Su'aalo.

Description
Kanaalka waxaad ka helaysaa su'aalo iyo jawaabo afsoomaali ku qoran.
Advertising
We recommend to visit

SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!

@Abdii_Sabaa

💬NU QUNNAMUUF💬
@AbdiiSabaaDm

🎯BARNOOTAAF
@abdii_sabaa_university

🎯MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa

Last updated 2 weeks, 3 days ago

asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 2 months, 3 weeks ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 1 month, 1 week ago

3 weeks, 5 days ago
  1. Waxa aad (nebi Allow!) ku dhahdaa: Isagu (Alle) waa Raxmaanka oo waannu rumaynay oo tala saarannay. Markaa waa aad ogaan doontaan qofka uu yahay ka ku sugan baadinimo cad.
    قُلۡ أَرَءَيۡتُمۡ إِنۡ أَصۡبَحَ مَآؤُكُمۡ غَوۡرٗا فَمَن يَأۡتِيكُم بِمَآءٖ مَّعِينِۢ ﴿٣٠﴾
  2. Waxa aad (Nebi Allow!) ku dhahdaa: bal ka warrama haddii ay biyihiinu noqdaan qaar gudha, bal yaa idiin keenaya biyo durduraya.
3 weeks, 5 days ago

أَلَا يَعۡلَمُ مَنۡ خَلَقَ وَهُوَ ٱللَّطِيفُ ٱلۡخَبِيرُ ﴿١٤﴾
14. Miyaanu ogsooneyn (sir iyo caadba) ka wax abuuray, Isagoo ah ka waxyaabaha cilmigoodu qarsoonyahay si dhibirsan u maareeya ee xogogaalka ah.
هُوَ ٱلَّذِي جَعَلَ لَكُمُ ٱلۡأَرۡضَ ذَلُولٗا فَٱمۡشُواْ فِي مَنَاكِبِهَا وَكُلُواْ مِن رِّزۡقِهِۦۖ وَإِلَيۡهِ ٱلنُّشُورُ ﴿١٥﴾
15. Isagu waa ka idiinka dhigay dhulka, wax sahlan oo deggen, ee markaa dacalladiisa socda oo wax ka cuna risiqiisa. xaggiisa ayaana loo laaban doonaa.
ءَأَمِنتُم مَّن فِي ٱلسَّمَآءِ أَن يَخۡسِفَ بِكُمُ ٱلۡأَرۡضَ فَإِذَا هِيَ تَمُورُ ﴿١٦﴾
16. Ma ka cabsi la’diin, ka idinka sarreeya; in uu dhulka idinla jaro oo markaa dhulku idinla gebidhacleeyo.
أَمۡ أَمِنتُم مَّن فِي ٱلسَّمَآءِ أَن يُرۡسِلَ عَلَيۡكُمۡ حَاصِبٗاۖ فَسَتَعۡلَمُونَ كَيۡفَ نَذِيرِ ﴿١٧﴾
17. Mise waxaad ka cabsi la’diin, ka idinka sarreeya; in uu idinku sallido dabayl dhagaxle. Markaa waad ogaan doontaan digniintaydii, sida ay tahay.
وَلَقَدۡ كَذَّبَ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡ فَكَيۡفَ كَانَ نَكِيرِ ﴿١٨﴾
18. Dhab ahaan, waa ay beeniyeen kuwii (reer Maka) ka horreeyey, ee sidee ayey (ku) noqotay inkaartaydii (ciqaabtii aan ciqaabay).
أَوَ لَمۡ يَرَوۡاْ إِلَى ٱلطَّيۡرِ فَوۡقَهُمۡ صَٰٓفَّٰتٖ وَيَقۡبِضۡنَۚ مَا يُمۡسِكُهُنَّ إِلَّا ٱلرَّحۡمَٰنُۚ إِنَّهُۥ بِكُلِّ شَيۡءِۢ بَصِيرٌ ﴿١٩﴾
19. Miyaaney arkaynin shimbiraha korkooda (duulaya) iyaga oo baalashu u fidsanyihiin oo soo qabqbanaya. Raxmaanka mooyaane cid kale kama hayso (in ay soo dhacaan). Isagu wax kasta waa ka arkaya.

