Unlock a World of Free Content: Books, Music, Videos & More Await!

Sheekooyin Madadaalo Leh

Description
Nagala soco sheekooyin xikmad, maad iyo madadaalo leh😂
Advertising
We recommend to visit

بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad 3000 Buug-Somali
Free Ah
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
https://telegra.ph/HA-DEG-DEGIN-AKHRI-11-15
© Somalibooks Pro Inc
- All Rights Reserved-⤵️
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 5 months, 1 week ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 1 month ago

Kala soco Xikmad iyo Qormooyin Markasta Io Meelkasta.

Last updated 1 month, 3 weeks ago

2 months, 1 week ago

Xigasho Bishaar M. Maxmed.

Soonqaad Wanaagsan: 1

Soomaali iyo Nolosheed: 1

Muddo saddex biloood dhan buu yiillay cusbitaalka. Nasiibxumo, xanuunkiisa waa loo maaro waayay. Cudurka haya, daawo suuxisa mooyee mid salka hoose ka murta, weli aqoonta dadku ma ayna gaadhin. Intii la karo uun baa la yaalaaye, wuxuu dulsaar ku ahaa daawooyinkaas ladnaanshaha mooyee wax kale aan ugu fillayn. Muddo sannado aha ayuu cudurkan la nool yahay. Sannadihii u danbeeyay noloshiisa, mar walba wuu bukay, waxaase kala duwanaa uun heerka xanuunka; oo bilo bilo cudurka ayaa legdada oo dhulka dhigta sida saddexdan bilood oo kale, bilooyin bilooyinnna wuu la luudaa isaga oo aad u tabar daran. Habeenkii raaxada hurdadu waxay ku dhaaftaa taaha xanuunka haya, maalinkiina wuxuu hawlihiisa u qabyeeyaa walbahaarka iyo murugada gudihiisa xididdaystay ee cudurkani ku hayo. Waa bukaansocod la qabsaday weyddiinta ah: "seed ka tahay xanuunkii"? Sida ay noloshuba ku qasbayso, wuxuu intaas oo dhan soo watay noloshiisa qofeed, qoyseed iyo toleed. Kollaba uma hadhin cudurkan oo si walba u go'aansaday in uu reebo. Hadda wuxuu sariirta yiillay saddex bilood oo caawa oo ay khamiis tahay afar habeen la'. Wiilkiisa u weyn, oo dadka lagaga garto summadda afeed ee aha Xasan, ayaa la qaybsaday xanuunka cudurka haya. Kuma cidlaynin sariirta cusbitaalka. Galab khamiiseed oo uu niskeedii hore aad u ladnaa, dadkuna dhafoorkiisa ku farxeen, ayuu mar keliya is beddelay. Xaaladdii jidhkiisa oo degganayd, ayaa kacday. Dhakhtarkii ku qornaa iyo Xasan ayaa la tacaalay kacdoonkankan jidheed ee aabbaha ku kediyay. Way dedaaleen, wuxuuse ahaa kacdoonkii lagu kala xoraynayay nafta iyo jidhkan jirran. Nin weyn wedkii wuu yaqaannaa e, todobaadkanba aabbuhu isu ma fayoobayn, sidaas awgeed, wuxuu ku jiray sagootiyid iyo dardaaran. Wiilkiisa Xasan aha, oo aha dheeggiisa dhulka kaga hadhi doona iyo curadkiisa, ayuu la dardaarmay. Uma tixin dardaaran qodob qodob aha oo hab waano ah u socda e, wuxuu uga dardaarmay taariikhda. Taariikhdiisii nololeed ayuu u wada kor maray. Si dardaaranka uu la damacsan yahayi maankiisa ugu xardhamo, qalbigiisana ula falgalo, talo kasta oo uu siinayo wuxuu ugu ladhayay tusaale nool oo la taaban karo oo laga soo helayo kaydka taariikhdiisii nololeed. Weedh walba oo hadalkiisa ah, wuxuu ku billaabayaa malaha eray la is yidhaa midka ugu naxariista iyo naruurada badan: 'Aabbo Xasanoow'. Waxaa hadalkiisa macaan ee ka samaysan lexjeclada iyo naxariista ka daran, erayada iyo weedhaha ay indhihiisa iyo wejigiisu hadlayaan ee wax lagu tilmaami karaaba jirin. Xasan oo keliya ayaa dhadhansaday dareenkii iyo macnihii ka sii muuqday wejigii aabbihii Daahir intii uu u dardaarmayay iyo markii uu dabkii noloshu hortiisa kaga dhacay. Baalasha labada indhood in uu isugu laabo, waxay ahayd hawshii ugu cuslayd ee uu qabtay intii uu soo noolaa. Wuxuu maqlay dhakhtarkii oo ka kor leh: "Kurtigeenba Ilaahay baa inna leh, isagaynuna u soconnaa! Ilaahayoow u naxariiso adeero Daahir!"

