Alloore

Description
Halkan waxaan kula wadaagaa bulshada, wixii aan u arko inay manfac u leeyihiin walow aanba ka yara qosliyee😁, soo dhawoow.
Advertising
We recommend to visit

SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!

@Abdii_Sabaa

💬NU QUNNAMUUF💬
@AbdiiSabaaDm

🎯BARNOOTAAF
@abdii_sabaa_university

🎯MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa

Last updated 6 days, 5 hours ago

asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 2 months ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 2 weeks, 5 days ago

9 months, 3 weeks ago

Ilmuhu noloshiisa wuxuu maraa marxalado kala duwan , maalinkuu dhasho illaa maalinka uu dhimanayo aadmigu wuxuu maraa marxalado go'aamiya afcaashiisa iyo afkaartiisa . Kasoo bilow markuu dhasho illaa marka uu jiro 13 ilmuhu wuxuu ka dabqaataa hooyadii aabihii walaaladii dugsiga iwm , bulshadaas ku xeeran ee kooban ayaa hogaamisa oo is diidooyinkiisa jihaysa , wuu khaldamaa la saxaa oo la wataa , mar kale ayuu saxnaadaa loona hambalyeeyaa marar kalana isagaa lagu khaldamaa oo natiijo xun oo maskaxdiisa ayuu ka dhaxlaa .
marka uu 13 jiro illaa sano 20aad ilmuhu wuxuu eegaa wax ka baxsan waxa waalidkii walaalihii iyo dadka ku xeerani eegayaan , wuxuu bartaa dad ka xirfado iyo aqoon badan waalidkii ama isaga ayaaba barta wax aanay waalidkii aqoonin dabadeedna wuxuu bilaabaa inuu waalidkii u arko dad aan mudnayn in intaas dabadeed talo laga qaato , wuxuu is dareensiiyaa in haatan uu yahay abuur khaas ah oo saaran waddo ka duwan tan uu saaranyahay aabihii ama wadada hooyadii ay nolosha ka saarantahay , kibir iyo santaag ayaa gala , damac iyo afcaal gurracan ayuu la yimaadaa isaga iyo waalidkuna way isla dhib mutaan wakhtigaas . waxaa jira caruuraha qaar wakhtigaas si dadban ugu jira wali da'dii udhaxaysay dhalashada illaa 13 sano iyagoo da'ahaan ka wayn intaas ayay misana caqli ahaan intaas ku dhexjiraan , badanaa faaido ayay kala tagaan dib dhacaan oo waxaa wali hoggaanka uhaya waalidkood iyo dadka ku xeeran iyagoo wayn taasina waxay sahashaa inay nolosha ka qabsadaan boos fiican maadaamoy dad waayo aragnimo lihi hagayaan wakhti dadka da' ahaan faciis ah ay iyagoo naftooda hagayaan waayo aragnimo la'i .
markuu ilmuhu dhaafo da'da 21 wuxuu qaadaa waddo cusub oo nololeed taasoo uu jeexday intii udhaxaysay 0 iyo 21 haddii sannadahaas uu soo qabatimay rajo la'aan , bayhoof , isku tiirsanaan iyo nolol kali socod ah inta noloshiisa ka hartayna taas ayuu hayyaa , haddii uu sannadahaas taa baddalkeeda kusoo qaatay isku hallayn , haybiyaaba hel , koolkoolin iyo in khataraha laga xalliyo haddiiba ay haleelaan haatan ayuu gurtaa miraheedii . Aniga waxaa ila toosan in ilmuhu uu xornimo ficileed dareemo 21 sano ee uu dhallaanka yahay si uu noloshiisa dambe ula jaanqaado xaaladaha nololeed ee soo wajihi doona .
shaxdaan hoose waxaa iska leh psychoanalyst Erik erikson