أَمَّنۡ هَٰذَا ٱلَّذِي هُوَ جُندٞ لَّكُمۡ يَنصُرُكُم مِّن دُونِ ٱلرَّحۡمَٰنِۚ إِنِ ٱلۡكَٰفِرُونَ إِلَّا فِي غُرُورٍ ﴿٢٠﴾
20. Waa ayo ka idiin ah ciidan ee idiin gargaaraya Ilaahay sokadii. Gaaladu kuma jiraan wax aan luggooyo ahayn.
أَمَّنۡ هَٰذَا ٱلَّذِي يَرۡزُقُكُمۡ إِنۡ أَمۡسَكَ رِزۡقَهُۥۚ بَل لَّجُّواْ فِي عُتُوّٖ وَنُفُورٍ ﴿٢١﴾
21. Waa ayo ka idin arsaaqayaa, haddii uu (Alle) ceshado risiqiisa? Waa bay (ka sii dareen) oo ku adkaysteen xadgudub iyo xaq ka firdhasho.

أَفَمَن يَمۡشِي مُكِبًّا عَلَىٰ وَجۡهِهِۦٓ أَهۡدَىٰٓ أَمَّن يَمۡشِي سَوِيًّا عَلَىٰ صِرَٰطٖ مُّسۡتَقِيمٖ ﴿٢٢﴾
22. Ma qof soconaya isaga (oo foorora) oo wejiga u dhacsan, ayaa hanuunsan mise qof soconaya isaga oo saani ah oo jid qumman haya?
قُلۡ هُوَ ٱلَّذِيٓ أَنشَأَكُمۡ وَجَعَلَ لَكُمُ ٱلسَّمۡعَ وَٱلۡأَبۡصَٰرَ وَٱلۡأَفۡ‍ِٔدَةَۚ قَلِيلٗا مَّا تَشۡكُرُونَ ﴿٢٣﴾
23. Waxa aad (nebi Allow!) dhahdaa:”Isagu waa ka idin curiyey(idinka oon jirin) ee idiin yeelay maqalka, aragga iyo garaadka. Waxaaba yar oo yar inta aad shukrinaqaysaan.”
قُلۡ هُوَ ٱلَّذِي ذَرَأَكُمۡ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَإِلَيۡهِ تُحۡشَرُونَ ﴿٢٤﴾
24. Waxa aad (Nebi Allow!) tidhaa: “Isagu waa ka idinku faafiyey (idinku abuuray) dhulka, waxaana la idiin ururin doonaa xaggiisa (si la idiin abaalmariyo).”
وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هَٰذَا ٱلۡوَعۡدُ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ ﴿٢٥﴾
Waxa ay dhahayaan:” Waa goorma ballankan (qiyaamuhu), haddii aad run sheegaysaan”
قُلۡ إِنَّمَا ٱلۡعِلۡمُ عِندَ ٱللَّهِ وَإِنَّمَآ أَنَا۠ نَذِيرٞ مُّبِينٞ ﴿٢٦﴾
25. Ku dheh (nebi Allow!): “ogaansheheeda, Ilaahay uun baa ku shaqa leh, aniguna waxaan ahay uun, dige uu warkiisu cadyahay.”
فَلَمَّا رَأَوۡهُ زُلۡفَةٗ سِيٓ‍َٔتۡ وُجُوهُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ وَقِيلَ هَٰذَا ٱلَّذِي كُنتُم بِهِۦ تَدَّعُونَ ﴿٢٧﴾
26. Markii ay arkeen (wixii loo ballanqaaday) oo u dhow, waxaa si xun isu beddelay wejigii kuwa gaaloobey. Markaa waxaa lagu yidhi: “Kani waa kii aad isaga dalban jirteen (ee u adkaysta)”.
قُلۡ أَرَءَيۡتُمۡ إِنۡ أَهۡلَكَنِيَ ٱللَّهُ وَمَن مَّعِيَ أَوۡ رَحِمَنَا فَمَن يُجِيرُ ٱلۡكَٰفِرِينَ مِنۡ عَذَابٍ أَلِيمٖ ﴿٢٨﴾
27. Waxa aad (Nebi Allow!) ku tidhaa: Bal ka warrama haddii uu Alle i halaago aniga iyo cidda ila jirtaba ama uu noo naxariito, bal yaa gaalada ka nabadgelinaya cadaabta Alle.
قُلۡ هُوَ ٱلرَّحۡمَٰنُ ءَامَنَّا بِهِۦ وَعَلَيۡهِ تَوَكَّلۡنَاۖ فَسَتَعۡلَمُونَ مَنۡ هُوَ فِي ضَلَٰلٖ مُّبِينٖ ﴿٢٩﴾

