Why Pay for Entertainment? Access Thousands of Free Downloads Now!

Su'aalo.

Description
Kanaalka waxaad ka helaysaa su'aalo iyo jawaabo afsoomaali ku qoran.
Advertising
We recommend to visit

بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad 3000 Buug-Somali
Free Ah
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
https://telegra.ph/HA-DEG-DEGIN-AKHRI-11-15
© Somalibooks Pro Inc
- All Rights Reserved-⤵️
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 5 months, 1 week ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 1 month ago

Kala soco Xikmad iyo Qormooyin Markasta Io Meelkasta.

Last updated 1 month, 3 weeks ago

2 months, 4 weeks ago

Asc saxiibayaal
Please 🙏 ayeeyo aya iga xanuunsan in mudo ah igu sooduceya in Alle icafiyo
Thanks 🙏 😍

4 months, 2 weeks ago

Hertzel wuu la shiray  Suldaanka ka dib kulan ay soo abaabuleen dowladaha Ingiriiska,  Faransiiska iyo Jarmalku. Hertzel wuxuu u soo bandhigay Suldaankii in Yahuudda iyo banigiyadoodu diyaar u yihiin  inay Khilaafada ka bixiyaan daynta cuslaysay ee reer Yurub ku leeyihiin.

Suldaan Cabdixamiid wuu diiday wuxuuna yidhi kalmaddiisii caanka ahayd "Falastiin anigu ma lihi, ee waxa iska leh Muslimiinta".

12- Arrinkani wuxuu keeni doonaa muran-diimeed iyo fatwooyin kala fog oo dhalin doona  khilaaf iyo is afgaranwaa cakiran, waxa ka dhalan doonta xaalado iyo duruufo diini ah oo ay adkaan doonto in xal loo helaa.

Dhibaatooyin badan oo arlada Carabta ku dhacay ilaa mantana jira, oo ku  salaysan  fahan -diimeedyo iska soo hor jeedaa, waxay la kowsadeen maalintii ciidamada macatablaydu cagta dhigeen dalka Ciraaq.

13- Haddaba, anigoo dareemaya waajibka iga saaran dadkayga iyo dhulkayga, oo kaashanaya intaan  ka aqaano diintayda iyo khibradda aan u leeyahay taariikhda iyo siyaasadaha dunida, isla markaana og in xisaab iyo su'aal aakhiro iga dambayso waxaan leeyahay:

a) Diin ahaan iyo caqli ahaanba waan ka soo horjeedaa in dowladda Itoobiya la siiyo ama laga kiriiyo qayb ka mid ah dhulka iyo badda Muslimiinta.

b) Wax walba oon halkan aan ku qoray waxaan ku doonayaa raalida Rabigay caza wa jalla iyo inaan ka badbaado su'aasha aakhiro.

C) Aniga ayaa is matalaya, waayo xubin kama ihi jamaaco diini ah iyo xisbi siyaasi ah midna.

d) Waxaan rajynayaa in farriintayda la maqlo oon dhagaha laga furaysan, waxa igu wayn danta iyo maslaxadda ummaddayda iyo dhulka Muslimiinta.

e) Waxaan Allaah caza wa jalla ka baryayaa inuu fariintaydan gaadhsiiyo facyaalka dhalan doona ee isku dayi doona inay fahmaan dhacdadan, iyo si ay u ogaadaan inay jireen rag diiday in baddooda la siiyo Nasaarada Itoobiya.

14- Soomaalidii hore waxay ka ducaynsan jireen gaalnimo iyo gunnimo, ee Rabbi caza wa jalla labadaba ha inaga badbaadiyo.

Allaah ayaa towfiiqda bixiya

Wixii talo ah halkan nagul soo wadaag. Asxpta qaliga ah mahdsanidin dhaman wllky wllshy

@cabdale08

4 months, 2 weeks ago

Riyadii Mililik Iyo Xaylesalaase:
___
Waxa Qoray Sh.Maxamed Sh.Cabdiraxmaan Kaariye

1- Bal is waydii waxa ay Falastiinida iyo Yahuuddu isku haystaan?
Maxaa keenay Duufaan al-Aqsaa?
Maxay Yahuuddu u gumaadayaan Muslimiinta reer Qasa?
Maxay reer Qasa u diidan yihiin inay ka baxaan dhulkooda oo ay dagaalka ugula jiraan Yahuudda?

