Tartanka Nolosha??

Description
ku farax noloshaada si aad qiimo u yeelato?
Advertising
We recommend to visit

SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!

@Abdii_Sabaa

?NU QUNNAMUUF?
@AbdiiSabaaDm

?BARNOOTAAF
@Abdiisabaa

?MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa

Last updated 2 months ago

https://t.me/joinchat/AAAAAFgrZgMjBcvdBf7YWg

Last updated 1 month, 4 weeks ago

asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 1 month ago

1 Jahr, 6 Monate her

https://t.me/Aqoonta_kaa_maqan

Telegram

Aqoonta Kaa maqan

WAXAD KA HELAYSAA ***🪐*** Daraasad ***📖*** Cilmi baadhis ***⚠️*** Xikmado ***🌍*** Dhiirigalin

Tartanka Nolosha??
2 Jahre, 6 Monate her
Eid Mubarak dhamantiin***?******?*** azhpta chanalkaa ku …

Eid Mubarak dhamantiin?? azhpta chanalkaa ku xidhan kuwa ciday wxn lenhy farxad ku ciida ??dadka aanan ciidina wxn lenhy cafimad ku cida☺️ Intii aan cafimad haysana weyn u ducaynanaa ?

2 Jahre, 6 Monate her

In kaston LA soo habsaney hambalyada ciida ?☺️

2 Jahre, 8 Monate her
Asc dhaman Azhp ta qiimaha leh …

Asc dhaman Azhp ta qiimaha leh ee channel kan ku xidhan ???

2 Jahre, 8 Monate her

Mararka qaar adoo qof lahadlaya ma iska kaa idho tiraa? kadib ma is dhahdaa made ku dawakhdaa? micnihiisa iyo waxa ka qaldan hada sifican u qado taladan si aad u noqoto mid la ixtiram lana xiiseyo?*1: qofna ha lahadlin ilaa uu dareen kiisu kuu so jedo micnaha haduu wax ku mashqulsan yhy?*** waqti

2: qofna ha galin arimihiisa garkaa ilaa yoo aad isaga ogolansho ka heshid. ??

3: qofna ha ku qsbin inuu ku barto micnaha kan aan garanayn qiimaha? aga maaha aduu inaad bartid??.
" Coun....... Another time"

2 Jahre, 9 Monate her

1: Xikmad??

Nasiib xumo maaha inaad dhacdo, khaldanto, ood guul daraysato in ka badan inta uu dhaco ilmaha socod baradka ahi, balse waxa Nasiib daro ah ?inadan wax cashar ah ka baranin dhaman imtixaanadi aad so marty, badalkii aad noqon lhyd qofka dunida ugu wayo aragsan.?❤️?

2 Jahre, 12 Monate her

Xikmadaha laga diiwaan geliyay Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil qaar ka mid ah.

1- " Aqoonyahanku wuxuu aqoonyahan yahay markuu Rabbigiina yaqaano , Aakhirana yaqano addunkana uu isbedel ka samayn karo".

2- " Dhalasho wacan markaan leenahay taas macnaheedu waa sanad baan xabaasha u dhawaaday taasi ma wax lagu farxa".

3- " Inaad noqoto qof hami leh, han leh, hiigsi leh, oo hiraal u muuqdo waa lagama marmaan".

4- " Dad baa dibadda ka qurux badan, guriga markay soo galaana bahal ah , qofka aad nolosha isku darsateen iyo caruurtaad dhashay inaad ku xumaato, dibadana nin fiican oo laga yaqano hebel la yiraahdo noqotid wax fiican ma aha".

5- " Dunida dadka isdila iyaga ugu badan reer galbeedku, meeday barwaaqaada ay sheegaayaan " ?

6- " Aqoonyahanku haduu noqdo qof la iibsan karo suldanadu iiibsan karto, dawladuhuna laaluushi karaan, kaasi aqoonyahan ma aha ".

7- " Gool baa la dhaliyeey maxay noloshaada ku soo kordhisay. "

8- " In Hooyo la noqdaa waxay ka Qurux badan tahay inaad noqoto injineerad ".

9- " Nin walba qabiilkiisa inta la dulmiyay buu ogyahay, laakiinse ma oga intay qabiilkiisu dulmiyeen oo aay Aakhiro u direen ".

10- " Quraanka haddii aad akhrido, qof Rabigii u waramaayo ayaad tahay bal qiyaas Rabigaa oo kula hadlaaya oo ku waramaaya ".

11- " Luuqada soomaaliyeed waa af Muslim, waa af diin iyo dadnimo ba xambaarsan ".

12- " Meesha Qiimaha leh ee u baahan inaan u shaqaysano waa Aakhiro ".

13- " Haddaad rabto dadka in caqligoodu ku aqbalo, waxa ka horeeya qalbigooda inaad furto qofkaad qalbigiisa furi kari weydana caqligiisana ma furi karaysid, qalbigana waxaa lagu furaa jacayl, naxariis iyo hadal wanagsan ".

14- " Waxa laga yaaba inad saacado badan ku bixiso iskuulka, intaad is leedahay yaad saaqidin ee waxbaro, oo ka warran maalinta qiyaame haddaad saaqido maalinta aan saaqidnimo ka weyni jirin ".

