Xikmado️ 💎

Description
Kala soco Xikmad iyo Qormooyin Markasta Io Meelkasta.
Advertising
We recommend to visit

SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!

@Abdii_Sabaa

💬NU QUNNAMUUF💬
@AbdiiSabaaDm

🎯BARNOOTAAF
@abdii_sabaa_university

🎯MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa

Last updated hace 5 días, 5 horas

asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated hace 2 meses

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated hace 2 semanas, 4 días

2 weeks, 3 days ago

FARXAD KU QAABIL LAMAANTAADA.

Nolosheena waxey Bilaabatay anagoon is Aqoonin, waxaan ku Dhalanay meelo kala Fog, weligeen ismeynaan arkin, balse Awooda Allah ayaa Aduunyada nagu Kulmisay, Aragtideyda wey ku Faraxday, anigane sidoo kale aad baan ugu Farxay, ka helitaan iyo jaceyl fara badan ka dib waxaan Go'aan ku gaarnay Inaan is Guursano oo aan mid noqonaa. Haddaba waxaa Muhiim ah Noloshaas dhabta ah micnaheeda inaan wada garano Guurka ka dib waxa imaan kara:-

Guurka maalinta uu dhacaayo Dadku wey faraxsan yihiin, balse aniga waxaa la i saaray Masuuliyad weyn oo ah inuu i koray Xaq Ruux kale oo Nolosheyda ku soo Biirtay oo waxaa Waajib igu noqday inaan Xil iska saaro Lammaanteyda Nolosheeda oo idil, waxey Cuni laheyd, waxey Xiran laheyd iyo Wax kasta oo Farxadeeda ah.

Haddaba, Qofka Marxaladdaas markuu gaaro waxaa Muhiim ah inuu helo Afar Waxyaabood, kuwaasi oo kala ah:- Sabar, Go'aan, Naxriis iyo Xal.

1- SABAR:- Qofka waa inuu ku Saaro Dhibaato kasta oo soo Food saarto, ha noqoto mid Xagga Nolosha kaga timaada ama mid Xagga Xaaska kaga timaada.

2- GO'AAN:- Qofka waa inuu lahaado Go'aan Adag oo uu ku Xakameyn karo Reerkiisa, isagana Difaaci karo Awood kasta oo kaga timaado Dibadda oo ku Wajahan Burburin lala doonaayo Reerkiisa, ileen Sheydaan Adduunka laga waayo.

3- NAXRIIS:- Waa Muhiim in Lamaanuhu ay mar kasta isku Muujiyaan Naxriis, Midna midka kale waa inuu u Muujiyo Naxriis si uu Qalbiyadoodu isku soo jirto, Midba midka kalena uu u Muujiyo Kalgacal iyo Kalsooni aan Abid dhammaan.

4- XAL RAADIN:- Mar kasta oo ay Lamaanuhu la kulmaan Marxalad culus ama duruuf adag waa ineysan Murmin ama aysan Xanaaqin, keliya waa iney si dhaqsi ah ay isla raadiyaan Xallinta Arrintaasi.

Guurka ma ahan Ciyaar, Ogoow ina Ragoow waxaad Qaaday Xil, oo Noloshaada waxaa ku soo biirtay Nafsad ku jecel oo kaaga soo Go'day Waalid, Walaal iyo Ehelba, Fadlan Noqo Mid Nafsadaasi ku qaabila Farxad iyo Soo Dhoweyn Xambaarsan Kalgacal Xaqiiqo ah.

(ilaahoow Reer Kasta oo Muslim ah Farxad iyo Iimaan Sugan sii).

Abdulkadir Uukow

2 weeks, 3 days ago
3 weeks ago

EED MALEH JACEYLKA.

Qof kasta oo inaga mid ah wuxuu yiraahdaa jaceyl ayaa dhaawac iga soo gaaray, balse taasi waxaan u arkaa iney tahay Fikrir qaldan, waayo Waayida qof, Quusashada, Diidmada, Naceybka, Murugada iyo Welwelka badan ayaa dhaawac keena, intaasna dadka ayaa sameeya, Qof kasta wuxuu ku qaldaa jaceylka inuu keenay. Laakiin xaqiiqadii jaceylku waa waxa keliya ee dabooli kara Xanuun, una keeni kara qofka Nolol, Nabad iyo Farxad. Sidaasi darteed, jaceylku been ma sheego, jaceylku ma tago, Jaceylku wax ma qiyaano, jaceylku ma keeno Niyad-jab iyo Murugo, jaceylku ma aha wax la jilo ee waa Ficil, waxaana lagu muujiyaa Ficil.