3 weeks, 5 days ago

Turjumaadda Macnaha suuratu TABAARIK.

Fadlan isku day in aad wixii talo iyo tusaale iyo tilmaanba ah, soo gudbiso. Maanta laga bilaabo, waxa aan ku laaban, jus Tabaarik oo dhan, hubin iyo tafatirba.
_________________
المُلكِ ............................................................LAHAANSHAHA

Waa suurad Maki ah. Waa suuradda 67aad ee musxafka. Waxa ay ka koobantahay 30 aayadood, 335 erey iyo 1313 xaraf. Waa suuradii 77aad ee soo degta. Waxay ku xigtay suuratu al-duur, iyadana waxaa ku xigtay suuratu Al-xaaqa.
______________
.
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Waxan ku bilaabayaa magaca Eebbe.
Eebbaha naxariis badan oo guud naxariista.
Eebbaha naxariis badan oo gaar ahaaneed naxariista
_______________
تَبَٰرَكَ ٱلَّذِي بِيَدِهِ ٱلۡمُلۡكُ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٌ ﴿١﴾
1. Khayrkiisu baday, Allaha uu maamulku gacantiisa ku jiro, wax walbana waa uu awoodaa isagu.
ٱلَّذِي خَلَقَ ٱلۡمَوۡتَ وَٱلۡحَيَوٰةَ لِيَبۡلُوَكُمۡ أَيُّكُمۡ أَحۡسَنُ عَمَلٗاۚ وَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡغَفُورُ ﴿٢﴾
2. Allahaas oo abuuray geerida iyo noloshaba, si uu idiinku itixaamo bal kiinna ugu camal wanaagsan. Isagu waa ka qaalibka ah ee cafiska badan.
ٱلَّذِي خَلَقَ سَبۡعَ سَمَٰوَٰتٖ طِبَاقٗاۖ مَّا تَرَىٰ فِي خَلۡقِ ٱلرَّحۡمَٰنِ مِن تَفَٰوُتٖۖ فَٱرۡجِعِ ٱلۡبَصَرَ هَلۡ تَرَىٰ مِن فُطُورٖ ﴿٣﴾
3. Kaas oo abuuray toddoba cir oo kala sarreeya. Kuma arkaysid abuurka Alle wax iskhilaaf ah. Bal eegmada ku celi oo ma ku aragtaa wax dildillaac ah.
ثُمَّ ٱرۡجِعِ ٱلۡبَصَرَ كَرَّتَيۡنِ يَنقَلِبۡ إِلَيۡكَ ٱلۡبَصَرُ خَاسِئٗا وَهُوَ حَسِيرٞ ﴿٤﴾
4. Haddana ku celceli indhahaaga laba jeer, waxaa kugu soo noqon aragga oo hungoobay oo weliba daallan.
وَلَقَدۡ زَيَّنَّا ٱلسَّمَآءَ ٱلدُّنۡيَا بِمَصَٰبِيحَ وَجَعَلۡنَٰهَا رُجُومٗا لِّلشَّيَٰطِينِۖ وَأَعۡتَدۡنَا لَهُمۡ عَذَابَ ٱلسَّعِيرِ ﴿٥﴾
5. Dhab ahaan, waxaannu ku qorxinnay cirka soke, xiddigo ifaya. Waxaannu ka yeelnay xiddigahaas, gantaallo lagu gano shaydaammada. Iyagana waxaannu u diyaarinnay, cadaabta Saciira.
وَلِلَّذِينَ كَفَرُواْ بِرَبِّهِمۡ عَذَابُ جَهَنَّمَۖ وَبِئۡسَ ٱلۡمَصِيرُ ﴿٦﴾
6. Kuwa ka Rabbigood gaaloobayna, waxa ay leeyihiin cadaabta Jahannama, iyadaana u xun meel loo laabto.
إِذَآ أُلۡقُواْ فِيهَا سَمِعُواْ لَهَا شَهِيقٗا وَهِيَ تَفُورُ ﴿٧﴾
7. Marka lagu dhex tuuro (Jahannama), waxa ay maqlayaan iyada oo leh hiinraag oo karkaraysa.
تَكَادُ تَمَيَّزُ مِنَ ٱلۡغَيۡظِۖ كُلَّمَآ أُلۡقِيَ فِيهَا فَوۡجٞ سَأَلَهُمۡ خَزَنَتُهَآ أَلَمۡ يَأۡتِكُمۡ نَذِيرٞ ﴿٨﴾
8. Waxa ay (Jahannami) ku siganaysaa in ay ciil iyo cadho la googo’do. Mar kasta oo koox lagu dhex rido, waxa ay waydiinayaan waardiyaheedu: “Waar miyaanu idiin iman qof idiin digaa”?
قَالُواْ بَلَىٰ قَدۡ جَآءَنَا نَذِيرٞ فَكَذَّبۡنَا وَقُلۡنَا مَا نَزَّلَ ٱللَّهُ مِن شَيۡءٍ إِنۡ أَنتُمۡ إِلَّا فِي ضَلَٰلٖ كَبِيرٖ ﴿٩﴾
9. Waxay odhanayaan (markaas): “Mayee, waa uu noo yimid mid noo digaaa, ee waannu beeninnay oo ku dhahnay: meesha kuma haysaan (adiga iyo jaadkaagu) wax aan Baadi weyn ahayn.
وَقَالُواْ لَوۡ كُنَّا نَسۡمَعُ أَوۡ نَعۡقِلُ مَا كُنَّا فِيٓ أَصۡحَٰبِ ٱلسَّعِيرِ ﴿١٠﴾
10. Waxaa (kale) oo ay dhihi: “Haddii aannu wax maqli lahayn ama wax fahmi lahayn, ma aannu ahaanneen reer Saciira.

