Why Pay for Entertainment? Access Thousands of Free Downloads Now!

Murtiile channel

Description
Kusoo dhawoow walaal dagalkan cusub.
Waxa aan soo galin doonnaa:
1. Murti
2. Dhiirigalin
3. Halxiraaleyaal
4. Gabayo
5. Maad iyo qosol
6. Waydiimo diini iyo maaddi.
Walaal nagu soo biirπŸ™
Advertising
We recommend to visit

Waa mareeg lagu aruuriyo duruusta culimada soomaaliyeed.

Waxa ka masuul ah:
https://t.me/IshraqCenter

Kala xidhiidh maamulka halkan:
@Turaasculimobot

Waxaad ka heleysaa buugaag ku qoran Luqadaada Hooyo ee Af-Soomaaliga oo ka liyah

Fadlan wixii Su'alaha la xariir

@liibaanwaasuge
@Mfaratoon

Hoyga Aflaanta Hindiga & Musalsalda Afsomali ah Gaar ahaan Kuwii Hore ee 70aad Kii ilaa 2024 Jaceyl Waali @ALFAGHISTUDIO Halkan Ka Daawo

6Β months, 1Β week ago

Talo dhalin.......
Waan ku salaamay saaxiib;
Haddii aad tahay arday dugsi sare dhameeyey oo u hanqaltaagaya inuu bilaabo hayaankiisa jaamacadeed ogow qodobbadaan:
FG. Aqoonta dadku bartaan waa laba qeybood:

β˜…Baro aqoonta lacagta ka hor inta aadan baran aqoonta shaqada.

  1. Inta aadan bilaabin jaamacadda is weydii sababta aad u bilaabeyso gun iyo baar u gorfee waxa kuu soo baxa.
  2. Ogow dunidu maaha sidii ay aheyd toban sano ka hor, noloshu marba marka ka sii dambeysa waa sii fududaaneysaa ee ha isku adkeyn.
  3. Haddii aad rabtid inaad bilowdid jaamacad oo aadan aqoon fiican u laheyn afka ingiriisiga ka joog jaamacadda oo hal sano oo koorso ingiriis ah qaado si wacanna ugu dadaal waayo waa furaha dunida casriga ah.
  4. Noqo qof aan xaddidneyn oo ujeedku yahay hal aqoon ha isku xidhin oo baro aqoon kala duwan weliba adiga oo xoogga saaraya takhasuskaaga jaamacadeed.
  5. Ugu dambeyn haddii aad jaamacadda u galeyso inaad cilmigaas barato oo aad ku shaqeysato cilmigaas 4 kal ka dib; KA JOOG! oo waad habowsan tahay ma ogtahay inaad hadda shaqeyn karto weliba kharash ka badan kan aad afar sano kadib ku shaqeyn doonto ee maskaxda tuuji.

Ogow qof walba waxa uu raadinayaa waa lacag haddii aad lacag dooneyso waddooyin ka fudud ayaa jira kana waqti yar ee waddooyinkaas qaad

7Β months, 1Β week ago

*Marka la wado ee la wado ee dhan loo saaro iyo wadahadal waxba lagu keeni waayo, xalka Soomaalidu waxa uu ku danbaynayaa in ay cidi uun awood sheegato oo ay saaxadda qabsato, cidda ay doontoba ha ahaato'e.

Xal kale oo Soomaalida maanta loo hayo garan maayo.*

1Β year ago

https://t.me/Riyofasir230

Telegram

Fasirka riyooyinka

Channelkan waxa aad ka helaysaa taxane ku saabsan fasiiraadda riyooyinka. Gacmo furan ku soo dhawoow walaal.

