SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!
@Abdii_Sabaa
?NU QUNNAMUUF?
@AbdiiSabaaDm
?BARNOOTAAF
@Abdiisabaa
?MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa
Last updated 2 months ago
https://t.me/joinchat/AAAAAFgrZgMjBcvdBf7YWg
Last updated 2 months ago
asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook
Last updated 1 month ago
Diinta Islaamka waxa ay ka talisaa masaalixda bulshada. Waxa ay qof kasta ku boorisaa waxa masaalixdiisa qof ahaaneed ku jirto. Guurku waxa uu ka mid yahay waxa uu sharcigu jideeyay, dad kana lagu tarqiibiyay. Xukun ahaantiisa, dhowr xukun ayuu qaadanayaa ayada oo loo eegaayo hadba xaaladda qofka.
Waxa uu noqdaa: Sunno, Makruuh, Waajib, Xaaraan. Si kale haddii aan u dhaha, Axkaamul khamsa waxa looga yeero ayaa ku dureerta.
Waa sunno, marka uu qofka u baahi qabo; awoodna uu uleeyahay nafaqada iyo waxa uu guurka u baahanyahay. Waa makruuh, oo waa laga fiicanyahay haddii uu qofku aad ugu baahi qabo guurka se uu awoodin in uu iska bixiyo qarashaadka biilka iyo nafaqada. Haddaba, qofkaa danbe Shareecadu waxa ay amreysaa in uu guurka iska dhaafo oo uu soomo.
Waxa aad mooddaa, dadka in ay un maqleen inta hore ee xadiisla Nebiga Scw uu ku la dardaarmaayay dhalinyarta ee guurka. Xadiiska qeybtiisa hore ayayba ku jirtay weedh ah: "Qofkii awooda ha guursado dhalinyarooy", dhalinyaradii "Guursada" unbay maqleen ayaga oo gacmo maran ayay galayaan mowduuc aysan tabar iyo toog midna u haynin. Waxaa ka dhalatay arrinkaa musiibo weyn oo ah in aan aragno dad la rafadan biilka oo aanba helineynin ayaga oo ay sugayaan kiintaal carruur ah. Taa waxa ay dar u noqoneysaa in uu yimaado wareer iyo isla hdal badan, aakhirna ay ku biyo shubato in uu Baraha bulshada qofka soo istaago asaga oo calaacalayo.
Si kastab, guurku waxa uu macnaha iyo naxariis lagu sheegay leeyahay marka aad awooddo. Haddii aadan awoodin ka dhac baraadar oo naftaada ha cadaabin adiga oo caadifad ay ku hoggaamineyso.
Bini'aadanku waa kuwa isu baahan. Marka ay isla falgalaanna mid kasta baahidiisa ayuu kan kale u buuxiyaa. Taa oo macnaheedu tahay in ay is dhammeystiraan. Aniga wax baan u baahanahay oo qof kale gacantiisa ku jira, qofka kalana waxa uu u baahanyahay wax gacanteyda ku jirto, taa waxa ay labadaannadaba nagu qasbeysaa in aan kala beddelanno. Beddelkaa waxa uu ku imaanayaa heshiis, heshiis kastana waxa uu u baahanyahay xeer nidaamiyo oo kala hago.
Xeer kasta wakhtiga uu jooga ayaa saameynta ugu weyn ku leh. Xeerarka Rooma lagu isticmaali jiray markasta oo aan wax kamid ah arko waan layabaa. Waa xeerar adag oo sinna aan dadka ula falgelikarin baahidooda. Waxa uu banneyn jiray, qofka aad deyn ku yeelato, in aad disho haddii uu kuu gudi waayo, ama in aad addoon ka dhigataba.
Xeerkaa haddii hadda caalamka lagu soo celiyo, waxaan umaleynayaa Adiga qoraalka akhrinaayo dhowr qof baa hal maalin ku addoonsan lahayd.
Waqti ayaa ka soo wareegay, gantaalladiina waxay noqdeen kuwo casri ah oo door aan la dhayalsan karin ka qaata iskacaabinta, yahuuddana ku abuura walwal iyo walaac.
