Aqon maal👍

Description
Soo dhawoow.
Advertising
We recommend to visit

SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!

@Abdii_Sabaa

💬NU QUNNAMUUF💬
@AbdiiSabaaDm

🎯BARNOOTAAF
@abdii_sabaa_university

🎯MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa

Last updated 6 days, 5 hours ago

asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 2 months ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 2 weeks, 5 days ago

2 months, 1 week ago

"Waxa uu ku dhashay sanaddii 1962-dii xero qaxooti oo ku taallay Khan yunus oo dhacda koonfurta marinka Gaza oo xilligaas ay Masaaridu gacanta ku hayeen. Waxa ay waalidkii kamid ahaayeen dadkii dhulkooda laga qaatay ee usoo qaxay Gaza, waxa ayna ka soo qaxeen magaaladoodii Casqalaan oo ay deegan ku ahayeen hadase ah magaalo Israel ka tirsan oo ay ula baxday Ashkelon. Jaamacadda Islamiga ah Gaza ayuu ka baxay. Waxa uuna u xuubsiibtay inuu noqdo kacdoon wade u dagaallama xuquuqda dadkiisa.

Waxa uu dhowr mar galay xabsiyada Israel oo markii u danbaysay sanaddii 1988-dii la xiray laguna xukumay xabsi daa'in maadama uu dilay laba askari oo Yahuud ah iyo afar Falastiniyiin uu tillmamay inay la shaqynayeen cadowgooda. Waxa uu xabsiga ku jiray muddo 22sanadood ah, 2004-tii ayay ahayd markii uu ku sigtay inuu geeriyoodo oo maskaxda buro fariistay balse Israel ayaa ka dawaysay oo buradii kasoo saartay, waxaa la tilmaama inuu codsaday in dhakhtaraddii qaliinka ku samaysay fariin loogu geeyo oo u dhigan inuu u mahadcelinayo maadama diintiisu amrayso mahadnaqa. Waxa uu ahaa nin dhiirran oo markasta isku dayayay inuu xabsiga ka baxo. Waxa uu dajiyay qorshe xabsiga uu uga bixi karo kaaso ahaa inuu u gudbiyay Xamaas inay afduubtaan askar Yahuud ah taa badalkeedna ay ku badashaan isaga iyo Falstiniyiinta la xiran.

Xamaas waxa ay afuubatay askari Yahuudi ahaa waxaan ay ka dalbadeen Israel in looga badasho Falastiniyiin badan oo uu kamid ahaa Sinwar oo xabsiyada Israel ku jiray. Qorshahaas waa ay ogolaatay Israel waxaan xabsiga laga sii daayay sanaddii 2011-kii. Sinwar waxa uu sheegay inuu aad u farxay markii uu maqlay warka ah in Xamas ay afduubatay aksari Yahuudi ah, waxa uu sheegqy inuu ogaa in qorshihiisu hirgalayo.

Sanaddii 2017kii ayaa loo doortay hogaamiyaha Xamaas ee marinka Gaza isaga oo booska kala wareegay Ismaaciil Haniya oo u dallacay hogaamiyaha Xamaas ee garabka siyaasadda iyo maamulka. Waxa uu sii adkeeyay afkaarihiisa la dagalanka Israel isaga oo soo rogay amarro cusub. Dhowr iskuday dil ayuu ka badbaaday. Waxa uu bishan oo kale sannadkii hore qaaday weerar uu qorsheyay oo ku ekeeyay Israel kaso ay ku dhinteen kun qof wax badan oo Israeliyiin ah. Lixidi bishii sideedaad ee sanndkan ayaa loo doortay hogaamiyaha Xamaas isaga oo booska kala wareegay Ismaaciil Haniyah. Laba bilood iyo bar kadib maanta ayaa ay Israel si aysan filayn ugu dishay koonfurta Gaza isaga oo dagaallamaya. Yaxye Ibraahim Xasan Sinwar waxa uu ka tagay saddex ilmood"