2- Jawaabta kaliya ee soo baxaysaa waa in dhulka Muslinku uu yahay lama taabtaan, sidaa awgeed ayay culimadu isku waafaqeen in dhulka ay gaaladu ka dhacday Muslimiinta la soo ceshado sida Falastiin.

3- Qarniyo ayay Itoobiya ku taamaysay inay qayb ka hesho badda cas, waxay ahayd Istiraatajiyad aan marna ka bixin garaadka madaxda Itoobiya ee Nasaarada ah. Waa riyadii Mililik, Xayle Salaase,  Mangeste iyo Males. Maantana Aby ayaa  qorsheeyay inuu xaqiijiyo riyadaa, Xayle salaase ayaa laga hayaa inuu yidhi " Haddaan anigu heli waayo caruurtayda ayaa heli doonta".

4- Aby wuxuu hore u sheegay una caddeeyay in Itoobiya bad ku heli doonto si militari ama si diblomaasi ah. Aynu ogaano in diblomaasiyadda ay Itoobiya ku qaadanayso baddeenu tahay diblomaasiyad hubaysan oo xoog sheegasho ah. Damaca Itoobiya waa bad ay qaataan oo ay yeesheen, aragti Istiraatiiji ah oo fogna way ka leeyihiin  arrinkan.

5- Itoobiya waa Israa'iilta Geeska Afrika, waxa intaa u raaca maanta inay tahay awood goboleed "regional  power" xoog leh,  markay ku fashilanto siyaasadda iyo dimlomaasiyadda kama waabato  inay danaheeda qowmiyadeed ku xaqiijiso awood militari. Taana waxa kaaga daliil ah dagaaladay ka  gashay mandaqadda, waxa kale oo kuu caddaynaya in Aby aanu afka ka dhowrin oo uu yidhi haddii ay Itoobiya bad ku heli waydo wada-hadal siyaasi ah waxay ku dooni doontaa qaab militari.

6- Itoobiya oo badda cas ka hesha saldhig miltari waxay ina galinaysaa gumaysi dadban, waxa kale oo ay keenaysaa halis soo food saarta qayb wayn oo ka mid ah Dunida Islaamka khaasatan Maka iyo Madiina, waxa kale oo ay  keenaysaa in Israa'iil kaga duusho dhulal Muslim ah, mana qarsoona xidhiidhka qotoda dheer ee ka dhaxeeya Itoobiyada Nasaarada ah iyo Israa'iilta Zahyuuniga ah.

7- Waa xaaraan maqdac ah in dhul Islaameed la siiyo dowlad gaalo ah sida Itoobiya.

8- Kirayntu iyana mid meesha taala maaha, waa maxay caqliga odhanaya bad ama dhul Islaameed saldhig miltari ha laga siiyo dowlad gaalo ah,  oo taariikh ahaan horor ku ahayd Muslimiinta Geeska Afrika? Sidoo  kale ma qarsadaan mufakiriinta, aqoonyahanka, siyaasiyiinta iyo madaxda Itoobiya inay taatiikh ahaan u leeyihiin qaybo ka mid ah dhulkeena!

9- Qodobka lixaad wuxuu i xasuusiyay in waqtigii xarakada Daalibaan iyo dowladda Maraykanka ay wadahadaladu uga socdeen magaalada Dooxa ee dalka Qatar. Ayay Ameerikaanku gabagabdii  shirarkaa waydiisteen Daalibaan in dhowr sano ay ku sii lahaadaan saldhig militari Afqaanistaan dhexdeeda ka dibna ay  baxaan Afqaanistaan.