Qur’aanka ayaa naga kaafiyay doodda arrimahaas, kolka uu Eebbe sarree oo korreeye yiri: “ U diyaarsada [ gaalada] waxa aad kartaan oo awood ah, sida adkeynta dabarka iyo diyaargarowga fardaha kuwaas oo aad ku argagax gelineysaan cadawga Eebbe iyo cadawgiinna, iyo kuwo kale oo ayaga ka sokeeya oo aydaan idinku ogeyn, Eebbe ayaa og, waxa aad wadada Eebe ku bixisaan waa la idiin oofin idinka oo aan la idin dulmin”
Guulle asaga oo dadka u dhimrinaya una naxariisanaya ayuu amarradiisa sharciga ah oo idil shardi uga dhigay karaan. waxa uu yiri korreeye asaga oo Xajka ka hadalaya: “Eebbena wuxuu dadka awooda ku leeyahy in ay beytka soo xajiyaan” Al- Cimraan 97. Eebbe sarreeye ma amrin mujaahidiinta in ay cadawga u diyaar garoobaan diyaar garow dhammeystiran oo u dhigma kan cadowga, balse wuxuu faray in ay dadaalkooda ugu sarreeya ee suurogalka ah bixiyaan, haddii ay ahaan laheyd diyaar garow, tababar iyo naf huridba, haddii kale wax iskacaabin la yiraahdo meesha ma jireyso. Sunnada Alle ee koonka ayaana ku dureersatay in uusan jirin wax billowda asaga oo dhammeystiran maaddi iyo macnawi kuu dooni ha ahaadee.
Cadawga oo wax laga barto.
Dadka hadalladaan taban ku oranaya halgamayaasha gobonimodoonka ah iyo taageerayaashooda waa dad aan waxba ka baran cadawga. Cadawga Sahyooniyadda wuxuu billaabay hayaankiisa gumeysiga asaga oo dunida oo idil laga necebyahay, mashruuciisu waxa uu u ekaa yool in la gaaro ay mustaxiil tahay, waxayna aheyd waxa ay Yahuuddu laftooda u sheegayeen Tiyoodoor Hersal. Kuwaasi haddey dib ugu noqon lahaayeen habkii ay wax u dhigi jireen reer galbeedka inta aysan Sahyooniyadda la yagleelin, cidii la jirtay iyo ciddii kasoo horjeedday, waxay si dhab ah u fahmi lahaayeen in geeddisocodka dagaalladu uu xilliba xilliga kale ka duwan yahay.
Haddii uu cadawgu ku dhiirraday qar iskatuurnimo aan seero laheyn si uu qotomiyo jiraalkiisa gumeynta iyo si uu dadka agagaarkiisa ah xirriiro maaddi iyo macnawiba leh ula sameysto, kadib markii ay dunida oo idil la dagaalantay, naceybna u muujisay, dabadeedna uu dulqaatay oo samray ilaa uu ka gaaray yoolkiisa, dadka dhulka iska lehna waxaa la gudboon in ay sidaas oo kale noqdaan, dhabtii weyba yihiin, dacayaadahaas oo kalena awooddooda ma burburineyso. Waana in ay noqdaan kuwo wax iskacaabiya ama kuwo garab taagan kuwa wax iskacaabinaya sida uu Suubanuhu _ naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee_ yiri: “ Qofkii diyaariya qof duulaya isagana wuu duulay, qofkii si wacan u daryeela reerka qofkii duuleyna, dhab ahaantii waa uu duulay.”
Waa guumeyste dhul ballaarsi iyo deegaameysi u socda; dadku ha iska caabiyaan ama ha aamusaan oo u hogaansamaan e’, uma muuqato wax aan aheyn in uu ka miro dhaliyo qorshayaashiisa iyo aragtiyihiisa.
Weecinta Nusuusta.
Daliisashada nusuusta diiniga ah sida qowlka Eebbe uu leeyahay: “ Eebbe wadadiisa wax ku bixiya, gacmahiinana hoog iyo halaag ha u horseedina, wanaagna fala, Eebbe waa uu jecelyahay kuwa wanaagga sameeya” Baqara, 195.
Aayaddu kama warrameyso qof Eebbe dartii naftiisa u huraya, balse waxey ka sheekeyneysaa kuwa hanti ay heystaan kala bakheyla in ay ku bixiyaan waddada Eebbe, iskaba daa naf hurid e’ taas oo uu Qur’aanka sharafta leh ku lammaaniyo hantida, badanaana Qur’aanka waxa uu maalka ka hormariyaa naf huridda. Sidaa darteed waxaad arkeytsaa qof aayaddaan daliishanaya oo waddadeedii saxda aheyd ka leexinaya wuxuu leeyahay: “ Gacmihiina hoog iyo halaag ha u horseedina” haddii uu waxa ka horreeya soo bandhigi lahaa wuxuu ogaan lahaa in ay aayaddu fareyso in Eebbe dartii wax loo bixiyo.