فَٱعۡتَرَفُواْ بِذَنۢبِهِمۡ فَسُحۡقٗا لِّأَصۡحَٰبِ ٱلسَّعِيرِ ﴿١١﴾
11. Waxa ay qirteen dembigoodii ee cadaabta ha ku fogaadeen reer Saciira.
إِنَّ ٱلَّذِينَ يَخۡشَوۡنَ رَبَّهُم بِٱلۡغَيۡبِ لَهُم مَّغۡفِرَةٞ وَأَجۡرٞ كَبِيرٞ ﴿١٢﴾
12. Kuwa tixgelinaya Rabbigooda oo ka qarsoon, waxa ay leeyihiin dembi-dhaaf iyo ajar weyn.
وَأَسِرُّواْ قَوۡلَكُمۡ أَوِ ٱجۡهَرُواْ بِهِۦٓۖ إِنَّهُۥ عَلِيمُۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ ﴿١٣﴾
13. Siraysta hadalkiinna amaba muujista, Ilaahay waxa uu ogyahay, wixii ku jira haababka.

3 months, 2 weeks ago

Tafsiirka qur'aanka
https://t.me/fasirkatafsiirka

10 months, 4 weeks ago

Asc saxiibayaal
Please ? ayeeyo aya iga xanuunsan in mudo ah igu sooduceya in Alle icafiyo
Thanks ? ?

1 year ago

Hertzel wuu la shiray  Suldaanka ka dib kulan ay soo abaabuleen dowladaha Ingiriiska,  Faransiiska iyo Jarmalku. Hertzel wuxuu u soo bandhigay Suldaankii in Yahuudda iyo banigiyadoodu diyaar u yihiin  inay Khilaafada ka bixiyaan daynta cuslaysay ee reer Yurub ku leeyihiin.