Daalibaan arinkaas way diiday, waxa se cajjib ahayd jawaabta ay siiyeen Ameerikaanka oo ahayd  aanu idin siinee idinkuna saldhig militari naga siiya Ameerika !

10- Hadday Itoobiya gacanta ku dhigto baddeena , kuma talo jirto  inay ka bixi doonto, balse waxay ka leedahay istiraatajiyad  dheer oo halis ku noqon doonta caruurteena iyo facyaalka soo socda, waxayna ku dambayn doontaa  halkay mareen Howd iyo Reserve Area!

11-  Waxa igu soo xaadiray anigoo maqlaya ictiraaf  iyo in saami laga helo Sharkadda diyaaradaha ee Itoobiya ayaa lagu beddeshay badda,  mowqifkii sharafta iyo karaamada huwanaa ee Suldaan Cabdixamiidkii Labaad ka is taagay dhulka Falastiin ee hoyga u ah magaalada al-Qudus iyo Masjid al-Aqsaa. Waxay ahayd  markii madaxii  Xarakada Caalamiga ee Zahyuuniyadda ee Hertzel ka dalbay Suldaanka inuu ogalaado in Yahuudda dunida ku kala filiqsan dhul ka siiyo Falastiin. Waqtigaasi Cusmaaniyiintu aad ayay u tamar darnaayeen ilaa xad Galbeedku ku magacaabeen (The Sick Man of Europe) oo ah Ninkii Bukay ee Yurub. Sidoo kale Khilaafada  daciiftay waxa dusha ka saarnayd dayn badan oo ay ku lahaayeen dowladaha reer Yurub.

GUULAYSTAYAASHA   MANTA WAA  SIDAN 

1.....❤️❤️AD❤️❤️

2.......    ❤️❤️    Xafsa  Cabdinaasir Cumar❤️❤️

3 ..Sulekha Mohammed

#WEYDIINTA172

Wxad shegtaan saxabada Nabiga Scw wxa ku jiro saxiibi soomay 15 uu xiriir ah mana afuri jirin mana saxuuran jirin 15 bari cunto ma cunin sheg saxabigaas magacesa

#warcelint172

Abdullhi binu zubeyr

#WEYDIINTA173

Wxad shegtaan Nabiga Scw marku quraanka aqrinayo gaalada Wey ku buuqi jireen wxa jiro nin Nabiga agteesa imaan jiray uu dhihi jiray aniga na sheekoyon fecan ban hayaa ee aniga idhageest sheg magaca ninkaas

#warcelint173

Nadar binu xaarith
Sheekoyinkee Boqorada hore Dadka ugu shekeen jiray

#WEYDIINTA174

Waxad shegtan Nabi Scw qureysh wxu ku habaaray abaar xun weyna ku dhacday abartaas ila ey Nabi Scw u imadeen ku dhaheen ilahey no Bari
Marka Wxad shegtaan Aayadaha quranka uu ka waramayo abaartaas

#warcelint174

فَارْتَقِبْ يَوْمَ تَأْتِي السَّمَاءُ بِدُخَانٍ مُبِينٍ * يَغْشَى النَّاسَ هَذَا عَذَابٌ أَلِيمٌ}
{إِنَّا كَاشِفُو الْعَذَابِ قَلِيلًا إِنَّكُمْ عَائِدُونَ}

MAHDSANIDIN

❤️DHAMAAN ASXPTA  INTA ISKU DAYDAY WAAD KU  MAHAD SANTIHIIN SHUKRN DHAMAN ASXPT QAALIG AH

@cabdale08

9:00AM   💯💯

4 months, 2 weeks ago

SU AASHA MANTA WAA SIDA SOO SOCTA ASXAAPTA QALIGA AH 

#WEYDIINTA172

Wxad shegtaan saxabada Nabiga Scw wxa ku jiro saxiibi soomay 15 uu xiriir ah mana afuri jirin mana saxuuran jirin 15 bari cunto ma cunin sheg saxabigaas magacesa

