SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!
@Abdii_Sabaa
?NU QUNNAMUUF?
@AbdiiSabaaDm
?BARNOOTAAF
@abdii_sabaa_university
?MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa
Last updated 3 months, 1 week ago
asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook
Last updated 5 months, 2 weeks ago
Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.
Headquartered in Mogadishu.
Last updated 1 month, 2 weeks ago
Qofka ardayga ah ee ku mashquulsan wararka sida joogtada ah isaga soo dabadhacayo, dhacdooyinka sida joogtada ah isaga soo dabadhacayo, waqtigiisa ku luminayo hebel baa hebel u jawaabay, qofkaasi arki maayo barakadii cilmiga iyo barakada waqtiga, intaa waxaa u sii dheer kala tagsanaan baa ku dhacayso(تشتت), qofkaa wuxuu isleeyahay, yeesan waxba ku dhaafin update noqo! Laakiin sidaa update laguma noqdo ee waa qasaaro! Dhacdooyinka dhacayo waxay u badanyihiin wax aanan faa,iido kuugu jirin.
Waxaad ku jirtaa waqti dahabi ah wax lala barbar dhigo la arag, ka faa,iidayso.
ولا يذهبن العمر منك سبهللا ** ولا تغبنن في النعمتين بل اجهد
Darajada koowaad ee jamacadda qofka waxa loogu talagalay oo ay u diyaarisa inuu qofka gaaro heer uu baran karo xirfado kala duwan.
Jaamacadda marka aad dhamemyso, waxaad raadisaa shirkad aad ka shaqayso ee shaqo ha raadin, shirkaddana waxaad ka fiirisaa waxa aad ku noqon karto oo ay kuu tari karto, weligaana haka fiirin waxa aad ka heleyso. Waxa ay taladaas aheyd mid loo soo jeediyo ardayda jaamacadaha ka qalinjabiyo 20kii sane ee u danbeysay.
Sanadkii 1995kii gabadh lagu magacaabo Sheryl Sandberg oo ka qalin jibisay jaamacadda Havard, waxa ay qortay hannaan ay ku sheegayso shaqada ay rabto in ay qabato. Waxaa sherly shaqo siiyay CEO-ga cusub ee markaas loo doortay shirkadda Google ee ahaa Eric Schmidt (ex-CEO & Chairman, Google), laakiin waa ay diiday shaqadii.
Eric Schmidt wuxuu kula taliyay; "haddii aad ka hesho kursi dayax gacmeedka, ha is waydiinin kursigaas meesha uu ku yaalo ee fuul." Taladaas waxay kayntay in sherly ay aqbasho shaqadii, balse muddo markii ay la shaqaynaysay waa ay ka taktay.
Sanadkii 2008dii waxay ku biirtay shirkadda Meta (Facebook) waxa ayna noqotay COO. Hadda shaqadaas waxaa lagu qaataa lacag dhan $16,300, maalinkii. Sherly waxa ay ka mid noqotay gabdhaha ugu hodansan dunida. Waxaana sanadkii 2022 iskaga ka taktay shaqada iyadoo da' noqotay, ayadoo hadda 54 sano jir ah.
Ugu danbeyn, shirkadda aad ka shaqaynayso waxaa ka qiimaysaa waxa aad noqonayso ee haka fiirinin waxa aad ka heleyso.
Qoraalkaan yar waxaan kaso xigtay ustaad Abdinur Ali muuqaal uu sanadkii 2022 soo giliyay bartiisa Facebook. Faalada koowaad ayaan kuu dhigay lifaaqa muuqaalka oo dhammeystiran.
AKHRI waxa ku saabsan taariikhda, sayniska, diinta, falsafada, ciyaaraha, dhaqaalaha, cilmu nafsiga, sugaanta, iyo wax waliba oo kaa dhigaya inaad wax ogaato.
BARO, muqaal samaynta, arrimaha ganacsiga, sawira qaadida, dabeecadda, wax qorida, sheeko abuurida, gabayada, luuqaddaha kana gaar darajadda ugu saraysa wax waliba oo aad doonto inaad fikta ka gaarto. Ku gacansayr ruuxa ku dhaha "ku eekow takhasuuskaaga" sababtoo ah "ku eekaanta halsheyi waa dabeecadda cayayaanka oo keliya"
Waa la isu soo noqon
Wixii nolol adduun.
Xilli hore mar baan go'aan qaatay ah; in aan bartan ay intan oo saaxiibbo ku jiraan kansalo oo aan hawada ka saaro, se aan dib ka ogaaday nafciga iyo faa'iidada ku jirto in aan soo gudbiyo qoraalladan kookooban ee aan soo xar xarriiqo, go'aan kaana dib ooga laabtay.
Noloshan wax walba ujeeddo iyo dan ayaa laga lee yahay, xitaa jiritaankeenna in aan ilma Aadam nahay! Kannaalkan ' NOQO MUFAKIR' dhawr mar ayaan sheegay ujeedka aan u sameeyay, sida aad magacaba ka garan karto; walowba aan mararka qaar ka leexdo ama aan ku soo gudbin waxa uu magaciisa keen sanayo, haddana badi inta aan ku soo gudbiyo waa in aan u arko dhallinyarta aniga aynigeyga ah wax quseeya, oo noloshooda iyo ogaalkooda wax kaga biirin kara qoraalladaa.
