Mohamet Ahmet™

Description
Ha sugin soo laabashada qof tagay, qofkii dhab kuu jecel lagama yaabo inuu maqnaado.!!!
Advertising
We recommend to visit

SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!

@Abdii_Sabaa

?NU QUNNAMUUF?
@AbdiiSabaaDm

?BARNOOTAAF
@Abdiisabaa

?MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa

Last updated 2 months ago

https://t.me/joinchat/AAAAAFgrZgMjBcvdBf7YWg

Last updated 1 month, 4 weeks ago

asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 1 month ago

5 days, 21 hours ago

Asc

1 week ago

maalin ayay gabadhi aabaheed u timaaday ayadoo ka cabanaysa in nolasheedu wada rafaad iyo dhibtahay, waxayna ku doodaysaa inaysan nolasha sii wadan karin ayadoo ku u anaynaysa in markii ay dhib nolasheeda ka mida xalisaba hadana mid kale ku imaanayo.

Aabeheed ayaa intuu gacanta qabtay wuxuu geeyay jikada wuxuuna shiday dabkii isla markaana saaray sadex killi mid kii 1 wuxuu ku riday baradho, kii 2 ukun( beed), kii 3aadna bun, kadibna waa iska fadhiistay asagoon waxba uga sheegin gabadhiisii waxa uu ula jeedo.

Gabadhiina iska fadhiisatay ayadoo yaaban, samir badan kadib daqiiqo badan markay ka soo wareegatay ayuu odaygii dabkii ka soo qaaday saxan soo qaaday ku rid baradhadii iyo ukuntii bunkiina halkan soo dhigay, kadib ayuu dhahay kaalay aabo wuuxana u sheegay inay taabato baradhadii markay taabatay ayuu waydiiyay maxaa isbadala oo kuyimiday , waxay u sheegtay inay jileec noqotay, hadana wuxuu ku dhahay ukunta taabo oo jabi(qarxi) markii ay taabatay isla sidii hore ayuu waydiiyay isbadalka markaas bay u sheegtay inay adayg noqotay oo dareerihii hoosta ku jiray adayg isu rogay, hadana bunkii buu dhahay ka qaad daboolka markay ka qaadayna caraftiisii ayaa sanka ka gashay wuxuuna waydiiyay maxaa jira waxayna u sheegtay inuu caraf leeyahay.

Intaas kadib bay waydiisay waxa ay ka dhiganyihiin, aabihii ayaa bilaabay sharaxaada casharka meesha ku jiray ee uu ka maaganaa.

wuxuu ku bilaabay aabo sadexdaan shayba waxay la kulmeen cadaadis isku mid ah (dabkii) balse mid walba si gaara ayuu uga falceliyay, baradhadiii buu ku bilaabay asagoo leh aabo baradhadu markii hore way adkayd lkn hada waxay isu rogtay jileec markii ay la kulantay cadaadiska, ukuntuna waxay isu rogtay adayg oo dareerihii hoosta ku jiray ayaa noqday ku adag, halka bunkiina markii la karkariyay uu la soo baxay caraftiisii noqdayna ku sanka lala raaco.

wuxuuna waydiiyay ? seed noqotaa marka duruufuhu albaabkaada soo garaacaan? seed uga falcelisaa? keed tahay ma baradhada , ukunta mise bunka?