9 months, 3 weeks ago
Waad ku mahadsantahay kusoo laabashada aad …

Waad ku mahadsantahay kusoo laabashada aad usoo laabatay qalbi kuu boholyoobay,kal kuu buseeshay iyo ruux kuu oomanayd.
Kusoo dhawaw si kasii wanaagsan sidii bilawgii barashadeena😘

10 months, 1 week ago

Waa sunne in aynu ku kala sugannahay jawiyo kala duwan oo aynu goobo kala jaad ah ku kala dareemayno farxad, murugo, daal, nefis, caro, cafis, xasuus, xiise, jaceyl, naceyb, dhiiranaan, dhinaaansho, caajis, firfircooni, masuuliyad, madaxnimo, shacabnimo, feker, fudeyd, degganaan, tamar-hadal, aamusnaan, saadaalin, maleyn waa’, dhereg, gaajo, gef, caafimaad, cudur, cuqdad, dulmi, dhaawac, cadaadis, bogsasho, sakhrad, berinimo, shalayto, iyo kumanaan dareen oo inaka dhigaya kuwo bari iyo bogox ka kala fekeraya, hal mid oo ka mid ahna aynaan ku dhaliilneyn in aan dareenno, waayaha aan soo marnay ama marayno oo sababay awgood.

Qof kasta oo inaka mid ahi waxa uu rabaa inta uu nool yahay in uu maaalin uun xaqiijiyo ahdaaf aan joogto aheyn oo hadba xilliga uu kuu jiro muhiim u ah, ama macquul la ah, markase laga tago inta runta moog, dhammaanteen waan wada ognahay cidda wax walba oo aan dalbaneyno nasiin kartaa in ay Alle oo keli ah tahay, laakiin imtixaannada aan marayno kuwa ugu adag mid ka mid ah ayaa ah saddex qodob oo isku sidkan, cid ismoogeysiin kartaana aysan jirin, kuwaas oo kala ah:
1. In aan dhimashadeenna ka hor libineysanayno iyo in kale.
2. In Eebbe waxa aan rabno uu nala doonayo iyo in kale.
3. Iyo meesha la inaka siinayo waxa uu Illaahay inala doonayo.

Waa adduun iyo xaalkiise, dhaaddanaan la'aanta in waxa aan dalbaneynaa ay u baahan yihiin dedaal, wakhti, samir, qof, nasiib, safar, ama wax kale, waxaa si walba waajib inoo kugu ah in aannaan tamarteenna hagran, oo aan dhexda xiranno, innaga oo ku baraarugsan, kana digtoon in albaabada badan ee aan gargaraacayno si aan xal ugu helno caqabadaha ina soo foodsaara inta aan ku sugganahay adduunka ay ka mid noqon karaan, welibana kuwa ugu jawaabta dhaw ah ahaan karaan albaabo uu leeyahay Sheydaankii la dheereeyey, ee ku dhaartay in uu karkaarka ina weydaariyo. Albaabadaas oo aynu si dhunsanaan leh uga dhex arki karno jawaabaha codsiyada ad-adag ee ay noloshu na weydiinayso. Waana in aan nolosha ku dhex sugnaanno innaga oo hanuunsan, qanacsan, dheragsan, faraxsan, asturan, tilmaaman, wanaagsan, caafimaadsan, welibana sharaf leh, oo iska ilaalinayna in aan illowno Balankii Weynaa ee aynu Alle la galnay dhamaanteed iyo Abaalmarinta Danbe.

Marka la eego tagtadeennii (abuurideennii) iyo timaaddada danbe (Aakhiro), meeshan aan ku sugannahay waxa aynu ugu yeeri karnaa Buundada Mushkiladaha, oo waa meel u dhaxeysa abuurid iyo abaal marin, kuna suntan wax walba oo tacab iyo mushkilad ah, ahna meel inta aan ku sugannahay ay waajib tahay in aan u darbanaano CIBAADO, DEDAAL iyo NAXARIIS. Si aan Alle u raalligelinno, rabideenna dabiiciga ah u helno, dadka sideenna nolosha la daalaa dhacayana u caawinno, maaddaama nolosha dunidu socon doonto ilaa marka la gaaro dhammaadka Samada laga qorsheeyay, caqabaha noloshuna joogto ahaanayaan, oo hadba aynu mid cusub xalkeedaa ku mashquulsanaaneyno ilaa inta aan ka god gelayno.

