SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!
@Abdii_Sabaa
?NU QUNNAMUUF?
@AbdiiSabaaDm
?BARNOOTAAF
@abdii_sabaa_university
?MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa
Last updated 1 month, 1 week ago
asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook
Last updated 3 months, 2 weeks ago
Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.
Headquartered in Mogadishu.
Last updated 2 months ago
The discipline of education and the challenges it faces.
"Anshaxa Waxbarashada iyo Caqabadaha Ku Gedaaman"
Barkulanka Baraarug wuxuu soo bandhigayaa madal cilmiyeed gaar ah oo aan kaga doodi doonno anshaxa waxbarashada iyo caqabadaha ku xeeran. Waxbarashadu waa laf-dhabarta bulshada, balse anshaxa iyo caqabadaha saameeya aqoontu waa arrimo mudan in si qoto dheer loo lafa guro. Madashani waxay diiradda saari doontaa sidii loo wanaajin lahaa xiriirka anshaxa iyo waxbarashada, loona heli lahaa xalal waxtar leh oo ku wajahan dhibaatooyinka ka jira hababka waxbarasho ee bulshada.
Habeenka sabtidu soo galayso,
9:20 Fiidnimo insha-Allah
📚📚Kitaabka: (مقدمة ابن خلدون )
Mid kasta hadaad riixdo waxay ku geynaysaa halka uu channelka dersigu ka yaalo, midkasta magaca ku qoran riix.
Maalik bin nebi.
Aragtiyaha dhintay iyo kuwa wax dila.
B: fikradaha kasoo taxmay tagtada fog, ee bulshooyinkii hore (muslimiinta) u ahaa kuwa cuntamay, joogtadoodana la jaanqaaday, balse hadda waaqacan aan waxba ka jari karin [ Fikradaha dhintay ].
T: aragtiyaha bulshooyin kale lagu soo tijaabiyay ( gaar ahaan reer galbeed) suure galna ka dhex noqday bulshooyinkaas, iyada oo la eegayo goobta iyo goorta ay ka hir galeen labadaba, balse marka bulsho kale loo keenay aan macquul noqon. Caksiga taasna wax badan ka xumeeyay bulshadii loosoo waariday afkaartaas [ Fikradaha wax dila ].
Haddii aynu ta koobaad faahfaahin ka bixinno, waa fikradaha dhintay e’, Maalik binu Nabi waxa uu ka digayaa aragtiyaha iyo afkaarta soo jiitama ee bulshooyinkii hore maskaxdooda ay ka tuujiyeen, si ay uga jawaabaan su’aalaha joogtadooda ka taagnaa. Waxa uu ku cillaynayaa ka digistaa; in inta badan afkaarta bulshooyinkii hore ay hir galiyeen laga soo gudbay, shaqadoodiine ay gabeen, ammintii iyo goobtii ay ka hirgaleenne laga soo fogaaday. Bulshada ku yognaata(dhaganaata) aragtiyahaa iyo afkaartaa tegayna ay ka dhigayso mid dib-u-dhacsan oo aan awood u lahayn in ay joogtada la talaabsato, si dhab ahne uga hor tagto loollanka nololeed ee hor yaalla.
Waxa taa tusaale nool inoogu filan bulshadeenna soomaaliyeed iyo aragtiyaha ay waqtiga ugu badan ku bixiso marka laga eego dhinacyo badan. Tusaale; dhinaca sooyaalka siyaasadeed oo ay dhacdooyinkii dhacay weli hadal hayaan, dhinaca is-kooxaysiga diiniga ah oo ay ku jahawareersan yihiin kala xigtaysiga dad iyo kooxo waa’ hore jiray oo aan waxba kaga jabnayn joogtadooda adag ee ay noolyihiin, dhanka dhaqannada soo jireenka ah, iyaga oo dhaqanno laga dhaqaajiyay oo dhabaha dhimashada cagta saaray wali kusii faruur-xidhan.
Arinka muhimka ah ee mudan in la sheeego marka qodobkan la dul marayo waa in lagu baraarujiyo bulshada doonaysa in ay habaaska dib-u-dhaca ka kacdo, tiigsatana ilbaxnimo ay ku tanaaddo, in ay ka sare marto faaqidaadda iyo daba raaca aragtiyaha guunka ah ee bulshooyinkii hore ka aslanaa ee aan waxba uga gidhiiska ahayn waaqacan hadda jira. Xooggana saaraan mabaadi’da waaweyn ee ku xusan Qur’aanka iyo Sunnada, iyo culuumta kale ee ay aqoon kasoo dhanbalan karaan, ka dibna intaas oo isku qoofalan u kaashadaan jawaab u helidda su’aalaha joogtadooda khuseeya.
