SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!
@Abdii_Sabaa
?NU QUNNAMUUF?
@AbdiiSabaaDm
?BARNOOTAAF
@Abdiisabaa
?MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa
Last updated 2 months ago
https://t.me/joinchat/AAAAAFgrZgMjBcvdBf7YWg
Last updated 1 month, 4 weeks ago
asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook
Last updated 1 month ago
Shay walba oo qurux badan waxa quruxda u yeelay ee ka dhigay mid ka duwan kuwa kale waa dedaalka iyo waqtiga loo huray ee la gelliyey. Noloshaada dedaal iyo waqti gelli marnaba hal shay ka qoomamayn maysid.
Noloshu waxa ay ku fiican tahay dedaalka, dulqaadka iyo daalka. Dedaal hammiyadaada intaad gaadhayso, dhibkooga iyo rafaadkoogana daal ha kuu ahaado, daalkaasna dulqaad u yeelo taasi ayaa kuu keenaysa guushi dhabta ahayd ee nolosha.
Ilaahayoow maalinkan weyn dartaa ayaanu u af xidhanay, Dartaa ayaanu uga tagnay caadooyinkayagii, adigaa weyn oo caalim iyo xakiim ahe naga dhig kuwii aad aqbashay camalkoogaas, naga dhig kuwii aad ka aqbasho ducooyinkooga. Ilaahayoow fadliga iyo ajarkan dartii dhamaan qof kastoo xannuun na biday isaga badbaadi oo waddada ku soo celi, ku kastoo na jeclaaday waqtigaan u baahnayna ilaahoow noloshayada dhex ahaansii. Ilaahyoow wax kasta oo dhibkayaga ah naga fogee ilaahayoow nasii maskax, xikmad, maal iyo wax kasta oo aanu kuugu dhawaan karno. Ilaahayoow ummadda muslimka ah ka qaad xannuunada adigaa ah awood badane aanay waxba ku adkayne.
-Cabdiladiif
Aduunka ilaahay ee inta le’eg waxa jira waxyaabo yar yar oo aanad islahayn dhaqamaadkaaga fiican way burinayaan, balse baabi’inaya dhaqan iyo akhlaaq kasta oo fiican oo aad leedahay dadkana kula joogtay.
Yacnii sidee?
Nolosha labada qof ee wadda nool waxa ay ku wadda noolyihiin dhaqan iyo akhlaaq goonni ah. Haddii uu mid burriyo midka kale dhaqamaadkii uu ku ogaa, ama uu la imaado akhlaaq aan lagu ogayn waxa imanaya shaki iyo kala bixid. Saaxiibaddu dhaqan iyo akhlaaq gooni ah ayaa ay ku socdaan. Haddii ay dhaqankaas isku khilaafaana saaxibtinimadoodu ma sii jirto. Waalidka iyo ilmihiisa, macallinka iyo ardaygiisa, hogaamiyeha iyo shacabkiisa, IQK(iyo qaar kale)
Dhaqankaas iyo akhlaaqdeenaas si ay ku fiicnaadaan oo aynu uga duwanaano dadka kale maaha in aynu ilaalino waxyaabaha waaweyn ee beddela dhaqamaadka iyo akhlaaqiyaadka. Waxa aynu muhiim siinaynaa waxyaabaha yaryar ee aan la koobayn ee dhaqanka inaga xumaynaya. Waxa ka mid ah cayda yar ee caanka ka ah dadkeena “g*rac”, wax weyn ayay inaga dilaysaa oo akhlaaqdeena ka mid ah. Markaad qof intaas ku leedahay waxa aad ku tilmaamaysa wax bilaa sharaf ah oo aan qiimo lahayn, ka taxaddir.
Waxa kale oo ka mid ah erayada xooga u badan ee aynu adeegsano sida: doqon, nacas, dhaandhaan, sacsac, IQK. Maad ilowday hadalkii nebiga NNKH ee ahaa: “khayr iyo wannaag ku hadla ama iska aamusa”. Sidoo kale xasuuso hadalka ilaahay SW ee ah: “dadka ku dhaha oo kula hadla hadal wannaagsan”.