#Ma_Faafin_Kartaa?

2 months, 3 weeks ago

"إِنَّ هَٰذَا الْقُرْآنَ يَهْدِي لِلَّتِي هِيَ أَقْوَمُ "
"Quraanka kanu wuxuu idinku hagayaa hadba tabta ugu toosan ee ay noloshiina ku tanaadi karto”.
Quraanka adaa isku akhrin kara ama u yeeran kara cid kugu akhrisa oo sidiisa ayuu dawo la tijaabiyay u yahay,lkn waa inaadan aaminin wixii uu kaa waaninayay oo ah inaad aaminto in jiman iyo duulal qarsoon oo daciif ah ay adiga wax kuu dhimi karaan oo ay cudur iyo caafimaadba kuu heli karaan.

Rasuulka scw wuxuu tilmaamay in sharta Sheydaankuba ay ku eg tahay waswaasin oo kaliya oo uusan dhibaato waswaas dhaafsiisan dadka u gaysan karin.

Rasuulka scw wuxuu yiri:-
"( الحمد لله الذي لم يقدر منكم الا على الوسوسة) وفي لفظ (رد كيده الى الوسوسة) مسند أحمد (351/3)
“Ilaahay ayaa mahad leh aan Sheydaanka idinku siin awood dhaafsiisan waswaasin”
Lafdi kalana waxa uu ku yiri suubanuhu:-
“Ilaahay ayaa mahad leh dhagarta Sheydaanka ku koobay waswaasin oo kaliya”.

FIIRO GAAR AH:-

Waxyaabaha dadka badankii khalda waxaa ka mid ah duryanka iyo hadalka ama oohinta qofka nafsad ahaan u jiran ama dhimirka ka xanuunsanaya kolka quraanka lagu akhriyo’arintaa oo iyada qudheeda caafimaad ahaan loo ogaaday inay tahay xaalado jira oo ka dhalanaya khalkhalka ku dhacay habsami u socodka shaqadii maskaxda iyo sidii caadiga ahayd ee ay ula falgalaysay jirka intiisa kale ama qaar ka mid ah,ogow qofka noocaan ah xitaa haddii lagu akhriyo wax kale oon quraan ahayn inuu sidaa u duryamayo oo ay cabsida ka keenayso inuu su’alaha aad weydiinayso uga jawaabo sida aad rabto adiga ama dhaqankuba yahay sida kolka aad tiraahdo maxaad tihiin inuu ku yiraahdo jin baan nahay ama insi meel heblo ka soo raacay!!!ama dariiq sixir ku yimid iwm....dadka kale een iyagu lahayn habdhaqankaa ruuxaaniga ee ay inta badan isla yaqaanaan dadka diimaha rumeysan wax kale ayay ku duryamaan ama oga jawaabaan su’alaha la weydiiyo inta badana kama fogaadaan hab nololeedka ku gadaaman ee caadiga ka ah degaamadaa ay ku nool yihiin ama xaaladahaa ay la nool yihiin.