Sidoo kale, Romance ma aha oo keliya Hab isa siin, Heesa dhageysi, Shumac la shido, ee waa in Qofku gartaa in Nolol cusub u bilaabatay, Mas'uuliyad culusna fuushay, wixii horena uu joojiyaa, uuna daryeelaa Lamaanihiisa, dadaal badan sameeyaa, si adagna u shaqeeyaa. Ogoow haddii hadhow Kiro guri & Biil koronto la soo dallaco Hab baan ku siinayaa oo Romance baan ahay kaa bixin meyso.

Haddii qof jaceyl idinka dhaxeeyay aad kala hartaan Micnaheedu ma aha, in jaceylki kaa dhamaaday ee waa in Xiriirkii aad qofkaa keliya la lahayd uu joogsaday. Si la mid ah Haddii Qof aad jecleyd kaa tago ma aha inaad tiraahdo Qof dambe aamini maayo ama dad oo dhan aad u nacdid Hal qof dartiis, markaa waxaad Hilmaansan tahay in Aduunka ay ku Nool yihiin in ka badan Todoba Bilyan oo qof.

Haddaba, Sxb Eed maleh jaceylka, haddii uu dhaawac ku soo gaaray, balse waxaad Eeda saartaa Naftaada ama Qofkii magac jaceyl kugu waxyeelay, ka dibna Noloshaada horay u sii wado.

Abdulkadir Uukow

3 months, 2 weeks ago

Wiil yar ayaa Macallimad wax barta rabay in uu wax weydiiyo, intuu u tegay ayuu misana ku yiri: Hadhow xiisadda kadib haddii aad firaaqo tahay, Waxaan rabay in aan si gooni ah kuula hadlo, Waxay ku tiri: “Haye”.

Markii uu waqtigii soo dhowaaday ayey ku tiri: “Maxaad rabtay?”.

Wiilkii yaraa baa yiri: “Waxaan dareemayaa in aan fasalkaan iyo anigu aanan isku heer ahayn, waxaana kaa codsanayaa, haddii aad ii awooddo in aad igu darto ardayda dhigata dugsiga sare ” ee ma ii awooddaa”?

Iyadoo loo tixgelinayo codsigiisii ​​ayaa wiilkii yaraa loo diray maamulaha iskoolka , wuxuuna go’aamiyay in laga qaado ardayga imtixaan qiimayn ah si aqoontiisa loo tijaabiyo.

Maamulaha: “4×3?”
Ardayga: “12”
Maamulaha: “5×6?”
Wiilkii: “30”
Maamulaha: “Waxaad sheegtaa caasimadda Japan?”
Wiilka: “Tokyo”
Maamulihii wuxuu wiilkii su’aalaha weydiinayay ku dhowaad saacad hal su’aalna ma uusan qaldin, Kadib macalimadii baa codsatay bal in ay iyaduna markeeda su’aalo weydiin karto:

Su’aalaha Macalimada
Waxaad sheegtaa waa maxay waxa ay lo’du afar ka leedahay anigana labo ka leeyahay? “
Maamulihii oo yaabay baa eegay macallimaddii !!
Wiilkii yaraa: “Waa lugaha Macallin”
Macallimadii: “Sax weeye, waxaad sheegtaa surwaalkaaga wax laga helayo oo aan keyga laga heleyn?”
Maamulihii baa xishooday oo wajiga kaduuday !!
Wiilkii: “Waa jeebka”
Macallimada: “Xagee laga helaa timaha adag ee leeyihiin dumarka?”
Maamulaha afkuu kala taagay !!!
Wiilkii: “Afrika”
Macallimadii: “Waa maxay waxa jilicsan oo ku adkaada gacmaha dumarka?”
Wadnahaa istaagay maamulihii !!
Wiilkii: “Waa Nail polish-ka dumarka cijiyaha marsadaan”
Macallimaddii: “Maxaa laga dhex helaa dumar iyo ragba bartamaha lugohooda?”
Maamulihii: Amakaag baa kasoo haray !!
Wiilkii: “Waa jilbaha”
Macalimaddii: ” Baraafo waxaad sheegtaa waxa ay leedahay naagta la qabo kaasoo ka weyn kan gabadha aan la guursanin?”
Maamulihii wuu qaboobay !!
Wiilkii: “Waa sariirta”
Macalimada: “Sheeg meesha jirkayga ka midka ah oo aadka u qoyan hadda?”
Maamulihii cirkuu eegay yaxyax dartiis.
Wiilkii yaraa: “Macallin waa carabka”
Maamulihii wuxuu yiri: “Nacallaa fikirkayga xun ku taale adiga Jaamacad baan ku geyn, anigana dugsi hoose baan ku laaban.