Waxyaabaha ay dadka qaar nusuustan ku sameynayaan waa marin habaabin barax tiran, haddii kale dhammaan duullaanadii Nebiga – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee- uu uga hortagayay gaalada, Yahuudda iyo Roomaanka ma waxey noqonayaan ka fiirsasho la’aan?. Dhabtii Nebiga – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee- markii ugu horreysay ee uu dacwada la yimid, ninkii caabidka ahaa ee la oran jiray Waraqa Nawfal ayaa u sheegay in uu dhibaato badan ka mudan doono dulmifalayaasha, waxa uuna ku yiri: “shalleytadeydee maan barbaar gaashaanqaad ah ahaado amminta ay tolkaagu ku saarayaan,” wuxuu yiri: “ oo miyey i saari doonaan?” wuxuu ku warceliyey Waraqa: “ ma jiro qof la yimid waxa aad la timid oo aan la ceyrin ama la waxyeelleyn.
Halkaan in baadilka la wajaho ma waxey aheyd ka fiirsasho la’aan? Mise wuxuu ahaa dagaal aan loo babac dhigi kareyn oo uu kudedegay( suubanuhu)?Dagaallada xaqa iyo baadilka, kuwa geylanka iyo gumeynta waxey had iyo jeer noqdaan kuwo adag oo dhagar badan, iyada oo aan la tixgelineyn anshaxa kan u dagaalamaya runta, kan dagaalkaas galayana waa ogyahay in labo arrin middood un ay sugayso: guul ama geeri, asaga oo rumeynaya hadalki Eebbe ee ahaa: “waxaad dhahdaa: ma waxaad naga sugeysaan waxaan labada wanaag midkood aheyn [ guul ama geeri(shahaafo)], annaguna waxaan idinla sugeynaa in uu Eebbe idinku rido cadaab asaga xagiisa ka ahaaday ama aad mudataan halaag xaggeenna ka yimid, ee suga annaguna waan idinla sugeynaaye” Tawba 52.
Qur’aanku waxa uu suuradda Buruuj inooga sheekeeyay qisada asxaabtii godadka, waxey ahaayeen koox nabadeed, ma aysan sameyn wax aan ka aheyn in ay Eebbe keligii rumeeyeen, dabadeed xaakinkii daalinka ahaa ayaa soo qabqabtay dhammaantoodna wuu laayay, cidna kama uusan reebin. Dadkaasi ma dad aan ka fiirsan ayey ahaayeen maadaama ay Eebbe weyne rumeeyeen? Qaddiyadoodii se ma halkii ayey ku burburtay? Maya, guul ruuxi ah ayey gaareen, raq ahaan haba u shahiidaan e’. arrimahaan oo kale waxaa lagu cabbiraa halbeeggan oo kale.
Muxuu yahay diyaargarowga looga baahanyahay wax iskacaabinta?
Waxa aan kor kusoo xusnay nuxurkoodu maaha in aan loo diyaar garoobin lana qorsheyn dagaallada, balse halkaan waxaa ku jirta weydiin mudan in la isa su’aalo:Muxuu yahay diyaargarowga looga baahanyahay wax iskacaabinta iyo shacabkuba si aynu u niraahno waxey u diyaarsantahay in ay dagaal gasho? Waa weydiin haddii ay wax kooxaha gobonimodoonka dunida soo maray oo idil is weydiin lahaayeen aysan ka xuroobi laheyn gumeystaha. Wax iskacaabin kasta waxa ay billaabatay tabardarnaan, dabadeeed tartiib tartiib ayay u awoodeysatay. Yaanan illoobin waxyaabihii waagii hore laga sheegi jiray gantaallada Qasaam[xamaas]; tusaale ahaan mid kamid ah culimada salafiyada ee Masar jooga - waa Sheekh Maxamed Xuseen Yacquub e’ - ayaa yiri: “ Gantaalladaas darbi xitaa ma burburin karaan” sidoo kale yaanan illoobin hadalkii Maxamuud Cabbaas uu ka yiri kolkii uu ku magacaabay boombahalaha, asaga oo ku jeesjeesaya saameyn yaridooda sidoo kalana u ekeysiiyay boombalaha ay ciyaalku ku ciyaaraan ciidaha.
Kooxaha gobonimodoonka ahi ma waxay Galiyeen Gasa Dagaal aysan u Babac-dhigi karin?
W/Q: Dr. Cisaam Taliima.
W/T: Cabdishakuur Garaad.
