Unlock a World of Free Content: Books, Music, Videos & More Await!

TILMAAME CAAFIMAAD

Description
1 Taloyin cafimad
2 Dhiirigalin
3 Wacyi galin dhanka khayrka ah
Advertising
We recommend to visit

بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad 3000 Buug-Somali
Free Ah
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
https://telegra.ph/HA-DEG-DEGIN-AKHRI-11-15
© Somalibooks Pro Inc
- All Rights Reserved-⤵️
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 5 months, 1 week ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 1 month ago

Kala soco Xikmad iyo Qormooyin Markasta Io Meelkasta.

Last updated 1 month, 3 weeks ago

3 months, 1 week ago

Fariin caafimaad

5 months, 2 weeks ago

Maxa sababa calool fadhiga ama saxasaro adeega

Waaxa jira dhowr sababood oo dhamaan keeni kara calool fadhiga ama saxaro adeega, balse ii ogolaaw in aan kula wadaago 6-da shay ee ugu badan ee bulshadeena ku keento calool fadhiga:

1- sababta ugu horeyso ee keento calool fadhiga waa qaab nololeedka qofka oo aan saxneen gaar ahaan nooca cuntada uu qofka isticmaalo, tusaale ahaan, hadii qofka uu si joogto ah u istimaalo bariis iyo baasto qalalan waxay keeni karta calool fadhi ama saxaro adeeg, hadii qofka uu isticmaalo cuntooyinka qolofta leh sida digirta, masagada, sareerta ama qamadiga iyo wixi la mid ka ah waxay ka hortagaan calool fadhiga ama calool istaaga.

2- qofka oo aanan cabin biyo ku filan maalintii ayadana waxay keeni karta calool fadhi, waxa la raba in uu qofka weyn maalintii cabo qiyaasti 3 litir oo biyo ah.

3- Hadii qofka shaqadiisa ay u badantahay fadhi sida shaqada xafiisyada ama uu guriga iska joogo; micnaha qof dhaqdhaqaqiisa uu yaryahay hadii aad tahay waxay keeni karta calool fadhi. sidaas daraadeed sameey jimicsi joogto ah.

4- Sida caadiga ah, qofka hadii ay saxaro qabato waxa la rabaa in uu si dhaqsi ah suuliga ku aado, hadii ay sidaas dhici weyso waxay keeni karta in saxaradii waqti dheer si ku meel gaar ah loogu keydiyo xiidmaha ama mindhiciraha waaween qeebta dambe arintaasi na waxa ka dhalan kara in saxaradii laga nuugo biyaha sidaas na ay saxaradii ku adkaato kadib ay arintu isku badasho calool fadhi, sidaas awgeed suuliga si dhaqsi ah u aad mar walba oo aad u baahato.

5- Waxa jiro daawooyin qaar sababo calool fadhiga, hadaba hadii aad calool fadhi isku aragto adigoo daawo u qaadanaayo xanuuno kale waxa macquul ah in daawada ay kugu sababtay calool fadhiga ee fadlan, la xariir dhaqtarka una sheeg calool fadhigaaga asaga aya kuu xaqiijin kara in daawada aad qaadanayso ay sababtay calool fadhiga ama ay xaalad kale jirto.

6- Istareeska asagana waxaa cilmi baaris lagu ogaaday in uu sababi karo calool fadhiga, sidaas awgeed mar walba iska yareey istareeska ama dhaqtar la xariir hadii aad xakameyn weyso.

5 months, 3 weeks ago

Faa’idooyinka Caafimaad Ee dhaga yare Iyo Cudurada Uu Jirka Ka Caabbiyo

Dhaga yare waa xawaash caraf badan oo cuntada lagu darsado waxuuna uu yeelaa dhadhan fiican iyo udgoon, waana geed daaweed caafimaad badan.

Caafimaadka afka:

Dhaga yaraha wuxuu la dagaallamaa bakteeriyada waxyeellada badan ee keenta suuska ilkaha ee loo yaqaanno “Streptococcus mutans”.

Dhagayaraha wuxuu dilaa bakteeriyada keenta huurada wuxuuna carfiyaa afka. Calali dhowr mir oo hayl ah si aad uga takhalusto urta aan fiicnayn ee afka.

