Buuga jacaylka❤📝

Description
Fadlan nagu soo biir si aan wax ukala faa'iidno
Advertising
We recommend to visit

SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!

@Abdii_Sabaa

💬NU QUNNAMUUF💬
@AbdiiSabaaDm

🎯BARNOOTAAF
@abdii_sabaa_university

🎯MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa

Last updated hace 5 días, 5 horas

asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated hace 2 meses

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated hace 2 semanas, 4 días

3 weeks, 1 day ago

TANI WAA SHEEKADAYDA GAARKA AH

Waan jarmaadaa/kalahaa subax kaste si aan u xaqiijiyo riyooyinka iyo ahdaafta aan nolasha ka leeyahay habèenkiina waxaan seexdaa anoo ka fakaraya qorshihii aan bari hadii Alle idmo ku hawl gali lahaa

Uma nooli si aan dadka kale u raali galiyo lkn waxaan dunida u joogaa Raali galinta Allaha I abuuray iyo naftayda waana mida aan ku dhiman doono maalinka ay dhamaato ajashaydu midaas micnaheedu maahan inaan dadka ila nool ama aan bahwadaagta nahay xumayn doono dareenkoodana dhaawacyo u gaysan doono balse rabitaan kayga iyo kooda marka ay noqoto kayga ayaan door bidi doonaa

Waxaan aamin sanahay maalinka aan wax noqdo inaan caawin karo dad badan oo garab u baahan balse taas si loo helo waa inaan aniga soo dhisaa nolashayda ayna kasoo muuqataa fikta sare ee nolasha aadamaha waxaa jirta maah-maah somali ah oo dhahaysa (Haantii heerkeeda keentaa heer kale ku darta) oo micnaheedu yahay haanta heerkii loo dhaamiyay deeqda ayaa dariskuna ka cabaan [haantu waa shayga biyaha lagu dhaansado ee awraka lasaaro nolasha ree miyiga] ujeedka markaan naftayda ku filnaado waxaan awoodi doonaa wax ka qabashada nolasha dadka kale ee igu hareeraysan

Walaalkay/walaashay wiil iyo gabadh kii aad tahayba isku day inaad nolashaada meel gaadhsiiso hormar fiicana aad gaadho si aad ugu noolaato nolal bilaa stress 😩 ah oo ka madhan cajaladaha buuqa iyo hadalada nuxuuusta ah

Waxaa sidaas yiri wiil dhalinyaro ah oo la yidhaahdo cabdi kaafi

Nuur darajo

3 weeks, 3 days ago

Xiliyada isaaciday
Iyo kuwii ixaasiday
Xasuus aan kawada qoray
Hadba miyaan xasuustaa
Isha aan ku xadayaa
Xaraf xaraf u eegaa
Xiiso wixii halkaa yaal
@Nuur_Darajo

3 weeks, 5 days ago

Aduunyadu siraadoo
Saac iyo naqbaa u da'ay
Samadaa xageediyo
Daxay sodcaal iyo
Safar dheer ku aadoo
Ninba soohdin gaariyo
Saldhig iyo qalcado iyo
Ka samaysay dayree
Soomaalidii maxaa helay?

Sinji laysku faaniyo
Anaa saajin hebel iyo
Aabahay suldaan yahay
Qolo laysku soocaa
Soomaali mooyee
Sanku neefle kuma arag
Intaa subaxba joogee
Sidee xaalku naga yahay ?

Saman hore wixii dhacay
Saxalkii na fuulee
Nagu seexshay boodhkee
Suudiga na dhigayee
Saran seerka nagu dilay
Miyaan laga sal gaadhayn
Sakashiina laga bixin
Sumcadiina soo noqon
Sidee xaalku naga yahay?

Saacadii la joogaba
Ducaan sacabka hoorshaa
Saatirkaan baryaayaa
Soomaaloo is raacdoo
Salawgiyo colaadiyo
Suuf suufku daayoo
Sacaadiyo barwaaqiyo
Saxar li,I ku nooloo
Simanoo is daysoo
Seeraheeda sugatoo
Sooc soocii laga tagay
Ayaan wali sugaayaa

Cadadoo sagaalaan
Sodon moodayaayoo
Sabad laga hayaamaan
Geediga ku sugayaa
Seeda kii I jaray baan
Same fale u haystaa
Saqiirkayga kii dilay
Ayaan wali siyaartaa
Sida wali qadariyaa
Sacabkana u tumayaa

Qodaxdii sarmaantiyo
Sogsogtiyo gacandhida
Ninka saydho ii dhigay
Ninka seefta ii tuman
Ii soo faysan toorida
Ma sokeeye ila jira
Oo samaanta ila jecel
Iyo saaxiib ikaabaa?

Intaasoo su,aalood
Iyo wali siyaadaan
Kun hayaa sadriga oo
Saadaasha maqan baan
Ka sugaaa wax khayrloo
Ma sal dhigin dareenkuye
Suubanaw Allahayaw
Sida roon adaa garan
Oon lagu saxayn Abid
Oo sanceeyey dunidee
Intaan suurku nagu ciyin
Soomaalida is fahansii

NUUR DARAJO

4 months ago

Bogan waayoo hurdada
Babad iyo qabaw
Baydna kama galoo
Buste kama huwado
Waxa baraf dhacee
Adaan kuu baahanahay

Nuur darajo

6 months, 1 week ago

Nus qarnigan mabaan arag
Nafle kula Nasiiboo
Nashqadana ku gaadhaba

Nuur darajo

6 months, 1 week ago

Bilaneey abaayoy
Boga inaad ku taaloo
Bohol yaw Idilayoo
Bastay aan ahaadoo
Bukaan socod la liitoo
Booqashadaada aan rabo
Bilaneey ma.moog tahay

@ Nuur darajo

Ciid mubaarak Culimo

6 months, 1 week ago

Ubad aan dhaliyo ?‍♂️
Sida ooridaydaan?
Kuu ilaashadaayoo?
Kaamana ag tagayee?
Ogsoonaw inan yahay??

@Nuur darajo

We recommend to visit

SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!

@Abdii_Sabaa

💬NU QUNNAMUUF💬
@AbdiiSabaaDm

🎯BARNOOTAAF
@abdii_sabaa_university

🎯MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa

Last updated hace 5 días, 5 horas

asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated hace 2 meses

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated hace 2 semanas, 4 días