Halyeeyadii_Hore

Description
Dad waa kii hore hadalna waa intuu yiri.
Advertising
We recommend to visit

SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!

@Abdii_Sabaa

💬NU QUNNAMUUF💬
@AbdiiSabaaDm

🎯BARNOOTAAF
@abdii_sabaa_university

🎯MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa

Last updated hace 5 días, 5 horas

asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated hace 2 meses

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated hace 2 semanas, 4 días

2 months, 1 week ago
6 months, 1 week ago

Nabigu (NNKH) wuxuu yiri ;-

"Qofka Saaimkaa (sooman) wuxuu leeyahay duco la aqbalo Marka ay qorraxdu sii dhaceyso ee xilligaas Ducadiina badiya oo alle wax weydiista "

6 months, 1 week ago

Ilaahow , Ilaahow , Ilaahow

Ilaahow Nugu dar adoomadaada aad maanta Naarta ka xoreyneyso oo liiska Jahanamo laga tirtiraayo , Adigaan gacmaha kuu hoorsanee . ?

6 months, 1 week ago

Asc wllaha qaaligaa een madashaan quruxda badan ku Midownay, sidii aan halkaan ugu kulannay ilaahay hanoogu kulmiyo janadiisa.

Intaas kadib waxan rajeynayaa inaad wada caafimaad qabtaan ood ladantihiin, Mashquul iyo tacab dheer kadib dib ayaan u midownay oon iskugusoo noqonay Allaha qaadirkaa ayaana taas ku mahadsan.

Waxaan u maleynayaa dadka qaar in ay nadhibsadeen inta aan hawada ka maqneyn, cidkasta oo halkaan caajis iyo cidlo ku dareentay raalli gelin buuxda ayaan siineynaa.

Shaqadii aan dadkeygaa u haayey halkeedii ayey noogasii socon doontaa haddii Eebbe weyne yiraahdo insha allah.

Soo dhowaada Dadkii la iga beeroow, waadna ku mahadsantihiin dulqaadka aad muujiseen, Sharaf iyo karaamo korkiinna ha ahaaTo. ?

Qofkasta oo qoraalkaan soo gaaro fikirkiisa ha cabiro caawa.

9 months, 1 week ago

Qofkii raba in uu Adduun guuleysto quraanka haku dadaalo oo ha akhriyo.

Qofkii raba in uu Aakhiro guuleysto quraanka yuusan moogaan oo haku dadaalo akhtintiisa.

Qofkii raba in uu Adduun iyo Aakhiraba guuleysto quraanka haku dadaalo.

Liibaan iyo guul adduun iyo mid aakhiraba Waxay u sugnaatay dadka Ahlul Quraankaa.??❤️

-Maxilli

1 year ago

Nolosha iyo wakhtigu midkoodna kuma sugayo. Macaanka iyo micnaha caafimaadka kaliya waxaad dareemaysaa markaad xannuun la jiifsato. Qiimaha xorriyada waxaad dareemaysaa markaad lacag iyo xeeladba ku heli weydo. Waxa aad imika haysato ee aad saluugsan tahay, waxa jira dad badan oo ay riyo u tahay. Qolka mugdiga badan, ee cidlada ah ka bax, oo u fiir-fiirso nolosha quruxda badan ee banaanka ka jirta. Faham micnaha nolosha walaal. Wax kastaa wey kuu hagaagi doonaan insha Allah.

1 year, 5 months ago

Ciid Mubaarak dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan bahda halyeeyadii_hore, waxaan hawada idiin soo marineynaa hambalyada iyo farxadda Ciida Al-adxa, ciid wanaagsan kuciida, ciidaan ciideeda kale alle hanugu gaarsiiyo bash bash iyo baraaro iyo barwaaqo annagoo wada caafimaad qabna.

1 year, 6 months ago

???????? ??????

Maanta oo ah maalintii 9aad ee bisha Dil-Xijja (carafo) ayaa ah maalin aad u weyn fadligeeda. Maanta waa maalinta ay Xujeeyda ay u diyaar garoobayaan inay istaagaan buurta Carafa, taasoo ka mid ah tiirarka uu Xajka ka kooban yahay kan ugu weyn, oo la’aantiisu uusan ansax noqonaynin xajka, sida uu Xabiibka Suubbanaha Muxammad (scw) uu u yiriba: ”Xajku waa Carafa”, taasoo loola jeedo istaagga buurta Carafa.