Ilaa iyo intii ay Qasa ka hureen dhacdooyinka iyo xasuuqa maalinalaha ah ee cirbinayay hawlgalka magacaabay dullaankii “Duufaantii Aqsa” , doodaha arrintaas ku saabsan ma aysan istaagin, kol wuxuu ka dhaxeeyay siyaasiyiinta, mar kalena waxaaba la huwinayay hu’ diimeed ama mid fatwo. Qeyb kamida doodahaan waxaa ka muuqatay dhimrin iyo cabsi loogu muujinayay dadka reer Gasa iyo kooxaha wax iskacaabinta, balse hadafkooda iyo yoolkooduba waxa uu ahaa shaki gelin iyo in kooxha wax iskacaabinta dusha loo saaro eed ah in ay dadka Qasa geliyeen dagaal aysan u babac dhigi karin, maato aan waxba galabsanna dhibaato u horseedeen, ka fiirsasho la’aantooda darteedna ay shacabka reer Falastiin gaartay jug culus oo aysan kasoo kaban karin. Dooddani ma saxbaa?
Waa maangal in ay sax noqoto dooddani, balse waa marka Yahuudda dhibtooda laga nabad galo, si xasilloonn ay u degganaadaan, una diyaar garoobaan in ay dhulka ay gumeystaan ka huleelaan, heshiis dhammeystiran oo labada dhinac ahna la gaaro, dabadeedna ay kooxaha wax iskacaabintu buriso heshiiskii, cadawguna (yahuudda) uu go’aankiisa ku taagnaado, dhexdhexaadiyaal heshiiska ilaaliyana ay jiraan, kolkaas ayaa la dhihi karaa degdeg ayaa ku jira tallaabo kasta oo ay qaadaan kooxaha wax iskacaabintu.
Balse waxaa amakaag ah in aragtidan oo u muuqata in uu nuxurkeedu yahay dhayalsiga maanka iyo mandiqa oo wadajira, taasoo ah in dhibbanaha la dhaleeceeyo, danbiilahana la iska daayo, ayna kusoo aruursanayaan in kan tabarta daran uu weligii sidaa u liito, kan awoodda lehna uu sidaa sanka uga hadlo, dadkuna ay u hogaansamaan, sidii ayadoo cadowgu nabadgalyo la yimid, dalkana soo galay asaga oo ubax guduudan sita, isla dawgaasna ku bixi doono kolka uu farriintiisa dhammeystiro.
Hadalkaan waxaa ku jira khaladaad u baahan in la dul istaago. Waxaa kamid ah khaladaad sharciyeed, kuwo siyaasadeed iyo kuwo waaqicieed ;maxaa yeelay dadyowga soo bandhigaya tuhunnadaan iyo khaladaadkan waxay huwanyihiin hu’ga waanada iyo dhimrinta, waxayna ku daboolayaan cadeyn sharci ah oo reebeysa in uu qofku naftiisa halligo, waxay sidoo kale leeyihiin in siyaasaddu tahay fanka suurogalnimada, aysanna maangal aheyn in dhulka Falastiin laga xoreeyo guumeyste ay taageerayaan dadyow ku kala filiqsan daafaha dunida.
Dagaalka yaa billaabay? Ma kooxaha wax iskacaabinta mise Cadawga?
Waxa ugu mudan ee ay tahay in aan kusoo bandhigno halkaan waxa waaye: yaa billaabay xadgudubka, ma kooxaha wax iskacaabbinta iyo shacabka reer falastiin mise cadawga Sahyooniyadda? Xaqiiqada aan ka qarsooneyn cid kasta oo la socota xaaladda reer Falastiin waa in xadgudubka guumeystuhu uusan maalinna joogsan, si kasta oo ay madaxdoodu isku beddesho. Haddii xisbiga Liikud ama kan shaqaalaha amaba mid kale uu xukunka yimaaddo waxaa jirta aragti iyo istaraatiijiyad aysan cidna isku khilaafsaneyn, haba isku khilaafaan sida loo fulinayoe’, balse marnaba aragtida wax khilaaf ah kama taagneyn, aragtidaas waxaa udub dhexaad u ah Yahuudiyeynta Qudus, deegaameynta dhulka Falasdiin iyo ceyrinta dadka dhulka iska leh.
Arrintaas maalinna ma joogsatay? Maya maalinna ma istaagin. Tirakoobyadu waxa ay leeyihiin: laga soo billaabo bishii Meey 2023 ilaa Julaay isla sanadkaa – yacnii dhacdooyinkan wax yar kahor- dadka Falastiin ku shahiiday waxa ay ka badan yihiin 450 ay 67 kamid ah carruur yihiin. Tirakoobyadaan waa kuwo uu soo maragsaday Turki Feysal oo madax kasoo noqday Sirdoonka Sacuudiga. Yacnii saddex bilood wax ka yar ayaa ay dadkaa intaa la eg shahiideen, ogowna ma jirin hawlgalka Duufaanta Aqsa ama iskacaabin kale oo ay kooxuhu sameyeen.