Murtiile channel
1Β year, 2Β months ago

JADWALKA UGU FUDUD AKHRINTA QURAANKA BISHA BARAKAYSAN
πŸŒ™*πŸŒ™πŸ“–πŸ“–πŸŒ™πŸŒ™              

Habka aad ku dhamayn karto 30-ka juz ee Qura,aanka Bisha Ramadaan (1 mar )
‏-
β€’ Salaada subax kadib :  4 page
β€’ Salaada Duhur kadib :  4 page
β€’ Salaada Casar kadib :  4 page
β€’ Salaada Makhrib kadib :  4 page
β€’ Salaada cishaa'i kadib :  4 page

Habka aad ku dhamayn karto 30-ka juz ee Qura,aanka Bisha Ramadaan ( 2 mar )
‏-
β€’ Salaada subax kadib :  8 page
β€’ Salaada Duhur kadib :  8 page
β€’ Salaada Casar kadib :  8 page
β€’ Salaada Makhrib kadib :  8 page
β€’ Salaada cishaa'i kadib :  8 page
‏
Habka aad ku dhamayn karto 30-ka juz ee Qura,aanka Bisha Ramadaan ( 3 mar )
‏-
β€’ Salaada subax kadib :  12 page
β€’ Salaada Duhur kadib :  12page
β€’ Salaada Casar kadib :  12 page
β€’ Salaada Makhrib kadib :  12 page
β€’ Salaada cishaa'i kadib :  12 page

‏Habka aad ku dhamayn karto 30-ka juz ee Qura,aanka Bisha Ramadaan )5 mar
‏-
β€’ Salaada subax kadib :  20 page
β€’ Salaada Duhur kadib :  20 page
β€’ Salaada Casar kadib :  20 page
β€’ Salaada Makhrib kadib :  20 page
β€’ Salaada cishaa'i kadib :  20 page

Kaliya waxay ubaahantahay Go,aan adag iyo joogtayn*

@murtiile1

1Β year, 2Β months ago

*3 WAA INAAD OGAATAA NOLOSHAADA

  1. Waligaa qof ha baryin.

  2. Ha noqonin qof ku tiirsan qof kale.

  3. Waligaa ha aaminin qof*

@murtiile1

1Β year, 2Β months ago

Weligaa ha joojin inaad rumaysato rajada sababtoo ah mucjisooyinku waxay dhacaan maalin kasta.

@murtiile1

1Β year, 3Β months ago

Xaq ayaad u leedahay inaad nacdo dadka qaar balse marna xaq uma lihid inaad sharaftooda wax ka sheegto``.

@riyofasir230

1Β year, 3Β months ago

Yaa kubaray in aabahaa yay ahaa!!!! Ilma yar oo yay ah oo hoyadii ka dhimatay markay dhashay ayaa waxaa uyimi gabar ari raac ahayd,gabadhii ilmihii yayga ahaa oo hada dhashay ayay soo qaaday,ri' ayay hooyo uga dhigtay,wuu nuugi jiray,wuu waynaaday,cayilay oo xoog yeeshay. Maalin Maalmaha kamid ah yaygii oo xoolihiisii iskadhex jooga kana mid ah ayaa waxaa Mel aaday gabadhii ariga raaci jirtay,markii ay soo laabatay Ayay waxay aragtay wax aad uga yaabiyay. Waxay utimi yaygii oo cunay ridii nujin jirtay,soo Korisay,hooyadii ahayd ee uu naaskeeda xooga uu maanta kucunay kuyeeshay,Yaygan waligii yay kale ma arag,bahal wax cunaya ma arag Lakin wuu cunay Rida markuu waynaaday. Gabadhii oo amakaagsan***😲*** ayaa yaygii kutiri oraah ah"yaa kubaray inuu ababhaa yay ahaa". qisadan waxa aynu kabaranaynaa in dadka qaar sikasta oo aad u gacan qabato,ucaawiso,usoo dhowaysato ay yihiin dad xun oo aakhirka adiga wax kuyeelaya Kana qoomamaynaysid sababta aad ucaawisay xumaantana uu kadhaxlay cidii dhashay dhiigiisana ku talaalantahay.!!!!. """Yaa kubaray in uu abahaa yay ahaa"""