gabadhiina waxaa u dhacay casharka uu aabaheed ka lahaa meesha oo ahaa in nolasheena ay wada caqabado tahay waxyaalo badan oo aynaan jeclaysanayna inagu dhacayaan ayagoon inala tashan xaaladeenana aan inoo tixgalinayn, balse waxa ugu muhiimsan uu yahay sida aynu uga falcelino oo ah miyaynu isi dhiibaynaa duruufahaas oo nolasha ayaynu ka tanaasulaynaa mise waxbaynu ka baran oo casharo nafteena carfiya ayaynu kala baxaynaa.
allena waa tuu kitaabkiisa ku yidhi
..........
الم ۝ أَحَسِبَ النَّاسُ أَن يُتْرَكُوا أَن يَقُولُوا آمَنَّا وَهُمْ لَا يُفْتَنُونَ ۝ وَلَقَدْ فَتَنَّا الَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ فَلَيَعْلَمَنَّ اللَّهُ الَّذِينَ صَدَقُوا وَلَيَعْلَمَنَّ الْكَاذِبِينَ ۝
"Alif laam miim, dadku ma waxay maleeyeen in looga tagaayo inay yiraahdaan waan
rumeynay oo kaliya, iyagoon la imtixaanin? Dhab ahaantii waan jirrabnay kuwii ka horreeyay
(iyaga) Allaahna wuu ogaan kuwa runta sheegaya, wuuna ogaan kuwa beenaaleyaasha ah”
(Al-Cankabuut: 1-3)

Sidaas darteed nolashu waa wada caqabadee yaynaan isu dhiibin samir iyo adkaysi aynu ku qaabilno, dhib walbana xal buu leeyahay iyo dhammaad.

1 week, 1 day ago

اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

1 week, 6 days ago

Part (1)

*waa habeenimo jimco so galeeyso
waana xili ramdaan ah dadka oo dhan inta aay so wada anfureen ayeey qof walba banaanka u so doonatay hawo macaan leer iyo in aay asxaabteeda bal la sheekkeysato

cabdifataax shaataa iyo cabaas , waxeey ku wada hishiiyeen in aay
aadaan dhanka hotel ramdaan, intii wadada lagu sii jiray ayaa waxaa ka so horbaxday Raaxo oo aheyd gabar aad u qurux badan ,dabeecad macaan , furfuran ,Raaxo ayaa si kadis ah ku tiri AQAYAARTA, SALAAN XITA MA JIRTO MIYAA, MISE SOONKA AYA AMAANTA IDINKA TAN BADIYAY

cabaas iyo cabdifataax: OH sorry WLH HOOSTA AYAAD NAGA SO GASHAY HADANE WAAD IS BADASHAY OO QOF KALE AYAADBA NALA NOQOTAY
meeshii ayaa waxaa ka bilaawdo kaftan gaaban oo ah kaftan xaafadeed, dhowr daqiiqo ka dib
aya halkii leysku macsalaameeyay
marki aay dhowr daqiiqo aay horay
u sii socdaan, ayaa waxa bilaawatay shekadaan xiisa leh
cabaas: cabdi fataaxoow , sxb qoftaan ciyaalka xafada miyeey iskal weyntahay horta ?

cabdifataax: sxb qoftaan waaba dadka ugu shidan xafada ,balse dhalinyarada xafada mala haasaawdo cabaas: sxb aniga iyo adiga buufis ayaa lafaha naga galay , waxaana igu maqaalo ah in aay qoftaa leen SWEDAN u xareesan yahay ee maxaad kala soctaa cabdifataax: haa oo ayada ayaaba i sheegtay sxb ,, ee faraqa miyaan u galnaa cabaas:sxb aan caawa ina tashano , aan qoftaan labadiina mid ka mid ah u dirno si aan wadankaan kaga ama baxno
cabdifataax: sxb waa arin fiican ee halkee wax laga bilaawaa hee, oo qoftaan kaftankeena bay taqaanaa oo si kale .....cabaas: sxb caawa markii aan soo noqo ayaan waceeynaa oo aan barnaamij xiriir jaceyl ah u bandhigeeynaa, sida aan qiyaasayo ma diidi doonto

cabaas iyo cabdi fataax markii aay ku soo nqodeen ayeey durbaba u soo gudbeen qolkii fadhiga ahaa
markiiba waxaa la so qabtay telfoonkii oo lagu hishiiyay in u cabaas waco raaxo iskana dhigo nin wax jecel oo laga maqan yahay
raaxo: hello .