Bilooyin iyo maalmo ka hor Duufaanta Aqsa ayey Israa’iil habeen iyo maalin weerareysay Aqsa, ku xadgudbeysay dumarka, waayeelka weliba si arxan darro ah, maxaa ku qasbayay in ay falalkaan gurracan ku kacdo? Lama soo helayo wax ku kallifayay, sida uu dhaadi karo qof kasta oo daraaseeyo caqliyadda guumestaha.
Bini aadanku, waxa uu ka koobanyahay naf iyo jir. Nafta waxa ay la xiriirsantahay jirka, waxa kale oo jiro wax la yiraahdo Jasad. Jasadka waxa keli ah oo uu la xiriiri karaa waa jasad kale, hase ahaate, macquul ma aha in uu wax kale xiriir la sameeyo.
Rubadda(nafta) waa bar-billowga nolosha, waana halka ay ka soo Askumaan dhaqdhaqaaqa iyo fekerka basharka.
Haddii uu bini'aadanka dhinto, rubadda waxa ay ka baxdaa ooga jirka, hase ahaata e' waxa ay noqotaa mid jiraalkeeda uu sii jiro ilaa Duni ka guddoonto xataa kolka uu qofka baaba'o.
Nafsaddu waxa ay ka koobantahay siddeed gabal.
Waxaa ugu foolaadsan waxa lagu magacaabo "Garaadka wax maamula, jiheeya, oo qabsada" waa kan ugu muhiimka san qeybaha kale ee nafsadda idil ahaanteed, waana isha ay ka soo fulaan, fekerradeena, dareemaheenna iyo wujdaankeenaba.
Insaanka marka la dhalo caqligiisa hagaha u ah waa sida warqad cad, se waxaa harqiyo oo buuxiyo dareennada kusoo aroora, oo ay kamid tahay xasuusaha oo ah urur ka sameysma tijaabooyinka insaanka.
Waxaa ku soo dhacaaya fekerro kala jaad ah:
Fekerada qaar waa kuwa uu tarbiyeyntii dadka uu ka helay, qaarna waa kuwa uu ka helay dadalka uu qudhiisa sameeyo
Fekerrada qaar intaas oo dhan waa ka
horreeyaan oo waa kuwa hiddo raac ah.
Isku soo duduub e,' garaadka basharka
Waxa uun weeye fekerradaas oo la aruuriyay.
Qore Marcus Aurelis
T: Carab
Arrimaha kala teeda qofka inuu dadka kale wanaagga la jeclaado waxaa kamid ah rabitaankiisa ku aaddan sarreynta qof ahaaneed, ha noqdo sarreyn bulsheed ama sarreyn aqooneed ama xirfadeed. Haddii nafta aadanaha leejaanka loo sii daayo waxay door biddaa ammaanta badan, waxayna jeceshahay iney la keliyowdo guusha iyo horumarka, mana jecla in san-ku-neefle kale la qeybsado ama la sinnaado. Arrinkan waxa uu ku badan yahay bulshooyinka ku nool baadiyaha iyo tuulooyinka iyo sidoo kale dadka shaqo wadaagga ah.
Inuu qofku jeclaado sarreynta iyo horumarka nafrtiisa waa arrin togan oo qofka u horseedeysa hormarinta waxqbadkiisa iyo xirfaddiisa shaqo. Balse mararka qaarkood waxaa dhacda in rabitaankaas ku lammaanaado iscajabin, kibir iyo xil jaceyl taasoo dhaxalsiisa qofka inuu isku arko mar la’arag innaba caadi ahayn, jecel naftiisa, se laakiin dadka kale aanan waxba u oggoleyn. Haddii uu maqlo guusha qof kale wuu diiqadoonayaa waxa uuna tamanninayaa in qofkaasi meel cidla ah soo istaago.
4. Is-garbinta
Haddii qofku ku mashquul naftiisa, iskuna dayo inuu naftiisa ka dahiro saddexdii aafo ee aannu soo sheegnay, waxaa laga yaabaa inuu dhib badan ka muto balse ugu dambeyn waxa uu gaarayaa xeebta bedbaadada ee xakameynta damaca nafta iyadoo la adeegsanayo dabarka diinta, anshaxa iyo garaadka.