Caafimaadka Caloosha:

Dhagayaraha waxa uu kordhiyaa dheecaanka bayl, kaas oo hagaajiya caafimaadka dheefshiidka, islamarkaana ka hortagta laab jeexa iyo nabarrada caloosha, waxaa lagula tacaalaa lalabada iyo matagga, wuxuu yareeyaa hawada caloosha iyo calool fadhiga. Daraasado ayaa tilmaamay in dhagayaraha uu ka hortago bakteeriyada loo yaqaanno “Helicobacter pylori” oo keenta gaaska. Cab shaaha haylka leh si aad uga hortagto cilladaha caloosha.

Caado wareerka:

Dhagayaraha waa xanuun baabiye sidoo kale wuxuu saxaaa caado wareerka haddii aad si joogta ah u isticmaashid haylka waxaa dib u saxmaya dhigga.

Baabasiirk:

Daraasado kala duwan oo la sameyey waxaa lagu ogaaday dhagayaraha oo la isku uumiyo in uu la dagaalamo baabasiirka sidoo kale waxaa jira saliid dhagayaraha laga sameyey haddii aad marisid malawadka wuxuu yareeyaa finanka ka soo yaaca malawadka.

Cudurka kansarka:

Dhagayaraha waxaa ka buuxo maadooyinka sun-saarista oo la dagaallama cudurka kansarka. Daraasado la sameeyay ayaa muujiyay in dhagayaraha uu awood u leeyahay inuu baabi’iyo unugyada kansarka

5 months, 3 weeks ago

10 Faa'iido oo laga helo Cuntooyinka Baalka leh.
1). Waxay caawiyaan dhisidda lafaha,
2). Waxa ku jira Nafaqooyin iyo fiber aad u sarreeya.
3).Waxay Hoos u dhigaan halista wadne xanuunka.
4). Waxay Hoos u dhigaan khatarta faaliga/qalalka
5). Waxay yareeyaan khatarta buurnaanta.
6). Waxay Yareeyan khatarta nooca 2aad ee sonkorowga.
7). Waxay Taageeran dheefshiidka caafimaadka qaba.
8). Waxay Taageeran hab-dhiska neerfaha iyo difaaca.
9). Waxay ka hortagaan calool-jistaaga
10). Waxay kor u qadaan ganka Caloosha.

والعلم عند الله.
DrAbdirashiid Dalab

5 months, 3 weeks ago

Taxanaha Caafimaadka

  1. Dadka biyaha istaaga ku caba waxaa inta badan ku dhaca cudurka sokorta sidoo kale waxaa kilyaha uga samaysma dhagaxaan sidaa darteed inta aadan biyaha cabin fariiso marka hore kadibna si dagan biyaha u cab

  2. Dadka sida joogtada ah u sooma jirkoodu way adag tahay in uu soo galo kansar sidoo kale waxaa jirkooda ka baxa sunta iyo jeermiska inta uu soomman yahay sidaa darteee soon maalmaha isniinta iyo khamiista

  3. Dadka xulbada aadka u isticmaala calooshoodu ma fariisato, xab feeraha kama gali, qaaxo ama TB kuma dhacdo, baabasiirk isma arkaan sidoo kale caruurta qiiq dheerta iyo xasaasiyada qabtana way u fiican tahay

  4. Hadii aad isku aragto ooddin, dibiryo, naqas kugu istaaga, caloosha oo ku fadhisa iyo daal joogta ah ogow jirkaaga waxaa ku yar maadada Potassium sidaa darteed cun koostada, mooska, baradhada, bataatiga iyo bocorka

  5. Hadii madaxu ku xanuuno, baraf saar dhafoorada madaxa, Qare isticmaaal, geed kuleelka isticmaal sida sanjabiilka, qarfaha, filfilsha iyo basbaaska, biyo badan cab, saliidna ku daliig madax iyo qoorta labadaba

Shanta Qodob, Qodobkee Si Gaar Ah Kuu Anfacay? Commentiga Iigu Reeb Si Aan U Ogaado Qodobka Ugu Muhiimsan

