Infinite Entertainment, Zero Cost: Get Your Free Books, Music, and Videos Today!

Dareen

Description
Faldan channel ka sii faafi, Isku day ugu yaraan in aad hal qof nagu so biiriso adigoo sii gaarsiinayo linkiga channel ka Oo ah Dareen.👇
Kuso dhawow Dareen.
Dareen Dhab ah.
Advertising
We recommend to visit

بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad 3000 Buug-Somali
Free Ah
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
https://telegra.ph/HA-DEG-DEGIN-AKHRI-11-15
© Somalibooks Pro Inc
- All Rights Reserved-⤵️
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 5 months, 1 week ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 1 month ago

Kala soco Xikmad iyo Qormooyin Markasta Io Meelkasta.

Last updated 1 month, 3 weeks ago

3 weeks, 1 day ago

- Noloshu malaheyn macaane
- Macnaha adiga u yeelay
- Waxaa kuu mahad naqeysa
• Naftaad moraalka siisay
• Wuxuu bixin karo maqluuqu
- Naftaa u martabad sareysee
• Macaan qasnadaha jirkeyga
• Adaan meher kaaga dhigay
- Waxaa maqli jiray xabiibi
• Markad hesho ruux ku furan
• MURUGTA WAA LAGA BAXAYE
• Mugdigii adigaa kaxeeyay
• Sidii dhirta maacaleyshta
• Muqaalkiyo aragtidaada
• Ayaan ku maqsuudayaaye
• ⁠Horteyda Ka muuqo qaali
• ⁠Kuwii igu maadsanaye mantan u
• Jawabayaaye inaadtahay ruux
• Muhiima anaa kuu marag furaaya.
• ⁠Macan Aniga Ku Jecel 🫶🥰❤️😘

4 months ago

Waagii Uu Noolaa Sheekh Cumar Faaruuq Alle ha u naxariistee ayaa waxaa suuq guur Ragga soomaalida oga furmay wadanka Hindiya gaar ahaan koonfurtiisa siiba magaalada Hyderabad, waxaana aad ugu xoomay Rag badan oo soomaali ah kadib baa waxay gaartay in culimada lala wadaago arinkaas waxaana la weydiiyey Shiikha
Waxaa la yir " Shiikh Raggii soomaaliyeed baa cabasho ka ah dumarkii soomaalida oo Madax adayga, buuq iyo arimo kale ayay kaga cabanayaan, sidaas darteed waxay u jiheysteen Dhankaas iyo Hyderabad oo lagu sheegay hablo wanaagsan, baariyaal ah quruxna badan , bal arinkaas ka waran?"
Wuxuu yiri : " Waxaa la sheegaa in Dameer Hadda kahor lagu yiri War dameerow maxaa kugu qasbay Jugtaan iyo haraantidaan afkaaga ku dhacayso xiliga aad dameerta u galmoonaysid inaad u samirto ? Maad is raadsatid fardaha oon ku dilayn jugna ku gaarsiinayn?! Dameerkii baa wuxuu yiri "Waxaan dhibkaas u marayaa fir dameer yaan la waayin" Kadibna shiikha hadalkiisii halkaas buu kasii waday asagoo u duurxulaya in haddii Hindiya hablo loo doonto la Dabar go'ayo qarniyada soo aaddan.

Hadda kahor Oday Jarmal ah iyo xaaskiisa oo jarmalad ah oo Beer dalxiis waqti iskula qaadanaya ayaa arkay wiil Madow iyo Gabar cadaan ah oo isla baashaalaya jacaylna isku muujinaya, wiilkii ayuu u tagay wuxuuna weydiiyey Halkuu kasoo jeedo asal ahaan wuxuuna u sheegay inuu soomaali yahay.
Markii dambe ayuu yiri "In aan si gaar ah kuula hadlo ayaan rabaa markaad waqti soo hesho ii kaalay ciwaankayga waa kan" maalin dambe ayuu wiilkii soomaaliga ahaa u yimid odaygii cadaanka ahaa is bariidin kadib odaygii jarmalka ahaa baa yiri "Ninyahaw Naag cadaan ah intaad xoog iyo Hanti leedahay unbay kula joogaysaa ka afrikaan ahaan , mar haddii aad gabowdo ama cayrowdo kulama joogayso kuugumana tureyso sida ay ninka Jarmalka ah ugu tureyso, Bal jarmal oo dhan kusoo wareeg car bal soo hel Nin madow iyo naag cadaan ah oo isla gaboobay sida aniga iyo xaaskayga, masoo heleysid si kaste ood u raadiso, markaa waxaan ku leeyahay arinkaas si fiican oga fakar oo Oga fiirso"

4 months ago

"تكلم حتى أراك"
"Bal hadal aan ku gartee/ku arkee" !