cabaas: haye yarta , aad baan ku salaamay , waa cabaas ee mashqul miya tahay mise? raaxo:mashquul waan ahay basle hadii aadba caawa telfoonkeyga soo wacday wa lagu shekeynayaa, ee ma wax daran ba jira?

cabaas: abayadis caawa adiga ayaa ii darnaa oo arin culus iga kaa so gashay oo aan in mudo ah, la xishonayay ,, waxaana goaan saday in aan wixii jiro ku sheego caawa oo aan goaankaada ogaado
raaxo: maku fahmin ee balse hadalka i jilci?

cabaas: hadi aan ku jilcyo, damac baa iga kaa jiro , oo waxaan dareemaya in aay nafsadeyda adiga ku tabeeyso, oo aay rabto in aay lamaano kula noqoto, dabcan wixii aad qarsato waa ku qarsadaan baa la yiri raaxo:cabaas, waxaa tahay dadka aan xaafada sida wacan aay sheekada igu baxdo marka , barnaamijkaan cusubne, amuuna inoo wanaagsaneyn
cabaas: sheeko macaanta waaba sababta aan kugu damcay soomahan ,, yarta codsigeey so dhaweey , waxaan rajeynayaa in aan nolosha macaanto wada dhadhami doono , insha allah
raaxo: cabaas, in aan ku dhaho OKE wax weyn ma ila ahan balse waxaa loo bahan yahay in waxa aad sheegeeyso aay dacad kaa yihin ,
sababto ah aniga ma jecli wiil xaafada ila dagan in aay xumaan na dhax marto

cabaas: abayadis , insha allah ma dhaceeyso in aan isku xumaano taasi aniga ayaa ka hubo , raaxo: oke bal hada suxuur diyaaris baan galayaa balse aniga ayaa habeen danbe ama bari jawaab ku soo sii nayo

cabaas goolkiisa ugu horeeyay ayuu shabaqa agta ka dhigay inkasto uuna dhalin,, cabdi fataax aad baa ugu riyaaqsanaa ruwaayada uu dhigayay cabaas

horay ayaa loo yiri NIN AAN WAX OGEYN ILAAH MA CADAABO, oo raaxo waxeey gashay in aay falanqeeyso hadba sida uu noqon karo xiriirkaan cusub

ayada oo dhanka kale iska tuseeysay, cabaas waa wiil fiican mise famile fiican ka dhashay , hadane wax xoogaa dhaqaalo iska leh ,, oo lacala hadii aad jeclaato xitaa noloshaada kaafin kara
balse raaxo waxeey dhanka kale shaki weyn ka qabtay xiriirkaan sida dag dag ah ku bilaaway oo uu cabaas sida fudud u weydiyay*

2 weeks, 1 day ago
2 weeks, 1 day ago

Saliga Nibiga Scw

3 months, 2 weeks ago

Waxa habeenkii khamiista Xarakada Xamaas in uu hoggaamiyo loo cumaamadey Yaxye Sinwaar oo ahaa hoggaamiyaha Xamaas ee magaalada Qaza.
Doorashada Yaxye waxa ay keentay hadal hayn badan taas oo Yuhuudda iyo Reergalbeedka ku abuurtey cabsi horleh.

Xoghaya Arrimaha Dibedda Mareykanka oo ka hadlaya doorashada Sinwaar waxa uu ku tilmaamey arrin adag islamarkaana waxa uu sheegay in heshiiska iyo sii wadidda dagaalku ay ku jirto gacanta Sinwaar,halka Yuhuuddu ka dayriyeen soo magacaabidda sarkaalkan.

Haddaba maxay tahay waxa xilligin kusoo beegay in Sinwaar loo magacaabo hoggaamiyaha guud ee Xarakada Xamaas.

1: Si looga dheeraado shirqool.

