaga iyo waaqicaaga gudeed is waafaqaan ee aad iska dhihidda aan loo meel dayayn ka khashaafto.

Marka aad intan iyo ino kaleba ku aragto noloshaada maalinlaha ah waa mar kasta oo aad is ahaatay, qofnimadaada hanatay si fududna aad u maaraysan karto arimaha noloshaada, waa markasta oo aanad xeerka bani'aadnimada saxda ah baal marayn.**

We recommend to visit

بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad 3000 Buug-Somali
Free Ah
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
https://telegra.ph/HA-DEG-DEGIN-AKHRI-11-15
© Somalibooks Pro Inc
- All Rights Reserved-⤵️
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 5 months, 1 week ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 1 month ago

Kala soco Xikmad iyo Qormooyin Markasta Io Meelkasta.

Last updated 1 month, 3 weeks ago