Intaaso dhan ka dib muhiimadu waxa weeye dhaqankeena iyo akhlaaqdeena ayaa ina metela ee yaynaan ku mashquulin oo qudha aqoonteena, caafimaadkeena iyo maskaxdeena kobocooda ee kuwan kalena aynu ilaashano.
-Cabdiladiif
Qalbigaa i jabay! Gabadhbu u dhintay ku adkaysay! Maan fahmin waxaas!
Xubintaas yar ee aan la aqoon meel ay ku taalo waa qalbige waa mucjiso. Xasuuso Qayskii ku waashay magaceedii! Cilmi Boodharigay soo warriyaan inuu u dhintay jaceylkii Hodan! Kii kale ee aynu naqaanay ee ku waashay tii uu jeclaaday. Adigu waxaaso dhan isku soo daro maan fahmin waxa uu qalbigoogu u danayn jirey dadkaas aan danayn jirin. Haddana waan u yara tudhay oo waxaan is idhi nooleha oo dhan jaceyl maanay ku dhalin Hooyooyinkood iyo Aabbeyaashood, Kuwanina haddii ay la qaban lahaayeen nolol iyo ubad qurxoon maanay kala heleen? Adigu isku soo duubo maan fahminba anigu! Adigu i fahamsii!
Laakiin waxaaso dhan maanay ka fiicnayn inaad Xiisoole iska noqoto?
Waxa qudha ee nabad gelyadaada iyo wannaagyadaada ku ilaashan kartaa waa inaad ahaato ruux dantiisa yaqaana. Waxa kuu fududaanaya inaad tagto meesha habboon, meesha nafiska aad ku darreemayso iyo meesha aad u qalanto. Ma ogtahay inaad keli ku soo dhalatay adiga oo oynaya? Ma ogtahayna in aad dhimanayso adiga oo laguu ooyayo? Qiimeha intaas le’eg ayaa ka dhex jira nolosha. Adiga ayaa lagaaga baahan yahay in aad ilaaliso naftaada yar ee quruxda badan sidoo kale lagaaga baahan yahay inaad ilaashato oo aanay daciif kula noqon. Ka fagoow cabashooyinka badan, ka fagoow murrugada badan, ka fagoow cid kasta iyo meel kasta oo aad diiqad ka arkayso hab socodka noloshaadana carqaladaynaya.
-Cabdiladiif
Ilaahayoow waxaan u halgamayaa jaceylkaaga, cabsidaada, raalli ahaanshahaaga, wannaajintaada iyo wax kasta oo aanay noloshaydu ka maarmayn ee laakiin adiga kugu saabsan ee igu guuleysii.
-Cabdiladiif
Murrugadu waa wax jirta si la mid ah sidda ay farxaddu u jirto. Ha diidin murrugada waayo ilaahay SW ayaa abuuray si dadka nafahooga ay ugu beeranto cabsidiisu. Waxa aad ka murrugoota xaaladda aad ku sugan tahay ee saamaynaysa aakhiradaada, ee ha ka murrugoo xaaladaha aduunyo. Markasta oo aad murrug dareento ilaahay u noqo oo gacmaha hoos dhigo si aad dib u hesho awoodaadi iyo ruuxdaadi dhabta ahayd.???
-Cabdiladiif
Ciid Mubarak?❤️
Maanta waa Carafo.
Maxaanu sugnay maalinkan qiimeha weyn leh? Ilaahii ina soo gaadhsiiyeyba mahad leh.
Rabbiyoow adaa qiimo badane ah oo maalinkan qiimaha badan na soo gaadhsiiyey. Sidoo kale diintayada oo qudha aad ka qayb dhigtay si aanu uga faa’idaysano. Allehayoow dhamaan baahiyaadkayaga oo dhan adaanu ku horkeenay noo dabar oo noo buuxi. Allehayoow hammiyaddayada noo dhabee. Allehayoow karti badan na sii. Allehayoow gargaarkaaga noo fidi.
-Cabdiladiif
SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!
@Abdii_Sabaa
?NU QUNNAMUUF?
@AbdiiSabaaDm
?BARNOOTAAF
@Abdiisabaa
?MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa
Last updated 2 months ago
https://t.me/joinchat/AAAAAFgrZgMjBcvdBf7YWg
Last updated 1 month, 4 weeks ago
asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook
Last updated 1 month ago