????????_???????_??????

Description
?️..??? ???????..?
????????? ?????? ?? ????? ?????? ??? ?? ???? ??????
???,???? ?????.
?????????
?xikmado
?skeekooyin
@king_alone
Advertising
We recommend to visit

⚡️ ????? ⚡️

?
گروه ها و کانالهای زبان
https://t.me/addlist/agGefKfwKRkzYTY8


?
http://youtube.com/@ZabanTube
?????

1 year, 1 month ago

Naftaydaay gacalo:
Waxa aynu isugu xidhiidhsannahay si cajiib ah oo aan cidina
fahmaynin, islamarkaana fahmi doonin. hal dhinac ayaynu
nolosha uga soo wada jeednaa, ama in aynu sidaas ahaanno
ayay ahayd, laakiin mar dhexe ayaan kaa tegay:
Keligaa ayaan kaa tegay adiga oo isku dhex daadsan; waxa aan
kugu kellifay in aad dad shisheeye ah ka sugto oo ka raadsato
jacayl dhiirrigelin iyo awood. Iyada oo ay ahayd in aan anigu ku
garab istaago, oo aan ku soo dhowaysto ku amaano
islamarkaana aan kugu qaddariyo shakhsiyaddaada xariirta ah
iyo quruxda iyo milgaha aad nolosha ku soo biirinayso.
Waan ka xumahay in aad igu hungowday, waan ka xumahay in
aan ku xanuujiyay oo ku dayacay, waan ka xumahay in aanan
ku xasuusin hadh iyo habeen sida aad u tahay qof qaali ah, ee
aad u tahay qof waxkasta oo wanaagsan u qalma, una tahay
qof geesi ah naxariis badan misana awood leh oo adkaysi
badan. Iska kay cafi naftaydaay!
Sida aynu nahay ayaynu qiimo ku leennahay; mustaqbalka soo
socda waynu wada waajihi doonnaa; hadda waan ku helay,
waan is helay, marnaba gacantaada ma sii deyn doono.
Markan waxa aan ku siin doonaa mudnaanta koowaad iyo
kaalinta ugu sarraysa kaalmaha noloshayda. Waan ku ixtiraami
doonaa, waan ku karaamayn doonaa, oo ku qiimayn doonaa
welibana ku jeclaan doonaa.
Daacad baan kuu ahay markasta naftaydaay

1 year, 2 months ago

25 Nabi oo ay waajibka tahay in aad xifdiso . 

  1. adam (cs)

  2. idriis (cs)

  3. nuux(cs)

4.huud(cs)

5.saalax(cs)

6.ibraahim (cs)

7.ismaaciil(cs)

8.isxaaq(cs)

9.luud (cs)

10.yacquub(cs)

11.yuusuf (cs)

12.shucayb(cs)

13.ayuub (cs)

14.muuse (cs)

15.haaruun(cs)

16.dulkafiil(cs)

17.daauud(cs)

18.sulaymaan(cs)

19.ilyaas (cs)

20.yaasac(cs)

21.yuunis(cs)

22.sekeriye (cs)

23.yaxye (cs)

24.ciise (cs)

25.maxamed( scw)

... waa siday usoo kala horeeyeen

1 year, 2 months ago

?????? 2???

Yaman
Shacabkii ugu horeeyay ee carbeed ee lagu aqoonsaday dhulka yaman waxaa la oran qoomka reer Saba, waxaana laga helay taariikh-dooda oo faahfaahsan looxaan laga soo saaray godad la faagay sida muuqatana waxay ilbaxnimadoodu horu-kac wayn samaysay oo awoodoodu waynaatay oo dhulal badan isku kala bixiyeen muddo gaaraysa 11-qarni oo ka horaysa dhalashada Ciise, waxaan hadaba waqtigooda ku kala qaybin karnaa afar qaybood.
Dhismayaashii Ma’rib
Biyo-xireenkii Ma’rib