2 months, 1 week ago

Waxa jira wadaado badan oo xisbiyada waddanka kajira u kala olalaynaya,si cad oo muuqata, si qarsoon,si koox-diimeed kusalaysan iyo siguudba,sidaa darteed waxa aan leyahay kollayba haddii aad nin u ololaynaysaan qorshe kudarsada in xisbigaasi idinka taageero kor uqaadida waxbarashada diiniga ah gaar ahaan Qur'aanka.
Oo sida aynu ognahay inta badan madaariska Quraanka lagu bartaa waxa ay kujiraan guryo kira ah ee ugu yaraan heshiis kula gala in uu magaalooyinka waawayn kadhiso 10-madarasadood ama kuwa shaqaynaya in uu kirada kasaaro oo uu dhul ama guri u dhiso.

2 months, 4 weeks ago
4 months, 3 weeks ago

https://www.facebook.com/share/v/dHCW5yaQLTk3ENsx/?mibextid=qi2Omg

Facebook

Log in or sign up to view

See posts, photos and more on Facebook.

4 months, 3 weeks ago

"Ama waynu guulaysan oo libinta waan gaadhi,ama geeri sharaflaynu dhiman gocasho waa ceebe"

Ismaaciil Cabdisalaan Axmed Haniye.(1963-2024).
Sida ay sheegen ururka Xamaas,waxa saaka oo arbaca ah magalada Dahraan caasimada waddanaka Iiraan lagu khaarijiyay midkamid ah hogaamiyihii ruuxiga ahaa ee ururka Xamaas.
Ismaaciil,waxa uu shalay aadhay waddanka Iiraan,isaga oo la kulmay madaxda dalkaasi,saakana waxa lasoo sheegayaa geeridiisa.
Ismaaciil waxa uu ahaa falasdiin, kubarbaaray magalada Mikhyam Shaadi.
Waxa uu shahaadada heerka koobaad ka qaatay-1987- Jamacadda Islaamiga ah ee qasa,isaga oo bartay Suugaanta.Isla jamacadaas ayaanu shahaadada heerka sare ee(PHD) kadiyaariyay.
Intii uu jmacadda kujiray waxa kamuuqday firfircooni iyo dadaal isbadal doon ah oo uu kaga soo horjeeday Yuhuuda.
Kolkii uu jamacadda ka qalin badashay waxa jeelka dhigay ciidanka Israa’iil 1989-kii,isaga oo jeelasha Israa’iil kujiray muddo saddex sanno ah

Muddo sanad ah oo uu dibad joog ahaa, waxa uu ku laabtay Qasa, waxaana loo magacaabay hormuudka Jaamacadda Islaamiga ee Qasa. Sannadkii 1997-dii,isla sannadjaa waxa loo magacaabay madaxa xafiiska Sheekh Axmed Yaasiin oo ahaa hoggaamiyihii ruuxiga ahaa ee dhaqdhaqaaqa Xamaas.Tubtii uu Shewkhiisii iyo macallinkiisii maray ayaanu saaka Ismaaciil maray.

Ismaaciil geeridiisa kahor,waxa uu kabadbaaday saddex iskuday dil oo loomaleegay.
2003-dii,diyaarado ay Israa’iil leedahay ayaa weerar kuqaaday xubno katirsan ururka Xamaas oo uu Ismaaciil Haniye kamid yahay,balse waxba kuma uu noqon.
20-Oktoobar,2006,waxa rasaas ku furay gaadhi ay wateen Ismaaciil iyo xubno katirsan ciidankisa, qaybo kamid ah ururka Fatxi.
14-Diiseenbar,isla sannadkaa 2006-di ayuu shirqool kale oo ay yuhuudu umaleegeen kabadbaaday.