2 months, 3 weeks ago

“Marka aad quraanka akhriyeyso Eebe ka magan gal sheydaanka la fogeeyay,Sheydaanku wax awood ah kuma lahan Dadka Eebe rumeysan ee Alle talo saaranaya,kaliya sheydaanku wuxuu awood iyo amar ku taagleyn ku leeyahay Dadka isaga talo saaranaya iyo kuwa Alle u shariik yeelaya ee awooddii Alle kaliya lahaa sheydaan wax ka siinaya”.

Walaal ogow cudur iyo caafimaadba Allaa kuu haya,asbaabta ay ku yimaadaan iyo dawadoodaba Allaa dajiyay oo Aadanahana baray,ma jirto cudur iyo caafimaad Jini gacanta ugu jira,waa been la buunbuuniyay,sheydaanku waa daciif kuma qabsan karo caafimaadkaagana wax uma dhimi karo hadaadan adiga aaminin oodan talo saaranin.
U fiirso sida Alle ku sheegay Aayadda sare kaliya Sheydaan wuxuu uun waswaasin karaa ama dhibi karaa kii isaga talo saarta oo u yeela awood uusan lahayn.
Waligaa Iimaankaaga iyo Maskaxdaadaba ha ka siinin Jini iyo Sheydaan iyo duulal qarsoonba saldhigyo iyo bays ay adiga kaaga soo duulaan.
Walaal Muslim iska daayee Jimanka iyo Shayaadiintu dhibaato Caafimaad uma gaysan karaan xitaa Gaalada Aan Alle rumeysneyn waayo ma aaminsana mana aysan siinin saldhigyo ay naftooda ka soo weerari karaan,farqigu waa in aad adiga siisay Shayaadiinta Iimaan iyo Ictiqaad ku tacaluqa inay ku dhibaateyn karaan oo wax kuu dhimi karaan waana midaas midda ku dhibaysa ee Jini inta adiga ku dhex dego oo uu Ruuxdaada afgambiyo wax kuu dhimi karaa ma jiro.

Waa halis meelaha ay maanta wax marayaan,Magaalooyin dhan oo la leeyahay Jiniyo ayaa dhex degan Umaddii ku nooleyd oo inta Fuustooyin iyo Booyado Biyo ah lagu fataho la leeyahay waan ka furdaaminaynaa.

Walaal fakar siday ku dhici kartaa adigii Insiga ahaa ee uu Rabi kaa yeelay khaliifka Koonka kuuna dhiibay furayaasha Cilmiga iyo Aqoonta Dunida inaad maanta aaminto inay inta kaa saayid caleeyaan wax kuu dhimi karaan duulal qarsoon oo kaa liita oo itaal daran?!.

Arimahan siday ku socdaan haddaan laga waantoobin waxna laga qaban waxay u dhowdahay in la Aamino lana caabudo Awoodahaa dhuumaaleysta ee itaalka daran sidiiba hore u dhacday oo Allana inoo sheegay.

"وَأَنَّهُ كَانَ رِجَالٌ مِّنَ الْإِنسِ يَعُوذُونَ بِرِجَالٍ مِّنَ الْجِنِّ فَزَادُوهُمْ رَهَقًا "
“Waxaa jiri jiray Dad insi ah oo magan iyo fayaqab ka dalban jiray jiniga markaasay kibir iyo qooq u kordhiyeen”.

Wuxuu kaloo Alle yiri:-

"بَلْ كَانُوا يَعْبُدُونَ الْجِنَّ ۖ أَكْثَرُهُم بِهِم مُّؤْمِنُونَ"
“Dhab ahaantii Waxay caabudi jireen jiniga iyo duulalka qarsoon oo ay intooda badan rumeysnaayeen inay dhib iyo dheefba u hayaan”.