Tan iyo markii toddobaadkii tegay la diley hoggaankii guud ee Xamaas Ismaaciil Haniya waxa soo baxayey walaaca laga qabo in la dili karo hoggaamiye kasta oo dibed meer ah, waxa aaney noqotey in Qaza tahay meesha ugu amniga badan ee saraakiisha Xamaas dagaalka ka wadi karaan, taas oo haddii xitaa ay shahiidaan sababeysa in si fudud Xarakadu u dooran karto hoggaan kale.

Haddii xataa la dilo haggaamiyaha cidda ugu hor ogaanaysaa waa isla xarakada taas oo xilligii munaasib ah la iclaamin karo geerida hoggaamiyaha.

2: Hal adkaanta Yaxya Sinwaar.

Sinwaar waa sarkaal khibrad sare leh oo horraantii lixdameeyadii ku dhashey deegaanka Khaan Yoonis ee Falastiin. Waxa uu yaraantiisii ku korey nolol adag oo faqiirnimo dabadeed waxa uu waxbarashadiisii ku qaatey Qasa.

Waxbarashada heerka sare wuxu ku qaatey Jaamadda Islaamiga ah ee Qasa.

Sinwaar xilli horeba waxa uu ku biirey Xarakada Xamaas laakiin nasiib darro waxa uu gacanta u galey cadowga Yuhuudda sannadkii 1989 isaga oo xabsiga ku qaatey muddo dheer oo labaatan sano ka badan, Sinwaar ugu dambeyn waxa heshiis siyaasadeed oo dhexmarey Xamaas iyo Yuhuudda lagu soo daayey sannadkii 2011.

Dhabar adeyga uu ku samrey xaaladihii adkaa ee xabsiga waxa ay ka dhigeen Sinwaar mid dib ula qabsada marxaladdii xorriyadda dabadeed waxa sannadkii 2017 loo magacaabey hoggaamiya Xarakada ee Marinka Qasa.

Sideedaba siyaasadda Xamaas waxa ay mandaqadaha ay ka hawlgasho u qaybisey 3 mandiqadood. Qaza oo ah wadnaha halganka isla markaana uu taladeeda hayey Sinwaar.

Daanta Galbeed oo uu madax u ahaa Alle haw naxariistee hoggaamiyihii dhawaan la diley Saalax Caruuri iyo wixii labadaas ka baxsan(dibedda) oo loo dhiibey Khaalid Mashcal. Hoggaamiyaha guudna waxa uu ahaa Haniyah.

Ka dib hoggaamin diblomaasiyadeed(wadahadallo furan) oo Haniya ku metelayey Xamaas waxa la rejaynayaa in taladu ku noqoto gacanta adag ee Sinwaar taas oo ka dhigan ama Falastiin baa la waayi ama Israel.

Tanina waa qodob kale oo tilmaamaya in Xamaas aaney dib waxba u dhowran doonin itaal meel uu dhigaba. Wadahadalladuna ay halkaa ku joogsan doonaan inta lakala adkaanayo.

3 months, 2 weeks ago

Ururka Midowga Afrika soo bandhigay qorshe cusub oo magaca loogu bedelayo soo duulayaasha ATMIS.

Kadib kulan horraantii bishan uga furmay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ayay madaxda calooshood ushaqeystayaasha ururka midowga Afrika waxay uga arrinsadeen arrimaha Soomaaliya.
Golaha Nabad iyo ammaanka Midowga Afrika ayaa bayaan ay soo saareen waxay sheegeen in dhammaadka sanadkan lasoo gaba gabeyn doono howlgalka ciidanka Afrikaanta Soomaaliya ee loo yaqaan ATMIS.

Ururka midowga Afrika wuxuu sheegay in uu dhisi doono howlgal cusub oo ay lacago uga doonayaan dowladaha reergalbeedka waxayna ugu magac dareen Howlgalka midowga Afrika ee deganaanshiyaha iyo taageerada Soomaaliya oo marka magaciisa lasoo gaabiyo la oran doono (AUSSOM).