Sida muuqata, saddexdii aafo ee hore waxaa ka yara adag ka gudbitaanka aafada afaraad ee ku tartamidda hal ujeeddo; ibtiladani waxay dhacdaa tusaale ahaan marka labo qof isku garbiyaan helitaanka hal shaqo oo kale ama raadinta hal xil. Guusha mid kamid ah waa guuldarrada qofka kale. Haddaba, ilaa heerkee qofku la jeclaan karaa walaalkiis waxa uu la jecelyahay naftiisa?
Waxaan dhihi karnaa; aadanuhu waxay u badan tahay inuusan u suurtagalin inuu naftiisa xakameeyo, kuna duwo dawga qumman. Sidaa darteed, waxaa lama huraan ah helitaanka “ awoodda Imaanka “ iyo yagleelidda “ aqoon diimeed dhamaystiran” si uu ugu guuleysto imtixaankan. Runtii, xaddiiskan soo socda ayaan ka dheehan karnaa dun-wanaag nagu hodminaya Iimaan. Suubanaha waxa uu ku waaninayaa dadka haddii qof xaajo lihi u yimaaddo iney u ergeeyaan. Waxa uu leeyahay: “ u ergeeya dadka ajar aad hesheene ....” taasoo ka dhigan ergeeyuhu inuu helayo ajar, xataa haddii qofku uu helin ujeedkiisa.
Kasha oo laga nadiifiyo rabitaanka sharka ee ku aaddan dadka kale iyo gacanta oo laga koriyo dhibaateynta dadka aanan waxba galabsan waa labo dhaqan oo toolmoon oo ifaya oo sidkan sooyaalkeenna.
Linkiga maqaalka: https://tawaseen.com/?p=3813
طواسين للتصوف والاسلاميات
زراعة النّور في كون منشور.. آفاق محبة الخَيْر للغير
زراعة النّور في كون منشور آفاق محبة الخَيْر للغير بقلم: د. سعاد الحكيم ما من إنسانٍ عاقل، إن نظر في أعماقه وتاريخه، إلا ويجد أنّه محبٌّ للآخرين ويريد الخير لكلّ النّاس. ولولا هذه الخلّة الطّي
Balse haddii qofka la weynaado qiimaha naftiisa- tusaale inuu xirfaddiisa guul weyn ka gaaro ama hanti yeesho ama heybtiiu la weynaato – waxay soo koobtaa fogaan araggiisa taasoo u horseedda inuu dunida oo idil kusoo koobo xaqiijinta rabitaankiisa iyo ka gungaariddda danahiisa gaar ahaaneed, marmarka qaarna waxay dhaxalsiisaa inuu danaha naftiisa ka dhex arko dadka ugu dhow sida lamaanihiisa/lamaanaheeda iyo ubadkiisa/ubadkeeda.
Quraanka qowlkii Eebbe, waxa uu si cad u sheegay afar walxood oo caddeyn u ah cawaaqib xumada islweynida nafeed ee aadanaha: 1. Islaweynida nafeed ee Ibliis, Eebbe weyne – Sarree oo Korreeye – waxa uu ku leeyahay suuradda Acraaf “ war go’anaheyn maxaa kuu diiday inaad u sujuudi weydo [Aadan], kolkii aan ku amray ,[Ibliis waxa uu yiri] anigaa ka wacan [aadan], waayo aniga waxaad iga abuurtay dab balse asaga waxaad ka abuurtay dhoobo”. 2. Islweynida nafeed ee Fircoon, Eebbe weyne waxa uu leeyahay asagoo ka sheekeynaya Fircoon “ anigaa ka wanaagsan midkaa [Muuse] dulleysan ee af-goraaca ah”. 3. Islweynida nafeed ee Namruud, Eebbe waxa uu leeyahay: “ ..... Nebi Ibraahiin waxa uu dhahay [Namruudoow] rabbigay waa midka wax nooleeya, waxna dila, [Namruud] waxa uu dhahay anigaba waxbaan nooleeya, waxna waan dilaa”. 4. Islaweynida ninkii beeraleyda ahaa, Eebbe waxa uu leeyahay asagoo ka sheekeynaya axadkaas labada beerood lahaa “ waxa uu ku yiri saaxiibkiisa asagoo la sheekeysanaya anigaa kaa hanti badan kaana laandheereysan”.
Daneysiga ama anaaniyadu qofka waxay u horseeddaa inuu wax kasta isla jeclaado, iskuna koobo, sidoo kalena dadka ka xigsado wanaagga iyo kheyrka, dhinaca kale uusan u aabbayeelin kala qoqobidda bulshada uu ka tirsanyahay taasoo laga yaabo iney keento falcelin aanan la mahadin.