Ugu dambayntii walaal sida ku cad tacaaliimta diinteena ma jiro jiman iyo shayaadiin awood leh oo insiga wax u dhimi kara,mana jirto cudur iyo caafimaad ay duulalka qarsoon ku lug leeyihiin oo dadka asiibi kara.
Cudur iyo caafimaad waxa haya Allaha qaadirka ah ee abuuray oo ina baray asbaabta ay ku yimaadaan iyo asbaabta lagu daweeyo iyo asbaabta looga hortagi karaba.
Maanta sida cudurada caadiga ah ee jirka ku dhaca loogu daweyn karo dhakhtarka ayaa sidoo kalana loogu daweyn karaa dhakhtarka cudurada nafsadda ku dhaca ciddii Alle u qadaro.
Ma jirto sabab cad oo caqli iyo cilmi ku dhisan oo maanta loogu hogto wadaad leh shayaadiin ducafo ah oo dadkii dhex dagay ayaan dadka ka duraaminayaa oo umaddii rucbi iyo argagax ku riday.
Ma jirto jiman iyo shayaadiin ku dhex degan ama ku dhex degi kara ee adaa aaminay arintaas,wadaadka booyadaha biyaha ah sitana siiyay fursad uu lacag kaaga samayn karo isla markaana belaayo aan jirin uu damiirkaaga ku soo hogaamiyo.

Quraankuna sidiisa ayuu dawo u yahay oo uu u dawaynayaa cudurada damiirka ku dhaca oo ay shubhada iyo shakiga ugu horeeyaan oo damiirka iyo qalbiga ayuu xasilooni iimaan siiyaa.
Mar haddii damiirku fayow yahay waxay u badan tahay in jirka intiisa kalana helo dareen caafimaad iyo fayaqab. Sideedaba quraanku wuxuu inoo tilmaamaa oo inagu hagaa hadba sida san een u noolaan karno.

2 months, 3 weeks ago

Xigasho Qoraa . Cabdulaahi M. Xuseen

JINNI KUMA DHEX DAGI KARO,WAXNA KUUMA DHIMI KARO!!!!

Jini iyo Insi Ilaahay baa Dunida ku wada abuuray inay is galaan oo uu midkood kan kale galana looguma talo galin,mana jiro nas kaliya oo diini ah oo cad oo saxiix ama sariix ah oo si saani ah u sheegaya in Jinigu Insiga gali karo oo uu jirkiisa dheehi karo.
Kaliya Diintu waxay na bartay in Sheydaanku oo asalkiisa jiniga ka tirsanaa uu dowrkiisu yahay waswaasin iyo lumin oo kaliya.

"وَإِذْ قُلْنَا لِلْمَلَائِكَةِ اسْجُدُوا لِآدَمَ فَسَجَدُوا إِلَّا إِبْلِيسَ كَانَ مِنَ الْجِنِّ فَفَسَقَ عَنْ أَمْرِ رَبِّهِ ۗ
“Bal xus waqti aan Malaa’ikta ku niri Aadamu sujuuda oo ay sujuudeen marka Ibliis laga reebo wuxuuna asalkiisu ka mid ahaa Jiniga oo wuxuu ka falaagoobay Amarka Rabigii”.

Jini iyo Insi mid walba sidii Eebe ugu talo galay ayuu u nool yahay mana lahan wax is dhex gal iyo isku qasnaan iyo mucaamalo inta badan dhex marta ama dhex mari karta kolka laga soo tago xaalado naadir ah oo ku eg tii Nabi Suleymaan cs siiyay Alle iwm.

