SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!
@Abdii_Sabaa
?NU QUNNAMUUF?
@AbdiiSabaaDm
?BARNOOTAAF
@abdii_sabaa_university
?MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa
Last updated 2 months, 3 weeks ago
Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.
Headquartered in Mogadishu.
Last updated 3 weeks, 3 days ago
Cryptocurrency ku baro si fudud, koorsada ka dalbo website keena abdishakur.me
Last updated 4 months, 1 week ago
Israa'iil waxay Iran u aragtaa mid nugul, kaddib duullaanka Qasa, Lubnaan iyo isbeddelka ka dhacay Suuriya , oo ay weheliso weerarkii bishii Oktoobar, 2024 ay Israa’iil ku qaaday gudaha Iran, markaa oo ay sheegatay inay burburisay nidaamka difaaca ee Iran. Warbixinta, waxaa lagu sheegay in xubnaha sare ee Israa’iil ay aaminsanyihi in haddii aan sidii Liibiya oo kale la burburin barnaamijkeeda Nukliyeerka, inay Iran la soo bixi doonto awood aan la joojin karin.
Maraykanka ayaa horey ugu wareejiyay Israa’iil bambooyin dhumuc weyn, markii Trump uu xilka la wareegay, kuwaasoo awood u leh in lagu beegsado goobaha Nukliyeerka dhulka hoostiisa ee Iran, sida warbixintu ay sheegtay, iyadoo intaa lagu daray sirdoonka Mareykanka inay saadaaliyeen in Israa’iil ay duqayn doonto lix bilood gudahood xarumaha nukliyeerka Iran, haddii aan heshiis la gaarin...!
Fiiro gaar ah;
Toddobaadkii hore, saraakiisha ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran ayaa markii u horreysay usoo jeediyay hoggaamiyaha sare, Ali Khamenei inuu dib u tirtiro fatwadii uu soo saaray sannadkii 2005, ee uu ku mamuuucay heysashada bambooyinka nukliyeerka Iran, markaa oo ay saraakiisha u sheegeen Khamenei, haddii uusan tan sameyn in maamulkiisa la cirib-tiri doono, sabab la xiriirta hanjabaada Israa’iil iyo Mareykanka.
Mowqifka saraakiisha Ilaalada Kacaan Iran, ma cadda inuu ku filan yahay inay ku xaqiijinayaan awoodda ay u leeyihiin inay bannaanka usoo saaraan bambooyinka nukliyeerka..!
Ka soo tag aqalka cad ; Maalin ka hor waxaa la arkay muuqaal madaxweynaha Pakistan , Asif Ali Zardari oo waydiinaya Erdogan oo booqday Islamabad ; “ ma waxaa jirta khatar dhammaanteen aan wajahi karno” markaa ma hadlin Erdogan kaliya wuxuu ruxaya madaxa, hadalka wuxuu la macno yahay surtagalnimada khatarta ay wajahayaan muslimiinta Qasa inay guud ahaan la kulmayaan dalalka Islaamka , sababtoo ah markiiba Asif Ali Zardari , wuxuu hadalka ku xijiyay inuu u abaal sheegtay Turkiga ,kaddib markii uu dib u xasuusiyay inay Pakistan fagaarayaasha ku taageertay qaddiyada Turkiga ee waqooyiga Qubrus, hadalkan dambana wuxuu ku saabsan yahay ; waa in Turkiga uu si cad u taageerraa qaddiyada Pakistan ee gobolka Kashmiir oo ay isku heystaan Hindiya! Pakistan si ka duwan dal kasta oo muslim ah waxay leedahay taariikh ah inay si dhab ah u taageerto qaddiyadaha dhulalka ee muslimiinta, waxa ku quseeya, waa in Pakistan sida ay hoos ugu dhigtay xiriirka ay la lahayd Itoobiya , markii uu dhacay dagaalkii 1977 ,iyagoo taageerraya Soomaaliya , dib looma hagaajin xiriirka illaa hadda..!
Ma dhaba khatarta ay wajahayaan dalalka Islaamka?
Kaddib duullaanka Qasa , wuxuu soo muujiyay sida ay khatarta u wada gaarayso dalalka Islaamka , sababtoo ah Israa’iil ayaa iskudayaysa inay dhulkooda ku cadaadiso Islaamka , dal kasta oo muslim ah wuxuu wajahaya khatarta dalka ku dhow ee xiriirka la leh Israa’iil, sida Pakistan ay halis uga wajihi karto Hindiya..!