2. Cadaawadda iyo naceybka
Haddii qof iuu jeclaado qof kale kheyrka iyo wanaagga ayuu la jeclaadaa, haddii uu aad usii jeclaadana waxa uu naftiisa la jecelyahay ayuu la jeclaadaa jeer ay gaarto naf-hurnimo qod’todheer. Taasi macnaheedu maaha qofku haddii uu jeclaado qof kale sabab kamida sababaha - sida inuu wax u qabtay ama daris wanaagsan yahay ama iney isdabeecad fahmeen - uu noqonayo qof u diyaarsan dhaqangalinta sunnada Suubanaha naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee ee mar kasta ku baaqda iney dadku isla jeclaadaan wanaagga iyo kheyrka.
Dhinaca kale, markaan dib u milicsi ku sameynno dhaqdhaqaaqa dadka agagaarkeenna ku sugan waxaan garwaaqsaneynaa haddii qof dhibaato kasoo gaarto qof kale, waxaa dhacda in qofkaas qalbiga ka naco, haddii ay u suurtagali weydo inuu ka aargutana waxa uu tamanniyaa inuu waqtigu uga aargudo. Waxa uu ku farxaa dhib kasta oo soo gaara, waxa uuna ka xumaadaa wanaag kasta oo uu helo... Sidaa darteed, arrintani waxay caddayn u tahay in jaceylka qof ama necbanaantiisu ay sabab u tahay in qofkaas wanaag lala jeclaado ama xumaan lala doono.
Haddaba, si aan uga beydhin xeyndaabka diinta iyo anshax wacnaanta waxaa mudnaan leh inaan kala saarno jaceylka dabiiciga ah ee ka dhasha isdhexgalka nololeed iyo jaceylka aadanenimo ee ku aaddan jinsiga aadanenimo ee ka dhasha iimaanka iyo dhaqangalinta diinta. Run ahaantii Iimaanka waa bud-dhigga saafinimada ruuxda aadanaha taasoo ugu dambeyn noo horseedeysa laabxaarnaan ka barax la’ naceyb walba oo soo darriyay, si aadunuhu u yeesho naf korran oo awood u leh jaceylka dadka iyo nafhurnimada.
Sidaa darteed ayaa samawadeyaashu ku dedaaleen iney qeexaan kala duwanaantaas. Saxaabigii weynaa ee Xasan Ina Cali Ilaahay haka raali noqdee waxa uu leeyahay: “ qofku ma silciyo ruuxa uu necebyahay, mana ku dambaabo qofka uu jecelyahay “. Sidoo kale Imaan Cali Ina Daalib Aabihii waxa uu leeyahay: “ si aad dadka naceybka ku jira kashooda uga saarto marka hore kashaada ka saar naceybka.
3. Rabitaanka sarreynta shakhasiyadeed.
Faafinta Ileyska wanaagga: Dhaqanka sama la jeclaanta dadka kale.
Waxaa qortay: Dr.Sucaad Xakiin.
W/T: Cabdimajiid Aw Warfaa.
Qof kasta oo garaad leh, haddii uu si dhab ah u eego gunta ruuxdiisa iyo sooyaalkiisa jiritaaneed, waxa uu garwaaqsanayaa inuu yahay samawade dadka jecel, seembarina la raba wanaagga. Tilmaantaas toolmoon ee ku abuuran jiraalka aadanenimo ee dadka la’aanteed dadku meysan is-caawiyeen, isku-tiirsanaadeen, isna garab istaageen. Dhinaca kale, lama heleen sameysanka bulshooyinka iyo yagleelka haayadaha samafalka si xal loogu helo dhibaatooyinka saboolnimada, shaqo la’aanta iyo dambiyada, sidoo kalena maalqabeennadu meysan u baratameen arrimaha samafalka. Runtii, haddii arrimahan jiri lahayn, ma jirteen walaalo isku calool fiyow oo midba midka kale u male-wanaajinaya. Mana jirteen dedaal lagu bixiyo sifeynta nafta ee ku aaddan tilmaamaha gurracan sida daneysiga, damaca, dhabcaalnimada (bakhiilnimada), wax-isla-jeclaanta..iwm.
Haddaba, xeerka guud oo dadka wadar-ahaantoodu qirsanyihiin- marka laga reebo dad fara-ku-tiris ah oo ka keliyoobay – waa in aadanuhu ku abuuranyahay la jeclaanta wanaagga naftiisa iyo dadka oo idilba. Dawgaas qaayaha leh, qofku badanaa kama weecdo jeer la helo sabab ku kallifta weecsanaantaas sida qofku inuu la kulmo dhibaato aad u weyn, ama inuu arko kiyaano, taasoo sababta inuu dadka ku kalsoonaan waayo, sidaa darteedna kheyrka ka goosto,una rajeyn waayo wanaag.