وَمِنَ الْجِنِّ مَن يَعْمَلُ بَيْنَ يَدَيْهِ بِإِذْنِ رَبِّهِ ۖ وَمَن يَزِغْ مِنْهُمْ عَنْ أَمْرِنَا نُذِقْهُ مِنْ عَذَابِ السَّعِيرِ (12) يَعْمَلُونَ لَهُ مَا يَشَاءُ مِن مَّحَارِيبَ وَتَمَاثِيلَ وَجِفَانٍ كَالْجَوَابِ وَقُدُورٍ رَّاسِيَاتٍ ۚ اعْمَلُوا آلَ دَاوُودَ شُكْرًا ۚ وَقَلِيلٌ مِّنْ عِبَادِيَ الشَّكُورُ (13) فَلَمَّا قَضَيْنَا عَلَيْهِ الْمَوْتَ مَا دَلَّهُمْ عَلَىٰ مَوْتِهِ إِلَّا دَابَّةُ الْأَرْضِ تَأْكُلُ مِنسَأَتَهُ ۖ فَلَمَّا خَرَّ تَبَيَّنَتِ الْجِنُّ أَن لَّوْ كَانُوا يَعْلَمُونَ الْغَيْبَ مَا لَبِثُوا فِي الْعَذَابِ الْمُهِينِ (14)

“Jiniyada qayb ka mid ah ayaa Nabi Suleymaan ugu shaqayni jirtay idinka Rabigii,oo kii isku daya inuu amarkayaga diido waxaan dhadhansiinaynaa cadaab huraysa,jiniyada waxay Nabi Suleymaan u samayn jireen wixii uu doono oo Mixraabyo ama Masaajiddo ah,iyo Taallooyin Nuxaas ka sameysan,iyo godod darar oo kale ah oo Biyaha lagu kaydiyo,iyo Dhariyo ama Digsiyo waaweyn oo Buuraha la eg,waxan ku niri reer Daa’uudow camal fala oo ku shukriya nimcadayda waxaaba yar inta adoomadayda ka mahad celisa nimcooyinka aan u galay.
Kolkaan Suleymaan geeridiisa xukunay hadiiba ma aysan ogaan Jiniyadii geeridiisa oo waxay uun ku baraarugeen kolkii uu aboorku cunay ushii uu ku dangiigsanaa oo markii uu dhacay ayay ogaadeen jiniyadii haddii ay Gaybka iyo waxa maqan ogaan lahaayeen inaysan ku nagaan lahayn cadaabka shaqo ee ay ku jireen.

Umaddii waxaa ayaamahan lagu cabsi galiyay Jinni iyo duulal qarsoon ayaa idin dhibaateynaya oo mar ay idin sixraan iyo mar ay idin galaanba caafimaadkiina wax u dhimi kara iyagiina waa rumeysteen inta badan.
War goormaa Jinni awoodaa yeeshay oo uu adigii Insiga ahaa oo uu Alle si walba kaaga sara mariyay uu sidaa kuu qabsaday.
Ogow Ilaaha aad rumeysan tahay hadaad Muslim tahay wuxuu si ku celcelis ah kuugu sheegay inay Jiniyada iyo Shayaadiintu daciif yihiin oo uusan makrigooda meelba gaari karin.

"إِنَّ كَيْدَ الشَّيْطَانِ كَانَ ضَعِيفًا"
“Sheydaanku dhagartiisu waa mid daciif ah”.

Sheydaanku waa mid jiniyada faasiqiinta ah ee adyadda iyo luminta ula taagan insaanka ka mid ah sida uu Allaba aayada quraanka ah een sare ku soo xusnay ku sheegay.

Sheydaanku waa cunsur jiniga sharta u bareeray ka mid ah,sidoo kalana waxaa sheydaan noqon kara oo shaqo sheydaan qaban kara Insiga sharta iyo shidada ku shuqlan.

Shayaadiintu ma heli karaan awood ka baxsan inay wax waswaasiyaan oo ay mararka qaar talada san Dadka weydaariyaan oo iyada qudheeda aysan khasab ku lahayne ku xiran oo kaliya kolka ay Dadku u dhaga nuglaadaan ooy ku dhaqaaqaan talada khaldan ee ay Shayaadiintu siiyeen.