Waxaad maqashay bartamihii sannadkii hore , Erdogan oo ku celcelinaya inuu Turkiga wajahayo khatar uga imaanaysa Israa’iil! Ma jiro xad ay wadaagaan , balse illaa marxalad qabsasho ayuu soo muujiyay Erdogan inuu qorsheynayo Netanyahu , xaaladan waa sababta aan u aragnay si dhaqso ah inuu Turkiga ugu dhaqaaqay in xukunka laga tuuro Bashaar Al-assad , tana waxay bannaanka soo dhigtay inuu Turkiga arkay halka khatarta ka soo galayso inay tahay xadduudka Suuriya..! Isla xaaladan waxaa dhexda uga jirta Soomaaliya!
Mar kale Erdogan , ayaa maanta soo baxay isagoo sheegaya inay tahay wax aan la qaadan karin illaa hadda inaysan qaadin tallaabo mideysan waddamada Islaamka oo looga jawaabayo xaaladda Qasa! Waa run dad badan ayaa arka in Erdogan uusan qaadin wax ku filan oo uu ku faragelin karo xaaladda Qasa illaa dadweynaha Turkiga ay ku ciqaabeen doorashadii sannadkii hore ee golayaasha deegaanka , iyagoo ka caraysan inuusan faragelin xasuuqa Qasa! Laakin miyay tahay wuxuu kaligii awooddo Erdogan ? Dabcan waa inad oggaataa haddii aad ka hor imaanayso Israa’iil, waxaad ka hortagaysa quwada reer galbeedka ee Mareykanka u horreyo , taasi waa ma jirto cid kaligeed dagaalka wajihi karto, waana sababta aan u maqlayno Erdogan oo midnimo iyo wadajir ugu baaqa dalalka Islaamka.!
Ugu dambeyntii, dunidda waxay na tusaysa isbeddel degdeg leh oo dhacaya , waxay si gaar ah dhacdooyinka u quseeyaan muslimiinta oo waxaa la mooda in la joogo waqtigii uu Nabigeenna Maxamed (NNKH) uu inoogu sheegay in la arki doono xilli muslimiintu u muuqdaan ‘ inay ku dhex jiraan saxan oo la hareereeyay’! Laakin nasiib darro dalkeenna iyo bulshadeenna oo aan ula jeedo Soomaaliya , isbeddel wuxuu ka dhacaya gudaheenna oo waxaan ku dhownahay kuwa kala tagaya oo luminaya midnimada illaa wax u eg in xataa ‘guryaha dariska ah ‘ ay xadduud sameyn doonaan..!
Narendra Modi, wuxuu isku celiyay labo mar inuu dhoola-caddeeyo, markii Trump oo dhinac taagnaa uu xalay Aqalka Cad ka sheegay inuu Mareykanka ka iibin doono Hindiya diyaaradaha jiilka shanaad ee F-35 — qof walba wuxuu oggaa in diyaaradan uu Mareykanka ka iibiyay xulafadiisa muhiimka ah, taasina waa sababta keentay in la is waydiiyo doorka Hindiya?
Maxay Hindiya muhiim ugu tahay Mareykanka ?
Hindiya waxay soo bandhigtay daacadnimo waqti dheer si ay u muujiso inay tahay xulafo uu Mareykanka isku haleyn karo, taa oo jirta Mareykanka ayaa u baahan Hindiya in ka badan inta Delhi u baahantahay Washington, sababtoo ah Mareykanka ma awooddo inuu wada lumiyo Shiinaha iyo Hindiya; tirada bulshada Hindiya iyo goobta ay ku taal ayaa sare u qaadaysa baahida Mareykanka u qabo inuu halkaa joogo.
Hindiya , waxay sameysay koritaan dhaqaale oo deg deg ah , si la mid ah wax soosaarkooda warshadaha ayaa noqday mid horumar sameeyay , horumarkan ayaa saameyn diblomaasiyadeed siiyay Hindiya illaa ay ku biireen isbahaysiga BRICS — wuxuu doonaya Trump inuu ka taqluso isbahaysigan illaa uu shalay ku hanjabay inuu cunaqabateyn 100% ah saari doono dalalka xubnaha ka ah haddii ay iskudayaan inay la ciyaaraan dollarka; wuxuu ula jeeda qorshaha ay dalalkan ku doonayaan inay ka maarmaan dollarka, waxaa xigtay inuu sheegay sida uu u doonayo Ruushka in lagu soo celiyo isbahaysiga G7 ee dhaqaalaha oo ah cidda ay BRICS la tartamayaan, ma ay doonayaan reer galbeedka awood ka hortimaado, si natiijada loo gaaro Trump wuxuu u baahanyahay inuu ka faa’iideysto saameynta Hindiya , waana sababta aad u arkayso si ka duwan dumuqraadigii banneeyay Aqalka Cad , mudnaan aysan siin Hindiya inuu bixinayo Trump , wuxuuna jabiyay darbi, kaddib markii Hindiya oo heysata nidaamka difaaca Ruushka ee S-400 oo laga ilaaliyo inuu wax ka barto F-35 , hadana Trump ayaa go’aansaday inay Hindiya noqoto dalkii u horreyay ee ku hubaysan nidaamka oo hadana helaya diyaaradan..!
