Dive into the Ultimate Free Library: Your One-Stop Hub for Entertainment!

Noqo mufakir

Description
Degelkaan waxaan kugu soo gudbin doonnaa qoraallo maalinle ah sida ;
Xikmado |
ooraahyo |
dhiira-gelin |
Iyo sheekooyinka la xiriira arrimaha nolosha|

iyo dhammaan mowduucyada aan u aragno kuwo faa'iido leh .



15/6/2021


@Noqomufakir44
Advertising
We recommend to visit

بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad 3000 Buug-Somali
Free Ah
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
https://telegra.ph/HA-DEG-DEGIN-AKHRI-11-15
© Somalibooks Pro Inc
- All Rights Reserved-⤵️
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 5 months, 1 week ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 1 month ago

Kala soco Xikmad iyo Qormooyin Markasta Io Meelkasta.

Last updated 1 month, 3 weeks ago

1 month, 2 weeks ago

Colaaddu ineysan fiicneyn waxaad ku garan marka adiga iyo walaalkaa is dagaashaan, oo uu kugu yjraahdo" waraa maradan aad wadato iska soo bixi adiga iskama lihid'e". 🙈****

1 month, 2 weeks ago

_ xabiibi, waxa aan doonayaa inaan labo su'aal ku weydiiyo.
_ haye i weydii.
_ Nolosheyda inta Aanad ku soo biirin ka hor xaggeed joogtay?
_ Ayyyy Alla nolosheydii, tan labaadna i weydii.
_ maku laaban kartaa meeshii aad joogtay?

1 month, 3 weeks ago

Horta maalinta soonka haddii aan dhoollacaddeeyo soonka miyuu iga jabaa!? Lol

3 months, 2 weeks ago

Hillow ayaan u qabaa inaan karfantaada carafsado isla sidii aan u carafsan jiray diraaciigii. Ciidda aad ku aasantahay ayaan ka sii carfsanayaa uduggaagii. Nabadgalyo gacaliso waan iska sii luudayaa, ruuxdayda qabrigaaga ayay dhex ahaatay, jirkeyguna waxa uu ahaaday adduunkaan baas. Aboorka haddii uu i maqli karo waxa aan ka codsanayaa in uu jirkaaga cunin, si adiga oo nabdoon aan kugula kulmo. Nabadgalyo. Qabrigaaga waxa aan uga tagayaa warqaddaan iyo ubaxaan.

Joogsi...!

3 months, 2 weeks ago

Wali maqaaxidaadii ayaan ka cabbaa qaxwaha aniga oo aad uga indhabuuxsado kursigii geeska ahaa ee aad salka ku hubsan jirtay kuna fuuqsan jirtay Mikiyaataha.

Dhowr saacaddood ayaan u hibeeyaa maqaaxidaas. Kadib waxa aan u soo dhaqaaqaa goobtii aan ka wada iibsan jirnay Ubaxyada, waliba dookheennii yaabka badnaa ayaan iibsadaa. Gabadhii Ubaxa innaga iibin jirtay ayaa markasta i wedydiisa weydiin aan dhibsado aadna i xanuujiso middaas oo ah “Aaway gacalisadaadii?” Xanuun daran ayaan ku dareemaa weydiintaas, oo dhowr jeer ayaan ku dhahay way ila socotaa se iyadu ima fahanto oo waxa ay eegtaa hareeraheyga. Kadib eegis dheer waxa ay la yaabtaa hadalkeyga, iigana shakisaa waalli.

Bal se galab ayaan u sheegay xaqiiqda qaraar aniga oo ku dhahay “gacalisadeyda jirkeeda waa uu ka faaruqay adduunkaan, bal se ruuxdii ay lahayd ayaa ku dhex nool adduunkeyga!” Yaab iyo fajac ayaa ka soo haray, iyada oo aad mooddid in ay ka shallenayso weyddiinteedii. Waxaay igu tidhi ” Naxariis badan baan u dhaafayaa” si deggan ayaan iskaga soo faaruqay galabtaas. Markii aan booqdo maqaaxidii aad jecleyd, kana cabbo dookhaagii, kana soo dhammaado dukaanka Ubaxyada, waxa aan u soo dhaqaaqaa jardiinkii aan ku sheekeysan jirnay ee kaabbiga ku haayay badda Curubo.