Waa qiso wacyi gelin ah oo loogu magac daray “Niyadaada kasaar waxa xun si edeb lehna u fikir

3 months, 2 weeks ago

Qaasim iyo Qureysha Qaybta 8aad

Sheekada Qeybtaan waxay ka hadlaysaa xaalada adag ee ku saabsan xiriirka iyo guurka Marwa, Asad, iyo Qureysha. Qureysha waxaa laga filayaa in la guursado Asad, laakiin hooyadii Asad iyo Qureysha way ogyihiin in Qureysha aysan diyaar u ahayn guurkaas, iyadoo aysan si dhab ah ula xiriirin Asad. Hooyada hablaha dhashay waxay la tashanaysaa in la guursado Marwa halkii ay Qureysha ku qasbi lahayd guurka.

Markii hooyada Marwa iyo hooyada Asad arrintan ka wada hadleen, waxay isla garteen in Marwa ay ku habboon tahay Asad, maadaama ay Qureysha aanay rabin. Hooyada Marwa waxay u yeertay Marwa si ay ugu soo bandhigto qorshaha guurka, oo ay ka wada hadleen sidii ay ugu raalli noqon lahayd. Hooyada Marwa waxay isku haleynaysaa in Marwa aysan ka diidi doonin xiriirka, iyadoo ka warqabta in guurku yahay talo wanaagsan oo ay taageersan tahay.

Marwa markii loo sheegay qorshaha, waxay si deggan u dhageysatay, iyadoo dareenkeeda aan muujin. Waxay ogsoon tahay in xaaladan ay muhiim tahay, waxayna hooyadeed u muujisay fahamka iyo kalsoonida ay ku qabto. In kasta oo Marwa wali la dhibtoonayso xusuusta jacaylkeedii hore, waxay u muuqataa in ay fursad siin karto xiriirka cusub ee lala damacsan yahay.

Hadaba si aad u aqrisato qaybtaan oo dhamaystiran waxaad ka aqrisan kartaa linkga hoose kaaga muuqdo

https://uukow.com/2024/09/09/qaasim-iyo-qureysha-qaybta-8aad/

Uukow Media

Qaasim iyo Qureysha Qaybta 8aad - Uukow Media

Marwa iyaduna Caawa Dadka fikiraaya ayay ku jirtaa, waxa jiray Wiil ay wada sheekaysan jireen, oo dhintay Marwa Sanado ayay Qalbiga ka bugtay, Xaaladaas iyadoo soo martay ayan hadana laga dareemin, oo wejigeeda xataa laga fahmin, dareenka Xanuunka badan ee…

3 months, 2 weeks ago

Nin daacada way dhibaan
Miskiin hadalkiisa daa
Ninkii damac soo hakiyo
Xusuus damaqlaa u taal

Ninkay iska diidayaan
Intaanay ku sii durdirin
Huruufbay kusii dilaan
Hadayse ku doonayaan
Ileen dumar kuma gafaan

6 months, 1 week ago

Waxa ay ku haystaan waa muuqeeda. Waxay ku caynayaan; maxaad sidan ugu ekaatay? Waxaa xaqiiq ah oo ay xataa ka dharagsan yihiin kuwan u qoraya faallooyinkan in muuqaalkeeda aysan iyadu dooran, xataa keenidda noloshan kadeedan wax door ah in aysan ku lahayn.

Ma xaq baa wax uusan qofka dooran oo isaga masuul ka ahayn in lagu caayo oo lagu qabsado? Haddii ayba saluugayaan, cidda sidan u abuurtay waa ay yaqaanaan, balse kuma dhacaan inay su’aalaan oo ay qabsadaan Waayo, miskiin ayaa misko la fuulo leh.

Iyada ayaa ay ka adag yihiin, wax kasta oo ay dhahaan inaysan ka falcelin karin ayay ogyihiin. Weligeed ayaa masaakinta lagu tuman jiray, kuwa awoodda lehna laga haybadeesan jiray.

Muxuu abuuruhu sidan ugu ekaysiiyay? Haba u ekaysiiyee muxuu u siin waayay oo u soo raacin waayay awood looga haybadeesto oo aan wax looga sheegi karin muuqaalka aysan wax door ah ku lahayn? Yuusanba siinin awoode, muxuu u dhexgeeyay duul sharaf iyo qac iyo reaction badan ku raadiya cayda qofka iyo muuq uusan dooran? Muxuu isugu fiirsanayaa duulkan aan lahayn damiir iyo diin celisa iyo gabadhan dhibannaha u ah wax aysan iyadu dooran? Waa IMTIXAAN! Haa oo waa imtixaan.

