SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!
@Abdii_Sabaa
?NU QUNNAMUUF?
@AbdiiSabaaDm
?BARNOOTAAF
@abdii_sabaa_university
?MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa
Last updated 1 month, 1 week ago
asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook
Last updated 3 months, 2 weeks ago
Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.
Headquartered in Mogadishu.
Last updated 2 months ago
اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.
?
Farriinta —galabta. (4)
Waa iga xasuusin uune ; mar walba dib baad bilaabi karto wixii kuu dhaafay. Walow lagu kala duwan yahay niyadda iyo moraalka oo qofka mar haddii wax ka xumaadaan ay u noqto siday uga xumaatay dibna aan u halacsan. Halka dadka qaarna ku celcelintoodu badan tahay , ilaa ay ka sal-gaadhaan. Haddaba wixii aad shalay samaysay, toddobaadkii hore, bishii hore, ama sannadkii hore, kuguma qeexayaan qof ahaan. Daqiiqad kasta waa fursad cusub oo aad ku noqon karto ka ugu wanaagsan.
Haddaba, wixii qalad ahaa ee aad u maleysay in aad sameysay oo maskaxdaadu marar badan dib kuugu soo dabaalayso marnaba ma qeexayaan inta ka hadhsan noloshaada. Waligaa haka dib dhicin inaad samayso wax cusub ,ama aad baddasho aragtidaada.
Jooji inaad diiradda saarto wixii lagaa qaaday, kuna mahadnaq inaad fursad u haysato inaad barato oo aad caqligaaga uga sii faa'iideysato dharaar kasta oo kuu dhalata oo noloshaada ku soo kordha , ogoow waa kansho aad haysato.
اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.
?
اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.
?
Maalinta Jimcaha sida suubbanaheenii inoo sheegay waxa ku jirta saacad Allaah addoomihiisa ducadooda aqbalo.
Culimada badankoodu waxa ay sheegaan in ay ku saacaddaasi tahay midda u dambaysa maalinta macnaha salaadda maqrib saacad ka hor.
Haddii aad salaadda Casar marka laga baxo, ilaa inta makhrib laga gaadhayo masjidka iska fadhido adiga oo salliga nebiga naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee aad u badinaya, ka dibna saacaddaa aad laba rakacadood oo salaatul xaajo ah ama sunne ah tukato, Allaah aad baahidaada u bandhigato adiga oo baqdintiisa ku dheehaya, Waa wax weyn.
Kolay maqaaxi ama meel ayaa aad fadhiyi lahayde, meel masaajid ka mudan oo la fadhiyaa ma jirto, wax digriga Allaah ka mudan oo carrabka lagu hayaana ma jiro.
Haddii masaajid aan Kuu dhawayn, qolkaaga Keligaa Allaah ku xus inta makhrib laga gaadhayo, Waa haddii aanad hawl kale oo mihiim ah aanad haynin.
Cid baahi loo badhin dhigto oo Allaah ka fulin og ma jirto.
Allaah xuskiisa iyo ha inoo fududeeyo hana inaga aqbalo.
Haddii aad caafimaad qab kusoo toostay, salaaddii subaxna Alle ku waafajiyay, Nabadgelyona kuugu daray, waxaad maanta cuni lahaydna Eebbe kugu arsaaqay, Mahadnaq baa kugu waajibay. Alxamdulillah.
Waxaan ahayn xiriir wadaag aad isku jecel, saaxiibbo isku dhib sheegta, walaalo is weheshada iyo waxtar aan kala go'in.
Waxaan ku heshiinnay in aan is guursanno sanadka cusub oo halbil kaliya naga xigay.
Habeenkasta markaan shaqada kasoo baxo ayaan soo mari jiray, halka galbaha qaar aan isbitaalka ay ka shaqeyso ugu tagi jiray. Iima oggolaan jirin wakhti badan in aan lummino, oo waxa ay aheyd mid marwalba igu dhiirragalisa in aynaan fursadaha iska dayicin. Waxa ay i bartay qoyskeeda oo dhan, saaxiibbadeed iyo qofkasta oo u dhawaa, waxay ayna i dhihi jireen waad nasiib badan tahay ee ha iska sii daynin Indha-deeqa.
Aadbaan ugu hanwaynaa in aan yagleelno qoys ay iyada marwo ka tahay anna aan masuulkeedi ahay. Waxaa marag ma doonto ah, in ay aheyd qof dunida lagu qurxiyay aqlaaq, asluub iyo aqoonba.
Afgaabnida waxaa u dheeraa degganaan iyo dabacsani ay dareenkayga ku dabatay.
Waxay maalmaha isguraanba, habeennadu isa-sugaanba, saacaduhu siqaanba, waxaa la gaaray gabagabada iyo gunaanadka guusheenna. Waan qabsannay, goorta, goobta iyo halka uu galbiskeenna ka dhici lahaa. Maalmo kooban ayaa waxaa nagu dhacay isa-seeg iyo in ay badiba ka cudur-daaranaysay in aan wada hadalno iskaddaa kulan'e.
Waxaan galab gurigooda ku tagay si dirqi ah, oo aan kala tashan. Waxaan dareemay in ay wax iga qarinayso, waxayna igu tiri; aniga oo aan oggolaan ha imaam fadlan.
Waxaase iiga xanuun badnaa in ay u hadleysay sida qof aan rejo ka qabin xiriirka iyo xaaladdii aan isla soo gaarnay.
I cafi iina soo duceey bay igu soo macsalaameysay. Seddex maalin iyo seddex habeen oo aan wacayay waan waysanaa, waxaanse ugu dambeyn ka warhelay geerideeda iyo goobtii ay ku naf baxday. Alle ha u naxariisto gacalisadeydii.
Muddo 6 sano ah ayaa kasoo wareegatay, wali qalbigeyga wuu aqbali la'yahay gabar kale, xitaa haddii aan isku dayo iyada ayaa i hor imaanaysa. Markasta oo aan agmaro gurigoodii, goobihii aan ku kulmi jiraynay iyo meelkasta oo aan ku xasuusan karo xaalad adag baan galaa. Saameyn xooggan ayey igu yeelatay, ilaa haddana kama soo kabsan. Si kasta oo aan isugu dayay in aan nolol kale sameysto waa ay ii cuntami la'dahay. Mar ayaan waddanka ka tagay, wax iska key soo beddelayna ma jiraan.
Duco iyo waxaad iigu dari kartaanba waan idinka sugayaa asxaabta Lama-filaan✍️?
Waa maxay, sifooyinka aadan qof nolol kula wadaagteen?
اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.
?
اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.
?
SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!
@Abdii_Sabaa
?NU QUNNAMUUF?
@AbdiiSabaaDm
?BARNOOTAAF
@abdii_sabaa_university
?MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa
Last updated 1 month, 1 week ago
asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook
Last updated 3 months, 2 weeks ago
Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.
Headquartered in Mogadishu.
Last updated 2 months ago