#WEYDIINTA173

Wxad shegtaan Nabiga Scw marku quraanka aqrinayo gaalada Wey ku buuqi jireen wxa jiro nin Nabiga agteesa imaan jiray uu dhihi jiray aniga na sheekoyon fecan ban hayaa ee aniga idhageest sheg magaca ninkaas

#WEYDIINTA174

Waxad shegtan Nabi Scw qureysh wxu ku habaaray abaar xun weyna ku dhacday abartaas ila ey Nabi Scw u imadeen ku dhaheen ilahey no Bari
Marka Wxad shegtaan Aayadaha quranka uu ka waramayo abaartaas

KUNA SOO DIRE JAWAABTA HALKAN  HOOSE 👇👇👇👇👇👇👇👇👇

@cabdale08

9:57 AM

5 months, 2 weeks ago

MANTA WAXAYNU BARNAYNAAA QAYPO KA MID AH XIKMADO LAGA QORAY.
[ Sheikh Mustafe Xaaji Ismaciil ❤️♥️ ]

  1. ” Aqoonyahanku wuxuu aqoonyahan yahay markuu Rabbigiina yaqaano , Aakhirana yaqano addunkana uu isbedel ka samayn karo”.

  2. ” Dhalasho wacan markaan leenahay taas macnaheedu waa sanad baan xabaasha u dhawaaday taasi ma wax lagu farxa”.

  3. ” Inaad noqoto qof hami leh, han leh, hiigsi leh, oo hiraal u muuqdo waa lagama marmaan”.

  4. ” Dunida dadka isdila iyaga ugu badan reer galbeedku, meeday barwaaqaada ay sheegaayaan ” ?

5 ....Hadday jannadu tahay meesha qofka lagu nimceynayo, caddaabtuna ay tahay meesha qofka lagu ciqabayo, Addunyaduna waxay tahay meesha qudha ee la isku imtixaanayo".

  1. ” Dadka kuwa ugu hantida badan Aya ah kuwa ugu hurdada yar “.

  2. ” Dad baa dibadda ka qurux badan, guriga markay soo galaana bahal ah , qofka aad nolosha isku darsateen iyo caruurtaad dhashay inaad ku xumaato, dibadana nin fiican oo laga yaqano hebel la yiraahdo noqotid wax fiican ma aha”.

  3. ” Aqoonyahanku haduu noqdo qof la iibsan karo suldanadu iiibsan karto, dawladuhuna laaluushi karaan, kaasi aqoonyahan ma aha “.

9.” Gool baa la dhaliyeey maxay noloshaada ku soo kordhisay. “

  1. ” In Hooyo la noqdaa waxay ka Qurux badan tahay inaad noqoto injineerad “.

  2. ” Nin walba qabiilkiisa inta la dulmiyay buu ogyahay, laakiin se ma oga intay dulmiyeen ee aay Aakhiro u direen “.

  3. ” Quraanka haddii aad akhrido, qof Rabigii u waramaayo ayaad tahay bal qiyaas Rabigaa oo kula hadlaaya oo ku waramaaya “.

  4. ” Ilmaha inaad Guri uga tagto waxa ka qiimo badan inaad Diin uga tagto, inaad dhaqaalo u samayso waxa uga qiimo badan inaad isaga qof ka dhigto jira oo nool oo Muslim ah. Haddii uu qof Muslim ah noqdo oo Naftiisa ku kalsoon meel uu seexdo iyo wax uu cuno isagaa raadsanaayo “.

  5. ” Jaamacad baan ka baxay, shahaadaan qaatay, shaqo fiican baan helay war waad tagaysaaye waxaas oo dhan waa maalmo, maalin ama maalin badhkeed ayay nolosha oo dhan kula noqon marka qiyamaha lagu weeydiyo, oo nolosha ma maalin badhkeed bad dooratay marka “.

  6. “In xaafad kasta laga dhiso toddoba Masaajid oo aan qaar-kood cidi ku tukan waxaa dhaanta adoo dhisa wado dadku maro, oo ka gaadhiga wata aanu gaadhigu kaga jabin ka maskiinka ah ee lugaynaayana aanu ku dhibtoon.

