SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!
@Abdii_Sabaa
?NU QUNNAMUUF?
@AbdiiSabaaDm
?BARNOOTAAF
@abdii_sabaa_university
?MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa
Last updated 1 month, 1 week ago
asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook
Last updated 3 months, 2 weeks ago
Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.
Headquartered in Mogadishu.
Last updated 2 months ago
اختم يومك بشيءٍ يحبّه الله..
الوتر يا رفاق 🌿.
ــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــ
• أذكار النوم
• سورة الملك ، سورة السجدة
Cilmi baadhisyadii ugu danbeeyay ee laga sameeyay saamaynta baraha bulshadu ku leeyahay maskaxda waxa ay tibaaxeen in baraha bulshadu dhaawac weyn u gaysto hab fikirka, xifdiga iio xasuusta maskaxda, isaga oo horseeda maskax korin waa. Sidoo kale waxa ay qayb badan oo kamid ah cilmibaadhisyadani ku doodeen in baraha bulshadu kordhiyo heerka iskubuuqa, qulubka iyo welwelka, tirakoobyo la sameeyayna waxaa lagu ogaaday in dadka isticmaala saddex saac wax ka badan baraha bulshada maalinkii ay u nugul yihiin iskubuuqa khatarna ugu jiraan in ay si fudud u qaadaan qulub sababi kara in ay is qudh gooyaan.
Qofka dhallinyarradaa ee waqtiga badan ku luminaya facebooka ama guud ahaan baraha bulshadu waa in uu ogsoonaado in waqtigiisii qiimaha badnaa uu ku luminayo wax aan micno lahayn, waa in uu ogsoonaado gabadh ama wiil la ayni ahi in ay waqtigan wax baraha bulshada dhaama gelinayaan berri ka maalina ay noqon doonaan dad macno leh sababtoo ah saacado si fudud kugu dhaafayay ayeey ka dheefsadeen.
Hal saacna ha noqotee maalinkii isku day in aad wax uun faa’ido, aadna geliso wax adduunkaaga iyo aakhiradaada anfacaya.
Qayb kamida Munaafiqiintii ayaa Tabuuk waxa ay Nebiga SCW iyo saxaabadiisii qiimiga badnayd ka sheegeen hadalo gumeed iyaga oo yidhi waa calool waaweyn yihiin iyaga oo sidoo kale ku daray in Nebiga iyo saxaabadu fulayo yihiin oo aysan u ciidamin sida wax u cunaan, warkii ayaa nebiga loo geeyay waxa ayna ku marmarsiyoodeen in uu ahaa sheeko ay isaga maaweelanayeen, Allena waxa uu Nebiga ku yidhi weydii: Ma Alle, aayadihiisa iyo rasuulkiisa baad ku jeesjeesayseen. Dabadeedna Alle waxa uu u sheegay in uusan cudurdaar u noqonayn arrinkaasi ee ay gaaloobeen iimaankooda kaddib.
Hadda qofka hal aayad oo qur’aanka ah si kas ah u beeniya, ama war ka keena ma jiro wax loogu cudurdaarayo, mana jiro ixtiraam la siinayo waa gaal xataa haddii uu mar ahaa muslim, waan kaftamayay, saas kama wadin, saas ma ahayn maaha cudurdaar, diintani ma gasho kaftan, mana gasho ku jeesjees, qofkii raba in uu diinta ku jeesjeeso ama ku raadiyo caannimo been ku sheegga qur’aanka ee haddana raba in sida qof muslima loo tixgeliyo ha ogaado in aysan dhacayn, qofka il qalloocan ku eega Aayadaha Qur’aanka, Nebiga SCW, Saxaabada, iyo dhammaan muqaddasaadka diinta Islaamka waa murtad haddii uu si kasa isaga oo maankiisu soo jeedo waxaas soo qoray, qofkii hal aayaad si kas ah ugu gefa, been ku sheega isna waa lamid.