Joog: 16 mitir
Ballac: 60 mitir
Dherer: 620 mitir
Waxa uu biyaxireenkaasi waraabin jirey dhul baaxadiisu dhan tahay 9,600 hectares [Halkii Hecter waa 10,000 miter oo laba jibbaaran). Waxaa biyo xireenka burburiyey duufaankii Arim.
Akhri suurada Saba: Aayadaha 15-17
1):Qarniyadii gudbay ka hor sanadka 650-ka ee  dhalashada Ciise horteed, waqtigaas boqorradooda waxaa lagu magacaabi jiray Makrabu-Saba waxaana magaalada madax u ahayd Sarwaax oo hadda burburkeedu yaallo meel maalin looga socdo dhinaca galbeed ee Ma’rab. Waqtigaas waxaa la sheegay inay reer Saba awood wayn yeesheen oo aad isu ballaariyeen ilaa ay gaareen heer ay ummaddo gumaystaan gudaha dhulalka Carabta iyo meelo ka baxsan intaba waqtigoodii ayuuna bilowday dhismaha biya-xireenka wayn ee loo yaqaan biya-xireenka Ma’rab oo magac wayn ku leh taariikh-da yamaneed.
2):Laga bilaabo sanadka 650-ka kahor dhalashada Ciise ilaa laga soo gaaro sanadka 115-ka kahor dhalashada Ciise, mudadaan waxay ka tageen magacii Makrabu-Saba waxaana loo aqoonsaday madaxwaynaha Maliku-Saba, waxayna magaala madax ka dhigteen Ma’rab waxaana burburkeedu yaallaa meel lixdan mayl u jirta Sanca dhinaceeda bari.
3):Muddada laga bilaabo sanadka 115-kii kahor dhalashada ciise ilaa laga soo gaaro 300-kii Ciise dabadii, muddadaas waxaa xukunkii reer Saba qabsaday qabiilada ximyar oo dumiyey waxayna caasimad ka dhigteen magaalada Ridaan waxaana ku bilowday hoos u dhac iyo burbur dawlado waawayn oo cariiryey iyo ganacsigoodii oo fashilmay darteed.

1 year, 2 months ago

Silsiladda
Taariikhda Islaamka

Qaybta | 2aad
Siira:  Taxanaha Taariikhda Islaamka
oo ka Kooban 12 Qeybood.

Qore: Sheekh Cabdirisaaq Macalin Abshir (Musanif) & Ridwaan Moahmed Abdullahi Abdi
Qeybtani waxay ka kooban tahay
Nabiga (csw) ka hor
Xukunka iyo Dawlad-nimada
Yaman
Xiira (Ciraaq)
Shaam
Maamulka Xijaaz
Maamulka Carab Inteeda Kale
Xaalada Siyaasadeed
Xaalada Diineed
Diinta Yahuuda
Diinta Nasaarada
Xaalada Diineed.
Muuqaal Guud oo Ku Saabsan Carabta 
Nabiga (scw) Kahor

Taariikh-yahannadu sida ay isku waafaqsan yihiin qarniga lixaad iyo kan todobaad ee Ciise dabadii waxay ahaayeen quruunta aadanuhu soo maray kuwii ugu xumaa ee garaadka iyo garashada dadku ugu hoosaysey(1). Ma jirin wax horumar ah oo laga sameeyay xagga farsamada iyo wax soosaarka, mana jirin nolol iyo dhaqaale fiican, mana jirin wax maamul ah caddaalad ku dhisan mana jirin dulmiga iyo liidnimada ummadda dhinac walba kaga habsatay meel loola ciirsado.
Dadku waxay u kala qaybsanaayeen madax ama boqorro kalli-taliyaal ah, wax distuur ah oo qaban karana uusan jirin dadka kasareeya qaarkood laga aaminsan yahay in dhiig ilaah jirkooda ku soconayo iyo dad wayne dulmiga iyo xaqdarradu dhinac walba kaga habsatey cid ay ula ciirsadaan ama ula cararaanna aysan jirin, lamida beer wax soo saarta waxa ay soo saartana usoo gudbisa madaxda oo markaa ay u adeegsadaan kibirkooda iyo qooqooda.
Hadaba si aan u fahano Nabiga (scw) kahor xaaladda jirtay, waxaan u baahanay inaan dulmar ku samayno muuqaalka guud ee nolosha sida: Siyaasadda, Diinta, iyo Akhlaaq-da Carabta iyo ummadaha kale ee ku hareeraysan intaba.
Maamullada ka jiray dhulka carabtu markii Nabiga (scw) lasoo diray waxay ahaayeen laba nooc, nooc u dhisan hab dawladeed oo ay ka taliyaan boqorro taaj madaxa loo saaro iyo nooc ah kaaba-qabiillada iyo madaxda lafaha usrooyinka oo haysta dhamaan waxa awood ah ee boqorku haysto qabiilkooda dhexdiisa. Qaybta hore ee u dhisan sida dawladaha waxaa ka dhisnaa dhulalka carabta afar maamul oo ka kala dhisnaa Yaman, Ceraaq (iraq), Shaam iyo Xijaaz (sucuudiga), taariikh-dooda oo koobana waa sidaan.