Nooo reeb inta aad ka hayso sheikh waa muhiim wllky wllshy

Sheikh Mustafe Xaaji Ismaciil ❤️♥️

Kuna soo. Dire halkan

@cabdale08

8:12  AM

5 months, 4 weeks ago

GUULAYSTAYAASHA   MANTA WAA  SIDAN 

1.....❤️❤️AD❤️❤️

2.......    ❤️❤️    Xafsa  Cabdinaasir Cumar❤️❤️

#WEYDIINTA167

waxaad sheegtan imsa jeer baa  qur aanka lagu xusay   magac   Alle     eee     ah   {Al QAYUUM}

#warcelint167

waxaa lagu xusay 3 jeer.

#WEYDIINTA168

waxaad sheegtan injeer  ee quraanka lagu xusay  kalmad ah  

{  Qalam       }

#warcelint168

waxaa lagu xusay 4 jeer.

#WEYDIINTA169

Waxaad sheegtaan injeer   ee laguxusay QUR AANKA    Erayga   

{ RAXMAAN }

#warcelint169

waxaa lagu xusay 169 jeer.

#WEYDIINTA170

Waxaad sheegtan imisa  jeer   baa qur aanka lagu   xusay 

{ AL ARDU}

#warcelint170

waxaa lagu xusay 228 jeer.

#WEYDIINTA171

WAXAAD SHEEGTAAN   Magac saxaabigii hogaaminayey    ASXAABTII LOO DIRAY  dalka    CHINA  xiligii   uu xukunka  islaamku  uhayey    CUSMAAN  BINU CAFAAN

#warcelint171

wuxuu ahaa sacad ibnu abii waqaas.

MAHDSANIDIN

❤️DHAMAAN ASXPTA  INTA ISKU DAYDAY WAAD KU  MAHAD SANTIHIIN SHUKRN DHAMAN ASXPT QAALIG AH

@cabdale08

10:16 AM   💯💯

5 months, 4 weeks ago

SU AASHA MANTA WAA SIDA SOO SOCTA ASXAAPTA QALIGA AH 

#WEYDIINTA167

waxaad sheegtan imsa jeer baa  qur aanka lagu xusay   magac   Alle     eee     ah   {Al QAYUUM}

#WEYDIINTA168

waxaad sheegtan injeer  ee quraanka lagu xusay  kalmad ah  

{  Qalam       }

#WEYDIINTA169

Waxaad sheegtaan injeer   ee laguxusay QUR AANKA    Erayga   

{ RAXMAAN }

#WEYDIINTA170

Waxaad sheegtan imisa  jeer   baa qur aanka lagu   xusay 

{ AL ARDU}

#WEYDIINTA171

WAXAAD SHEEGTAAN   Magac saxaabigii hogaaminayey    ASXAABTII LOO DIRAY  dalka    CHINA  xiligii   uu xukunka  islaamku  uhayey    CUSMAAN  BINU CAFAAN

KUNA SOO DIRE JAWAABTA HALKAN  HOOSE 👇👇👇👇👇👇👇👇👇

@cabdale08

10:07 AM

6 months, 3 weeks ago

GUULAYSTAYAASHA   MANTA WAA  SIDAN 

1.....Suleikaa Mohammed❤️❤️

2......AD

3......Xafsa Cabdinaasir Cumar

4.....Mr fly

5.......BRO FAYSAL

#WEYDIINTA166

WAXAAD SHEEGTAN   INTA AAYADOODO    EE   MAGACAC       NABI AADAM  CS      LAGU  SHEEGAY   

#warcelint166

Nebi adam CS waxaa lagu shegay quraanka 25jeer, waxaana lagu xusay 7suuradood,

MAHDSANIDIN

❤️DHAMAAN ASXPTA  INTA ISKU DAYDAY WAAD KU  MAHAD SANTIHIIN SHUKRN DHAMAN ASXPT QAALIG AH

@cabdale08

8:37 AM   💯💯