Cidna loo madax salaaxi maayo qofkii raba in uu Muslim noqdo waa in uu noqdaa Muslim toosan oo Alle yaqaana, balse ma dhici karto Muslim diinka islaamka muqaddasaadkiisa ku jeesjeesaya haddana Muslim sheeganaya.
12-kii Rabiicul Awal ayaa adduunyadu jaanis u heshay in uu kusoo biiro Nebigii raxmaddu, inta Alle uunkay shaqsigii ugu khayrka badnaa, dabadeedna qasriyadii adduunkaa iftiini daboolay, waa iftiin soo dhoweyn u ah dhalashada suubbanaha, soo dhoweyn u ah in uu dhashay qofkii ugu gobsanaa khalqiga Alle, waxaa daatay sannamyadii dul yaallay caalamka oo idil, sababtoo ah waxaa dhashay isbeddeldoonkii, daadashadani waxa ay ibofur u ahayd in Nebi Maxammer SCW iyo shirki aysan adduunka wada joogi karin, nus qarni sano kadibna siday maalinkii uu suubbanuhu dhashay ay u daateen ayaa seefta xaqu u daadisay. Ruum iyo Faaris ayaa xaq-u-dirirkii jannodoonka ahaa gaadheen iyaga oo wada warkii nuurkii nus qarni ka hor qasriyadooda iftiimiyay, sidoo kalena ku soconaya ammarkii Nebiga SCW ee ahaa in dadka naarta laga badbaadiyo iyo waanidiisii: “in hal qof dartaa diinta u qaataa kaaga khayr badan nimcooleyda teeda cascas”, raxmaddiisii ayeey qaadeen una qaadeen dhul u baahnaa, akhlaaqdiisii wanaagsanaa ayeey ku dhaqmeen dabadeedna malaayiin qofbaa diinta soo galay, sidiisii oo kale ayeey isdhuldhigga laasimeen dabadeedna waxaa soo baxday bulsho siman oo aan midna midka kale ka sarrayn. Xalaal quudad ayeey noqdeen illaa cid wax xadda la waayay. Way is caawiyeen oo xaqii lagu aaminay sidiisi oo kale u guteen illaa adhigii iyo dugaaggii wada daaqeen. Hubaashii ardaydiisii [saxaabadii Nebiga SCW] waxa ay noqdeen arday fahmo wacan oo si wacan u qaatay wixii uu wanaag faray, Allena dhammaantood raali haka noqdee.
Waa maalin weyn oo adduunyadu heshay sad weyn, maalin maalinkan la tirsiya 63 sanona jaan gooysay ayuu sidoo kale adduunyada ka intiqaalay Nebi Maxammedkii gobta ahaa. Waan ku jecelnahay Nebi Alloow, waxaan noo tahay hoggaamiye aan ku dayano, naga raalli ahoow ma aanu noqon ummaddii aad naga filanaysay waase dadaalaynaa, salligaaga ayaana aanu arrimo badan la kaashan doonnaa, kuna dalbi doonnaa helidda wax walba oo aan Alle weyne ka rajeenayno. Calayka salaatu wa salaamu yaa rasuullaah❤️.
Waligeedba waxaa jiray loolan ka dhaxeeyay isbedel doonka iyo kuwa aalaaba diidan, Nebi Muuse CS markii uu Alle amray in uu reer Banuu Israa’iil gumaysiga ka saaro markiiba isbedelkaasi waa u cuntami waayay Fircoon iyo kooxdii talada haysay, markiibana Fircoon waxa uu warka dhiillada leh la wadaagay wasiirradii ay talo wadaagta ahayeen una sheegay in uu ka baqayo in Muuse dadka bedelo, dhulkoodana fasahaadiyo. Fasahaadka uu sheegayaa waa in dadku ka xoroobaan oo rarashada iyo dhibta uu ku hayo ay ka dhex baxaan. Kaliya Fircoon maaha eeg wixii ay ku dhaheen qoomkii nebi Luud markii uu ku yidhi dhaqan xumadan joojiya, waxay ugu jawaabeen Luud iyo kooxdiisu waa koox is dahiraysee magaalada aan ka saarno, waxa ay ku haystaan waa in la wadi waayeen xumihii ay wadeen jeerkaasna ay isbedel u qumeen. Sii wad, markii Nebi Maxammed SCW uu ku yidhi Quraysh war joojiya sanam caabudkan waxa ay ugu jawaabeen in uu dadka kala geenayo oo uu fitno ka dhex abuurayo midnimada iyo wadajirkii Quraysh, si uusan u suurtoobin isbedelka uu doonayna waxa ay daba dhigeen niman golaha uu istaagaba waa beentii ka dhaha.
