Axdaath-ta Ramadaan

Description
Advertising
We recommend to visit

Ku soo dhawoow channelkan waxaad ka heli doontaa filmadii hore iyo kuwa hada 2021..terjumida Astaan iyo fanproj.💪🙏🥰🙏

Last updated 1 month, 2 weeks ago

ASOSIY ADMIN : @YALLY_STORE
OTZIVLA : @yally_otziv
ARENDA : @YALLY_ARENDA

Last updated 1 month, 3 weeks ago

Manager


✅ONLY Global
✅ UPGRADE GUNS
✅ CHEAP ACCOUNTS
✅AAMINAD IYO KALSONI
✅ONLY FOR SALE NO EXCHANGE

👨‍💼CEO
@XUSKA_BOY

Last updated 1 week, 5 days ago

1 year ago

Ciid Mubaarak Asxaabta
تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال.

1 year ago
1 year ago

AKHRISO DHACDOOYINKII DHACAY MAALINTA 29-AAD EE BISHA RAMADAAN:

1⃣ Maanta oo kale 29-ka Bisha Ramadaan sanadkii 48-kii Hijriyada waxa bilaabatay dhismaha Magaalada Qayruwaan iyo isla sanadkaan bilowga Bisha Ramadaan uu dhaga dhigay Furtihii Qaaradda Afrika ahaana Aas'aasihii magaalada Qayruwaan AlQaa'id Cuqba Binu Naafic.

2⃣ Maanta oo kale 29-ka Bisha Ramadaan sanadkii 2-aad ee Hijriyada waxaa la sharciyeeyey Salaadda Ciidda.

3⃣ Maanta oo kale 29-ka Bisha Ramadaan sanadkii 699-kii Hijriyada Ciidamadii Dowladdii Mamaaliikta oo uu hogaaminayay Axmed Naadir Binu Qalaawuun waxay Dagaal culus ku oo ka dhacay Murji safar oo u dhow Magaalada Dimishiq la galeen Ciidamadi Tataarka, ugu danbeytiina waxaa Dagaalkaas si xun loogu jabiyay Ciidamadii Tataarka.

4⃣ Maanta oo kale 29-ka Bisha Ramadaan sanadkii 1051-kii Hijriyada waxaa dhashay waxaa dhashay Suldaan Maxamedkii Afaraad waxaana dhalay Ibraahim kii Koowaad oo ahaa Suldaankii 19 ee Dowladii Cusmaaniyiinta.

========Dhammaad=======

1 year ago
1 year ago

AKHRISO DHACDOOYINKII DHACAY MAALINTA 28-AAD EE BISHA RAMADAAN:
1⃣ Maanta oo kale 28-kii Bisha Ramadaan sanadkii 92-kii Hijriyada waxaa Dhulka Andalus ka dhacay dagaalkii weynaa ee Shadhuuna. Waxaanna dagaalkaan dhex maray kiristanka Andalus haysan jirey iyo ciidamadii Muslimiinta oo hogaaminayay Hogaamiyihii Geesiga ahaa iyo geesigii Caaqilka badnaa ee Dhaariq Binu Binu Ziyaad Allaah u naxriisto'e.

2⃣ Maanta oo kale 28-kii Bisha Ramadaan sanadkii 208-dii Hijriyada waxaa Geeriyootay Nafisa Bintu Xasan Ibnu Cali Ibnu Abii Dhaalib Rc waxaana Ayeeyo u ahayd Faatima Bintu Rasuulillaahi Sallaahu Caleyhi, waxayna ka mid ahayd Dumarka Ahlu beedka.

3⃣ Maanta oo kale 28-kii Bisha Ramadaan sanadkii 9-kii Hijriyada waxaa waxaa soo islaamay oo diinta Islaamka qaatay qabiilka Thaqiif oo dagaanan jireen Magaalada Dhaa'if, qabiilkaan wuxuu ka mid ahaa Qabaa'ilada Carabta kuwooda ugu Awoodda badan dhinaca dagaalka.

4⃣ Maanta oo kale 28-kii Bisha Ramadaan sanadkii 65-kii Hijriyada waxaa Geeriyooday Marwaan Ibnu Xakam oo ahaa Khilaafkii Afaraad ee Khilaafadii Umawiyiinta ahaana Aas'aasihii dib u curashadii labaad ee Khilaafadii Umawiyiinta.

=======Dhammaad=======

1 year ago

AKHRISO DHACDOOYINKII DHACAY MAALINTA 27-AAD EE BISHA RAMADAAN:

1⃣ Maanta oo kale 27-ka Bisha Ramadaan sanadkii 2 Hijriyada waxa la faradyeelay (La waajibiyay) Zakaatul Fidriga ee la bixiyo dhamaadka soonka, kuna eg subaxa ciidda intaan salaadda Ciidul Fidriga la tukan.

2⃣ Maanta oo kale 27-ka Bisha Ramadaan sanadkii 392 Hijriyada waxaa geeriyooday Maxamed Bin Abii Caamir oo loo yaqiinay Xaajib Mansuur oo ahaa hogaamiye 25 sano xukumayay dhulka Andalus. Wuxuu Sheekhu leeyahay taariikh cajiib ah, asalkiisana wuxuu ahaa xamaali ku shaqeysta dameerka, ilaa ugu danbeyn uu ka noqday boqor ay ka hebeystaan reer Saliibiyiintii reer Yurub. Waxa uuna Geeriyooday Allaah u naxriiste isagoo 65 jir ah.