Waxa aan go'aan ku gaaray haddana mar labaad in aan qoraallada aan halkan ku soo gudbiyo, iyo isticmaalka baraha bulshada ka nasto muddo saddex bilood ama sagaashan maalin, oo aan nolosha caadiga ah ee dhabta magac iyo saameyn ka sameeyo. Nolol ahaanna dib isu soo helo!
Nolol ka maran dhalanteed iyo sawirasho mala'aal ah in aan dib u unkumo haddii mawle weyne idmo, waxa aan dib u kulmi doonnaa waqtiga iyo goorta uu Rabbi innoo qaddaro in aan kulanno!
Ee nabad ahaada saaxiibbayaal, oo halganka joogtada ah ee aad ku jirtaan halkaa ka sii wada, joogsi aan kala go' laheyn iyo xaqiijin himillooyin badan inaad ka dhabeysaan baan idin rajeynayaa! Qoraallada, sawirrada iyo muuqaallada halkan ku jira waa aad u fasaxan tihiin isticmaalkooda.
Qoraalkanna waa qoraalka iigu dambeeyay ee aan idinkula wadaago halkan!
Nabad ahaada mar labaad!
U gaar ah Ragga: Hadii aad rabto inaad ogaato da’da ugu fiican ee marwada aad guursan doonto, raac xeerkan:-
Da’daada + 5
Ka dib u qaybi 2
Ka dib kusii dar 5
= Da’da marwada aad guursan doonto.
Xisaabso hadda, imisa weeye?!
Guuleed
Haddii hal shaqo inaad hesho, hal qof xidhiidh la samayso, hal hadaf oo gaar ah inaad xaqiijiso, aad naftaada ku xujayso, oo tidhaahdo ama sidaasay noqon ama waxba ma jiraan, waxa hubaal ah in marka shaygaasi shaqayn waayo ee sida aad rabto u dhici waayo, aad quus iyo niyadjabka weyn kala kulmi doonto. Sidaa darteed waa in aad qorsheyaasha badsato, oo haddii mid shaqayn waayoba ku kale eegto, waxa hubaal ah kolkaa heerka quusta iyo is dhiibida ah inaanad weligaa gaadhi doonin.
Usaame
Cudur waxa aan qabaa ah; gabadha in aan wajigeeda fiirin karin, oo su'aal hadday I weydiiso aan naxdin iyo meelo fiiris kaga baxsado daqiiqadaha aan la taaganahay! Gabar oo dhan qummaati ulama hadli karo!
War saaxiibbada kasma nafeedda wax ka akhriya ama wax ka yaqaanna xal degdeg ah ayaan idin kaga baahanahay ee ila soo gaara inta ay goori goor tahay! Lol?
Dhalinyarada waxaan kula taliyaa mar walba in ay wakhtigooda galiyaan afkaarta wax uga soo laabanayaan iyo xirfadaha suuqa looga baahanyahay , ku dadaal nolosha dhabtaa in aad saamayn yeelatid maaha media , qof walba wuu awoodaa inuu shaqsiyad adag ku dhex dhiso nolosha media laakiin si taa ka duwan tiro yar ayaa dhista shaqsiyad nadiifa nolosha dhabtaa.
Yarayso beenta , ballan ka baxa , ixtiraam darrada , baro qaab hadalka wanaagsan , isku day in aad baratid sida loo samaysto xidhiidho waara qaybaha kala duwan ee bulshada , ka dhex abuuro shaqsiyad ixtiraam mudan bulshada aad la dhaqmaysid iyo deegaanka kugu hareeraysan , mar walba oo aad tahay qof fakaraya dadkana isku soo jiidaya , ixtiraam bixinaya , akhlaaq wanaagsan leh intaasna xirfad fiicani kuu dheertahay waxaan kuu hubaa inay tahay mar walba oo aad darajo kor ugu sii kacaysid heerkaa qofnimo korriin iyo heerkaaga dhaqaale korriin .
Akhriso sheekooyinka guulaystayaasha hana u akhrisan si aad ula cadiifadootid ee u akhriso si aad ugala dhex baxdid xal ay isku furdaamiyeen wakhti adag , isku lab meelaha aad madadaalada ka raadisid iyo meelaha aad aqoonta ka korarsatid , isku day in aad Netflix casharro ku dhex qaadatid sidoo kale dhalinyarada asxaabtaadaana aad wax ka faaidid , muhiimadda intani waa isku hareeree madadaalo faaido leh , isla jeerkaasna waligaa ha sawiran nolol dhaafsiisan waaqicaaga , filashada wayna way dishaa ninka caadiga ah .
Intaa dabadeed ilaahaaga jeclow , isaga tala saaro , ku xirnow , la sheekayso , aamin oo ku kalsoonow , ilaahay waa mid ku filan qofkii wakiisha .
" derajada wax kaa xiga oon dedaal aheyn sheeg...!?
_ abwaan laabsaalax
SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!
@Abdii_Sabaa
?NU QUNNAMUUF?
@AbdiiSabaaDm
?BARNOOTAAF
@abdii_sabaa_university
?MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa
Last updated 3 months, 1 week ago
asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook
Last updated 5 months, 2 weeks ago
Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.
Headquartered in Mogadishu.
Last updated 1 month, 2 weeks ago