1 year, 3 months ago
1 year, 3 months ago

(Dhismaha kacbada )
Dhammaad
Hadaba intii Ismaaciil uu noolaa furaha kacbada iyo maamulkeeduba waxay gacanta ugu jireen Ismaaciil (cs) markuu dhintayna waxaa isaga dambeeyay laba wiilashiisa kamida oo kala ah Naabit kadibna Qiidaar markay dhinteenna maamulkii kacbada waxaa la wareegay awowgood xagga hooyo waa Madaad Ibn Camar oo ah saan sheegnay kaaba-qabiilka qabiilada Jurham ee Makka dagan kadibna maamulkii kacbadu qabiilkaan Jurham ayuu gacanta ugu jiray ayadoo faraca Ismaaciil (cs) aysan waxba ku lahayn inkastoo ay ahaayeen dad la Ixtiraamo inuu aabohood kacbada dhisay daraadeed.
Sidaas ayaa hadaba qaaruumo badani ku gudbeen, ilaa ay xumaatay taladii Jurham oo awoodoodii wiiqantay oo musuqmaasuq dhexgalay markaa waxay bilaabeen inay boobaan hantidii kacbada u taallay sidoo kale inay furtaan dadka wafdiga ah ee Xajka gudanaya, arrintaan oo ah mid aad uga caraysiinaysay cadnaaniyiinta (faraca Ismaaciil) sidaa darteed qabiilka khuzaaca oo ah qabiilo dagta hareera Makka ayaa ka faa’iidaysatay xaaladdaan hadaba ayagoo taageero ka haysta cadnaaniyiinta ayay dagaal ku qaadeen Jurham si fudud-bayna uga qixiyeen Makko ayagoo markaa la wareegay maamulka iyo awoodda kacbada intaba.
Waqtiga Nabi Ismaaciil (cs) Makko joogay waxaa lagu qiyaasaa inay ku aaddan tahay labaatan qarni kahor taariikh-da dhalashada ciise, tani waxay ka dhigaysaa muddada ay Jurham maamuleen kacbada 21-tan qarni ugu yaraan.
Muddada ay qabiilka khuzaaca maamulayeen Makko carabta cadnaaniyiintu maamulka Makka waxba kuma lahayn hasa-yeeshee waxaa jiray xurma diineed oo ay lahaayeen sida in ayaga looga dambeeyo qaar kamida camallada gudashada Xajka sidoo kale inay dib u dhigi jireen bilaha xurmada leh, cadnaaniyiintuna waa faafeen dagaanka Makko waxaa kagasoo haray lafaha Qureysh oo ah faraca Fihir Ibn Maalik.
Maamulkase waxba kuma lahayn ilaa uu kasoo baxay Qusayi Ibn kilaab oo ah awowga shanaad ee abtirsiga nabiga oo uu Qureysh isku duway (mideeyay) isla-markaana uu ku qabsaday Khuzaaca maamulka Makko kadibna arintii dagaal ay isu badashay, dagaalkiina uu kaga gacansareeyay, markuu Makko qabsaday wuxuu dhisay guri loo yaqaan (daaru-nadwa) oo ah baarlamaan yar oo Qureysh laga maamulo, hawlaha Qureesheed col iyo nabad-ba Qusayi ayaa halkaa ku gorfayn jiray, dhamaan masuuliyaadka Kacbada iyo hawlaha Qureesheed gacantiisa ayay ku jireen ilaa uu Makko ka dhigay sidii xukuumad yar oo kale, markuu dhintayna xeerarkii uu Qusayi dajiyay waxay u raaci jireen sidii diintii.
Waxay hadaba Makko gacanta ugu jirtay Qureysh ilaa Nabiga (scw) laga soo saaray sida aan arki doonno.