Sida lagu sheegay warsaxaafadeedka kasoo baxay Midowga Afrika tallaabadan ayay qaadeen kadib codsi uga yimid dowladda Soomaaliya ka jirta oo baqaysa in haddii ciidamada shisheeye dalka kawada baxaan ay Al shabaab talada lawareegaan.

Bayaanka midowga Afrika kasoo baxay waxaa lagu xusay in dowladaha Jabuuti iyo Masar ay codsadeen in ciidamadoodu kamid noqdaan howlgalka cusub ee (AUSSOM) islamarkaan uu golaha ammaanka iyo Nabad gelyada uu soo dhoweeyay soo jeedintaas.

Warsaxaafadeedka laguma sheegin tirada ciidamada howlgalka ka qeyb qaadan doono iyo dalalka ay ka socdaan balse waxaa lagu muujiyay sida ay lagama maarmaanka utahay in lahelo dhaqaale lagusii maalgeliyo.

Soo duulayaasha Afrikaanta ee Soomaaliya ku sugan waxkabadan 18 sanadood ayaan xaqiijin wax kamid ah ahdaaftii ay reergalbeedku usoo kiraysteen oo ahaa burburinta awoodda Alshabaab ah iyo in dalka oo idil lagu baahiyo nidaamka dimuquraadiga baadilka ah.

Sanaddii 2007-dii ayuu Midowga Afrika dhisay howlgalkii AMISOM la oran jiray balse markii uu ku fashilmay muhiimaddii loo dhisay ayaa magaca loo bedelay horraantii 2022 waxaana loo bixiyay ATMIS balse waxba sooma kordhin oo wuxuu qaaday dhabbihii midkii ka horreeyay.

Waxaan oo idil ayaa dhacaya xilli awoodda Alshabaab geeska Afrika ay sii xoogeysanayso islamarkaana Al Shabaab ay weli gacanta ku hayaan dhul aad u ballaaran, falanqeeyayaasha ayaa ka cabsi qaba in maamulka dalka Soomaaliya ay la wareegaan Alshabaab marka ay shisheeyuhu waqtigu ka idlaado

3 months, 2 weeks ago

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada Xabashida Itoobiya ay baneeyeen deegaan ay ku sugnaayeen waxkabadan 10 sanadood.
Kumanaan katirsan ciidamada gummeysiga Itoobiya ayaa isaga baxay degmada Maxaas ee dhacda bariga gobolka Hiiraan sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Ciidamada Itoobiya oo wata todobaatameeyo gaadiid ah ayaa gaaray deegaanka Hees waxayna kusii jeedaan dhanka xuduud beenaadka uu gobolka Hiiraan lawadaago dhulka Soomaaligalbeed ee gummeysiga kujira.

Dhinaca kale taliska ciidanka Taliska ay warsaxaafadeed uu soo saaray ku xaqiijiyay in ciidamada Xabashida laga saaray degmada Maxaas.

ATMIS waxay sheegtay in gacan ku heynta Maxaas lagu wareejiyay ciidanka dowladda waxaana munaasabaddii lagu sagootiniyay ciidamada Itoobiya ku sugnaa saraakiil ka socotay Q.Midoobay.

Ciidamada Itoobiya ayaa duullaan ku qabsaday deegaanka Maxaas bishii Maarso ee sanaddii 2014-kii, tallaabadan ayaa qeyb ka ah qorshaha uu ururka midowga Afrika ku dhimayo ciidamadiisa ku sugan Soomaaliya.

We recommend to visit

SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!

@Abdii_Sabaa

?NU QUNNAMUUF?
@AbdiiSabaaDm

?BARNOOTAAF
@Abdiisabaa

?MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa

Last updated 2 months ago

https://t.me/joinchat/AAAAAFgrZgMjBcvdBf7YWg

Last updated 1 month, 4 weeks ago

asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 1 month ago