Qur’aanku waxaa jirta sir uu ina siiyay oo ku saabsan mucaaradka isbedelka iyo ereybixin ay alaaba u isticmaalaan dadka isbedel raadiskaa waana ereyga WAALI, qofku marka uu doono wax bulshadiisu ka cusub in uu sameeyo bulshada waxa uu kala kulmaa ereyo hanjabina. Sidoo kale Qur’aanku waxa uu inoo sheegay sunne kowni ah oo ku saabsan isbedelka, waana ta saldhigga u ah fikrad walba oo isbedeldoon, Allena waxa uu ballanqaaday in uusan dad badalayn illaa ay iyagu is bedelaan mooyee. Isbedelku maaha ilhaamin waxyiya iyo shay ku dhaca si kuma talagala kaas oo hal habeen lagusoo tooso dhul isbedelay iyo dad isbedalay. Qur’aankuna waa ka inoogu tusaaleeyay degmo amni iyo nolol adduunyaad oo dhammaystiran haysatay, dabadeedna fahmi waayay nimcada ay haystaan kuna gaaloobay dabadeedna dhar gaajo iyo mid amnidarro loo geliyay. Isbedelku waa doorasho dadka kasoo go’a, hadbana isbedelka mid taban iyo mid togan ka ay doorbidaan ayaa uu noqonayaa mustaqbalkoodu.
Isbedelku waa wax adag, qofkuna in uu doono in uu naftiisa badalo, dabadeedna bulshadiisa ku xejiyo waa shaqo adag oo u baahan dhabar adayg iyo nafhurnimo. Qofka isbedel doonayaa haddii uusan hadallada bannaanka uga imanaya dulqaad u lahayn isbedelkiisu wuu guuldareesanayaa tallaabana horay umasii qaadi karo. Isbedelka shaqsiga waxaa saldhig u ah haladayg, iyo go’aan adag, qofkii labadaas laga helo ayaana isbedeli doona. Isbedelka bulshadana waxaa saldhig u ah wadatashi iyo in ay wada yeeshaan hadaf iyo meel ay ku socdaan, waa in ay doonayaan in ay ka wacnaadaan meesha ay maanta joogaan haddii taas la helana waxaa dhacaya isbedel guulaysta.
Qofka naftiisaa ayaa waano ugu filan, waxaana qumman qofku intuu ku mashquuli lahaa gefafka dadka kale in uu gefkiisa ku mashquulo, kuna dadaalo sidii uu naftiisa u sixi lahaa. Waxaad arkaysaa qof kharriban oo haddana cid walba xamanaya waxna ka sheegaya, bal qofkaasi muu naftiisa ku mashquulo illeen iyada uunbaa ah ta uu Alle waydiin doonee!
Xasuusin yar: Waqtigaaga maalgasho. Ku maalgasho dikriga Alle, cibaadadiisa, sidoo kalena ku maalgasho wax adduunkaaga ku anfacaya sida; isbaridda luuqadaha, xirfadaha kaambiyuutarka, xisaabta, ganacsiyada onlineka ah, habqoraalka toolmoon iyo wax walba oo aad ka heli karto nacfi adduunyo oo xalaala.
SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!
@Abdii_Sabaa
?NU QUNNAMUUF?
@AbdiiSabaaDm
?BARNOOTAAF
@abdii_sabaa_university
?MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa
Last updated 1 month, 1 week ago
asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook
Last updated 3 months, 2 weeks ago
Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.
Headquartered in Mogadishu.
Last updated 2 months ago