Xaqiiiqada ay tahay inad oggaato?
Ra’iisul wasaaraha Hindiya ,Narendra Modi wuxuu jirta damac gaar ah oo uu leeyahay , wuxuu doonaya inuu noqdo hoggaamiyaha koonfurta Aasiya, doonista kuma fidsana koonfurta oo dhan ee waa in la lumiyo saameynta dalalka muslimka ah ee xadka la leh oo horey uga goostay Hindiya , waa; Pakistan iyo Bangladesh, kaliya ma ah inay lumaan ee waxaa kalo uu ka doonayaa inuu qaato dhulalka lugu muransanyahay!
Waxa aad ku aragtay Aqalka Cad illaa shalay waxay ahayd abaalmarin ay helaysay Hindiya illaa bixinta diyaaradda jiilka shanaad ee F-35 oo ah wax aan u wanaagsanayn Pakistan , si aad u fahanto tan — Narendra Modi wuxuu xiriir adag la sameeyay Netanyahu illaa Hindiya ay noqotay deeq bixiye ka sara maray dalalka Yurub , muddada uu socday xasuuqa Qasa , waxayna Delhi ahayd deeqsi aan dib dhicin oo bixiyay gantaallada ka mamnuuca ah goobaha rayidka iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn , xataa Netanyahu wuxuu joojiyay marar badan oo Modi doonaan inuu tago Qudus , ma garanayo sabab uu tan u sameeyay Netanyahu , laakin waxaan fikrad ka siinayaa ujeeddada Modi, ma aha nacas, wuxuu ogyahay saameynta Israa’iil , gaar ahaan Netanyahu uu ku leeyahay Mareykanka iyo wuxuu mar walba u sheegaa Netanyahu inay leeyihiin hal cadow, isagoo ula jeeda muslimiinta , waxaana loo arkaa shaqsiga labaad Modi , marka laga hadlo nacaybka muslimiinta..!
Taageerrada uu bixiyay Modi, wuxuu ku riixey Netanyahu inuu ku abaal-gudo dhisidda xiriir adag oo shaqsi ah si uu ula yeesho Trump!
Si aad u fahanto, sida ay isugu egyihiin Modi iyo Netanyahu , waxaa jira hadal ka soo baxay Trump intii uu xalay aqalka cad joogay Modi, kaddib markii wariye Hindi ah su’aal si ula kac ah loo diyaariyay uu waydiiyay Trump oo la xiriirtay Bangladesh, wuxuuna Trump u rogay dalka Bangladesh, goob uu mas’uul uga yahay oo ay uga dambeynayaan Narendra Modi! Dhabtii waa hadal aan horey ciddi u qiyaasin oo saameyn ku yeelanaya koonfurta Aasiya. Tani waa waxa uu u socday Modi inuu maqlo.
Wasiirka arrimaha dibadda Iran, Abbas Araghchi ayaa u sheegay Al Jazeera ; “Waxaa jira isbedello badan oo hadda dhacaya, marka waxaa wanaagsan inaan la saadaalin dhicitaanka Bashaar Al-assad.”
Wakaaladda wararka Reuters, ayaa ku warrantay inuu wasiirka arrimaha dibadda Turkiga , Hakan Fidan u sheegay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka , Antony Blinken in looga baahanyahay Bashaar Al-Assad inuu wada-hadal la galo mucaaradka,isagoo markaa ku sheegay dhibaatada Suuriya in lagu xallin karo inuu Assad la fadhisto mucaaradka.
Bashaar Al-Assad ayaa ku boorriyay Turkiga in uu soo farageliyo sidii loo joojin lahaa mucaaradka, wuxuuna hub iyo sirdoon ka dalbaday dalal ay ka mid yihiin Imaaraadka Carabta, Masar, Jordan iyo Ciraaq, balse ilaa hadda ma jirto cid ka soo jawaabtay codsiyada Assad, wargeyska Wall Street Journal ayaa ka soo xigtay saraakiisha ammaanka Suuriya iyo ilaha carabta.
Suuriya ayaa Ruushka ka heshay ballan qaad ah kaalmo militari oo dheeri ah si ay u xoojiyaan dadaalka ay ugu jiraan ka hortagga dhaqdhaqaaqa mucaaradka oo la wareegay gacan ku haynta gobolka Xalab ee waqooyi-galbeed ee dalkaas. Dimishiq ayaa filaysa imaanshaha qalab cusub oo militari oo Ruushku leeyahay saldhigga Hmeimim ee u dhow Latakiya 72 saacadood gudahood, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.