"فَإِذَا قَرَأْتَ الْقُرْآنَ فَاسْتَعِذْ بِاللَّهِ مِنَ الشَّيْطَانِ الرَّجِيمِ (98) إِنَّهُ لَيْسَ لَهُ سُلْطَانٌ عَلَى الَّذِينَ آمَنُوا وَعَلَىٰ رَبِّهِمْ يَتَوَكَّلُونَ (99) إِنَّمَا سُلْطَانُهُ عَلَى الَّذِينَ يَتَوَلَّوْنَهُ وَالَّذِينَ هُم بِهِ مُشْرِكُونَ (100) "

3 months ago

23 Boqortooyo/Imbaraadooriyad ugu caansan uguna awooda badan Taariikhda Afrika.... Ogow qofka aad tahay

1) Boqortooyada Songhai (1401-1600) - Niger 🇳🇪, Mali 🇲🇱, Mauritania 🇲🇷, Senegal 🇸🇳, Nigeria 🇧🇫, iyo Ivory Coast 🇨🇮, Chad 🇹🇩

2) Boqortooyada Kemet iyo Kush in ka badan 11k taariikh ka hor 1nvaders - Masar 🇪🇬

3) Boqortooyada Ile-Ife ee Weyn (300 - 500 BC) 🇳🇬

4). Boqortooyada Great Igala/Attagara (800BC - 1700 AD)- Nigeria 🇳🇬/Uganda/Kenya/South Sudan/Congo/Sierra Leone

5) Boqortooyadii Aksumite(Axum)(100-940 CE) - Ethiopia/Eritrea 🇪🇹/🇪🇷

6) Boqortooyadii Mali (1235 ilaa 1670)- Mali 🇲🇱, Senegal 🇸🇳, Burkina Faso 🇧🇫, Niger 🇳🇪, Guinea 🇬🇳, Gambia, Gambia

7) Boqortooyadii Great Benin (900s -1897AD) - 🇳🇬

😎 Boqortooyada Ghana ( Wagadu 601 - 1240) - Mauritania 🇲🇷, Senegal🇸🇳

9) Boqortooyadii Wayn ee Zimbabwe (1220-1450 CE)- 🇿🇼

10) Boqortooyadii Xabashida ( Abyssinia ) 1270 (bilowgii Boqortooyadii Sulaymaan) ilaa 1974 - Itoobiya 🇪🇹

11) Boqortooyadii Kush (1069 BCE iyo 350 CE) - Sudan/ South Sudan 🇸🇩/🇸🇸

12) Boqortooyada Kongo ( 1301 - 1665 ) - Angola 🇦🇴 DRC 🇨🇩 Congo 🇨🇬 iyo Gabon 🇬🇦

13) Boqortooyadii Oyo.(1300-1835) - Nigeria 🇳🇬

14) Boqortooyadii Carthage (814 BC–146 BC)- Tunisia 🇹🇳

15) Boqortooyada Kanem-Bornu. (1396-1893)- Nigeria 🇳🇬

16) Boqortooyadii Mutapa (c. 1450-1629)- Zimbabwe/Mozambique 🇿🇼/🇲🇿

17) Boqortooyadii Ashanti. (1701 ilaa 1901)- Ghana 🇬🇭

18) Aro Confederacy (1690–1902)- Nigeria 🇳🇬

19) Boqortooyadii Jolof. (1350 ilaa 1549)- Senegal 🇸🇳

20) Boqortooyada Nri (1100 ilaa 1911)- Nigeria 🇳🇬

21) Boqortooyadii Luba.(1585–1889) - DRC 🇨🇩

22) Ilbaxnimadii Nok.(1500 BC — c. 500) AD- Nigeria 🇳🇬

23) Boqortooyadii Zulu (1816-1897)- Koonfur Afrika 🇿🇦

3 months, 2 weeks ago

Xigasho sulaymaan xaashi
Bal aan ugu celiyo inay wax ku qaataan.
Social Media iyo Soomaalida.
Dadka Soomaalida waagii hore waxa ay isku yaqaaneen dad xishood badan, xaqdhawr leh, arimaha shakhsiyaadka ama xogta shakhsiga iyo tan qoyska intaba ka sariigta{Personal Information}. Dadku waxay ilaalin jireen xogtooda iyo ta qoyskooda waxay xaq dhawri jireen waa sida la islahaaye arimahooda gaarka ah iyo kuwa guudba. Balse warbaahinta bulshada{Social Media} ayaad moodaa inay wejigeena dhabta ah soo saartay taasoo Soomaalida ka dhigtay badankooda kuwa an lahayn arimaha kore balse aan haysan Aalad ay ku faafiyaan waagii hore, hadana fursaddii si xirfad darro ah u adeegsanaya. Waxa kaloo jiro xanuuno dhanka dhimirka ah oo dadka ugu badan ee waxyaalahan sameeyaa qarsadaan.