Gacalisoy, jardiinku waa sidiisii. Se aniga waxa uu igula muuqdaa mid diif daran ay ka muuqato, sababto ah quruxdii walxaha ayaa ka faaruqday dunideyda. Neecowda badda uma dareemo sidii hore, hawaduna uma udug badna sidii hore. Udugga dhabta ahi waxa uu ahaa kan adiga kuu marsan ee kaa soo carfo. Wali sidii bay carruurtu ugu ciyaarayaan halkaan, kawaankii kalluunkana wali waa halkiisii, dadkuna wali waxey addoomo u yihiin danta iyo damaca. Odaygii jardiinka geeskiisa fadhiisan jiray ee aad kista yar ee sadaqada aad siin jirtay isagana weli sidii baan u siiyaa kistiisii.

Dadka jardiinka fadhiyo dhammidood waxa ay moodaan inaan ahay kaligay se waxa aan wehel u haystaa ruuxdaada daahiran. Qorraxdu inta aysan dhicin gacaliso waxa aan u soo dhaqaaqaa qabrigaaga, si aan u soo booqdo ruuxdaada. Haa, ma rabo inaan kuu hilmaamo sida qofkasta oo kale uu kuu hilmaamay. Qabuuraha markii aan imaado, waxa aan dareemaa dareen aad u nugul.

Eeg gacaliso, qabuuraha lambarkaagii waxaa ka danbeeyo kumannaan lambar oo kale. Qofaf badan ayaa gadaashaa la keenay, iyaguna waa cidloodeen. Adduun ayaan ka raacannay kuwii innaga dhintay.

Gacaliso, eeg sida dadku kuu hilmaamay iyo sida aad u qiimeyn jirtay. Qabuuraha waa dhul ka duwan dhulka kale, waa isla ciiddii aan korkeeda joognay oo inna gashatay caloosheeda. Ubaxa aan ku dul saaro qaali wuu dhammaada maalmo kadib, haddana waxa aan dib u soo cusbooneysiiyaa ubaxa si aanan kaaga rejadhigin. Kuwa badan ayaa inna jeclaada inta aan saarannahay ciidda dusheeda, se inna hilmaama kolka ay ciiddu inna liqdo.

Ma doonaayo inaan sidaas oo kale noqdo, kuna jeclaado cishqi dhammaad leh. Adduunkiinna waxa loogu yeeray Ahlu Qabuur, innaga keenna waxa aan ugu yeeri lahaa Ahlu Damac! Gacaliso waan kaa sarreeyaa, haa, aniga oo liidan misan cishqigaaga la ildaran ayaan taaganahay qabrigaaga dushiisa.

Aniga oo ku cidoolday dunidii aad igu firaaqaysay ayaan ku dul joogaa. Haddii aan kari lahaa jirkaaga inta aan soosaaro ayaan laabta gashan lahaa. Ubaxyo udug badan misana dookhaagii ah ayaan qabrigaada dushiisa yeelayaa, se waxa aan hubaa inaad iga nasiib badantahay. Gacaliso waad iga nasiib badantahay, sababta oo ah waxa wali adduunka ku haray qof ku jecel oo aan ku hilmaamin, se aniga haddii aan dhinto middaas ma heli doono. Halkaan ayaa la igu soo duugi doonaa, aadna waan ugu xiiso qabaa agtaada.

Haa, sidii aan addduunka isku garab jiifan jirnay ayaan ugu hillowqabaa inaan qabuuraha isku garab jiifanno. Hillow daran ayaan u qabaa inaan agtaada ahaado. Waan karhay dunidaan dulleysiga badan, dadkeeduna noolayaasha dhintay ah.

3 months, 2 weeks ago

Waxa aad iiga dhex faaruqday jiil walaxdii ka sarreeyso, naftii iyo ruuxdiina ay gablan ka noqotay.

Waxa aad iiga dhex faaruqday jiil damaca iyo dulleysigu cirkaas gaaray, halka dunnimada iyo dadnimadana ay iska aaseen. Jiil dulqaadka u qaatay astaan daciifnimo, aamusnida u qaatay awoodyaraan, cafiska u qaatay doqonnimo, dabacsanidana u qaatay astaan hooseyn ah. Qabrigaagii dhinaciisa ayaan baaqi ku ahaaday, kuna niyad qabowsaday. Ciidda ugu nasiibka badani waa ciidda aad kudhex aasantahay. Dhabtii cid kasta waxey raacatay danteeda, si fududna way kugu illoobeen. Haa, qalbi kasta oo kuu muujiyay jaceyl munaafaqnimo leh ammin hore ayuu ku illoobay. Baaqi ahaansho dheer kadib waxa aan u soo dhaqaaqay gurigii aad igu cidleysay, haa guri iftiinkiisii aan soo aasay.