Fiiro gaar ah;
Ciidanka ka amarqaata Bashaar Al Assad , ayaa shalay illaa xalay isaga baxay magaalada Xalab, taa oo u suragelisay muddo taban sanno kaddib inay xooggaga mucaaradka gacanta ku dhigaan magaalada , kuwaasoo howlgallo dardar ku socda Arbacadii ku qabsaday dhammaan deegaannada ku hareerasay Xalab.
Fiiro gaar ah;
Waa hadalkii u horreyay Zelensky, uu ku sheegayo inuu diyaar u yahay dhulka Ukraine ee uu heysto Ruushka inuu ka tanaasulo si loo soo afjaro dagaalka, tan oo ku soo aadaysa xilli maamulka Trump laga maqlay inay kaliya diiradda saari doonaan joojinta dagaalka oo aysan dooneyn waqtigan inay Ruushka kala hadlaan dhulka uu heysto. Waxaa ka horreysay in xubno ka tirsan maamulka Trump laga soo xigtay in heshiiska ay ku doonayaan Ruushka inuu dagaalka joojiyo inay ku jirto muddo 30 sanno ah in dib loo dhigo hamiga ay Ukraine ku doonayso inay ku biirto NATO.
Putin , ayaa markii u dambeysay oo uu soo bandhigay shuruudaha uu ku joojin karo dagaalka , wuxuu ku sheegay ; Ukraine inay ciidankeeda ka saarto afar gobol oo kala ah; Donetsk, Luhansk, Kherson iyo Zaporozhye oo uu ku sheegay aftidii laga qaaday inay ku biireen Ruushka. Waxaa kalo uu ku xiray si wada-hadallo loo billaabo inay Ukraine ka tanaasusho doonisteeda ku biiritaanka NATO iyo inay dalalka reer galbeedka cunaqabateynta ka qaadaan Ruushka.
Wareysiga uu hadda bixiyay Zelensky, wuxuu ku soo bandhigay oggolaanshaha qeyb ahaan shuruuda Ruushka, taa oo fududeyn karta in markii u horreysay uu suuragal u muuqan karo iskudayga Trump ee joojinta dagaalkan.
Madaxweynaha Suuriya , Bashaar Al-Assad oo si deg deg u tagay Moscow oo la sheegay inuu la kulmay Putin, ayaa dib caawa ugu soo laabtay Dimishiq, iyadoo la arkay in Ruushka uusan qaadin tallaabooyin ku filan oo lagu joojin karo xooggaga mucaaradka ee qabsaday magaalada Xalab , taa oo ka dhigan guusha ugu weyn ee dagaalka ay ka gaarayaan mucaaradka muddo siddeed sanno ka badan.
Wargeyska Middle East Eye, ayaa ku warramay in sawirrada dayax-gacmeedka laga arkay in saldhigyada Ruushka ee gudaha Suuriya ay maranyihiin oo tiro yar oo diyaaraddo iyo hub duug uu Ruushka uga tagay Suuriya , isagoo awoodiisa oo dhan u jiheeyay dagaalka Ukraine , in mar kale uu iskudayo Ruushka inuu difaaca Assad, waxay ku sheegeen ilo uu wargeyska xigtay inay u baahantahay waqti iyo Ruushka inuu ka soo saaro waqooyiga Afrika calooshood u shaqeystayaasha Wagner si ay uga dagaallamaan gudaha Suuriya.
Afhayeenka aqalka Ruushka ee Kremlin, Dmitry Peskov oo maanta la waydiiyay inuu ka hadlo dagaalka dib uga qarxay Suuriya, wuxuu sheegay waxa ka socda Suuriya inay tahay xad-gudub, isagoo markaa tilmaamay inuu rajeynayo maamulka Assad inay awoodaan sidii ay gacantooda ugu soo celin lahaayeen Xalab, marka ma uusan sheegin doorka uu Ruushka ku caawin karo maamulka Assad. Laakin si cad guul-darrada Assad, waxay saameyn ku leedahay sharafta Ruushka, taa oo ku khasbaysa inuu Ruushka ilaaliyo booskiisa Suuriya.
Fiiro gaar ah;
Shabakadda Axios, ma sheegin sababta Trump uu u aaminay in waqti hore ay wada dhinteen maxaabiista, balse tan waxaa laga yaaba weerarrada bambooyinka culus ee Mareykanka ee Israa’iil ay ku garaacayso Qasa, inay la noqotay Trump inaysan jirin cid ka badbaaday.
SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!
@Abdii_Sabaa
?NU QUNNAMUUF?
@AbdiiSabaaDm
?BARNOOTAAF
@abdii_sabaa_university
?MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa
Last updated 2 months, 3 weeks ago
Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.
Headquartered in Mogadishu.
Last updated 3 weeks, 3 days ago
Cryptocurrency ku baro si fudud, koorsada ka dalbo website keena abdishakur.me
Last updated 4 months, 1 week ago