Waa hadalkii caanka ahaa ee faylasuufkii waynaa socrates u adeegsaday mar uu ardaydiisa cashir u meerinayay nin u yimi isagoo iskala taagtaagaya oo faan iyo faakh ka muuqato oo labis iyo agab qaalli ah ku sharraxan, micnuhu waa muuqaalkaagan baarka sare saaran micne wayn samayn maayo oo kaa wada turjumi maayee bal hadal aad isu sheegtide, qofku isla marka uu hadlo wuu iska hadlaa, wuu isqeexaa oo is micneeyaa, sida uu u hadlayo iyo waxa uu qofku ku hadlayo waa halbeegyada lagu ogaado waxa uu yahay ama aaminsayahay,

Waxaa jirta murti kale oo carbeed oo oranaysa :

"وكم من صامت ترى لك معجب * زيادته أو نقصه فى التكلم" !

Qof hadii aad rabto inaad yool baarto ka hadal sii ama aad u dhagayso waad baran doontaaye, macquul inaad ka shallaydo inuu hadlay Iyo inaad ka xumaato sababta uu u aamusnaan jiray.!.

Xigasho

4 months ago

Rajab waa bisha 7aad ee tirsi sannadeedka Hijriga, waxaana ay ka mid tahay 4ta bilood ee xurmada goonida ah leh.

Bilahaa qiimaha badani waa:
︎Rajab رَجَب
︎Dul-qacda ذُو ٱلْقَعْدَة
︎Dul-xij ذُو ٱلْحِجَّة &
︎Muxarram مُحَرَّم

Ilaaheey sw, ayaa yiri:

[ مِنۡهَاۤ أَرۡبَعَةٌ حُرُمࣱۚ. ]
صدق الله العظيم.

[waxaa ka mid ah [bilaha], 4 xurmo gaar ah leh.]
Aayadda 36aad ee suuradda Toowba.

Rasuulkuna scw, waxaa uu ku duceeysan jirey:

[ اَللّهُمَّ بَارِكْ لَنَا فِى رَجَبَ وَ شَعْبَانَ وَ بَلِّغْنَا رَمَضَان. ]

[Alloow noo barakee Rajab & Shacbaan, oo na gaarsii Ramadaanka.]

Xalay ayayna curatey bishii Rajabku.

Daa’uud Cumar

4 months, 3 weeks ago

Maalin jimceed :

Salaatu duxaa 🌇
Suuratu kahf.📖
Duco galabtii 🌄

Saliga Nabigana (SCW) Ha moogaanin

4 months, 4 weeks ago

Gabar: Waxay ku tiri: "i waani".
Wiil: Wuxuuna ku yidhi: ilaahayna ka cabso, roobku markuu da'ayana ha dhax socon, sababto ah sonkortu biyaha way ku milantaa.

Micnaha ku jira miyad fahamtay.

5 months ago

Dadka Laga Yaabe Inay ilaawan Dhibaato Qabsatay Laakiin Waligooda Ma Iloobayaan Wax La Dareensiiyay.

5 months ago

Usheega Quruxdeeda Inay Gaartay Xadkii Laga Rabay Inay Zakada Ka Bixiso, Zakada Loga Baahanyahayna Quruxdeeda Waa In Ay Dhoola-Cadeyso, Hadaba Zakadeyda Isii Waxaadna Ogaata Cid Aan Aniga Eheyn Inaad U Dhoola-Cadayso Inay Tahay Xaraam.

5 months, 2 weeks ago

" وإن أعادوا لنا الأماكن، فمن يعيد لنا الرفاق " - محمود درويش.

"haddii ay noo soo celiyaan ama la helo goobihii, yaa noo soo celin doona saaxiibadayada?" ~Mohamud Darawiish.

6 months, 2 weeks ago

Waqtiyo badan Qosol ayaad is qaban weyday, laakiin waqtiyo kale uurka ayaad ka ooynaysay, indhahana ilmo kaa qubanaysay Waxaa jiray maalmo wacan oo aad dareentay Jaceyl saa’id ah laakiin waxaa kuugu xigay maalmo naceyb kaa buuxsamay Waxaad ku dhowaatay in aad Nolosha ka quusato laakiin rejo ayaa ku gashay, Dhamaan waxaani waxay u dhacayaan sababtoo ah waad Nooshahay, Noloshuna waa Imtixaan!.

We recommend to visit

بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad 3000 Buug-Somali
Free Ah
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
https://telegra.ph/HA-DEG-DEGIN-AKHRI-11-15
© Somalibooks Pro Inc
- All Rights Reserved-⤵️
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 5 months, 1 week ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 1 month ago

Kala soco Xikmad iyo Qormooyin Markasta Io Meelkasta.

Last updated 1 month, 3 weeks ago