Si Looga Faaiideyso Qormadaan oo Muhiim U Ah Dad Badan Waa Inaad Share Garayso
#Share

#drwaahin

6 months, 1 week ago

Hadii aad caafimaad ku soo kacday alxamdulilaah dheh wll

6 months, 4 weeks ago

Caloosha wayn waxaa sababa mar xalado kala duwan balsa marxalada ugu wayn ee sababto caloosha wayn ee dad keena soo maaliyeed waa cuno xumo ama cuntada oo si qaldan looqato sida Cuntooyinka sokorta kubadan tahay sida

  1. Shaaha badan
  2. Cabitaanada
  3. Wax yaabaha mac macaan
  4. Bariiska joogtada ah
  5. Baastada jogtada loo cuno
  6. Cashada lagu jiifto
  7. Burka
  8. Barafka
  9. Baruurta
    10 fadhiga badan

@Dr.Ceyni

6 months, 4 weeks ago

Join dheh  Alle Dartii igu soo biira soo dhawaada ❤️*🥰*

10k Subscribe wax yay leh  ka dhiman please igu caawiya Ha idhaafina igu soo biira Walal kalay ila Noqo😢❤️**

👇👇👇👇👇👇👇👇👇👇👇
https://t.me/xaqiiqadanolosha

7 months ago

Guddiga kahortagga xanuunka AIDS-ka Soomaaliya oo u warramay VOA ayaa sheegay in lixdii bilood ee la soo dhaafay cudurka laga heley 11,000 qof.

Tan ayaa ka dhigan in bishiiba ku dhawaad 2 kun oo qof laga helayay xanuunka.

Waa arrin walaaceeda leh oo u baahan baraarug wayn iyo in si qotodheer loo baaro sababta uu sidaa ugu faafay.

Sidoo kalena bulshada wacyigalin ballaaran la siiyo oo ku aaddan cudurkaan.

Cnasir yusuf

7 months ago

Gabadheey Naaskaaga la Soco isbadalada Ku dhacaya.
---------------------------*--------
Bishan Waa Bisha Ay Xuska usameeyaan Kansarka Naaska Dumarka Ku dhaca.
298kun oo Dumara ayaa lagu sheegayaa inay Xanuunkan Qabaan Sanadkan, 43kun oo Dumar ahna inay udhimanayaan Sanadkan gabagabada Kujira.
Dumarka oo dhan waxa lagu wacyigaliyaa inay la Socdaan isbadalada Midab iyo Cabir ee Naaskooda ku dhaca.
Dumarka Soomaaliyeed waa kuwa ugu Badane aan la Socon isbadalka Jidhkoda ku dhaca, taasoo keenta in la Ogado xanuunkay Qabaan isago maraya Heerarki ugu danbeyay ee Xanuunka.
Si aad Naaskaaga ula Socoto Caafimaad qabkiisa
1. Si joogta ah u eeg Labadada Naas, ado hor istaagaya Muraayada wakhtina Ku Qaadanaya.
2. La soco isbadalka Midabka ee Naaska ku dhaca.
3. Eeg ibta Naaska wax Qoyaan ah ama dheecaan ah inuu leeyahay ama Af inuu leeyahay Qoyan.
4. Kala Waynaanta labada Naas Xadi dabiici ah baa Jira, Xadkiisa inuu dhaafay oo si Xad dhaaf ah ukala waynyihin
5. Wax Kuus kuus ah ama Fiix oo kale ah inuu leeyahay.
Intaaaba Kii aad Aragto wa inad si degdeg ah ugu Tagtaa Dhakhtar Ku Takhasusay Xanuunada Kansarka oo Hore laga gaadho hadi ay Jiraan, Hadi se aad dib dhigto waxaad Gaadhi doontaa Heer aan waxba laga qaban karin.

Dr. Mascuud Dadaal

We recommend to visit

بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad 3000 Buug-Somali
Free Ah
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
https://telegra.ph/HA-DEG-DEGIN-AKHRI-11-15
© Somalibooks Pro Inc
- All Rights Reserved-⤵️
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 5 months, 1 week ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 1 month ago

Kala soco Xikmad iyo Qormooyin Markasta Io Meelkasta.

Last updated 1 month, 3 weeks ago