Eebbe ha ina siiyo nolol adduun oo mushkiladaheedu fudud yihiin iyo nolol aakhiro oo abaal marin wanaagsan iyo janno ah.

10 months, 1 week ago

Buundada Mushkiladaha

Noloshu waxa ay aheyd mid si dabiici ah iskaga socota, waxaana adduunka ku noolaa dad, duunyo, dugaag, iyo dab-raac (cayayaan) iska kaashanaya duruufaha jiritaanka. Wax aynu dib ka maqalnay maahee wax xog ah kama aynaan heyn sheekooyinka dunida, imaanshaheennii ka hor. Haa, imaanshaheennii ka hor sidaas bey aheyd, ahaanna doontaa, waayo noloshu waa mid iska caadi ah marka la eego sida ay joogtada u tahay, haddana cajiib ah marka loo fiirsado qaaciddooyinka waaweyn haddana aan isbeddelin ee ka danbeeya dheellitirnaanteeda. Nolosha iyo nooluhuba waxa ay leeyihiin Hal Boqor, oo ah kan dejiyay nidaamka nooluhu ugu noolaanayo nolosha adduunka, iyaga oo aan sina u khilaafin. Maaddaama ay dhalayaan, cabbayaan, cunayaan, korayaan, kaalin-gelayaan, karaan yeelanayaan, kulmayaanna iyaga oo u halgamaya xaqiijinta damacyadooda kala duduwan, ka dibna dhimanayaan.

Waxa aynu jiritaan aan dareemi karno yeellanay ka dib markii jir ku abuurmay rabid aadane, iyo doonis Eebbe, uu la kulmay ruux saafi ah, oo la sameeyay malaheyga balaayiin sano ka hor, taas oo sugeysay in la gaaro wakhtiga loogu talo galay in ay dhammeystirnaan ku dhalato, si ay u xaqiijiso ballankii ay Alle la gashay markii la sameeyay ka dib ee ahaa, in ay Jidka Toosan ku taagnaan doonto, oo ay Rabbigeeda raalligelin doonto marka ay cibaadeysanayso, waxqabanayso, noolaaneyso ama dhimaneyso.

Haddaba, markii ay kulmeen jirkii ku sameysmay sunnaha nolosha iyo ruuxdii ka timid Samada waxaa abuurmay noole yara oo daciif ah, maskiin ah, garasho la’aan ah, tamar yar, laakiin ku dhex nool Malko Sharfan oo si walba loo ilaaliyay. Malkadaas oo ah goob diirran, nadiif ah, dheef dheelli tiran leh, buuq la’aan ah, xanuun uusan ka jirin, masuuliyad aan lagu dhex qaadid, maskaxdu aysan ku dhex fekerin, qalbiyadu aysan ku dhex nacasoobin, welibana aan caajis laheyn, daal laheyn, qabow laheyn, dabeyl laheyn, kuleyl laheyn, cabsi laheyn, welwel laheyn, murugo laheyn, xasuus laheyn, oo ah janno la mood caqabad dhammaanteed ka maran. Sida aad u fahantayba Malkadaasi waxa ay aheyd uurkii si walba u hagaagsanaa ee Hooyooyinkeen, oo aan ku qaadannay wakhti Alle iyo aadaneba in ay wax ina taraan mooyee aan waxba la ina ka rabin. Sida la qiyaasi karona aan aheyn duul iska ciyaara oo si adag iskugu halleynaya Alle Weyne, kuna tiirsan Waalidkood.