Suldaan Cabdixamiid wuu diiday wuxuuna yidhi kalmaddiisii caanka ahayd "Falastiin anigu ma lihi, ee waxa iska leh Muslimiinta".

12- Arrinkani wuxuu keeni doonaa muran-diimeed iyo fatwooyin kala fog oo dhalin doona  khilaaf iyo is afgaranwaa cakiran, waxa ka dhalan doonta xaalado iyo duruufo diini ah oo ay adkaan doonto in xal loo helaa.

Dhibaatooyin badan oo arlada Carabta ku dhacay ilaa mantana jira, oo ku  salaysan  fahan -diimeedyo iska soo hor jeedaa, waxay la kowsadeen maalintii ciidamada macatablaydu cagta dhigeen dalka Ciraaq.

13- Haddaba, anigoo dareemaya waajibka iga saaran dadkayga iyo dhulkayga, oo kaashanaya intaan  ka aqaano diintayda iyo khibradda aan u leeyahay taariikhda iyo siyaasadaha dunida, isla markaana og in xisaab iyo su'aal aakhiro iga dambayso waxaan leeyahay:

a) Diin ahaan iyo caqli ahaanba waan ka soo horjeedaa in dowladda Itoobiya la siiyo ama laga kiriiyo qayb ka mid ah dhulka iyo badda Muslimiinta.

b) Wax walba oon halkan aan ku qoray waxaan ku doonayaa raalida Rabigay caza wa jalla iyo inaan ka badbaado su'aasha aakhiro.

C) Aniga ayaa is matalaya, waayo xubin kama ihi jamaaco diini ah iyo xisbi siyaasi ah midna.

d) Waxaan rajynayaa in farriintayda la maqlo oon dhagaha laga furaysan, waxa igu wayn danta iyo maslaxadda ummaddayda iyo dhulka Muslimiinta.

e) Waxaan Allaah caza wa jalla ka baryayaa inuu fariintaydan gaadhsiiyo facyaalka dhalan doona ee isku dayi doona inay fahmaan dhacdadan, iyo si ay u ogaadaan inay jireen rag diiday in baddooda la siiyo Nasaarada Itoobiya.

14- Soomaalidii hore waxay ka ducaynsan jireen gaalnimo iyo gunnimo, ee Rabbi caza wa jalla labadaba ha inaga badbaadiyo.

Allaah ayaa towfiiqda bixiya

Wixii talo ah halkan nagul soo wadaag. Asxpta qaliga ah mahdsanidin dhaman wllky wllshy

@cabdale08

1 year ago

Riyadii Mililik Iyo Xaylesalaase:
___
Waxa Qoray Sh.Maxamed Sh.Cabdiraxmaan Kaariye

1- Bal is waydii waxa ay Falastiinida iyo Yahuuddu isku haystaan?
Maxaa keenay Duufaan al-Aqsaa?
Maxay Yahuuddu u gumaadayaan Muslimiinta reer Qasa?
Maxay reer Qasa u diidan yihiin inay ka baxaan dhulkooda oo ay dagaalka ugula jiraan Yahuudda?

2- Jawaabta kaliya ee soo baxaysaa waa in dhulka Muslinku uu yahay lama taabtaan, sidaa awgeed ayay culimadu isku waafaqeen in dhulka ay gaaladu ka dhacday Muslimiinta la soo ceshado sida Falastiin.

3- Qarniyo ayay Itoobiya ku taamaysay inay qayb ka hesho badda cas, waxay ahayd Istiraatajiyad aan marna ka bixin garaadka madaxda Itoobiya ee Nasaarada ah. Waa riyadii Mililik, Xayle Salaase,  Mangeste iyo Males. Maantana Aby ayaa  qorsheeyay inuu xaqiijiyo riyadaa, Xayle salaase ayaa laga hayaa inuu yidhi " Haddaan anigu heli waayo caruurtayda ayaa heli doonta".

4- Aby wuxuu hore u sheegay una caddeeyay in Itoobiya bad ku heli doonto si militari ama si diblomaasi ah. Aynu ogaano in diblomaasiyadda ay Itoobiya ku qaadanayso baddeenu tahay diblomaasiyad hubaysan oo xoog sheegasho ah. Damaca Itoobiya waa bad ay qaataan oo ay yeesheen, aragti Istiraatiiji ah oo fogna way ka leeyihiin  arrinkan.

