SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!
@Abdii_Sabaa
?NU QUNNAMUUF?
@AbdiiSabaaDm
?BARNOOTAAF
@abdii_sabaa_university
?MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa
Last updated 1 month, 1 week ago
asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook
Last updated 3 months, 2 weeks ago
Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.
Headquartered in Mogadishu.
Last updated 2 months ago
Sideen ku idhaahdaa waan kuu xiisay si qalbigaagu u damqado sida kayga oo kale.
- Maxamuud Darwiish
Jacayl dhiig ma lagu qoray ? Wa su'aal falsafadeed. In badan waxa la wariya in jacaylka loo god galo. Waxa ka mid ah Muliyo iyo Xuseen.
Lakiin ma dhacday wali in jacayl aawadi lamaanihii aduunka ka hayaamaay kii kale u qalqaalo in u guursado. Si kale hadii loo dhigo ruux nool ma guursan karaa ruux geeriyooday oo u jeclaa oo geeriyooday ?
Waa yaab. Waa sheeko xiiso badan oo uu qoray Rashiid Xaashi (Rachid hachi). Buugan oo afka faransiiska Ku qoray oo 2017 ka soo baxay dalka France ayaa dhaliyay hadal hayn badan. Waxa loo turjumi karaa cinwaanka buugan "Guurkii asayda", ama "Guur aakhiraad". 2021 wuxuu mar labaad ka soo baxay dalka Canada oo qoraagu dagan yahay hadda.
Sareedo oo ah gabadh Gabooye ah oo reer jabuuti ah ayay is jeclaadeen wiil qowmiyada Canfarta ee Jabuuti. Mise dadkii ka AG dhawaa ee soomaalida ahaa ayaa reerkii inanka u sheegay in ay gabadhu Gabooye tahay soomaaliduna ay iska ilaaliso guurkooda.
Waxay go'aansadeen inay dalka iskaga tagaan oo jacaylkooda la hijroodaan. Wadada ayaay qaadeen iyaga oo Ku sii jeeda Addis-Abeba. Gaadhigii ayaa dhexda kula gadoomay wiilkiina halka ayu Ku geeriyooday. Sareedo oo ka badbaaday shilka ayaa go'aansatay inay lamaanaheegii geeriyooday gursato.
Codsi
Saaxiibbayaal saaka waxa aan idinka codsanayaa qof kasta oo degalkan ku jiraa in uu 5 qof oo saaxiibadii ah ku soo daro, si uu saaxiibada kale ee ku xidhan uga mid noqdo. 24 saac ee soo socda aynnu gaadhno 600 saaxiibo ah e, dhaqaajiya
Hoos ayaan soo dhigayaa link-ga.
"Gacalle, waxaan rajaynayaa inaadan marnaba ka daalin inaad i jeclaato. Wax kasta oo nagu dhaca, waxaan rajaynayaa inaad weli doorato inaad ila joogto, adigoo agtyda ku faraxsan. Waan ogahay inaanan dhamaystirnayn, waana ka xumahay inta jeer ee aan si aan ku talagal lahayn kuu dhaawacay.
Laakiin waxaan rabaa inaad ogaatid inaanan rabin inaan ku waayo. Weli waan ku jeclahay, inkastoo ay jiraan marar badan oo aad i qalbi jabisay, i murugo gelisay, marar badan oo aad rajayadyda dhaawacday, iyo marar badan oo aan ku xiisay, haddana ku waayay. Waxaan rajaynayaa inaad maalin uun ogaan doonto qiimaha aad ii leedahay. Waxaan rabaa inaad ogaato in xitaa haddii aad badalkayga hesho, aanad noole sidayda kuu fahmi karin.
Gacaliye, kuuma ballan qaadi karo inaan la'aanta xasilooni joogto ah dareemi doono, laakiin marag ayaan ka ahay daqiiqad kasta oo aan ku xasuusto inaan dhoolacadyn doono, xasilooni dareemi doono, xiisahaaguna laabtayda gubi doono."
