Dhigaal_wanaag

Description
Odhaahyo dhaxal gal ah,sheekooyin gaagaaban,weedho jaceyl,kalmado naf la hadal ah, iyo wax walba oo nafaheena waxtaraya aduun iyo aakhiraba ayeynu ku kala faaiidaysan doonaa kanaalkan idam alle


Join dheh hadiidaba aad soo booqatid mahadsanidiin
Advertising
We recommend to visit

SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!

@Abdii_Sabaa

💬NU QUNNAMUUF💬
@AbdiiSabaaDm

🎯BARNOOTAAF
@abdii_sabaa_university

🎯MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa

Last updated 6 days, 5 hours ago

asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 2 months ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 2 weeks, 5 days ago

5 days, 4 hours ago

— Dhibaatadu markasta nolosheena way ku jiraysaa, dhibaato kasta oo aynu xalinona dhibaato kale uunbaa ka dambaynaysa. Sidaa daraadeed farxaddaadu waxa ay ku xidhantahay xalinta dhibaatooyinkaaga nolosha, oo markasta oo aad dhibaato xaliso farxad iyo rayn-rayn baad helay oo aad dareemay. Haddaba dooro adigu dhibaatadii aad farxadda ka heli lahayd,
intii ay noloshu kuu doori lahayd.

~Xamdaan.

1 week, 1 day ago

Haddii aad neceb tahay muranka, doodaha maalaa yacniga ah, ku mashquulka dadka, xinka, maseyrka, ismuujinta, tartanka, ficiltanka, buuqa, isla-meereysiga, xanta, khilaafaadyada caaddifaddu hagto, iyo nooc walba oo buuq-sameysi ah (drama), waxa aad tahay qof caqli badan, oo ay maskaxdiisa feker iyo shaqooyin badani ka dhex socdaan, ama waxa aad tahay qof xikmad badan, oo doonaya in uu wakhtigiisa geliyo wax macna weyn leh, oo ay dani ugu jirto bes.

~Ladane C Xassan.

1 week, 3 days ago

"Majiro xidhiidh bilaa xeerar iyo ruulis ahi ee haddii aad xoriyad ubaahan tahay kali ahow".

3 months ago

#2 Anshaxa hagaagsan...

Kolka aan kaftamayno ama si guud dadka ula hadlayno
Kalmadahaaga miisaan una dheelitir hadba madasha iyo cidda aad dhahayso.

Waxa jira erayo si fudud uga soo baxa afkeena kuwaas oo laga yaabo in ay waran ku noqdaan qofkii aad ku dhahday.

"Hadalka wanaagsani waa sadaqo".
~Nebi muxamed.

3 months ago

Dhambaal 3

Caaliya....

Maalin ayaad igu tidhi:
"Waxaan jeclahay kalinimada" kadib
Waad aamustay,
Anna waan yaabay!.
Mardanbe ayaad kadaba gaysay:
"Waad ogtahay adigana sidoo kale waan ku jeclahay"...
Waxaan ku waydiiyey sidee baad kalinimada u jeceshahay hadana aniga ii jeceshahay?.

Si iska caadi ah(adiga kula ah) ayaad u tidhi labadiinaba waan idin jecelahay.

Inaad xasuusato ma hubo ee subax ayey ahayd oo halkii badda agteeda ayeynu joognay.
Kolkaas waadigii i hortaagnaa anna in tallaabo leeg ayaan dabadaada taagnaa.

Aad baan u niyad jabay farxadaydiina murugo ayey isku bedeshay oo indhaha ilmo ayaa iga timi.

Intaas oodhan maad dareemin
Mar aan iskay u qaboobay oo aan ilintii iska tirtirayo ayaad dib iisoo fiirisay.

"Maxaa ku helay maxaa ku helay Caaliya!!
Ayaad igu boobsiisay.

Kuumaan jawaabin,mar labaad inta ay ilintii indhahayga soo buuxisay ayaan kaasii jeestay.

Waad igusoo jeesatay adigoo dhahaya fadlan please iisheeg caaliya maxa kugu dhacay!?.

Cabaar dhan markii aan kaa aamusna adna aad igu dawakhday ayaan go'aansaday in aan wax kasta oo uurkaygu tabayo oo aan kaa tirsanayo oodda kasoo qaado.
Waxba maad garanayn waxaad ahayd mid aan dabeecadahayga dumarnimo fahmin oo habaarkaga dhacay!.
Waayo?,haddii aad markaaba ogaan lahayd meesha uu eelkaygu kasoo burqanayo waan kuu garaabi lahaa aniga oo faraxsan ayaanan laabtaada soo gali lahaa.

Waxan ku idhi sidee baad aniga jaceylkayga wax kale ula simi kartaa?.
Intuu naqasku kaasoo baxay oo aad waliba faraxday baad tidhi: "Iga tag ma intaas uunbaad ilaa maanta iisheegi wayday".

Hadalkaaga iyo ficilkaagaba waxan ka dareemay in ay intaasi adiga basiid kula tahay oo aad yaraysanaysid; midaasina cadho kale iyo madax xanuun bay igusii riday oo waanigii bartii kaaga tagay. Ayaantaas kadib xidhiidhkeenii dheeraa ee midha dhalka ku dhawaa wuxu noqday kob abaar ah iyo meel lagu kala guuray.

Muddo badan dabadaa waxan helay mid ii fahma sidii aad ii fahmi wayday.
Adiguna waad heshay lammaane; waana laba mid:
In ay fahmo darrada kuugu dulqaadato iyo in aad fahmo badan yeelatay. Si walba oo ay ahaato:
Dumarka fahma,
Ha yaraysanina oo ha dhayalsanina,wax agtaada aan ka ahayn waxba ayaa iyaga la wayn ee fahma.
Naxariistii ay ka heli jireen waalidkood kolka ay la noolaayeen bay idinka rabaan ee fahma.
U fahma si ay idinkana idiin fahmaan.

Macasalaama.

Extaadii Caaliya...

W/q Abdirisak.

3 months ago
6 months ago

Eebahay wuxu yidhi jeclow cadowgaaga;
Anna waan adeecay oo waxaan jeclaaday naftayda.

Khalil gibran.

6 months ago

Dhamaanteen
Waxaynu nahay maxaabiis;

Laakiin kuwo inaga mid ah ayey qololkoodu daaqado leeyihiin kuwa kalena malaha.

~ khaliil jubraan

6 months ago

Waxa layidhi ninki Layla jecla ee magacisana la odhan jirey Qays Ibnu mulawax "majnuunki Layla" ayaa Ey ? daba galay si uu ugeeyo halka ay Layla joogto

Waxa uu soo maray Jamaacad salaad tukanaysa , ka dib markii uu ka soo laabtay Layla ayuu soo maray wadadi uu markii hore soo maray , jamaacadi salaada tukanaayey ayaa ku tidhi oo haddii aad naso martay anaga oo tukanayna maxaad noola tukan waydey salaada ?

Qays ayaa ku yidhi walaahi anigu idinma arkayn laakin walaahi haddii sida aan Layla ujecelahay aad Ilaahay ujeceshihin in aaydan i aragteen in aan meeshaba maraayo ?

"majnuunki Layla"

~Abdullah farah.

We recommend to visit

SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!

@Abdii_Sabaa

💬NU QUNNAMUUF💬
@AbdiiSabaaDm

🎯BARNOOTAAF
@abdii_sabaa_university

🎯MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa

Last updated 6 days, 5 hours ago

asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 2 months ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 2 weeks, 5 days ago