Unlock a World of Free Content: Books, Music, Videos & More Await!

Iman Jama

Description
Journalist
Advertising
We recommend to visit

بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad 3000 Buug-Somali
Free Ah
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
https://telegra.ph/HA-DEG-DEGIN-AKHRI-11-15
© Somalibooks Pro Inc
- All Rights Reserved-⤵️
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 4 months, 3 weeks ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 2 weeks, 3 days ago

Kala soco Xikmad iyo Qormooyin Markasta Io Meelkasta.

Last updated 1 month, 1 week ago

5 days, 14 hours ago

Fiiro gaar ah;

Doorashadii golayaasha deegaanka ee Turkiga ka dhacday waxaa guul-darro weyn kala kulmay xisbiga Erdogan ee AK Party oo looga guuleystay dhammaan magaalooyinka waa weyn ee Turkiga, taa oo muujinaysa inuu halis ugu jiro xisbiga Erdogan oo 20 sanno hoggaaminayay Turkiga inay lumiyaan doorashada guud, taa oo meesha ka saari karta Erdogan iyo xisbigiisa, isbeddel weyna dhexda u gelin karta Turkiga.

Isbeddelkan ma u yahay digniin Soomaaliya?

Isbeddelada aan caadiga ahayn ee laga saadalinayo Turkiga wuxuu halis galin karaa Soomaaliya , oo si aan kala har lahayn isugu dhiibtay Turkiga oo dhowaan uu dalku la galay heshiis 10 sanno ah oo u suuragalinaysa xeebta ugu dheer qaaradda ee Soomaaliya inuu Turkiga ilaaliyo, sidoo kale Ankara waxay gacanta ku haysa hannaanka ugu weyn ee dib u dhiska ciidanka Soomaaliya , si la mid ah Turkiga waxay maamullaan goobaha muhiimka u ah caasimadda iyo dal oo ay ugu horreeyaan dekedda iyo garoonka Muqdisho , waxaa kalo jira mashruuc kale oo muhiim ah oo ay gacanta ku hayaan kaa oo ah isbitaalka adeegga ugu ballaaran bixiya ee loogu magac daray Erdogan oo Muqdisho ku yaal , Dawladda ayaa sidoo kale rajo ka qabta inuu Turkiga gacan ku siiyo isbeddelka dhaqaalaha oo shidaal usoo saaro sidoo kalana kalluumaysiga iyo horumarinta kaabayaasha kale. Soomaaliya hadda muddo 10 sanno ah waxay dhexda u gashay caloosha Turkiga oo halis ku ah isbeddel ka soo horjeeda haddii uu ka dhaco, iyadoo horey xubnaha mucaaraadka Turkiga ay u sheegeen inaysan muhiim u arkin dal Soomaaliya oo kale ah inay dhaqaalo badan ku bixiyaan, wallow Turkiga uu Soomaaliya ka faa’iido macaash badan oo aan xad lahayn.

5 days, 14 hours ago

Imamoglu, oo xubin ka ah xisbiga ugu weyn mucaaradka Turkiga ee CHP, ayaa si weyn ugu guuleystay doorashadii dawladaha hoose oo codod badan loogu doortay duqa magaalada Istanbul,wuxuuna hadalkiisa ka dhiganyahay inuu si weyn uga duwan yahay mowqifka madaxweynaha Turkiga , Recep Tayyip Erdogan, kaaso u arka ururka Falastiiniyiinta Qasa ee Xamaas gobonimo u dirir, wuxuuna barbar dhigaa dhaqdhaqaaqooda halgankii gobonimo doonka ahaa ee Turkiga, isagoo Turkiga ku martigeliyay hoggaanka siyaasadda ee Xamaas.

5 days, 16 hours ago

Fiiro gaar ah;

Warbixinnadii u dambeyay ee qiimeynta militari ayaa toddobaadkan muujiyay inuu Ruushka horumar ka sameynayo burburinta jiidaha hore ee bariga, natiijadaa oo ay warbixinnada sheegeen in xilli hore la arkay, waxa halista ah ayay ku sheegeen inuu Ruushka ku dhowyahah dhul taagag ah oo u fududeynaya inuu dhaqso u gaaro masaafo badan, balse Ruushka inuu burburiyo dhufaysyada u furaya inuu galo Kyiv ayaa la sheegay inay muddo qaadanayso.

2 months, 1 week ago

Warbixin; xaaladda u dambeysay ee Qasa … tan ugu daran hadda waa gaajada;

https://www.facebook.com/share/v/wwE4hh4fBmc9wB9B/?mibextid=w8EBqM&startTimeMs=172000

Facebook

Log in or sign up to view

See posts, photos and more on Facebook.