5- Itoobiya waa Israa'iilta Geeska Afrika, waxa intaa u raaca maanta inay tahay awood goboleed "regional  power" xoog leh,  markay ku fashilanto siyaasadda iyo dimlomaasiyadda kama waabato  inay danaheeda qowmiyadeed ku xaqiijiso awood militari. Taana waxa kaaga daliil ah dagaaladay ka  gashay mandaqadda, waxa kale oo kuu caddaynaya in Aby aanu afka ka dhowrin oo uu yidhi haddii ay Itoobiya bad ku heli waydo wada-hadal siyaasi ah waxay ku dooni doontaa qaab militari.

6- Itoobiya oo badda cas ka hesha saldhig miltari waxay ina galinaysaa gumaysi dadban, waxa kale oo ay keenaysaa halis soo food saarta qayb wayn oo ka mid ah Dunida Islaamka khaasatan Maka iyo Madiina, waxa kale oo ay  keenaysaa in Israa'iil kaga duusho dhulal Muslim ah, mana qarsoona xidhiidhka qotoda dheer ee ka dhaxeeya Itoobiyada Nasaarada ah iyo Israa'iilta Zahyuuniga ah.

7- Waa xaaraan maqdac ah in dhul Islaameed la siiyo dowlad gaalo ah sida Itoobiya.

8- Kirayntu iyana mid meesha taala maaha, waa maxay caqliga odhanaya bad ama dhul Islaameed saldhig miltari ha laga siiyo dowlad gaalo ah,  oo taariikh ahaan horor ku ahayd Muslimiinta Geeska Afrika? Sidoo  kale ma qarsadaan mufakiriinta, aqoonyahanka, siyaasiyiinta iyo madaxda Itoobiya inay taatiikh ahaan u leeyihiin qaybo ka mid ah dhulkeena!

9- Qodobka lixaad wuxuu i xasuusiyay in waqtigii xarakada Daalibaan iyo dowladda Maraykanka ay wadahadaladu uga socdeen magaalada Dooxa ee dalka Qatar. Ayay Ameerikaanku gabagabdii  shirarkaa waydiisteen Daalibaan in dhowr sano ay ku sii lahaadaan saldhig militari Afqaanistaan dhexdeeda ka dibna ay  baxaan Afqaanistaan.

Daalibaan arinkaas way diiday, waxa se cajjib ahayd jawaabta ay siiyeen Ameerikaanka oo ahayd  aanu idin siinee idinkuna saldhig militari naga siiya Ameerika !

10- Hadday Itoobiya gacanta ku dhigto baddeena , kuma talo jirto  inay ka bixi doonto, balse waxay ka leedahay istiraatajiyad  dheer oo halis ku noqon doonta caruurteena iyo facyaalka soo socda, waxayna ku dambayn doontaa  halkay mareen Howd iyo Reserve Area!

11-  Waxa igu soo xaadiray anigoo maqlaya ictiraaf  iyo in saami laga helo Sharkadda diyaaradaha ee Itoobiya ayaa lagu beddeshay badda,  mowqifkii sharafta iyo karaamada huwanaa ee Suldaan Cabdixamiidkii Labaad ka is taagay dhulka Falastiin ee hoyga u ah magaalada al-Qudus iyo Masjid al-Aqsaa. Waxay ahayd  markii madaxii  Xarakada Caalamiga ee Zahyuuniyadda ee Hertzel ka dalbay Suldaanka inuu ogalaado in Yahuudda dunida ku kala filiqsan dhul ka siiyo Falastiin. Waqtigaasi Cusmaaniyiintu aad ayay u tamar darnaayeen ilaa xad Galbeedku ku magacaabeen (The Sick Man of Europe) oo ah Ninkii Bukay ee Yurub. Sidoo kale Khilaafada  daciiftay waxa dusha ka saarnayd dayn badan oo ay ku lahaayeen dowladaha reer Yurub.