Xasuusteyda weli kama bixin, maalintii aan kusoo aasnay. Kadib waxa aan iska imid guriga aniga oo aad u itaaldaran. Isla habeenkii waxaa ii yimid Hooyadaa iyo Aabbahaa oo wada socda, ayna weheliso Siman. Kolkii aan Siman arkay, waxa aan kadhex arkay jirkaagii oo wali nool, sida ay kuugu egtahay awgeed. Daaradda ayaan u dhigay kuraas. Soodhoweyn kadib, waxa ay ii sheegeen in booskii aad ka faaruqday ay ii buuxiso Siman. Haa, dhabtii mar keliya ayaan qarracan iyo baasxumo dareemay. Eeg gacaliso sida ay waalidkaagu kuu ciribtirayaan. Dheeho sida uu aadanuhu u dhaqan xunyahay, una munaafaqnimo badanyahay. Waxa aan galay aamusni dheer, kadib waxaan u sheegay in taasi tahay munaafaqnimo aad u weyn ayna xaggeygana ka tahay wax liita.

Naftaydu way diidaysaa in aan raaxo iyo galmo la wadaago jir aanan ahayn kaaga. Gacaliso eeg sida kolkii aad ka faaruqday adduunka ay dadkii dhan u noqdeen munaafiqiin. Eeg sida lammaanaha nooli ay iskugu muujiyaan kalgacal iyo naxariis, se midkood markii uu faaruqo, jirkiisuna uu aboorku quuto, uu kan kale u raadsado jir kale oo uu la raaxeysto. Daneysi! Daneysi! Haa, danta ayay dadka oo dhammi u noqdeen raacayaal. Waxa aan seddexdoodiiba u sheegay inaanan diyaar u ahayn middaas, naftayduna ay la noolaan doonto ruuxda jirkii aan soo aasnay maantay! Iyaga oo aad u niyadjabsan ayay ka hullaabteen irriddii gurigeyga, se Siman ayaa inta ay dib ii soo eegtay igu dhahday “Waad waalataye, naftaada ha cadaabin.” Inta aan si deggan u eegay ayaan dhex muquurtay aamusni dheer, iriddiina waan ka xirtay.

Gacaliso geeridaadii kadib, dhammaan saaxiibbadaa magacaagii way illoobeen iyaga oo ku shuqlan howlo adduun. Waxa sidaas kuu hilmaamay waa saaxiibadii aad qiimiga sare siin jirtay. Haa, saaxiibtaa Dahabo, ee aad xigtada dhow wada aheydeen si fudud misana aan ka soo noqosho lahayn ayey kuu illowday. Qoyskaagii waxa ay dharkaagii siiyeen dad masaakiin ah, weliba kuwii aad ugu jacleyd.

Midabkii aad ka dookhan jirtay dharka, hadda waxaa xidhan hablo kale. Aabbahaa xaas kale ayuu guursaday si uu u helo ilmo kale. Gacaliso geeridaadii kadib cid qabrigaaga soo booqoto majirto oo aan ka ahayn naftayda adiga kuu xidhan. Gacaliso dhammaan buugtaadii qolkayga ayey dhex yaalliin, haa, waa iyaga halkaan soo yuurara. Sheekafaneeddii aad jacleyd oo dhan aniga ayaa haya, misana kugu soo xasuustaa. Waxkasta oo aad leedahay waa xasuus ii gooni ah. Kolkii jirkaagu ciidda dhex galay, dhammaan dadyowgii way soocmeen. Dhammidood waxaa madaxmartay walaxeysi, waxa ayna hilmaameen nafahooda.

Haa, dhammaan ardaydii aad waxbari jirtay hadda waxay noqdeen kuwo kobcay misana hantiyay adduunyo se midkoodna soo ma booqan xabaashaada. Maamulihii iskuulka ee aadka kuu xiisayn jiray, waxa uu ka maqnaaday aaskaagii, haddana ma soo booqdo xabaashaada. Anigu ma ahi munaafaq, naftayduna ma aha nafaha doonista badan. Goobihii aad tegi jirtay dhammaantooda gacaliso aniga ayaa booqda,maalmaha fasaxa aan ahay. Haa, hadda oo aan qoraalkaan qoraayo waxa aan rabaa inaan isku diyaariyo si aan u booqdo goobihii aan wada tagi jirnay. Sannado dhowr ahba uma labbisan si heer sare ah, sababta o dhinaceyguba waa cidlo. Waxa aan booqanayaa goobtii aad qaxwaha casiriyaha ah ka cabi jirtay, waxa aan maalinteyda fasaxa cabbaa dookhaagii ahaa Mikiyaato.

