Hormarinta Naftaada

Description
Kanaalka Hormarinta Naftaada waa kanaal aad ka heli karto Qoraalo maalinle ah xikmadaha , dhiiragalinta iyo qisooyiin.

Halkan jon dheh?
@HormarintaNaftaada

Facebook-page
https://www.facebook.com/Hormarintanaftaada
Advertising
We recommend to visit

SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!

@Abdii_Sabaa

?NU QUNNAMUUF?
@AbdiiSabaaDm

?BARNOOTAAF
@Abdiisabaa

?MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa

Last updated hace 3 semanas, 5 días

https://t.me/joinchat/AAAAAFgrZgMjBcvdBf7YWg

Last updated hace 3 semanas, 3 días

asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated hace 4 días, 14 horas

5 months, 2 weeks ago

عَسَى رَبُّنَا أَنْ يُبْدِلَنَا خَيْرًا مِنْهَا ﴾ [القلم: 32]

"Waxa dhab ah, Rabbigayo in uu noogu beddelayo wax ka wanaag badan yada."

Aayaddan sare, kaga naso xanuun kasta oo ka dhashay fursad kaa dayacantay, shaqo walba oo aad wayday, jacayl kasta oo aad kala irdhowdeen iyo saaxiib kasta oo aad u haysatay daacad, balse gadaal kaaga xumaaday.

Ilaahay, waxa uu kaa qaado xikmad ayuu ka leeyahay,

waxa uu kuu daayaana waa naxariis xaggiisa ka ahaatay, ee haddii aad fahanto xikmadda mahadnaq,

haddii kalena iska adkayso maxaa yeelay..guud ahaan qorshayaashiisu waa wada wanaag haba ku xanuujiyaane..!" ?

#dhambaladquraanka

9 months, 1 week ago

"Noqo qof cajiiba! Noqo qof wanagsan, noqo qof caqli badan.
Balse waxa ugu muhimsan ee ay tahay inad noqota waa....

Noqo nafsadada oo ha matalin shaqsi aadan ahayn.
Taasi waxay dhawici dontaa jiritankaga.!"

10 months ago
"Sawirkan waxa uu inoo muujinayaa qiimaha …

"Sawirkan waxa uu inoo muujinayaa qiimaha akhrisku leeyahay, waa sawir dadka reer Jabaan ay ku barayaan carruurtooda in miisaanka saxda ah ee qofku leeyahay aanu aheyn inta kiilogaraam (KG) ee culeyska jidhkiisa, balse uu yahay inta buug ee uu akhriyay…….Bal eeg ilmahaas yar ee buuggaagtaas waa weyn akhriyay ayaa ka miisaan baddan (ka nafci baddan) ninkan weyn ee buuran balse buuggaa yar uun akhriyay.!"?

10 months, 3 weeks ago

"Haddii wanaagga iyo khayrka ku jira naftaada iyo shaqadaadu uu bato, aduunka waxa aad ku arkaysaa khayr iyo wanaag le'eg inta naftaadaa ku jirta, haddii se ay badato xumaanta iyo xinka ku jira naftaada iyo shaqadaadu, aduunka oo dhammi waxa uu kuu noqonayaa xumaan iyo xin.

Inta uu le'eg yahay wanaagga iyo khayrka ku jira naftaada in le'eg ayaad aduunka ka helaysaa wanaag iyo khayr.

Inta ay le'eg tahay xumaanta iyo ximinta ku jirta naftaada iyo shaqadaada in le'eg ayaad aduunkana ku arkaysaa xumaan iyo ximin." ?

Buugga: Jiraalkay 1
Bogga: 126

11 months, 2 weeks ago

"Dadku weligood wax wanaagsan kugu maamuusi maayaan haddii ay is beddel nololeed kaa arkaan. Tusaale haddii aad ganacsi furato waxay ku odhanayaan heerkooda ama adeerradii ayaa lacag leh oo u furay. Haddii Grades fiican aad keento waxay ku odhanayaan qish ayuu sameeyay ama macallimiinta ayuu lacag siiyay. Haddii jimicsiga aad wakhti gelisid oo aad physique qurux badan yeelatid waxay ku odhanayaan Steroids ayuu qaatay. Ma jirto cid waxa aad qabatay fal-celin wanaagsan (Positive thoughts) ka dhiibanaysa ee cidna weligaa yey maskax ahaan hadalkoodu kuu saamaynin. Just move on.!"

– younis Abdullaahi Kabuul

1 year ago

"Nolashaada go'aankeeda adigaa iska le, ama maalin kasta oo dhalataaba cudur daar iyo marmarsiyo joogta ah wad ama go'aan dhaba qaado oo isbadal samay.!"???

1 year ago
"Aadamuhu uma baahna waddooyin nadiifa, si …

"Aadamuhu uma baahna waddooyin nadiifa, si ay u noqdaan Muxtarimiin( ixtiraam leh), laakin waddooyinku waxay u baahan yihiin dad ixitiraam leh si waddooyinku u noqdaan kuwo nadiifa ah .!" Oraah cajiip ?

1 year ago

"Qofka horay u soo shaqeeyey, ee leh shakhsiyad la jaanqaadi karta cayn kasta oo dadka ah ayaa dhabtii laga doorbidin qof aqoontii oo kali ah leh’’.

‘’Qofka joojiya waxbarashada oo rumaysta in uusan aqoon
kale u baahan doonin dugsiga/jaamacadda kadib, dhabtii qofkaasi koboc badan noloshiisu ma samayso. Waddada guushu waa haynta waddada waxbarashada’’.??

Buuga: Think and grow rich

1 year ago

Noqo qof dhiiran:

"Kalsoonida naftaadu waa aasaaska aad ku dhisi karto nolol hadaf leh, kasbasho iyo fulin leh. Waa aaminaadda aan leexleexa lahayn ee kartidaada, kalsoonida aan la dhayalsan karin ee xukunkaaga, iyo xaqiijinta joogtada ah ee ah inaad u qalanto guul iyo farxad.

Naftaada u sawir sidii kabtanka markabkaaga, adigoo dhex maraya badweynta fursadaha iyo caqabadaha. Sida badmaaxiinta xirfadda leh ay ugu tiirsan yihiin aqoontooda iyo xirfadahooda si ay u dhex maraan biyaha qallafsan, kalsoonidaada naftu waxay kugu hagaysaa qallooca iyo leexashada safarka nolosha.

La qabso awoodahaaga, sifooyinkaas gaarka ah ee kaa dhigaya qofka aad tahay. Aqoonso wax qabadkaaga, haba yaraatee, waayo waa jaranjarooyinka horseeda guulo waaweyn. Caqabad kasta oo aad ka gudubto, hadaf kasta oo aad gaadho, waxa ay sii hurisaa dabka aad isku kalsoon tahay.!"

We recommend to visit

SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!

@Abdii_Sabaa

?NU QUNNAMUUF?
@AbdiiSabaaDm

?BARNOOTAAF
@Abdiisabaa

?MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa

Last updated hace 3 semanas, 5 días

https://t.me/joinchat/AAAAAFgrZgMjBcvdBf7YWg

Last updated hace 3 semanas, 3 días

asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated hace 4 días, 14 horas