Ismaaciil Haniye,mudooyinkii u danbeeyay waxa uu ku noola waddanka Qadar,maadama oo uu ahaa xubnaha ugu firfircoon ee ururka xamaas,waxa indho gaar ah ku hayay dhaqdhaqaaqiisa Israa’iil,maanta ayana lagu weeraray gurigii uu kadaganaa magalada Dahraan.

Waxyabah lagu xasuusan doono Ismaaciil Haniye waxa kamid ah halgankii uu lagalay Israa’iil.Waxa dhab ah oo aan marwalba indhaha laga lalin karin geesinamadii codkarnimadii,iyo sidii uu af iyo Adinba ugula diriray gumaysta Israa’iil.
Sideedabana noloshu waa qadiyad,qadiyadaasna waa in uu qofku unoolada,geeriba haku sababto e,taana Ismaaciil waa uu ku sifoobay.
Waxanan u rajaynayanaa in halgankiisaasi guulasyto,isagana janadii Fardawsa.

5 months ago

Isku dheellitirnaantu waa muhiim!

Garaadka,iyo caadifaddu,waa laba shay oo uu Eebbe qof kasta oo inaga mid ah ku galaday.Labada mid kasta oo kanid ahi waxa uu u bahanyahay in la kobciyo oo laga warhayo,si loohelo isku dheellitirnaan qofeed.
Caqligu waa waxa aynu ku fekerno,kutaxliilinno,waxna kusoo saarno,halka ay caadifaddu tahay dareen gudeed(farxad iyo murugo),iyo sido kale dareenada aad kaga falcelinayso hadba arimaha kusoo wajaha,amaba aad bulshada kula dhaqmayso.
Waxayna kaalin wayn ka qaataan nololmaalmeedkeenna,go'aan qadashadeenna,iyo furfurida mashaakisheenna nololeed.
Sidaa oo ay tahay hadana waxa aad arkaysaa dhallinyarada qaarkood waxa ay xoogga saaran oo ay marwalba kor u qaadan waxyaabaha dareenka ama caadifadda qofka kor u qaada,sida Heesaha iyo waxyaabaha lamidka ah,halka qaarkoodna ayba hilmaaman dareenadaa cadifadeed ee Eebbe ku galaday in ay adeegsadaan.Labada qolo midna sax kuma taagna.
Waxase gefka ugu wayn kujira kooxda hore ee dareenka cadifadeed uun ahmiyadda siiya,garaadka iyo kobcintiisana hilmaama.

Jumce boqran.

8 months, 2 weeks ago

Dhamman hanbalyo ayaa an leeyahay walaalaha kujira madashan,ramadaantan ramadaanteeda bashbash iyo cafimad qab Eebbe haynagu gaadhsiiyo.

8 months, 3 weeks ago

يَقول أحَد الصالحين: «مَا أدَمت الدُّعاءَ فِي رمَضان عَلى أمرٍ إلّا وتَجلّى ظاهرًا فِي شوّال».

اللهُم سَهِّل الدُّعاء علَى ألسِنتنا، وإن قصَّرنا فأنتَ العليم بِما نَخفي؛ فأفرِح قلُوبنا بِما أنت بِهِ أعلَم.

8 months, 3 weeks ago

علامة ليلة القدر

واختلفوا هل لها علامة تظهر لمن وفقت له أم لا؟ فقيل: يرى كل شيء ساجدا، وقيل الأنوار في كل مكان ساطعة حتى في المواضع المظلمة ، وقيل يسمع سلاما أوخطابا من الملائكة، وقيل: علامتها إستجابة دعاء من وفقت له، واختار الطبري أن جميع ذلك غير لازم وأنه لايشترط لحصولها رؤية شيء ولاسماعه.

فتح الباري/٤/٣١٠

We recommend to visit

SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!

@Abdii_Sabaa

💬NU QUNNAMUUF💬
@AbdiiSabaaDm

🎯BARNOOTAAF
@abdii_sabaa_university

🎯MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa

Last updated 6 days, 5 hours ago

asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 2 months ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 2 weeks, 5 days ago