3 months, 3 weeks ago

BARNAAMIJKA QORMO

Qormada 2 aad

Noqo gabadh dhawrsoon oon raga ajaanibtaa
ku dhex milmin.

1_Horta mxaa keena ama sababa in gabadhu ku dhex milanto raga ajaanibtaa

Alle wuxu yidhi subxaanah

ۗ وَجَعَلْنَا بَعْضَكُمْ لِبَعْضٍ فِتْنَةً أَتَصْبِرُونَ ۗ
, waxaanu uga Yeellay Qaarkiin Qaarka kale Fitno (Ibtilo) ee ma Sabraysaan,
oo nabigu ﷺ
Wuxu iri dabaday kama tagin fitno raga kaga daran dumarka

markaa qodobka 1 ad waa gabudhu inay fitnowdo alle nama fidneeyee

2_in aanay gabadhu diinta rabbi baran.oo culuumta sharcigu ku yar thy ama aanay waxbaba ka garanayn

3_in alle ka cabsigu ku liito oo aanay xadhiga alle u qabsan si adag
jacaylka rabbina qalbigeeda ka madhan yahay  waayo jacaylka alle haduu qalbiga ka buuxo xumaan kuma dhaqmo
ama inay qaafiliintaba ka mid thy gabadhaasi oo aakhiro xasuusteeda ka madhan tahay

4_inay tabaruj samayso
Ama aanay ka xijaaban
Raga gayaankeed ah ciday doonaan ha haadeene
kuwo u dhaw iyo kuwo ka fogba
Ama catar iyo waxyaalo carfaya isasoo mariso
ama socodkeedaba uu yahay mid raga soo jiidanaya
qaar waxaa arkee jidka markay marayaan is walaaqaya oo kolba dhinac iska jabinaya subaxnllh

5_inaanay iyadu ahayn gabar ad adag oo yur iska tidhaa kii xad gudub la soo doontaba🫷
6_inay u dabacsanaato raga oo hadalo jilicsan iyo qosol tusto  taasna shaydaankaa si kale ugu qurxiya raga

7_inay khalwo ama meel gaar ah (cidlo)kula kulanto nin ayadoo kaligeed ah gabadhi📸
8_inay la saaxiibto raga oo alle waa xaarantinimeeyay
inay saaxiib samaysato
gabadha muslimada ah🫷
ka soo eeg daliilka suuratu maa'ida aayada 5 aad

9_inay u hogaansanto hawadeeda ama shahwadeeda iyo waxa nafteedu jeceshahay,
allena waa ka leh suuratu yuusuf aayada 53 aad naftu xumaanta ayay fartaa qofka illaa mid loo naxariistay mooyaane,

10_inay cibaadadeedu daciif thy.
ruuxa dumarkaa
waayo alle wuxu sheegay  cibaadadu (khaasatan salaadu)inay qofka ka reebto faaxishada iyo munkarka, suurtu cankabuut aayada 45 aad

11_inaanay indhaheeda laabin.gabadhu taas oo amar alle ku siiyay rag iyo dumarba inay indhahooda laabtaan oo aanay is fiir fiirin iyagoo kala ajanabi ah. suuratu nuur aayada 31 aad:

12_inaanay caadifadii  naxariistii  ama jacaylkii ay u baahneed ka helin dadkeeda u dhaw ehelkeeda oo waalidkeed iyo walaalaheedba dheh
deedna ay run moodo raga hadalada mcn kula hadlaya danaynaya jacaylka tusaya inay u wacanyiin
Ka dibna xagooda u badato:👇
Taasna waa masuuliyad saaran waalidka.😓

Kolay waa badanyiin asbaabuhu maanta intaas ayaan ka soo qaatay

F:G gabadhu bulshada waa ku dhex jirtaa oo dano ayay u yeelan kartaa raga xitaa waqtiyada qaar
Lkn mar walba xadkeeda iyo sharafteedu waa inay u dhawranyiin🌸

La soco qaybta 2 aad
Maalinka axada in.a

3 months, 3 weeks ago

Bushqadan waxa ku jira qayb ka mida chanalada kooxda kulmis oo ah kooxda u baladhan ee aalada telegramka somaalida .
Part
one.
🆕🆕🆕🆕🆕🆕🆕🆕🆕🆕🆕🆕🆕🆕
Ma rabta barashada computerka .
La xidhiidh ciwaankan hoose.
@UstaadAbdurisaaq @UstaadAbdurisaaq

https://t.me/addlist/IpRM1F78RFRhZTk0

Telegram

KULMIS 1AAD

A/rahman Mohamed invites you to add the folder “KULMIS 1AAD”, which includes 43 chats.