1 year, 3 months ago

???????? ???? ??? ???? ?????? ?????????? ????..??️

1 year, 3 months ago

dhan laga maqlay.
Marka maalintaa laga bilaabo ayuu dadku bilaabay inay usoo xajiyaan kacbadaan xaggeeda diinta Nabi Ibraahiim-na ayku faaftay jaziiradda carabta oo dhan iyo meelo ka baxsan intaba.
Ismaaciil markuu barbaaray hooyadii Haajarana ay dhimatay oo uu noqday nin caqli badan sharafna badan, qabiilkii carbeed ee Jurham waxay u guuriyeen gabadha uu dhalay kaaba-qabiilkooda (madaad Ibn camar) waxaana Alle ka siiyay labo iyo toban wiil oo wada hanaqaaday kulligoodna ay ka farcameen qabiilooyin tarmay, halkaanina waa meesha ay ka bilowdeen carabta loo yaqaan (waladu Ismaaciil) ama cadnaaniyiin oo nabigu (scw) uu kasoo jeedo.
Qabiilooyinkaan markii hore waxay noloshoodu ku tiirsanayd ganacsiga laga keeno dalka Yaman sidoo kale dhulka Shaam iyo Masar, Markiise ay ballaarteen intooda badan waxay ku faafeen gudaha iyo hareera jaziiradda carabta ayagoo isu badalay xoolo dhaqato iyo reer guuraa raac raacaya hadba meeshii roobku maro waxay kaloo dhiseen dawlado yaryar iyo maamulo dhaqso u baaba’ay kadibna taariikh-doodu waxay ku dhuntay mugdiga zabaanka.
Gudaha Makko waxaa kaga haray faraca Qiidaar Ibn Ismaaciil oo kaliy ah isaga ilmihiisu waxay salka dhigteen Makka oo ay isaga farcamayeen ilaa uu ka dhashay Cadnaan oo ah awowga 21-naad ee silsiladda abtirsiga Nabiga (scw) cadnaankaan ayaana carabta cadnaaniyiintu ka xafideen abtirsigooda, waxaana jira xadiith daciif ah oo la yiri Nabigu (scw) markuu abtirsado oo uu gaaro cadnaan wuu ka istaagi jiray oo oran jiray nasab-yaqaannadu beenbay sheegeen

