Akhris-Kaab

Description
Kusoo dhawoow madasha Akhris-Kaab, waa ka heli doontaa, sheekooyin taxane ah, maqaallo iyo barnamijyo kale oo waxtar leh
Advertising
We recommend to visit

SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!

@Abdii_Sabaa

?NU QUNNAMUUF?
@AbdiiSabaaDm

?BARNOOTAAF
@Abdiisabaa

?MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa

Last updated 1 month, 3 weeks ago

https://t.me/joinchat/AAAAAFgrZgMjBcvdBf7YWg

Last updated 1 month, 3 weeks ago

asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 3 weeks, 5 days ago

8 months, 3 weeks ago

"Haddii aad rabto inaad tafsiir ka gun gaarto afarta kitaab ee kala ah :
١- تفيسر القرآن العظيم للحاظ ابن كثير.
٢- جامع البيان في تأويل القرءان لابن جرير الطبري (إمام المفسرين).
٣- أضواء البيان في إيضاح القرءان بالقرءان لمحمد الأمين الشنقيطي.
٤- معالم التنزيل للإمام البغوي
maktabadda soo dhigo"
— Sh Nuur Cali Jaamac

"Haddii aad rabto inaad xadiiska baac dheer ku yeelato afarta kitaab ee kala ah:
١- المجموع شرح المهذب للإمام النووي
٢- السنن الكبرى للبيهقي
٣- الاستذكار الجامع لمذاهب فقهاء الأمصار وعلماء الأقطار للحافظ ابن عبد البر
٤- طرح التثريب في شرح التقريب للحافظ العراقي
yaan maktabaddaada laga weyn"
— Dr Shiikh Abuukar Xasan Maalin

9 months ago
Beertaan waxaa leh saxaabigii Cusmaan ibnu …

Beertaan waxaa leh saxaabigii Cusmaan ibnu Cafaan. Sidee ku yeeshay?
Markii Nebigu NNKH u soo haajiray Madiina waxaa jirey hal ceel oo la yiraahdo Ruumah oo sannadkoo dhan aan goi'n oo laga helo biyo macaan. Ninkii ceelkaas lahaa lacag qaali ah ayuu biyaha ku iibin jirey. Nebiga ayaa ku yiri saxaabadii yaa ceelkaas noo iibinaya oo Ilaahay janno siiyaa. Cusmaan, Ilaahay raalki ha ka noqdee, ayaa ku degdegey oo iibiyey oo weliba ka dhigay saddaqo dadkoo dhan u furan.

Dawladihii Muslimiinta ee isdaba marayey ceelkaas waa ilaalin jireen ilaa ay sannadkii 1952 Wasaaradda Degaanka iyo Biyaha Sucuudigu kiraysatay ceelkii iyo dhulkii uu ku yaalley kuna beertay geedo timir ah oo markii dambe gaaray 15,500 oo geed. Timirtaas iyo biyahaas lacagta ka soo baxda waxaa loo saddaqeeyaa saxaabigii Cusmaan bin Cafaan Ilaahay raalli ha ka noqdee.

X. Cabdulqaadir Diiriye.

9 months ago

Adduunka oo dhan waxaa ka jira dad la takooro. Dadkaasu kama muuqdaan siyaasadda, aqoonta, ganacsiga iyo golayaasha bulshadu magaca iyo sharafta ku sheegaan.

Qofka marka waalidkii la takoori jirey oo la qabadsiiyey inay aqbalaan nolol ciriiri ah oo qabtaan shaqooyin gaar ah, wuxuu isaguna baranayaa inuu hankiisa xad u yeelo oo baahida maskaxiidsa yareeyo kuna koobo meelo hoose iyo xayndaab ay sameeyeen bulshada uu la nool yahay.