Naciima Xaaji
WAAN KA XUMAHAY.
Waan ka xumahay, haddii aan kugu batay oo aan aad kuu daneeyay. In aan ku xukumayo igama ahayn, waxa aan doonayay in aan ku tuso jacayl badan. Haa, waxa aan rabay in aad aragto heerka aad ii taagan tahay, iyo jacaylka aan kuu qabo. Waan ka xumahay; wakhtiga, dedaalka iyo sida xad'dhaafka ah ee aan isu kaa siiyay: in aan ku kasbado ayaan u socday.
Waa ka xumahay, sida aad ii dhibsatay maalmihii aan farriimaha dhaadheer iska soo daba dirayay, adiga oo aan u daafad hayn. Maalmihii wicitaanka ee aan codkaaga maqalkiisa weheshan jiray: adigu se, aad hadalka ii soo koobi jirtay, si aan u jaro hadalka. Maalmihii aan ku soo raadin jiray adiga oo aan ii ogayn, maalmahaygii: jiif iyo keliba aad maankayga ku jirtay waan ka xumahay. Waxa aan rabay in aad i dareento: khalad ayaad se u aragtay.
Waxa aan isku dayayay in aan ku siiyo jacayl wali aadan qof kale ka helin. Waxa aan isku dayay in aan kuu noqdo qofkii ugu mudnaa ee noloshaada garabka u noqday, in aad igu faanto, oo aad abaal iiga hayso garab istaaggayga ayaan u socday. –MAY, mahadcelin kaama sugayn ee in aad uun ii ogaato naf-hurkayga.
Waan ka xumahay: waxaas oo dhan waxa ay noqdeen aniga qaladkayga. Waan ka xumahay sababtoo ah adigu diyaar umaad ahayn, waxa laga yaabe, in aad qofkale ka sugaysay. Aniguna aan is mooday qofkii aad filaysay.
Waan ku jeclaaday, aniga oo aan cidkale u baahnayn. Waxa aan rabay in aan wadajirno, nolosha aan garab isu ahaanno. Waan ku raadiyay; waxa aan kula doonay, nolol jacayl badan, ballanqaad run ah, iyo farxad. Waxa aan doonayay in aan noqonno laba isu gaar ah: ul iyo diirkeed, dhig iyo udub, laba aan kala maarmin oo abid wada jooga. Way se dhici wayday.
Nabaadiino.
Yacquub-Xalane
U gaar ah ragga
Madaxeey sidii geed meel ka baxay ha noqonee jacaylkaaga la yara faraka ciyaar, oo markaad agteeda joogto qof funny ah noqo, mararka qaarkood waxyaalo iska ciyaalnimo ah kuwada dhaqma. Markasta qof siiriyoos ah inaad noqoto waxay meesha ka saaraysaa wakhtigii aad ku nafisi lahaydeen. Markaa ciyaarta yara badi, dhagaha yara jiid jiid, faraha ka yara qaniin, yara sabaaxadee, xuduudaha iyo dhulalka halista ahna iska ilaali ciidan baa joogee.
"Haddii aad berrito i ilowdo, weligay ku ilaawi maayo anigu."
Markasta oo aan raaco qalbigayga waxa uu igu hagayaa dhankaaga.
Waan ku jeclahay, illaa mustaqbalkeenna.
Turjumid
"Maanta waxa aan salaamaya asxaabta qoraalada mar walba akhrisata ee aan wax reaction ah na ka bixin?."
SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!
@Abdii_Sabaa
?NU QUNNAMUUF?
@AbdiiSabaaDm
?BARNOOTAAF
@abdii_sabaa_university
?MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa
Last updated 1 month, 1 week ago
asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook
Last updated 3 months, 2 weeks ago
Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.
Headquartered in Mogadishu.
Last updated 2 months ago