Sideedaba weydiimaha KAKAN waxa ay wadaaddada kaga afgobaadsadaan waa IMTIXAAN ALLE iyo xikmad dahsoon oo uu ka lee yahay. Si kastaba, waxaa muuqata in wax WEYN AY DUNIDANI KA KHALDAN YIHIIN!

AW-DACAR

6 months, 1 week ago

Si dadban bay illahay u aflagaadeyn, oo ugu yeerin ereyo aan mudnayn.

Alle SWC adoomihiisa wuxuu u abuuray qaabkii ugu quruxda badnaa uguna wanaagsanaa, laakiin adoomadiisu way Ku caasiyeen oo waxay adoomada kale Ku maagin, mid foolxun oo aan qurux badnayn ama mid aan wanaagsanayn.

Islaanimadu ma dusha guud baa.

6 months, 1 week ago

Wuxuu Yiri : Muddo saacad ah ayey fadhidaa miis cidlo ah kaligeed sidii in ey sugeyso saaxiibkeed ama gacaliyaheeda.. Ma qiyaasi karo dhab ahaantii, maxaa yeelay ma su'aalin cidda ay sugayso.

Waxa dareenkeyga soo jiitay waxay ahayd inay fiirinayso saacaddeeda daqiiqad kasta, kabalyeeriga oo dhinaceyga soo jirey ayey gacanta u taagtey oo koob qaxwe ah dalbatey, indhaheeda waxaa ka muuqdey dhalaal aad mooddo illin.

Laga yaabee in qofka ay sugayso uusan soo daahin ee ay iyadu xilli danbe timid oo balantii kasoo dib dhacdey.
Cakuye yaa cidleyn kara gabadha sidaa u quruxda badan, Mala hadlaa? Ma weydiiya waxa kaligeed fadhiisiyey? Iyada iska daaye maxaa aniga kaligey i fadhiisiyey? Aniguba qof ayaan sugayay, laakiin ma uusan soo daahin oo maba imaanayo, sababtoo ah wuxuu dhintay waqti hore. Waa ii caado inaan halkan imaado waqti ka waqti si aan u soo ceshado xusuusteyda.

Gabadhii waxay bilawday inay oydo oohin gubasho leh, kabalyeerigii ayaa u yimid oo hor dhigay tiish ay ilinta iskaga tirtirto isagoo aan wax hadal ah oran, Wuxuu u eegay sidii inuu la qabsadey oohinteeda.
Waan la yaabey naxariis daradiisa iyo sida uusan waxba uga soo qaadeen gabdha oohinteeda, Hadda ma u tagaa? Intaan laabta galiyo ma aamusiyaa? ilmada maka tiraa oo ma usheega iney wax walba wanaagsanaan doonaan?.

Marka hore se waa inaan ogaadaa sababta ay u ooyayso. Waxaan u tagey kabalyeerigii oo weydiiyey...
-"Maxaa ku dhacey gabadha?"
-"Jaceylkeedii ayaa dhintey, maalin kasta waxay halkan u timaadaa inay ka ooydo dhimashadiisa.” ayuu si murugo leh iigu yiri.

Waan soo jeestay mise maba joogto gabadhii oo ma fadhido miiskeedii, waxaan haddana soo fiiriyey dhankii kabalyeeriga mise isna ma taagna halkiisii, ma jiro qof kale oo kaafeega jooga aniga mooyaane, waxaadba moodaa iney dadkii oo dhan hal mar is baabi'iyeen.
Waxaan u cararey dhanka suuliyada si aan wajiga usoo dhaqdo, kor ayaan usoo qaadey madaxa si aan iskugu fiiriyo muraayadda, mise maba ka dhex muuqdo sawirkeygu sababtoo ah ma ihi qof jira... Waxaana ahey ruux mar hore dhimatey. Waxaan ahey qofkii ay sugisey gabadhu. Waxaan ahey xasuus oo kiliya...! ??

Abdulkadir Uukow

6 months, 2 weeks ago

Qalbiga cidlo taaganee
Jacayl ku qasaarayow
Qof baa ku nacee miyuu
Alaha qaadiri ku nacay

We recommend to visit

SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!

@Abdii_Sabaa

💬NU QUNNAMUUF💬
@AbdiiSabaaDm

🎯BARNOOTAAF
@abdii_sabaa_university

🎯MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa

Last updated hace 5 días, 5 horas

asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated hace 2 meses

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated hace 2 semanas, 4 días