15- " Dadka kuwa ugu hantida badan
Aya ah kuwa ugu hurdada yar ".

16- " Hadday jannadu tahay meesha qofka loogu nimceenayo, caddabtuna ay tahay meesha qofka lagu ciqaabayo, Addunyaduna waxay tahay meesha qura ee laysku imtixaamayo ".

17- " Ilmaha inaad Guri uga tagto waxa ka qiimo badan inaad Diin uga tagto, inaad dhaqaalo u samayso waxa uga qiimo badan inaad isaga qof ka dhigto jira oo nool oo Muslim ah. Haddii uu qof Muslim ah noqdo oo Naftiisa ku kalsoon meel uu seexdo iyo wax uu cuno isagaa raadsanaayo ".

18- " Jaamacad baan ka baxay, shahaadaan qaatay, shaqo fiican baan helay war waad tagaysaaye waxaas oo dhan waa maalmo, maalin ama maalin badhkeed ayay nolosha oo dhan kula noqon marka qiyamaha lagu weeydiyo, oo nolosha ma maalin badhkeed bad dooratay marka ".

19- "In xaafad kasta laga dhiso toddoba Masaajid oo aan qaar-kood cidi ku tukan waxaa dhaanta adoo dhisa wado dadku maro, oo ka gaadhiga wata aanu gaadhigu kaga jabin ka maskiinka ah ee lugaynaayana aanu ku dhibtoon ".

20- "Islaamnimada wax mucaarad la yidhaahdaa kuma jirto, Islaamnimada waxa ku jira xaq iyo baadil, wixii xaq ah in aad taageertaa waa waajib wixii baadil ahna in aad ka soo horjeesataa waa waajib ".

2 Jahre, 12 Monate her

10 Qodob Oo Kuu Sahlaya In Aad Qofka Dareenkiisa Hanato:

-01. Ku dadaal Dhoollacaddaynta Yar Ee Aan Qosolkana u Muuqan, Haddana La Dagaalamaysa Weji Xirnaanta.

-02. Ereyada wanaagga iyo Ammaanta Leh, Laakiin Runta Ah Ee Aanay Buun Buuninta iyo Beentu Ku Jirin oo Aad Adeegsato.

-03. Haddiiba Doodi Timaaddo Ama Si Arrin Loogu Kala Aragti Duwanaado Weligaa Haku Adkaysan In Kaagu Uu Kii Saxda Ahaa Yahay, Kan Kalana Qaldan Yahay, Balse Ku Dadaal Isu Soo Dhoweyn Iyo in Aad Dhinacyo Badan Qofka Wax Ka Tusto.

-04. Shay Kasta Oo Aad Ka Hadlayso Afkaaga Inta Aanad U Kala Furin Hubi In Aad Xaqiiqadiisa Si Cilmi Ah Oo Run Iyo Waaqac Ah U Hayso, Haddii Kale Dib U Dhigo Si Marka Aad Soo Hubiso Aad Uga Hadasho.

-05. Muranka Iska Jir, Waayo Muranku Shakhsiga Kale Waxa Uu Ku Beeraa Canaadnimo Iyo In Uu Dagaal Iyo Ficiltan galo.

-06. Haddii Aad Jeceshay In Aad gacalka Dadka Kasbato Magacyadooda Xasuuso.

-07. Waqtigaaga Oo Dhan Ha Ku Qaadan Talo Iyo In Aad Waanooyin Uun Bixiso, Ogowna Oo Taladu Waqti Ku Habboon Iyo Qaab Ku Habboon Oo Loo Dhigo Ayaa ay Leedahay, Si ay Miro Dhal U Noqoto.

-08. Haddii Aad Doonayso In Aad Adigu Dadka Hoggaamiso Oo Aad U Horreyso, Tusi in Aad daba Socoto oo Aad Diyaar u Tahay Ama Ficil Ku Muujiso in aad Daba Socoto.

-09. Noqo Ruux Go’aankiisa iyo Taladiisa Fulin Ku Laran Tahay, Wixii Aanu Fulin Karinna Marka Hore Aan Dusha u Ridan.

  1. Qofka Aad La Hadlayso u Muuji Muhiimad in uu Leeyahay, Laakiin Haddana Ay Tahay Muhiimad Is-Weydaar Ah Oo La Mid ah Muhiimadda Aad Adiguna Isaga Agtiisa Ku Leedahay, Si Sinnaani u Muuqato.??
3 Jahre her

Haddii aadan naftaada jeclayn, ma awoodid inaad jeclaato Wax kale, haddii aadan naftaada aaminsanayn, ma awoodid inaad rumaysato wax kale.

We recommend to visit

SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!

@Abdii_Sabaa

?NU QUNNAMUUF?
@AbdiiSabaaDm

?BARNOOTAAF
@Abdiisabaa

?MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa

Last updated 2 months ago

https://t.me/joinchat/AAAAAFgrZgMjBcvdBf7YWg

Last updated 1 month, 4 weeks ago

asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 1 month ago