  1. Hindiya waxaa jira dabaqad la yiraahdo Brahmins oo 8% ka ah tirada guud ee Hindiya laakiin 16kii Ra'iisul Wasaare ee soo maray Hindiya kala bar ka badan waxay ahaayeen Brahmin. Dhammaan Hindidii ku guulaysatay Nobel Prize waxay ahaayeen Brahmin (Tagore, Sen, Raman, Satyarthi, Chandrasekhar). Saxaafadda, ganacsiga iyo jaamacadaha iyagaa ugu badan. Waxaad mooddaa in dadku aqbaleen in ay ka hooseeyaan Brahminka sidaasna ugu oggolaadeen inay fursado badan helaan.

  2. Wiil Soomaali ah oo dibedda iskuul ku soo dhammaystay ayaa Xamar ugu soo noqday jaamacad. Wuxuu galay kulliyaddii macallimiinta farsamada iyo ganacsiga (Polytechnic) ee ku taalley KM4. Wuxuu qaataa boorso dhabarka la saarto oo leh labo xarig oo garbaha la surto. Boorsadaas iskuulka loo qaato Soomaaliya lagama aqoon oo ardayda kale buugga ay maalintaas leeyihiin ayey ganacta ku lalmiyaan. Waxay weydiiyeen boorsada waxa ugu jira. Wuxuu yiri quraac ayaan ku soo qaataa. Ceeb ayey ahayd in qofku cunto shaqada ama iskuulka u sii qaato. Waxay noqotay sheeko lagu maadsado oo wiilkii magaciisii ayaa waxaa gadaal laga raaciyey 'Baac' ama doqon. Wiilkii waa la doqomeeyey isaguna waa doqomoobay oo dhawr maaddo ayuu ku dhacay. Mar dambe ayuu u wareegay Lafoole oo sannad walba noqon jirey ardayga koowaad. Waxaa laga yaabaa inuu boorsadii iska dhigay.

  3. Waddamada galbeedka ardayda aan caddaanka ahayn waxaa in badan niyad jebiya maccalinka. Macallinku marka hore ayuu maskaxdiisa meel ka dejiyey wiilka ama gabadha madaw waxay ay awoodi karto ama noqon karto. Hadduu arko inay waxoogaa akhrin karaan wuxuu yiraahdaa 'Brilliant!' aad ayaad u fiican tahay. Waalidkana wuxuu ku yiraahdaa ilmihiinnu sidaan moodayey aad ayu uuga sarreeyaa (yacni qof madow meeshaan ka filayey waa ka sarreeyaa). Waalidkuna haddaanay su'aalo kale sii weydiin waxay isaga qancayaan in wax walba caadi yihiin. Halkaas waxaa ku baaba'a mustaqbalkii ilmahaas.

Dadku waa isku caqli laakiin qofna waxaa fursad loo siiyaa inuu tiigsado meel sare, qaarna waxaa bulshadu ku albaabtaa meel ciriiri ah.

X. Cabdulqaadir Diiriye

9 months, 1 week ago
Sidee lo ogaada in qolkaad so …

Sidee lo ogaada in qolkaad so gashey ay ku xidhantahay camera qarsoodi ah ?

Hadii aad gasho safar meel kugu cusub ama aad dagto hotel adna doonaysid inad xaqiijisid amniga qolkas gaar ahaan iney ku xidhanyihiin Aaladaha wax duuba waxad isticmasha xirfadan yar.

Marka kobaad ed qolka saas uso gasho waxad xidha daaqada,albaabka iyo meel walbo oo iftiin ka so galayo kadib waxad damisa laydhka qolka waxanad la so baxdaa taleefankaga adiga oo gaynaya camerada uu kuso baxay taleefanku(raw camera)

Markad camerada gaysid waxad iska xidha flashlight ka camerada kadib waxad ku wareejisa taleefanka afarta dhinac ee qolka waliba adiga oo ayar wada hadii intaas ay shashada ka so muuqato dhibic cas (red dot ) waxa qolkas ku jirta camera qarsoon hadiise ay so muuqan waydo qolku waa amni.