2 months, 1 week ago

Wararkii u dambeeyay ee caalamka oo qodobbo xiiso leh ay ku jiraan ayaa goor dhow soo galaya bartayda YouTube, haddii aadan horey u raacin , fadlan hadda ku biir; https://youtube.com/@ImanJama-?si=oRsGYuMVIuOKgcqb

2 months, 1 week ago

🚨 Kooxda Xuutiyiinta ee Yemen, ayaa sare u qaaday tirada dagaalyahannada cusub ee ay qoranayaan, xilli ay kooxdan ballaarisay awoodeeda militari. Warbixin cusub oo ay kooxda soo bandhigtay ayaa la sheegay ku dhowaad 30 kun oo dagaalyahan in la qoray.

Warbixin arrintan faahfaahinaysa, waxaan ku soo gudbin doonaa barnaamijkeenna wararkii u dambeeyay ee caalamka oo hab maqal ah aan ugu soo gudbiyay barta YouTube; https://youtube.com/@ImanJama-?si=xFAN4MbmTkc5WZZi

2 months, 2 weeks ago

Qodobkan iyo fallanqeyntiisa waxad ku dhagaysan doontaan barnaamijka galabnimo ee barta YouTube-ka aan ku baahiyo, haddii aadan horey ugu biirin, fadlan halkan ku soo biir; https://youtube.com/@ImanJama-?si=DMWlysbQmDL62qrM

2 months, 2 weeks ago

Xaaladda aan ugu baqayo dagaalka Qasa!

Haddii Israa'iil ay weerarto Rafah, markaa badi dalalka reer galbeedka ayaa dhab ahaantii cadaadis saari doona, ma aha inay ka joojin doonaan, laakin waxay ku dhaqaaqi doonaan inan la joojin, iyagoo taa beddelkeeda ku cadaadinaya Masar , inay furto xadduudka , si ay uga baxaan Rafah dadka rayidka oo ay soo dhaweyso, waxaa markaa lagu marmarsiyoon doonaa in dadka rayidka ah oo ay ugu horreeyaan carruur iyo haweenka in laga saaro goobta dagaalka. Waxaa run ah, haddii Israa’iil weerar buuxa ku qaado Rafah, waxaan arki doonaa xasuuq aan horay loo arag. Bal qiyaas hal kiilo-mitir oo kasta oo ku yaalla Rafah waxaa ku nool 10,000 oo rayid ah.

Masar ma u adkeysan kartaa cadaadiska reer galbeedka marka loo eego xaaladaha dhaqaale ee hadda ay ku jirto?

Haddii tani dhacdo, markaas waxay la macno tahay xaaladdii ay Israa'iil qorshaysay tan iyo bilowgii dagaalka inay run noqon doonto
"Barakaca dadka Qasa illaa Siinay"

Haddii aan waalida Israa'iil la joojin ... waxaan filayaa inay billaabayso xasuuqa Rafah labada toddobaad ee soo socda.

2 months, 2 weeks ago

🚨Xamaas ayaa ku eedeysay inuu Netanyahu ku jiro ciyaar si uu uga war wareegto heshiis dhaca , balse waxay sheegeen inay ciyaarta la geli doonaan , inta uu xaqiiqsanayo waddada kaliya inay tahay heshiis, sida uu Aljazeera u sheegay Cusmaan Xamdaan oo ka mid ah saraakiisha Xamaas.

2 months, 3 weeks ago

🚨 Netanyahu ayaa ka codsaday Halevy oo ah madaxa guud ee ciidamada in ay dejiyaan qorshe lagu fulinayo laba waji, wajigii koowaad waa in laga barakiciyo ku dhowaad halka milyan iyo shanta boqol ee ku soo barakacay Rafah, tan labaadna waa in la burburiyo wax ay ugu yeereen afarta guuto ee Xamaas oo ku sugan Rafah, inkastoo ay jirto kala duwanaan dhex dooda ah sida ay howlgallada noqonayaan iyo diidmada caalamiga ah, Netanyahu iyo midigta xad dhaafka ah ayaa raadinaya tan, sababtoo ah hirgelinta qorshahaas waxay u arkaan inay ku gaarayaan mid ka mid ah saddexdooda hadaf; barakaca qasabka ah ee Siinay ama xakamaynta isgoyska Philadelphia, ama ugu yaraan kaarka cadaadiska ee Xamaas si ay u sameeyaan tanaasul hindisaha xabbad- joojinta, balse su’aashu waxay tahay waa maxay mowqifka waddamada Carabta ee ku aadan doorashada koowaad iyo labaad, gaar ahaana maxay tahay jawaabta Masar oo ah dalka Carabta ugu weyn iyo dalka xudduuda la leh?

We recommend to visit

بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad 3000 Buug-Somali
Free Ah
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
https://telegra.ph/HA-DEG-DEGIN-AKHRI-11-15
© Somalibooks Pro Inc
- All Rights Reserved-⤵️
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 4 months, 3 weeks ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 2 weeks, 3 days ago

Kala soco Xikmad iyo Qormooyin Markasta Io Meelkasta.

Last updated 1 month, 1 week ago