Haddii aynu milcsanno iyana aragtiyaha iyo afkaarta uu u bixiyay Maalik Binu Nabi kuwa wax dila, waxa uu ku macnaynayaa in ay yihiin aragtiyaha bulshooyinka kale ka hir gala, bulshooyinkaas oo dhul ahaan, dhaqan ahaan, aaminaad ahaan, sooyaal ahaan, iyo siyaabo kale oo badanba uga duwan bulshada soo minguurinaysa fikradahooda, taasina ay keenayso in ay fikradahaasi nabarro u gaystaan dhismaha bulshadaas iyo qaab dhismeed-keedaba. Sababtune ay tahay in aragtiyahaasi ay yihiin kuwa ku lid ah bulshadu waxa ay haysato. Waxa uu tusaale usoo qaadanayaa Maalik, bulshooyinka muslimiinta ee afkaarta iyo aaminaadaha qaarkooda kasoo waarida reer galbeedka, kuwaas oo gabi ahaanba aan la jaan-qaadi karin ma dhaafaankooda iyo aaminadahooda gaarka ah, kuna tilmaamayaa dhaqamadaa iyo aaminaadahaa lasoo guurinayo in ay yihiin kadhadaha/carqaladaha bulshada ka hor istaaga in ay haleesho ilbaxnimada, kana dhiga mid dhaqan galinaysa fikradaha wax dila. Taa caksigeed waxa uu si xikmadaysan usoo jeedinayaa Al-Mufakir Maalik Binu Nabi in ay bulshada muslimka ah ka faa’idaysato soo saaritaannada xadaaradaha kale, iyada oo aan la soo haadin waxa ay aaminsan yihiin iyo afkaartooda aan matalin midne.
Labadaa nooc ee ka mid ah fikradaha bulshada soo gali kara, marka ay hayso dhabbada horumarka lagu gaadhayo waxa uu ku tilmaamayaa Maalik Binu Nabi in ay yihiin kuwa la hadha bulshooyinka, kana dhiga goobyaal aan dhaqaaqi karin.
Maygaag Maxamuud Sheekh
Tixraacyada qormadan;
مشكلة الأفكار في العالم الإسلامي – مالك بن نبي
وجهة العالم الإسلامي – مالك بن نبي
ICDL (International Computer Driving License) waa shahaado caalami ah oo lagu caddeeyo aqoonta aasaasiga ah ee kombiyuutarka iyo xirfadaha dijitaalka ah. Shahaadadan waxaa bixisa hay'adda ECDL Foundation, waxaana loogu talagalay dadka doonaya inay bartaan ama horumariyaan xirfadaha aasaasiga ah ee kombiyuutarada iyo software-ka caanka ah sida Microsoft Office.
ICDL waxay leedahay heerar iyo modules kala duwan, oo ay ku jiraan:
Heerka Aasaasiga ah (Base Modules): Waxaa ka mid ah xirfadaha asaasiga ah ee IT-ga, sida isticmaalka kombiyuutarka, maaraynta feylasha, isticmaalka internet-ka, iyo e-mailka.
Heerka Dhexe (Intermediate Modules): Waxaa ka mid ah barnaamijyada xafiisyada sida Word Processing (kelmadoqoridda), Spreadsheets (miisaaniyadda iyo xogta), iyo Presentations (bandhigyada).
Heerka Sare (Advanced Modules): Xirfadaha heerka sare ee software-ka sida Excel iyo Word, kuwaas oo ku saabsan hawlaha farsamo iyo maaraynta xogaha.
ICDL waa shahaado la aqoonsan yahay guud ahaan caalamka, waxaana loo isticmaalaa in lagu muujiyo xirfadaha aasaasiga ah ee kombiyuutarka, kuwaas oo muhiim u ah shaqooyinka badan oo kala duwan. Maanta cid kasta oo ka shaqaynaysa xafiisyada caalamigaa waxa la weydiiya shahaadadan.
Bogga rasmiga ah ee #Barkulanka_Baraarug;
https://www.facebook.com/profile.php?id=61558659975539
Group whatsapp ka rasmiga ah ee #Barkulanka_Baraarug;
https://chat.whatsapp.com/CMubOfdBCRELNBzNo8PT15
Kusoo biir, oo kamid noqo bahda Baraarug.
Waa maxay waxa ay dunidu lumisay markii Muslimiinta ay hoos u dhaceen?