Sida caadada ah, wax walba oo la tiriyaaba waa kuwa seynbari gaabane, waxaa Malkadaas Sharfan ee jirkeennu ku abuurmay, ruuxdeennu ku soo degtay, mudnaantana aynu ku helnay inaka soo saaray WAKHTIGA. Oo isagu ka mid ah saameeyayaasha ugu waaweyn ee uu Alle ugu talo galay in uu saameeyaan isbeddelada nolosha. Oo Markii aan bilo dhammeysannay ka dib, ayaan ku dhallanay, kuna barbaarnay adduun xaraar, oo xiisa badan. Waxa aynuna noqonnay dadka aynu imminka nahay, oo ah aadami leh karaan uu wax badan ku qabto iyo kuna tilmaaman tamar yaraan uu wax badan uga gaabsado, sababtoo ah waxaa sidaas u dhisan awoodda addoomada.

Dhammaanteen waxa aan ognahay in aan maalin uun ka tegayno dunida, oo aan tegayno meel inteenna wanaagsan ee Alle adeecda lagu abaal marin doono cafis, raalli-ahaansho, farxad, gobannimo, malab, miro, khamri, cunto, galmo, qurux, raaxo, heeso, fulin, macaan, iyo maqaam waaraya. Inteenna sheydaanka, kibirka, madax-adeyga, hawada, shahwada, iyo nafohooda u adoomoobayna lagu abaal marin doono dulli, caro, Sharaf-dhac, bahdil, ciriiri, fashil, ceeb, iyo cadaab noocyo badan oo aan laga sheekeyn karin.

Si kasta ha ahaatee, maaddaama aan ka soo baxnay Malkadii Sharfaneyd, welina aynaan gaarin Madashii Abaalmarinta, waxa aynu joognaa meel boqolaal dhadhan, iyo kumannaan midab leh, oo u shaqeynaysa sida jirjiroolaha, maalmaheeduna isku beb-beddelayaan sida gaaraabidhoodka.

10 months, 1 week ago

Illaa inta aad kala macaamilayso dadyow kala duwan waxa aad ku dul go'doon sanaan doontaa hal ruux oo laga yaabo in uu kafantaadii tolayo.

10 months, 1 week ago

Mr. Bean | Alien
- - -
Weli ma is weydiisay sababata uu Mr Bean u yahay mid layaab leh, oo qosol iyo maad badan?
Shakhsiyaddad Mr. Bean oo ah shakhsiyad masraxiyeed, lagu metelay filimo aad u badan, uuna melelo aktarka ingiriisiga ah ee Rowan Atkinson, ahna shakhsiyad maddadaaleed loo dhigay sida qof aan ku dhalan dhulka dushiisa, oo aan abuur ahaan aheyn bini aadam caadi ah, qofkaas oo sida laga dheehan karo bilowga muuqaalladiisa ku jira taxanaha Mr Bean, ah qof jiritaan ahaan cirka ka soo dhacay, oo ku cusub nolosha dadka, iyo hab dhaqankooda.
Sidaas darteed, ninkani maaddaama uusan asal ahaan ugu barbaarin dadka dhexdiisa, oo aysan maskaxdiisu aqoon xeerarka bulsho ee bini aadamka, waxa uu si walba ugu dedaalayaa in uu barto sida dadku u nool yahay, si uu iyaga uga mid noqdo.
Dedaalka uu Mr Bean u sameynayo si uu qof caadi ah u noqdo, ayaa innaga xaraabo inoo ah, maaddaama daalaa dhiciisu ay ku kallifayaan in uu ku dhiirrado wax aan dhexdeenna caadi ka aheyn, laakiin uu isagu ujeedo ahaan ka damacsan yahay in uu qof caadi ah iskaga dhigo.
Cuntada, socodka, orodka, labiska, gaari wadidda, gole joogsiga, hadalka, caafimaadka, iyo dhammaan goobaha dad weynaha oo dhan Mr Bean waxa uu uga dhex dhaqmayaa si qariibnimo badani ka muuqato, waxaana uu marar badan isku khaldayaa hab dhaqannada goobaha kala duduwan, isaga oo aan xitaa kala aqoon kaftanka, ciyaarta, salaanta iyo edabta.
Muuqaallo badan, oo xiiso leh, oo yaraanteennii macne qosol ah inoo sameyn jiray, ayuu Mr Bean ku soo biiriyay masraxadda filimada, walow aan anigu ilaa hadda taageero muuqaalladiisa.