#Ducada maalinta Carafa

Maalin la duceysto waxaa ugu fadli badan ducada maalinta sagaalaad ee Carafa, sidaa darteed ayeey Xujeeyda afkooda ka go’eynin maanta oo kale xuska Alle, iyadoo ka shidaal qaadanaya Rasuulka (scw) hadalkiisii uu yiri ”Ducada waxaa ugu fadli badan ducada maalinta Carafa, wax la yiraahdana waxaa ugu sii fadli badan waxaan anniga iyo Nebiyadii iga horeeyay ay yiraahdeen oo ah "لا إلهَ إلاَّ اللَّه وحْدهُ لاَ شَرِيكَ لهُ، لَهُ المُلْكُ، ولَهُ الحمْدُ، وَهُو عَلَى كُلِّ شَيءٍ قَدِيرٌ،”.

Guud ahaan muslimiinta (aan xujeeyda ahayn) waxaa loo jideeyay inay soomaan maanta oo kale, maxaa yeelay wuxuu Nebigeena (scw) ku boorriyay guud ahaan muslimiin inay badiyaan acmaasha wanaagsan maalmahan aynu Ku jirno, soonkuna wuxuu ka mid yahay acmaasha wanaagsan inta la qabto. Nebiga (scw) wuxuu soomi jiray maalinta sagaalaad (maantoo kale) ee bisha Dil-Xijja. Sida laga weriyay mid ka mid ah xaasaska Rasuulka hadal ay tiri wuxuu Nebiga (scw) soomi jiray maalinta sagaalaad ee Dil-Xijja iyo maalinta Caashuuraa iyo saddex maalmood bil kasta.

#Maalinta_mash_huudka

Maalinta Carafa waa maalinta loogu magac daray “maalintii mash-huudka”, waa maalinta qofkii si Alle dartii ah u sooma uu Ilaahay u dhaafayo denbigiisa labo sanno, waa fadli aad u weyn oo nooga yimid xagga Eebbe(sw) ee naxariista badnaa, mudanna in laga faa’iideysto. Qof kasta oo muslim ah waxaa dushiisa saaran inuu weyneeyo nimcooyinka ay wataan maalmahan.

Buurta Carafa, 15 km ayey u jirtaa Makkah

#Salaadda_Namira

Xujeeyda waxay maanta salaadda duhur iyo casarkuba ku tukanayaan Namira, iyadoo la wada jamcinayo oo la soo gaabiyay, loomana dhaxeysiinayo dhexdooda wax sunno ah. Markay qoraxda dhacdana waxay aadayaan Musdalifa, halkaasoo uu Xaajigu salaad jamac-la-dib-dhigay ah ugu tukanayo salaaddii maqribka iyo cishaha. Xaajiga waxaa u bannaan inuu seexdo Musdalifa ilaa laga gaaro waaberiga, dabadeedna wuxuu aadayaa Mina, isagoo badinaya xuska Alle iyo dembi dhaaf-dalbidda laga dalbayo Eebbe (sw), wuxuuna soo guranayaa quruurixii/dhagxaantii (aan weynayn) ee uu ku gani lahaa buurta “jamratul-caqaba” subaxa maalinta gooraca ee Mina.

Maanta waa maalinta alle tirada ugu badan uu Naarta ka xoraynayo, alle naarta hanaga xoreeyo dhamaanteen . ?

Maxamuud Maxilli

1 year, 6 months ago

Asc wllaha qaaligaa een madashaan quruxda badan ku Midownay, sidii aan halkaan ugu kulannay ilaahay hanoogu kulmiyo janadiisa.

Intaas kadib waxan rajeynayaa inaad wada caafimaad qabtaan ood ladantihiin, Mashquul iyo tacab dheer kadib dib ayaan u midownay oon iskugusoo noqonay Allaha qaadirkaa ayaana taas ku mahadsan.

Waxaan u maleynayaa dadka qaar in ay nadhibsadeen inta aan hawada ka maqneyn, cidkasta oo halkaan caajis iyo cidlo ku dareentay raalli gelin buuxda ayaan siineynaa.

Shaqadii aan dadkeenna u haynay halkeedii ayey noogasii socon doontaa haddii Eebbe weyne yiraahdo insha allah.

Soo dhowaada Dadkii la iga beeroow, waadna ku mahadsantihiin dulqaadka aad muujiseen, Sharaf iyo karaamo korkiinna ha ahaaTo. ?

We recommend to visit

SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!

@Abdii_Sabaa

💬NU QUNNAMUUF💬
@AbdiiSabaaDm

🎯BARNOOTAAF
@abdii_sabaa_university

🎯MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa

Last updated hace 5 días, 5 horas

asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated hace 2 meses

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated hace 2 semanas, 4 días