Buuggan waxaa qoray Abul-Hasan Ali Nadawi, waxaana uu kaga hadlayaa sida ay Muslimiinta wax weyn ugu soo kordhiyeen horumarka iyo nolosha aadanaha, marka ay ku tiirsanaayeen diinta Islaamka iyo akhlaaq wanaagsan. Nadawi wuxuu iftiiminayaa sida ay Muslimiinta u horseedeen caddaalad, ilbaxnimo, iyo horumar cilmiyeed oo waxtar u ahaa bulshada.
Markii Muslimiinta ay hoos u dhaceen oo ay ka bexeen hirgellinta Islaamka saxda ah iyo horumarka cilmiga, waxa dunidu lumisay ilbaxnimo sare, caddaalad ku saleysan Islaamka, iyo nidaam la isku halayn karo oo ka hortagaya dulmiga iyo faqriga. Nadawi wuxuu soo bandhigayaa sida ay muslimiintu u ahaayeen tusaale wanaagsan intii lagu jiray waagii ilbaxnimada Islaamka, iyo sida ay u keeneen barwaaqo iyo horumar dhinacyo badan leh.
Dulucda buuggu waa in dib loogu soo laabto akhlaaqda iyo cilmiga Islaamka, si loogu soo celiyo kaalintii wanaagsaneyd ee ay Muslimiinta ku lahaayeen adduunka. Nadawi wuxuu ku talinayaa in Muslimiinta ay dib ugu laabtaan diintooda oo ay ka shaqeeyaan sidii ay u noqon lahaayeen bulsho hormuud u ah dunida.
- Hoodo osman
Member of #Barkulanka_Baraarug
Sheekh Abul-Hasan Ali AN-Nadawi wuxuu ka hadlayaa sida ay hoggaaminta Islaamku u baahan tahay astaamo gaar ah oo ballaadhan, kuwaas oo lagu soo koobi karo laba eray oo kala ah juhdi/dedaal iyo jihaad. Erayadaas wuxuu u adeegsanayaa tilmaamidda dadaalka iyo halganka joogtada ah ee loo baahan yahay si loo ilaaliyo loona horumariyo bulshada Muslimiinta iyo qiyamka Islaamka.
Marka uu Sheekh Abul-Hasan Ali AN-Nadawi ka hadlayo juhdiga iyo jihadka, erayadan wuxuu u adeegsanayaa laba macne oo qoto dheer leh oo si gaar ah uga tarjumaya halganka iyo dadaalka loo baahan yahay.
Juhdi: Waxaa loola jeedaa dedaalka joogtada ah iyo ku dedaalida wax walba oo wanaagsan. Waa juhdi shaqsi iyo mid bulsho, oo ay ku jiraan in la isku dayo hagaajinta nafta, kor u qaadida aqoonta, iyo sidii wax loogu tari lahaa bulshada. Juhdiga wuxuu ku saabsan yahay dedaalka qofka iyo bulshada si ay u horumaraan una ilaaliyaan qiyamka wanaagsan ee Islaamigaa.
Jihaad: Waa halgan iyo u taagnaanta xaqa. Waxaa loola jeedaa in la difaaco diinta, xaqa, iyo qiyamka Islaamka marka loo baahdo. Jihaad ma ahan oo keliya dagaal, balse waa isku day kasta oo loogu jiro ilaalinta iyo fidinta wanaagga, xaqqa, iyo caddaaladda. Jihaadku waxay noqon kartaa halgan bulsho, mid dhaqan, ama xitaa mid aqooneed si loo gaaro horumar iyo sugnaansho.
Marka Sheekh AN-Nadawi ka hadlayo juhdiga iyo jihaadka, wuxuu ku nuuxnuuxsanayaa in hoggaaminta Islaamku u baahan tahay labadan tayo ee ah halganka iyo dadaalka, si loogu taagnaado oo loogu dedaalo wanaagga iyo horumarka bulshada Muslimiinta.
Sheekhu wuxuu ku baraarujinayaa Muslimiinta in iyagoo isticmaalaya juhdi iyo jihaad ay dib usoo ceshan karaan hoggaamintii iyo kaalinta weyn ee adduunka laga sugayo inay yeeshaan.
Eng: Hoodo osman.
SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!
@Abdii_Sabaa
?NU QUNNAMUUF?
@AbdiiSabaaDm
?BARNOOTAAF
@abdii_sabaa_university
?MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa
Last updated 1 month, 1 week ago
asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook
Last updated 3 months, 2 weeks ago
Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.
Headquartered in Mogadishu.
Last updated 2 months ago