Waxyaalaha waa weyn ee diiniyan, Akhlaaqiyan, Qiyam ahaan iyo shakhsiyad ahaanba aan wanaagsanayn ee aan ku arkay waxa ka mid ah.
1. Qof xogtiisa gaar ahaaneed kula wadagaaya bulshada halkan sida Wiil ama gabadh ka sheekaynaysa waxyaalah nolosheeda khuseeya haba ugu darnaato arimaha dadka is qaba. Ilaahay Quraankiisa wuxuu gaadhsiiyey inuu dhaho Dhar beey idin yihiin idinkuna dharbaad u tihii'' Surah Al-Baqrah. Bal dharkaaga maxaa ka hoose waa cawradaadii hadaad dharkaga faydo maxaa soo baxaya waa Cawradaadii.

Diinta marka laga yimaado xataa dalalka Gaaladda xogta shakhsigu waa waxyaalaha ugu waa weyn la qariyo, heer waxaa la gaadhsiiyey markaad shaqo buuxsanayso lagu dooran siiyo xataa inaadan sheegin waxaad tahay. Waa laga yabaa in si kale aad u qaadatid laakiin waa lagu akhyaar gelinayaa. Waxa ka mid ah dad is guursanaya ama ha kala weynaadeen ama hakala yaraadeen oo sawiradooda la soo faafiyo, waa gef, waa xan, waa arin xataa maxkamad aad ku mutaysan karto inaad dad is guursaday ka dacaayadeyso warbaahinta bulshadda. Qofkaasi sharciyada dunida oo dhan buu kula tiigsan karaa.
Xataa iskadaa dacaayadde dadka aan kuu dirsan inaad u Hambalyeyso arooskooda ama meherkooda ama aadan ka haysan fasax waa danbi inaad sawiradooda soo dhigto'' Bal ka waran hadeysan raaliba ka ahayn in la shaaciyo?'''.

Waxaad kalaoo arkaysaa, rag iyo dumar weliba tan ragaa u badan oo halkan sawiradooda soo dhiga xasaskooda amaan iyo Erayo dhal dhalaal ahna ku Ladha. Horta hadaad xaaskaaga ama odeygaaga jeceshay adeey kuu fiican tahay. Sharaf ka weyni ma jirto inaad ayada /Isaga u muujiso oo aad noloshiina guriga iyo tiina caruurtiina ka dhex muujisaan, Kuwa halkan iska amaana waxaan u arkaa waa kuwa hadhawna halkan iska caaya markeey isku dhacaan.

Gabi ahaanba dhaqankeenii wuu bedeley Social Media ama wuu ina soo bandhigay waxaynu ahayn. Labadaas arimood ka saxda ah darasaad ayuu u baahan yahay. Ilaalinta waxa loo yaqaano {Privacy}, waa muhiim diiniyan iyo maadiyanba. Gaal iyo Islaam Soomaali uun ayaa dhaqamadan ku arkay, dad is calmaday ayeey xuquuqdoodii iyo sharaftoodii ku tumanayaan sawiradoodii ka hadlayaan, yaa kuu baneeyey Cirdigooda, sharaftooda, maalkooda iyo dhiigoodu waa kaa xaaraan. Gaaladda ayaan ku arkaa markeey diinteena iyo Suubanahaneea NNKH ay jaa'ifeenayaan xaga guurkeey ka abaaraan waxay dhahaan Umuunaa Caa'isha ayuu ayadoo yar guursadey, maxaad kaga duwan tahay adba qof walaalkaa ah oo xaaskiisii ay ku qanacsan tahay baad dusha ka saaran tahay!!