3⃣ Maanta oo kale 27-ka Bisha Ramadaan sanadkii 1093 hijriyada  Awzuun Ibraahim Baashaa oo ahaa Abaanduulihii ciidamada dowladdii Cusmaaniyiinta wuxuu furtay dalka Islafaakiya ee dhaca bartamaha Qaaradda Yurub, kadib markii uu jabiyay ciidamadii Saliibiyiinta reer Yurub.

4⃣ Maanta oo kale 27-kii Bisha Ramadaan sanadkii 1093 hijriyada waxay ciidamadii Cusmaaniyiinta jab xooggan u geysteen ciidamadii Jarmalka oo isku dayayay inay difaacaan dalka Ustariya ee dhaca bartamaha Yurub kadib markii qeybo ka mid ahaa dhulkaas ay u gacan gashay Dowladdii Islaamka ee Cusmaaniyiinta.

Dhammaad

1 year ago
1 year ago

AKHRISO DHACDOOYINKII DHACAY MAALINTA 26-AAD EE BISHA RAMADAAN:

1⃣ Maanta oo kale 26-kii Bisha Ramadaan sanadkii 9-aad ee Hijriyada wuxuu Nabiga ﷺ soo gaarey magaalada Madiina isaga oo guul weyn kala soo laabtay Duulaankii Tabuuk isaga iyo Saxaabadiisa Allaah ka raali noqdo'e.

2⃣ Maanta oo kale 26-kii Bisha Ramadaan sanadkii 927-kii Hijriyada Suldaankii Cusmaaniyiinta ee Saliimkii koowaad ayaa furtay Wadanka hadda loo yaqaano Hangari oo dhaca Bariga Qaaradda Yurub.

3⃣ Maanta oo kale 26-kii Bisha Ramadaan sanadkii 584-kii Hijriyada waxaa dhulka Falastiin ka dhacay dagaalkii xiidhiin, waxa uuna Dagaalkan ka mid yahay dagaaladii ugu xooganaa ee Muslimiinta kaga guuleystii Saliibiyiinta. Waxana hogaaminayay Dagaalkaas dhinaca Muslimiinta Halyeygii Geesiga ahaa ee Saliibiyiinta Kiristanka Afka ciidda ugu rogay waa Salaaxu Diin Al-Ayuubi. Waxaana dagaalkas jab aan kasoo waaqsasho lahayn Ciidamada Mujaahidiinta ugu geysteen Ciidamadii Saliibiyiinta Kiristanka reer Yurub oo Dagaalkaas ka dib ka quusteen inay deegaan ka dhigtaan dhulka Muslimka ah ee Shaam oo hadda loo yaqaano waddamada kala ah ( Suuriya, Urdun, Lubnaan iyo Falastiin).

4⃣ Maanta oo kale 26-kii Bisha Ramadaan sanadkii 927 Hijriyada waxaa markii ugu horeysay Salaad Jimca lagu dukaday magaalada Belgaraad ee caasimadda Serbiya ee dhaca koofur bari ee qaaradda Yurub. Kadib go'doomin muddo dheer qaadatay oo Dowladda Cusmaaniyiinta ku sameeyeen magaaladan oo ugudanbeyn sababtay in ay is dhiibaan Ciidamadii magaalada ku sugnaa.

1 year ago
1 year ago

1⃣ Maanta oo kale 25-kii Bisha Ramadaan sanadkii 558-kii Hijriyada waxaa dhacay dagaalkii waynaa ee Caynu Jaaluut oo u dhexeeyey Ciidamadii Muslimiinta iyo Tataarka oo badi dunida soo Qabsaday marka laga reebo Qaybo yar oo Yurub ka tirsan iyo dhulka Masar oo Dowladdii Mamaalikta ka talinaysay, xilligaasna waxaa Dowladdii Islaamka ee Mamaaliikta hogaaminayay Al-Qaa'id Sayfudiin Quduus. Dagaal aan waxba la isu reeban ayaa dhexmaray labada dhinac, si kasta oo dagaalka u dheeraado wuxuu SWT guusha siiyay adoomadiisa Mu'miniinta. Waxaana halkaas lagu soo afjaray Isku daygii Tataarka ee ahaa inay Baabi'iyaan Dhamaan dadka ku sugan dhulalka Muslimiinta ee dunida.

2⃣ Maanta oo kale 25-kii Bisha Ramadaan sanadkii 129-kii Hijriyada waxa uu Abuu Muslim Al-khuraasaani oo ahaa taliyihii Ciidamada Cabaasiyiinta ku dhawaaqay kacdoon ka dhan ah Dowladii Umawiyiinta.

3⃣ Maanta oo kale 25-kii Bisha Ramadaan sanadkii 463-kii Hijriyada ciidankii Muslimiinta ee Dowladii Salaajiqada ayaa jab xoogan u geystay Ciidankii Bistan dhiiniyiinta.

We recommend to visit

Ku soo dhawoow channelkan waxaad ka heli doontaa filmadii hore iyo kuwa hada 2021..terjumida Astaan iyo fanproj.💪🙏🥰🙏

Last updated 1 month, 2 weeks ago

ASOSIY ADMIN : @YALLY_STORE
OTZIVLA : @yally_otziv
ARENDA : @YALLY_ARENDA

Last updated 1 month, 3 weeks ago

Manager


✅ONLY Global
✅ UPGRADE GUNS
✅ CHEAP ACCOUNTS
✅AAMINAD IYO KALSONI
✅ONLY FOR SALE NO EXCHANGE

👨‍💼CEO
@XUSKA_BOY

Last updated 1 week, 5 days ago