3 months, 4 weeks ago

Lamaane ay nolosha u cusub tahay ayaa usoo guuray guri cusub. Subaxii xigay iyagoo quraacanayo ayaa gabadhii xaaska ahayd waxa ay daaqada guriga ka aragtay islaan dariska ah oo banaanka dhar ku waraysa.

Kadib gabadhi xaaska ahayd ayaa ninkeeda ku tiri fiiri naagtaas, wax ay dhar dhaqi taqaano malahan, dharka ay wareeso waa wasaq, iyada ayaan dhar dhaqi aqoon ama qasaalada ayaa ka haleesan labadaas waa mid uun.

Saygeeda waa uu fiiriyay wuuna ka aamusay.

Mar kasta oo ay aragto islaanta dariskeeda ah oo dhar banaanka ku warayso sidaas si lamid ah ayay dhahdaa. Ninkeedana inta fiiriyo ayuu ka aamusaa.

Bil kadib ayaa gabadhii waxa ay aragtay naagti ay dariska ahaayeen oo dhar nadiif ah banaanka kusoo wareeso way yaabtay! Kadibna ninkeeda ayay ku tiri fiiri ugu danbeen waa ay baratay sida dharka loo dhaqso, tolow yaa baray.

Ninkeeda ayaa ugu jawaabay "Aniga ayaa saakay waqti hore soo kacay kadibna waxaan nadiifiyay boorki ku yiilay dhalada daaqada saaran, sidaas ayuuna kuula muuqday in uu dharka nadiif yahay.

Darsiga ugu wayn ee aan sheekadan ka baran karo maxaad ku til maami lahayd?

5 months, 3 weeks ago

- Wallaahi saaxiib noloshii baa ciriiri igu noqotay, waxaan marayaa heer ay naftayda i hagto oo i hoggaamiso. xaaladaha aan ku jiro, iyo dareennada aan noloshan ka dha-dhansanyo murugo, walwal, walbahaar iyo tiiraanyo baan ka sii qaadaa maalinba maalinta ka dambeyso... Ax!
- saaxiib ogow nolosha haddii aad tallaabo u qaaddo dhanka horumarka murugada iyo walbahaarka waxay kuula soo darsayaan in ka badan inta ay la soo darsaan kuwa aan nolosha waxba ka laheyn, waana wax caado ah oo aan adiga keligaa kugu koobneyn hortaa baa loo soo tijaabiyay, ee rabbi tala saaro ujeedkaagana beegso ilaa aad ka gaarto figta ugu sarreysa.

- saaxiibkaygiiyow waxaa xitaa ciriiri igu noqday salaadihii aan tukan jiray, macaansi iyo raaxadii hare ayay ii yeelan la'yihiin, akhriska qur'aanka oo aan bishiiba mar dhammeyn jiray baan hadda juska saddexdaad dhaafin la'ahay! Wax barashadii xitaa waayadan uma hayo niyad iyo wax toona.
een....!
- saaxiib waan ka xumahay inaad sidaa nolosha ooga quusato, dhibaatadan ku haysatana ma aha mid sii waaraysa oo ilaa abid kula soconaysa, xaaladdanna kolley waad ka bixi. dhiirranaan, hawl-karnimo ku wajah nolosha, hana isku dhiiban. waan hubaa inaad ka guulaysan doonto caqabadahan ku geedaaman. Keliya adkayso.
- Sideen ku ceshadaa kalsoonidaydii, iyo noloshaydii aan waayey, iyo xiriirkii innoo dhaxeeyay aniga iyo rabbigay, maxaa xal ii ah si aan oogu noqdo farxaddaydii hore ee aan ku noolaa...?

- ...!?

Galabta mar aan wada sheekaysanne saaxiibkay aan in muddo ah la'sanaa buu iiga sheekeekay xaaladdiisa.!😢
Waan garan waaye dareen aan ku cabbiro ama aan oogu jawaabo saaxiibkay dhibaatada haysa.

Su'aal furan: Ciriiriga nolosha maxaa xal u ah!?

F.G. jawaabtaada waan u baahannahay. ❤️

We recommend to visit

بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad 3000 Buug-Somali
Free Ah
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
https://telegra.ph/HA-DEG-DEGIN-AKHRI-11-15
© Somalibooks Pro Inc
- All Rights Reserved-⤵️
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 5 months, 1 week ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 1 month ago

Kala soco Xikmad iyo Qormooyin Markasta Io Meelkasta.

Last updated 1 month, 3 weeks ago