10 months, 1 week ago

Albert camos waxa uu leeyahay
" cidba ma oga oo ma dareensana in dadka qaarkood ay dadaal dheeraad ah ku bixiyaan si ay ugu ekaan lahaayeen dad iska caadi ah"

Alberto cida uu ka hadlayo kaliya maahayn dadka dhiban ama niyad jabsane sidoo kale wuxuu ujeeday dadka heerka wacyigooda iyo caqligoodu sarreeyo, waayo iyaga laftirkoodu waxay ku khasbanyihiin inay bixiyaan dadaal aan caadi ahayn si ay ula falgalaan waaqac aan waafaqayn afkaartooda iyo caqliyadooda, waxayna marar badan door bidaan cidlada, waa cidlo ay door bideen iyagoo hareertooda ka heli kara dad badan, maxayse tarayaan dadka hareeraheena jooga si walba ay ubataan hadii aysan ina fahmayn?!!

Hadii aan sii qaadqaadno cidladaasu waa mid ay sababtay inay awoodi waayaan waxyabaaha muhiimka u ah amaba afkaar ka guuxaysay inay soo bandhigi waayaan iyagoo huba inaan la fahimi doonin amaba aan dan laga gali doonin afkaartooda iyo dareemahooda. dabadeedna ay sidaa ku doorteen aamuska iyo cidlada, qofkuna hadii uu heli waayo cid fahanta wuxuu dareemaa cidlo.

"Ogaalka qofku marka uu bato wuxuu ka dhigaa gooni u socod ee kama dhigo dad la socod, nolosha waxay inoo bilaabataa inaga oo isku dayayna inaynu wax walba ogaanno, xaalkuse waxa uu inoogusoo gabagaboobaa inaga oo rabna inaan ka badbaadno oo ka baxsanno wixii aynu ogaannay" dosteovesky ayaa mar yiri " iimaankayga oo buuxa ayaan dhaaranayaaye ogaalka badani waa jirro, waa cudur"

Kafika ayaa isna ka daba qaatay oo yiri "hadii uu jiro wax ka daran ku talax taga daroogada wuxuu noqon lahaa ku talax taga ogaalka"

Marka kale ayaa mid qoraa ah si kaftan dhable ah waxa uu leeyahay " waxbaad fahmasantahay, wax badan ayaad ogtahay, waana taas dhibka ku haysta sababteedu, hadii aad doqon ahaan lahayd waad iska faraxsanaan lahayd haddeer"

Emil cioran ayaa isna leh " ogaalka/wacyigu waa lacnad aan tagin, waa aafo wayn, waa go'doonka dhabta ah, ogaal li'du waa naxariis halka ogaalku yahay jaxiimo "

Soomaalida oo ka heestay arrintan ayaa tiri:
"Ninka ugu ildheer baa
Dadka ugu ayaan daran
Waxaan lala arkayn baa
Isaga uun u muuqda"

Carabta oo ka gabaydayna waxay tiri:

"ذو العقل يُشقَى فِى النعيم بِعَقْله
وأَخُو الجَهالة فى الشَّقاوَةِ يُنْعَم"

Dadka ogaalkoodu sarreeyo dhibka haystaa waa inay arkaan oo dareemaan waxa dadka kale aysan dan ka galayn, dhibkoodu waa inay ku talax tagaan taxliinta xaaladaha haba iska yaraadaane, xaaladaas aan lala arkay ee iskala yar dadka kale xaggooda ayaa mararka qaar iyaga u horseeda waalli iyo wareer. ~xigasho

10 months, 2 weeks ago

Dhalinyaranimada ?