Hada ogoowbeey Madaxweynihii Maraykanka Trump iyo xaaskiisu waxay kala weyn yihiin 31 Madaxweynaha Faransiiskuna islaantiisu waxay ka weyntahay sodomeeyo sano. Bal cid caayaysa ka soo hela Social mediayada. Bal cid ka sheekanaysa sariirahooda iyo sirahooda nololeed Gaal iyo Islaam soo arka. Soomaaliyeey ama iska dayaa social media ama Akhlaaqda guud ilaaliya.

Jumce wanaagsan

4 months ago

KAFTAN SAAKA

Shiikh Gaalkacyo qaalli ka ahaa ayaa la sheegay in reerkiisii ku yiraahdeen berri annaga iyo reer hebel ayaa arrin kuula imanayna ee noo hiilli. Wuxuu yiri "Hilladu waa xaq la igu leeyahay, laakiin wuxu waa rag e armay na fahmaan?" Waxay yiraahdeen adigu xaqa ku saaran gudo. Waayahay ayuu yiri. Markuu dhegeystay gartii, ayuu reerkiisii u xukumay. Qoladii kale ayaa tiri "Shiikhoow waad naga eexatay". Intuu kuwii reerkiisa ahaa eegay, ayuu isagoo la wada maqlayo yiri "War sow idinma oran wuxu waa ragoo waa ina garan doonaan!"

Soomaalidu waa wada rag waana la isu jeedaa.

Ustaad Cabdulqaadir Diiriye

4 months, 1 week ago

Wiil baa isagoo diidaya ina adeertiis qaab khasab ah loogu daray.

Gabadha weligiis hore uma aanu arag eh, sida ay shareecadu qabto, waxa lagu yiri: “Bax oo soo eeg, waa intaasoo aad jeclaataaye”.

Markuu soo laabtay baa la weydiiyay: “Ka warran gabadha, sideed u aragtaa?”

Ku lahaa: “Waa uun adeerkay Faarax oo indhakuul loo mariyay”

Sabriye Musse

5 months, 2 weeks ago

Islaantii qorshaysatay inay iska xiirto timaha hoose, markay kala badh marinaysey ayay ku daashay oo inta ay kala jebisay makiinaddii oo mus u dhawaa gashatay ayay tidhi: "dhankaa dhan dhedh"! Noloshu waa sida timahaa. 🤣

6 months, 1 week ago

WHEN TO BE SILENT
1. Be silent - in the heat of
anger.
2. Be silent - when you don't
have all the facts.
3. Be silent - when you
haven't verified the story.
4. Be silent - if your words
will offend a weaker Person.
5. Be silent - when it is time
to listen.
6. Be silent - when you are
tempted to make light of
holy things.
7. Be silent - when you are
tempted to joke about sin.
8. Be silent - if you would be
ashamed of your word later.
9. Be silent - if your words
would convey the wrong
impression.
10. Be silent - if the issue is
none of your business.
11. Be silent - when you are
tempted to tell an outright lie.
12. Be silent - if your words
will damage someone else's reputation.
13. Be silent - if your words
will damage a friendship.
14. Be silent - when you are
feeling critical.
15. Be silent - if you can't
say it without screaming.
16. Be silent - if your words
will be a poor reflection
of your friends and family.
17. Be silent - if you may
have to eat your words
later.
18. Be silent - if you have
already said it more
than one time.

We recommend to visit

بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad 3000 Buug-Somali
Free Ah
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
https://telegra.ph/HA-DEG-DEGIN-AKHRI-11-15
© Somalibooks Pro Inc
- All Rights Reserved-⤵️
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 5 months, 1 week ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 1 month ago

Kala soco Xikmad iyo Qormooyin Markasta Io Meelkasta.

Last updated 1 month, 3 weeks ago