1Β year, 3Β months ago

π™°πš‚πšƒπ™°π™°π™Όπ™°π™·π™° 𝙳𝙰𝙳𝙺𝙰 π™²π™°πš€π™»π™Έπ™Άπ™° 𝙱𝙰𝙳𝙰𝙽

- Madax adayg:
Dadka maskaxda badan fikirkooda iyo aragtidoodu waa ay cad yihiin, ma qarsadaan mana aqbalaan tanaasul. Arrintaas waxa ay yaraantooda ku noqotaa ceeb iyo in ay ku nacaan ehelka, asxaabta iyo guud ahaan dadka ku xeerani, laakiin ugu danbaynta waxa ay sabab u noqotaa in a ay horumar ballaadhan gaadhaan. Gooni joogga oo ay jeclaadaan:
Dadka maskaxda badan waxaa lagu yaqaannaa in ay jeclaadaan gooni u joogga iyo in waqtigooda ay gaarkooda u qaataan. Suaal badnaanta:
Inta badan dadku qofka suaalaha badan waxa ay u arkaan in uu yahay qof fahamkiisu hooseeyo, laakiin waxa ay culimada cilminafsigu caddeeyeen in su?aasha badani ay calaamad u tahay in qofku uu doonayo in arrinka uu si fiican u wada fahmo,

@murtiile1

1Β year, 3Β months ago

𝖣𝗁𝖺𝗅𝖽𝗁𝖺𝗅𝖺𝖺𝗅𝗄𝖺 π–½π—Žπ—‡π—‚ 𝗄𝖺𝗅𝖾
π–­π–Ίπ–Όπ–Ίπ—Œ 𝖻𝖺𝖺 π—„π—Ž 𝖽𝖺𝖺𝗅𝖾𝖾
𝖭𝗂𝗇 𝗋𝖺𝗀 𝖺𝗁𝗂 𝖽𝖺𝗇 𝗄𝖺𝗆𝖺 π—€π–Ίπ—…π—ˆ
𝖲𝗁𝖺𝗋𝖺𝖿𝗄𝗂𝗂 π–½π–Ίπ–½π—‡π—‚π—†π–Ίπ–½π—‚π—’π—ˆ
𝗂𝗀𝖺 𝖽𝗁𝗂𝗆𝖺𝗒 𝖽𝖺𝗆𝗂𝗂𝗋𝗄𝗂𝗂
π–£π–Ίπ—…π—Šπ—ˆ 𝗇𝗂𝖻𝗂𝗋𝗂 𝖻𝖺𝖺𝗇 𝗀𝖺𝗅𝖺𝗒
π–ͺ𝖺 π–Ώπ—ˆπ—€π–Ίπ–Ίπ–½π–Ίπ—’ 𝖽𝗂𝗂𝗇𝗍𝗂𝗂
π–£π–Ίπ—†π–»π–Ίπ—‹π—Œπ–Ίπ–½π–Ίπ—’ π—‡π–Ίπ–»π—Œπ—‚π—€π–Ί π–»π–Ίπ–Ίπ—Œ
π–ͺπ—Žπ—€π—Ž 𝗋𝖺𝖺𝖼𝖺𝗒 π–½π—ˆπ—ˆπ–½π–½π–Ύπ–Ύ
π–£π—Žπ—Žπ—…π–Ίπ—’π–Ύ π–Ίπ—…π—…π—ˆπ— 𝗇𝖺𝖻𝖺𝖽
π—‚π—€π—Ž 𝗀𝖾𝖾 𝖽𝖺𝗅𝗄𝖺𝗒𝗀𝗂𝗂

#𝖺𝖻𝗐𝖺𝖺𝗇_π—‘π–Ίπ—Œπ–Ίπ—‡_𝖼𝖺𝖻𝖽𝗂_𝗆𝖺𝖽𝖺𝗋
@zamawi230

We recommend to visit

Waa mareeg lagu aruuriyo duruusta culimada soomaaliyeed.

Waxa ka masuul ah:
https://t.me/IshraqCenter

Kala xidhiidh maamulka halkan:
@Turaasculimobot

Waxaad ka heleysaa buugaag ku qoran Luqadaada Hooyo ee Af-Soomaaliga oo ka liyah

Fadlan wixii Su'alaha la xariir

@liibaanwaasuge
@Mfaratoon

Hoyga Aflaanta Hindiga & Musalsalda Afsomali ah Gaar ahaan Kuwii Hore ee 70aad Kii ilaa 2024 Jaceyl Waali @ALFAGHISTUDIO Halkan Ka Daawo