Dhallinyaronimadu waa xaaladda ay awoodda jir ahaaneed ka xoog roonaato maskaxda Waa marka uu jirku maskaxda maamulo

Dhallinyaronimadu waa xaalad ay qofka lurayaan xamaasad iyo dareen oo uu qofku si aan kala sooc lahayn uga fikiro in uu haqabtiro baahidiisa jir ahaaneed

Xamaasaddiisu sidaas uma sii qodna oo muddo gaaban gudeheed ayuu lumiyaa xiisihii uu wax ku bilaabay

Dhallinyaradu waa ay is-bedbedel badan yihiin oo si joogto ah ayuu dookhoodu isu gedgediyaa. Wax waliba laab-la-kac ayay ku bilaabaan, in ay ku guulaystaanna waa ay jecelyihiin

Dabeecaddoodu waa ay xun tahay oo si fudud ayay ku caroon karaan, markii ay caroodaanna wax waliba waa ay ku fikiraan. Sidoo kale si fudud ayay wax ku jeclaadaan, waana ay adagtahay in laga reebo wixii ay jeclaadaaan

Lacagta jacaylkeedu kuma badna, balse waxa ay goyso waa ay jecelyihiin. Dhallinyaradu wax waliba samaan ayay ka fishaan oo shakigooda iyo digtoonidoodu aad ayay u yar tahay

Maadaama aysan wax badan ka aqoon dabeecadaha iyo dhagarta bani’aadamka ka suurooba si fudud ayay dadka ugu kalsoonaadaan. Qofna belo kama fishaan oo cid waliba ayaa usoo hagoogan karta

Xusuustoodu waa sabool oo ma ay lahan waayo’aragnimo ay mustaqbalka ku saadaaliyaan. Wax la soo dhaafay in ay ka fikiraan wakhti kuma lumiyaan. Had iyo jeerna waxa ay ku laabfiyowyihiin mustaqbalka oo iska wanaagsanaada

Dhallinyaradu waxa ay naftooda ku hafraan in ay wax waliba ku wanaagsan yihiin. Kalsooni xaddhaaf ah ayay naftooda ku qabaan. Cabsida oo wax badan bani’aadamka ka baajisa naftooda waa ay ku yar tahay

Labo arimood ayuu qofku khatarta ugu bareeri karaa; waa in uu maarayn karo iyo in uusan aqoon u lahayn. Tan dambe ayayna dhallinyaradu khatarta ugu bareeraan

Fikradaha iyo dhaqamada gaboobay in ay qaataan ama ku dhaqmaan waa ay ka xishoodaan, kuwa cusubna waa ay xiiseeyaan iyaga oo aan nuxurkooda baarin

Mar waliba xamaasad ayay ku shaqeeyaan ee caqli kuma shaqeeyaan. Markii ay labo shay u gudboonaadaan, midka ay naftoodu rabto ayay doortaan ee midka faa’iidada badan ma doortaan

Dadka marka uu dareenkoodu hago hawadooda iyo wixii ay raalli ka yihiin ayay raacaan, markase caqligoodu hago wixii maslaxaddoodu ku jirto ayay raacaan

Ugu danbayn aad uga uga faideso dhalinyaranimada Kana Fikir waxyaabaha Dhici kara mustaqbalka Hawada yaysan inaga xoog badin saxibayaal ~mohamed dafle

10 months, 2 weeks ago

Markaan is idhi kuu raxlee, runbaa i tidhi taada uun raro.

We recommend to visit

SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!

@Abdii_Sabaa

💬NU QUNNAMUUF💬
@AbdiiSabaaDm

🎯BARNOOTAAF
@abdii_sabaa_university

🎯MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa

Last updated 6 days, 5 hours ago

asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 2 months ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 2 weeks, 5 days ago