1 year, 3 months ago

(Dhismaha kacbada part 2
)Hadaba, dhalashada wiilkaan wuxuu masayr ka keenay Zawjada wayn ee Ibraahiim (cs) waa Saaree -inaysan ayadu dhali jirin darteed- ilaa ay Ibraahiim (cs) ku kalliftay inuu fogeeyo oo masaafuriyo Haajara iyo wiilkeeda yar Ismaaciil. Ibraahiim (cs) wuxuu la safray Haajara iyo wiilkeeda yar Ismaaciil ilaa uu kalasoo galay dhulkaan Xijaaz uuna dajiyay geed wayn hooskii oo ku yaal tog aan beero lahayn oo u dhaw barxadda uu Alla u doortay inay noqoto Bayt-kiisa sharafta leh ee Xaramka oo markaa ah dalcad kor u dheer oo daadadku ka maraan labada dhinac.
Wuxuu dajiyay geed wayn hooskii oo ku beegan ceelka Zamzam-ka meesha uu ku yaal korkeeda mana jirin markaa cid ku nool eeryadaan biyona malahayn wuxuuna ag dhigey dambiil ay ku jiraan xoogaa timira iyo sibraar biyo ah waana iska tagay markuu wax yar ka dhaqaaqay ayuu gacmaha kor u qaaday asagoo Alle ka baryaya inuu kaligii ku halleeyay ugana tagay dadkaas meesha cidlada ah lagaga tagay kagana baryay Alle inuu ka dhigo meel dadka qalbiga kaga taal oo ay isagasoo shubmaan uuna ku irsaaqo dadka ku nool noocyada thimaarta si ay Alle ugu shugriyaan.
Duca dheer oo Alle ku sheegay qur’aankiisa suurado badan sida suuradda Ibraahiim dhamaadkeeda wuxuuna Ibraahiim (cs) isaga laabtay dhulkii Falastiin, isl-markiiba saadkii yaraa waa dhamaaday halkaas oo Haajara iyo wiilkeeda Ismaaciil gaajoodeen oomeenna markaas Alle uu usoo fatahay isha macaan ee Zamzam-ka naxariista iyo fadliga Alle taasoo u noqotay quud iyo wax ay gaajada ku moodaan. Qisadaanna waa qiso dheer oo lawada yaqaan.
Muddo kadib waxaa meeshii soo maray qabiilo carbeed oo loo yaqaan (Jurhamta-labaad) oo markii hore mari jirtay togaan hase-ahaatee aan ku aqoon biyo iyo dad midna Markay arkeen Haajara iyo wiilkeeda waxay uga idan qaateen inay la dagaan, halkaas oo Ismaaciil uu ku dhexbarbaaray qabiiladaan carbeed bartayna afkooda.
Ibraahiim (cs) dhiniciisa wuxuu safaro badan ku soo aaday makka si uu u kormeero duriyaddii uu meesha kaga tagay inkastoo aan la aqoon inta goor uu kormeerkaan Ibraahiim (cs) ku yimid, hadana qur’aanku wuxuu sheegayaa labo kamida.
Labadaan safar kan hore intuu ku guda jiray ayuu Alle subxaanah riyo ku amray Nabi Ibraahiim (cs) inuu gawroco wiilkiisa Ismaaciil -Alla u dhawaansho darteed- arrintaan oo ahayd imtixaan adag oo Alle ku marsiiyay Ibraahiim (cs) inuu wiilkiisa kaligii lagu arko gawroco, sidoo kale Ismaaciil inuu aabihiis ka yeelay inuu fuliyo waxa Alle amrayo. Markay labadooduba Alle u hogaansameen oo imtixaankii ku guuleysteen ayaa Alle ugu badalay wan wayn.
 Labo safar oo kalana waxaa sheegaya xadiith ku yaal saxiixul-bukhaari in Ibraahiim (cs) Ismaaciil oo maqan uu yimid gurigiisa oo xaaskiisa waraystay oo ay dhib-sheegatay markaa Ibraahiim (cs) ku yiri waxaad ku dhahdaa iska badal kaabadda guriga oo Ismaaciil yimid uuna gartay in ninka yimid uu aabihii yahay uuna kula taliyay inuu xaaskaan iska furo inuu Ibraahiim mar kale soo laabtay sidoo kale Ismaaciil oo maqan oo uu waraystay xaaskiisa oo ay markaa Alle amaantay oo khayr sheegatay markaa uu yiri waxaad ku dhahdaa adkee kaabadda guriga Ismaaciil gartay cidda timid inay aabihii tahay uuna amrayo inuu xaaskiisaan xagsado.
Safaradaan uu Ibraahiim (cs) ku yimid kormeerka mid kamida oo ah intii Ismaaciil barbaaray kadib ayuu la kulmay wiilkiisa Ismaaciil asagoo leebab qoranaya geed wayn oo Zamzam-ka u dhaw hooskiisa, markuu arkay Ismaaciil aabihiis oo mudda dheer aysan is-arag wuxuu salaamay salaan ay isku burureen, waalid ilmihiisa aan mudda dheer arag iyo ilmo aan waalidkiis mudda dheer arag salaantood.
Safarkaan ayaa Alle amray Nabigiisa Ibraahiim (cs) inuu dhiso masjidka Kacbada dalcaddaas uu Alle doortay korkeeda, markaasay bilaabeen dhismaha oo udubada u taageen, markay dhameeyeenna Alle subxaanah wuxuu Nabigiisa Ibraahiim amray inuu dadka ugu yeero inay usoo xajiyaan kacbadaan la dhisay marka waxaa la yiri Ibraahiim (cs) intuu buur dheer dhaladeed fuulay ayuu qayladiisa tan ugu dheer ku dhawaaqay “war dadoow Alle wuxuu idin saaray Xaj ee usoo xajiya kacbadiisa” qayladaan oo dunida daafaheeda gaadhay oo aduunkoo

We recommend to visit

⚡️ ????? ⚡️

?
گروه ها و کانالهای زبان
https://t.me/addlist/agGefKfwKRkzYTY8


?
http://youtube.com/@ZabanTube
?????