In kastoo tilmaanta la jeclaanta wanaagga dadka ay mudnaan gaar ah u leedahay barkulanka aadanaha, haddana diinteenna suubban waxay muuminiinta ka dalbaneysaa arrin taas ka sarreysa oo qaayo leh. Waxay diinta amreysaa muuminiinta iney dadka la jeclaadaan waxay nafahooda la jecelyihiin. Si kale haddaan u dhahno, qofka kale ee walaalkaa ahi, waxa uu galayaa meeqaamka naftaada oo kale, taasoo micnaheedu tahay inaad la jeclaato waxa aad la jeceshahay naftaada. Suubanaha nabadgalyo iyo naxariisi dushiisa ha ahaatee waxa uu leeyahay: “ midkiin iimaan ma leh, jeer uu walaalkii la jeclaado, waxa uu la jecelyahay naftiisa ”. Xaddiis kale oo la micno ahna waxa uu Suubanuhu ku leeyahay “ Iimaanka midka ugu mudani waa inaad dadka la jeclaato waxa aad naftaada lan jeceshahay, dhinaca kalena aadan la jeclaan waxaadan la dooneyn naftaada “.
Si kasta oo uu u adagtahay xaqiijinta amarrada diinta, haddana waxaa biya kama dhibcaan ah in ay aadanuhu awoodaan. Taas waxaa caddeyn u ah samawadeyaashii hore ee Saxaabada oo tilmaamahan ka dhigtay mudnaantooda kuwood, gundhigga barbaarinta ubadkooda iyo dawga hanuuninta bulshooyinkoodii wanaagsanaa. Waxaan soo qaadan karnaa hadalkii Saxaabigii weynaa ee Mudane Cali – foolkiisa Allaha ha karaameeyee – ee uu kula dardaarmayay wiilkiisii Xasan ee ahaa “ igaarkeygiiyoow, mar kasta naftaada halbeeg uga dhig wax kasta oo idin dhex mara dadka kale. La jecloow asaaggaa waxaad la jeceshahay naftaada, la necboow dadka kale waxaad la necebtahay naftaada, haku gardarroon dadka kale, sida aad adiguba u jecleyn dadka kale iney kugu gardarroodaan, waxay naftaadu kahaneysana halla doonan dadka kale. Sidoo kale, waxay naftaadu raalli ku tahayna, dadka kale ku raali gali, hana oran waxaadan aqoon u lahayn haba yaraadaan waxaad aqoon u leedahay e’; ugu dambeyn, qofna haku dhihin waxaadan jecleyn in lagu dhaho.
Sidaa darteed, waxaan jecleystay inaan idinla wadaago arrimaha qarsoon ee ka hor istaagi kara qofka inuu dadka kale la jeclaado wanaagga, waxaana kusoo koobi karnaa afar walxood: daneysiga (anaaniyadda), cadaawadda, rabitaanka sarreyta shaqsiyadeed iyo is-garbinta asaagga.
1. Daneysiga
Qofka inuu naftiisa aqoonsado uuna rumeeyo inuu ka soocan yahay uunka intiisa kale waa dareen caafimaad qaba oo shaqo iyo shuqul ku lahayn dhaqanka daneysiga. Dhinaca kale jaceylka nafta si dhexdhexaadnimo leh waa aasaaska jaceylka dadka kale, waayo qofka aan naftiisa jecleyn wey adag tahay inuu si dhab ah u jeclaado dadka kale.
"Markii aan arkay samada iyo sareedada uu leeyahay guurka ayaan go'aansaday in aan lammaano sameysto oo aan guursado. Waxaan Alle ka baryay in uu isiiyo ubad tiradoodu tahay toban; shan wiil iyo shan gabdhood. Eebbe waa uu iga aqbalay oo dhammaantood waa uu i siiyay. Laba gabdhood iyo afar wiil ayaa iga Alleystay. Wiilasha waxaa ii nool Wiilkeygaan qaasin waana kan aan qormadaan waaninta ah u qoraaya."
Cilmi badane Ibnul jows.
SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!
@Abdii_Sabaa
?NU QUNNAMUUF?
@AbdiiSabaaDm
?BARNOOTAAF
@Abdiisabaa
?MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa
Last updated 2 months ago
https://t.me/joinchat/AAAAAFgrZgMjBcvdBf7YWg
Last updated 2 months ago
asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook
Last updated 1 month ago