X: Mohamed shariif mukhtar

9 months, 1 week ago

Qof hadda xabsi 30 sano ahaa laga soo daayey, oo aan wixii dhacayey la socon, wixii dhaafay oo dhan waxaad ugu soo koobaysaa hal saac ka yar. Wixii la isku haystay oo dhan micne ma lahayn. Sidaas ayaa nolosheena saacad loogu soo koobi doonaa. Waaba haddii nalaka sheekeeyo e.

Cimrigeena oo dhan waxaa lagu soo koobi doonaa daqiiqado. 1650 ilaa 1750 boqolaal milyan oo dad ah ayaa noolaa, dawlado badan ayaa dhismay oo haddana dumay, hantidii, derejooyinkii iyo dhulkii la isku haystey waagaas, hadda dad kalaa isku haysta. Iyaguna cidla ayay kaga tegi doonaan. Haddaba qofna eed ha ka gelin. Dhiig ha ka shaqayn. Hanti aadan lahaynna ha doonan. Dembi iyo eed keliya ayaa kaa raacaya. Waxaad heli lahayd waa qoran yihiin oo waxba kuma kordhin kartid. Adigoon dhammaysanna adduunka ka tegi meysid.

– Cabdulqaadir Diiriye

9 months, 1 week ago
9 months, 1 week ago
Maanta waa kowda bisha Soondheer (Shacbaan), …

Maanta waa kowda bisha Soondheer (Shacbaan), bishii Ramaddaan waxaa naga xigta 29 maalmood.

Kitaabkaan sawirka ka muuqda waxaa la yiraahdaa: “kacdoonka 90-ka maalmood” waxaa qoray Khaalid abuu Shaadi, wuxuu kugu tababbarayaa sidii aad Ramaddaanka isugu diyaarin lahayd, marka la gaarana uga faa’iidaysan lahayd, marka uu dhammaado ee aad isbeddel dhab ah samaysana usii joogtayn lahayd, sida jaldiga ku sawiranba: diyaargarow — dhaqaaq —joogtayn.

Aad bay u fiicnaan lahayd in aan akhrinno oo dhaqangelinno.

Qofkii u baahani halkaan ha kala dego:?

9 months, 1 week ago

Nebigu NNKH wuxuu sheegay in qofka beenta sameeya oo laga qaato ilaa ay meel fog gaarto, in qabriga lagu cadaabayo oo bir naar ah afka looga jeexayo ilaa qiyaamaha.

"رَأَيْتُ اللَّيْلَةَ رَجُلَيْنِ أتَيانِي، قالا: الذي رَأَيْتَهُ يُشَقُّ شِدْقُهُ فَكَذّابٌ، يَكْذِبُ بالكَذْبَةِ تُحْمَلُ عنْه حتَّى تَبْلُغَ الآفاقَ، فيُصْنَعُ به إلى يَومِ القِيامَةِ" البخاري

Inaad sawirro been ah iyo qoraallo been ah samaysid ama faafisid ujeeddo adduun oo qurxoon kuma gaaraysid, aakhirana waa laguu baqaa.

9 months, 1 week ago

Wanaagga ha yaraysan. Geed aad meel ku beertay, oo aad iskaba illawday, haddii dad ama xayawaan ka faa'iidaystaan, waxaa kaaga socda ajar.

عن أنس بن مالك - رضي الله عنه - قال: قال رسول الله - صلى الله عليه وسلم -: " ما من مسلمٍ يغرسُ غرساً أو يَزْرَعُ زَرْعاً فيأكلُ منه طيرٌ أو إنسانٌ أو بهيمةٌ إلاَّ , كان له به صدقة
البخاري

We recommend to visit

SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!

@Abdii_Sabaa

?NU QUNNAMUUF?
@AbdiiSabaaDm

?BARNOOTAAF
@Abdiisabaa

?MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa

Last updated 1 month, 3 weeks ago

https://t.me/joinchat/AAAAAFgrZgMjBcvdBf7YWg

Last updated 1 month, 3 weeks ago

asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 3 weeks, 5 days ago